SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Barnaamijkii Radio Xoriyo
15 Jenuary 2008.

Qarax wayn oo ka dhacay magaalada Jigjiga

Eritereya: Itoobiya oo diyaargarow ku jirta.

Kenya oo diiday dhexdhexaadiyayaal caalami ah

Ciidamada Komandooska ONLF oo hawlgal ka fuliyey Dhagaxmadow.

Hawenka xafadaha Jigjiga oo ay sarakiisha Tigregu Shir degdeg ah u qabteen.

Darabgoynta dabaqoodhiga iyo u dulqaadashada Shacabka(Maqaal)

======================


Qarax wayn oo ka dhacay magaalada Jigjiga

Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in qarax wayni uu magaalada ka dhacay habaynimadii axddu soo galaysay. Qaraxan ayaa la sheegayaa in lala beegsaday guri degganaa sargaal u dhashay qowmiyada Tigreega.

Sida warku sheegayo qaraxaasi wuxuu baabi'yey dhismihii gurigaas, waxaana goobtii ku naf-waayay labo qof oo mid haweenay ahayd iyo carruur uu dhalay ninka sargaalka ah. Waxaa sidoo kale dhaawac halis ahi soo gaadhay sargaalkaas Tigreega ah iyo xaaskiisii.

Markii uu qaraxani dhacay ayaa magaalada lagu soo daadiyay ciidammo gumaysigu leeyahay oo aad u badan, kuwaasoo baadhis ballaadhan ku sameeyay dadkii magaalada degganaa. Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu damiyeen korontadii magaalada.

Ninka ugu sarreeya saraakiisha Tigreega ah ee ku amar ku-taagleeya dalka Ogaadeenya ayaa aroornimadii axadda ahayd si qasab ah u shiriyay dadwaynaha deggan xaafadda uu qaraxu ka dhacay, wuxuuna dadwaynaha ugu hanjabay inuu tallaabo adag ka qaadayo haddii ay soo sheegi waayaan cidda soo martida ama booqasho ugu timaada.

Qaraxan ayaa ah midkii seddexaad ee muddo gaaban gudeheed loo gaysto saraakiisha Tigreega ah iyo sirdoonkooda ku sugan magaaalada Jigjiga. Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay inay qaraxan ka denbaysay.

Eritereya: Itoobiya oo diyaargarow ku jirta.

Shan askari oo ka soo goostay Itoobiya oo dhawaan soo gaadhay dalka Eritereya ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Itoobiya ay diyaargarow ballaadhan ku jirta, isla markaana ay ciidammo la soo xasuuqay ka soo buuxisay xadka ay la wadaagto dalak Eritereya.

Askartan, oo naftooda la soo cararay, ayaa sheegay in Itoobiya ay ku hawllan tahay tababarka ciidammo cusub oo intooda badan la soo xasuuqay, isla markaana ay ku dhaqmayso siyaasad colaad ku dhisan. Askartani waxay kaloo intaas ku dareen in askarta cusub lagu soo ururiyay furinta hore, isla markaana askartii hore lagu maray inay toogtaan qof kasta oo askarta cusub ka mid ah oo isku daya inuu baxsado ama dagaalka ka soo cararo.


Mid ka mid ah askartan soo goosatay oo lagu magacaabo Cabdi C/llaahi Maxamed ayaa sheegay inuu ka mid ahaa waxa loogu yeedho booliska Ogaadeenya, hase yeeshee loo soo taxaabay furinta. Ninkan ayaa warbaahinta u sheegay inuu goobjoog u ahaa falal naxariis darro ah oo askarta Itoobiya ay u gaysteen dadwayne rayad ah oo reer Ogaadeenya ah. Falalkan waxaa ka mid ahaa buu yidhi kufsi, carruur jidhdil lagu sameeyay iyo dil naxariis darro ah oo loo gaystay haweenay uur leh. Wuxuu kaloo tilmaamay in 13 xubnood oo qoyskiisa ka tirsanaa lagu laayay gobolka Doollo.

Nin askartan ka mid ah oo lagu magacaabo Cali Wahil Tola ayaa isaguna sheegay in askarta taliska TPLF uu si wayn uga shakisan yahay askarta ka soo jeedda qowmiyada Oromada, sidaas darteed ay dhaqdhaqaaqooda si joogto ah ula socdaan.

Kenya oo diiday dhexdhexaadiyayaal caalami ah

Dowlada Kenya ayaa ku gacan saydhay in dhexdhexaadiyayaal caalami ahi ay gacan ka gaystaan xal u-helista dhibaatada ka dhalatay doorashadii la isku khilaafay. Wasiir ka tirsan xukuumadda Kenya ayaa sheegay inaan loo baahnayn in xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan uu booqashu ku tego dalka Kenya maalinta talaadada ah, si uu mar kale u dhexdhexaadiyo dowlada iyo mucaaradka.

Waxaa toddobaadkii hore lagu guul darraystay dadaal uu horkacayay madaxwaynaha Ghana John Kufuor oo lagu baadi goobayay is-afgarad dhex-yimaada madaxwayne Kibaki iyo hoggaamiyaha mucaaradka Odinga.

Ilaa iyo 700 oo qof ayaa ku dhintay xiisadihii ka dhashay khilaafka doorashada. Waxaa kaloo guryohoodii ka qaxay ilaa iyo 250,000 oo qof.

Waxaa xiisadahan awgood hal toddobaad dib loogu dhigay furitaankii dugsiyada dalka Kenya oo qorshuhu ahaa in dib loo furo isniintii, ka dib markii laga soo noqday fasixii sannadka cusub.

Xaaladda dalka Dalka Kenya ayaa aad u kacsan, iyadoo ay ugu wacan tahay mucaaradka oo bannaanbaxyo seddex maalmood ah billaabi doona barri arbacada, iyadoo al filayo in booliskuna uu gacan bir ah kala hortagi doono bannaanbaxyadan.


Ciidamada Komandooska ONLF oo hawlgal ka fuliyey Dhagaxmadow.


Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhagaxmadow ayaa sheegaya in habeen hore ay Ciidamada Komandooska ee ONLF hawgal qorsheysan ka filiyeen magaaladaas.

Hawlgalkaas ayey Ciidamada ONLF ku dileen sargaalkii ugu sareeyey Ciidmaada Tigeerga iyo ku xigeenkiisii. Waxaa sidoo kale goobtaas lagu diley labo ka mid ah ilaaladooda.

Dhanka kale dagaal u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada ayaa waxa uu ka dhacey Magaalada Diri dawa. Dagaalkan oo bilowdey markay saacada Diri Dhaba ahayd12:00 duhurnimo ayaa yara qaboobey, qiyaastii 1:30 duhurnimi, kadib markii ay Ciidamada Milatariga Itoobiya soo kala dhex galeen, inkasta oo xabadu si goos goos ah u dhaceyso.

Dagaalkan ayaa waxa uu salka ku hayaa lahaanshaha Magaalada Diri dhaba iyo cidii kasoo bixi lahayd doorashooyinka soo socda. Dhawaac aad utiro badan oo labada dhinac soo kala garey ayaa jira, balse ilaa hada ma hayno tiro sugan.

Haweenka xaafadaha Jigjiga oo ay saraakiisha Tigreegu Shir degdeg ah u qabteen.

Magaalada Jigjiga oo ka kooban 8 xaafadood ayaa shalay waxay saraakiisha Tigeegu shir deg-deg ah ugu yeereen dumarka degen Xafaadaha Magaalada.

Shirkan oo ka dhacey xarunta Maamulka iyo Maareynta ayaa waxaa hogaaminayo ninka lagu magacaabo Wolda Adwa oo ah ninka Gumeysiga Itoobiya u soo dirsadeen Ogadeniya. Mr. Wolde Adwa isaga oo ku hadlaya luuqada Axmaariga ayuu hadalkiisii ku bilaabey "Nimanka suuqa Jigjiga ku dhex dhafoorinaaya shacka bka Tigreega ah waxaa garabsiinaaya Dumarka xaafadahooda kireeya"

Mr. Wolde waxa uu hanjabaad ku bixiyey in talaabo laga qaadi doono qofkii aanan hubsan cida uu ka kireynayo gurigiisa.

Magaalada Jigjiga ayaa waxay sirdoonka Itoobiya ku sii dhexdaayeen dhalinyaro gaareysa qiyaastii 350, kuwaas oo loogu talagalay in ay soo jaajuusaan cida ay ku tuhmaan Ururuka ONLF. Dhalinyaradan ayaan haba yaraatee wax mushaar ah loo qorin, waxaana lagu qanciyey in ay ka mid yihiin xisbiga talada Maamulka haya, waxaana loo sheegay in ay mustaqbalka ka mid noqon doonaan gudiga fulinta.

Sida warku sheegayo dhalinyaradan ayaanan u hawlgelin sidii ay sirdoonka Itoobiya filayeen, waxayna intooda badan door bideen in ay danahooda raacdaaan, kadib markii ay fahmeen ujeedada ka dambeysa shaqada loo direy oo ah cidhintirka dadka dadkooda.

Dhinaca kale, xafiiska Maaliyada ee Maamulka Dabaqoodhiga ayaa maanta oo Sabti ah mushaarkii ka joojiyey 950 qof oo ka shaqeeya Gobolka Jigjiga, kuwaas oo looga baqayo in ay ku biiraan xoogaga ONLF, ayaa maanta khal-khal badan gelisay intii ka soo horjeeday ONLF


Radio Xoriyo
15 Jenuary 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com