SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Maxay Hadda Boggagga Puntland la Qeylin 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Bog internetka ah oo Puntland laga leeyahay baa tagitaankii Axmed Maxamed Qeybe ee Buuhoole ku sheegay khiyaano iyo calooshii-u-shaqeystanimo halka Gabre iyo Tigreega intaas shacabka Xamar ku xasuuqaya ay ugu yeeraan walaalo! Sideedaba saxaafadda ama qoraagu waa inuu dadka dantooda tusaa ee ma aha in wixii maskaxdiisa ku soo dhaca ama uu janto ama danta qabiilkiisaa uu eegaa. 

Boggaggaas qaarkood waa kuwo aan u isticmaali jiray inaan ku qoro qoraalo aan uga digayey reer Puntland ineysan godkaas ku dhicin, waddankana u horseedin halaag iyo haantooley. Waxaan filayaa in gacan-ku-heyntii boggaggaas is bedeshay. Waxaan xasuustaa boggaggaas qaarkood oo la ii siiyey fasax aan anigu ku soo dhejin karayey waxaan qorayo (Waxaa la i siiyey nambarrada lagu galo boggaas). Waa markeysan qoraalladeyda dhib u arkeyn. Marka hadda dantii Tigreega iyo toodii baa isku mid noqotay marka qof anoo kale ah meel ugama bannaana. 

Ninka Qeybe oo Buuhoodle ka soo jeeda ku heysta muxuu halkaas u tagay waxaan xasuusinayaa murti laga hayo imaam C/hi Binu Mubaarak (RC) oo arkey nin xamanaya nin kaloo muslim ahaa. Imaam C/hi wuxuu ahaa mujaahid marka ninkii buu ku yiri: weligaa Ruum mala jihaadday? Markaasaa ninkii yiri maya? Sheekhii wuxuu yiri: Furusna? Haddana ninkii wuxuu yiri maya? Markaas oo diintii ku faafeysay Afganistaan iyo Hindiya ayaa sheekhii yiri Hindina? Markaasaa haddana ninkii yiri maya? Sheekii wuxuu yiri waxaa kaa magangalay Ruum, Furus iyo Hindi; walaalkaa muslim ahna kaama nabadgelin! Marka ninka Gabra oo Xamar heysta aan arag. Maxamed-dheere iyo Cabdi Qeybdiidna ku soo dhoweynayey Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso inuu maanta yiraahdo Qeybaa Buuhoodle tagay waa doqonnimo. 

Imisa waxgaradka Soomaaliyeed ka hadleen arrintaas? Imisa maqaal oo ka hadlaya arrimahaas baan sannado ka hor ku soo dhejiyey boggaggiinna? Ka warran kuwii ay ka mid ka ahaayeen: 

  1. Taada ma yeele, tiisa kuma meel mare; tuu falo kuma gefto.
  2. Bil seddex

Boggaggiinnu waxaad dadka u sheegi jirteen in nimankaasi barwaaqo soo wadaan halka dadka ila midka ah iyo anigu aan dhihi jirnay nimankaas oo kale waxaan belaayo ahayn ma keenaan. Su’aashu waxay tahay Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland ma barwaaqey ku jiraan mise belaayo? Soow maanta maatadii Garoowe iyo Gaalkacyo joogtay kuma heysaan kaalaya aan Garoowe difaac ka galnee? Haddii Tigree iyo annagu aan Bakaaraha qabsannay maxaa diidaya in Tigree iyo Riyaale Buuhoodle qabsadaan? Mise waxaad u qabtaa in Tigreegu kala jecelyahay Riyaale iyo annaga? 

Inkastoona saxafi ahayn haddana haddeydaan aqoon sida su’aalaha loo weydiiyo madaxdiina waxaa fiican inaad su’aalahan oo kale weydiisaan Cadde iyo Af-qurac. 

  1. Jaale madaxweyne markii Sheekh Cagaweyne uu rabay inuu yimaado Baraxley oo uu ku dhashay waxaad u yeeratay cutubyo ka tirsan ciidanka Tigreega si ay “tababar” u siiyaan ciidanka Puntland. Marka hadda oo Somaliland soo weerartay Laascaano miyaan ciidanka daraawiishta Puntland u baahneyn in la tabobaro? Mise Laascaano muhiim ma aha sidii Gaalkacyo? Mise ciddii diin laga urinayo markaad wajaheysaan baad u baahantihiin in ciidan la idiin tabobaro?
  1. Jaale madaxweyne markaad odayaasha Puntland la shireyso waxaad gashan tahay tuute. Sida la yaqaan, tuutaha waxaa lagu gashadaa furinta ama xeryaha ciidamada marka goormaad booqaneysaa Laascaano?
  1. Jaale madaxweyne markaan la dagaalnay qabiilka Xamar degen waxaa na caawiyey Tigree iyagoon markaas dhul naga heysan; hadda oo reer Waqooyigu dhul naga qabsadeen maxaa Tigreegu noo taageeri la’yahay?
  1. Su’aashaan waxaa mar horaba sheegay madaxda Somaliland. Jaale madaxweyne markii ciidanka Puntland laga adkaado maxaad uga hadashaan waxaan meesha oolin sida argagixiso iyo As-Shabaab?

Marka wax-iskuma-falayaal yahow meesha saxaafad kuma heysaan. Keliya waxaad la mid tihiin saxiifaddii Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka. Waa ii xaqdarro inaan is barbardhigo Ogaal iyo waxay hadda meesha ku hayaan. Waxaad tihiin cawaan u shaqeysa Tigreega iyo dabo-dhilifyadiisa. Marka qiimihii dhulkiinna iyo qarranimadii Soomaaliyeed idinka iyo waxaad u shaqeysaan baa god geliyey. Marka waxaan sugnaa waa adinkoo shacabka masaakiinta ah ku waala cinwaanno ah: 

  1. Tol la’ayeey aan Garoowe difaacanno.
  2. Maxay qabiilooyinka Soomaaliyeed naga rabaan?

Kolley anigu waxaan dareemayaa inaan dadkeygii uga digay qaran-jabkaas iyo cadow-soo-gelintaas halka aad idinku dhihi jirtaan C/hi iyo Cadde barwaaqey na gaarsiinayaan. Barwaaqadii ma heysaan? Idinkoo waxaas sameeyey haddii aad nagu dirtaan qabiilka dadka noo xiga idinkoo heysta Qeybe. Soow ma ogidin in dadku wada qabiil yahay? Haddaadan adigu dhib u arag saaxiibtinimada u dhaxeysa Zenawi, C/hi iyo Cadde waxaa dhici karta sidoo kale in qaarkood aysan dhib u arag saaxiibtinimada u dhaxeysa Riyaale, Qeybe iyo Xaabsade. Si aydaan dadka u tusin inaan Soomaalidiid ahay waxaan caddeynayaa inaanan raalli ka ahayn kala goynta Soomaaliya sidoo kalana raalli kama ahi in cadowgeennii koowaad maanta Xamar heysto. Marka C/hi, Cadde iyo wixii raacsan waxaan ku leeyahay meerisyo gabay ah oonan hubin ciddii tirisay iyo sidaan u leeyahay midna: 

  • Cabdullaahiyo nabaddu waa caano kuu rarane
  • cunto malab ah la iskagama daro car iyo waabaaye
  • cudur lama yaboohsado adoo caafimaad qaba e

Soow reer Barigu ma dhaho: 

adoo nabad u balawaaha belooy kaalay lama dhaho. Hadday kuu timaaddana lama booyo boowoow? Xisaabta ku dara in qorshaha Zenawi ahaa inuu Xamar qabsado sidoo kalana uu kala gooyo Soomaaliya. Haddaad fahmiweyday taas waa tii Zenawi ka difaacay Gaalkacyo halka uusan Laascaano ka difaacin Riyaale. Marka Zenawi waa diin iyo qaran la dagaale. Marka aan adkeysanno.

C/waaxid Khaliif

Magaca Puntland iyo Madaxdiisaba hala isla Tuuro - Yaa sheegi kara micnaha magaca Punt?

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com