Maxaa sal u ah dhibka hasta Dowlad Gobaleedka Puntland maxaase xal ah?
Arar:
Waxaan kalmaysanayaa magaca ALLE, mahad idilkeedna Alle ayey u sugnaatey,
Nabigeenii suubanaa Muxamed(SCW) nabadgalyo iyo naxariisi hagaarto. Intaa kadib
maqaalkani wuu ka madax banana yahay dhaleecayn shaqsi, ama koox, wuxuuna ku
salaysan yahay, aragtidaydda gaaban, iyo jacayl, wanaag la rabo dhamaan
bulshadda Soomaaliyeed Gaar ahaana kuwa ku nool deegaanka Puntland.
Waxaa dhaba in Puntland maanta ay marayso marxalad adag , taasoo qofkasta oo
kan danqanaya ay waajib tahay inuu ugu yaraan fikirkiisa cabiro, qiyaasana halka
uu dhibku ka yimid iyo maxaa xal u ah. Waxaan arkaa in aqoonyahanka reer
Puntland ka gaabiyey inay talo wax ku ool ah umadda usoo gudbiyaan,ilayn aqoon
baa dhib looga badbaadaaye, waxaa kaloo ii muuqda in maamulka Dowlad Goboleedka
Puntlad (DGP) uu jiho khaldan hayo,“Cudurka kaagala fardaha hadii laga gubo
dameer dawada lama gaarayo(Khadro Daahir Cige)”. Waa dhaba dhismaha ciidamadda
oo jirtaan dowladnimo sal u ah, uu xataa dastuka(DGP) ka dhigay in lagu xuso oo
qora meel danbe, marka qoraalkiisa la fiirsho, isagoon isla markaana siin
muhiimadda ciidanka amniga leeyahay.
Hadii aan hadaba dib u milicsano dhimaha dowlad gobaleedka Puntland oo ku
yimid sida kuwa dowladaha kale ee dunida soo maray badankoodaba ay ku dhismeen,
wadatashi ay ku yeesheen magaalada Garoowe isimada, siyaasiyiinta, iyo qaybaha
kala duwan ee bulshada ku nool goboladda Bari, Karkaar, Nugal, Mudug ,Sool,
Ayn,iyo Sanaag ayaa waxaa la go'aansaday in la dhiso maamul dowlad goboleed.
Dawlad waa nidaam xukun bulsho oo ku yimid awood siyaasad oo ay ku midoobeen.
Xukuumaddu waxay leedahay awood sharaci oo siinaysa inay tahay tan kaliya ee
isticmaali karta awood xoog hadii meel looga dhaco nidaamka, iyo shuruucda ay
bulshaddu ku dhaqanto. Waxaana lagama maarmaan ah in dawladdu bulshadda u hagto
siday nabad ugu noolaan lahaayeen, una hiigsan la haayeen horumar.
Qaranka oo markasta ku lamaan dawladda, waxaa lagu qeexaa inu yahay, mujtamac
ku nool meel xad juqraafi ahaan la yaqaan lehna nidaam siyaasadeed, waxayna
makasta aysan ka madax banaaneyn inay leedahay nidaam dawli ah oo xuma dadkaas,
qaran ahaana inta badan waxay ku xiran tahay aqoonsiga ay u hayaan aramada kale
si ay u hesho madax banaanidda xuduudadeeda gudaha iyo dibadaba.
Sannadkii1998 Shirkii beelaha waxaa ka soo baxay, dhismo Dowlad Goboleedka
Puntland(DGP). Waxaana laysku waafaqay inay yeelato sadexda awoodood oo kala ah,
Golaha Wakiilada (Xildhibaan ), Garsoorka, iyo Golaha Xukuumadda. Taa micneheedu
waa inay u dhan tahay sadexda unug ee dawladdaha aduunka ama dawladd gobaleedadu
intooda badani ka koobanyihiin oo kala ah: Qaybta sharci dajinta, Qaybta fulinta
iyo Garsoorka. Hadaba maxaa ka khaldan oo ay Dowlad Gobaleedka Puntland oo ay
sidii la rabay ugu shaqayn la’ dahay?
Fahanka waxa dowladi tahay kan ugu wanaagsani waa in la gartaa, in dawlad
sharafkeeda iyo waxqabadkeeda waxa sare u qaada oo muhimka ahi ay yihiin kooxda
hadba hogaanka u haysa iyo heerka garaadka aqooneed ee bulshadda la hogaaminayo.
Max weber waxa uu ku qeexay dawladu inay tahay nidaam kaligii xaq u leh inuu
xoog u adeegsan karo dhul la qeexay , xoogaas oo ahaan kara mid ciidamadda
qalabka sida, booliiska, madax-da dowladda, iyo maxkamadaha.
Dadka dunida kunool badankoodu waxa uu hoos nool yahay nidaam dawladeed,
lakiin side dowladahaasi ku bilowdeen? Aristotale waxa uu muu jiyay isu ekaansho
badan oo ka dhexeeya bulshooyinka dadka, iyo xawayaanka kale bulsho kunoolka ah
sida shindda iyo quraanjadda. Aritotle aragtiduusu waxay qayxaysay dadku uu
bulsho ku nool yahy, uuna u nugul yahay aqbalaada xeerarka iyo kala dambaynta,
iyo daba istaaga hogaamiye taana waxaa ku raacay Charlis Darwin. Dhaqanka qofka
iyo baahidiisa ayaana sababay bulshooyinkii ugu horeeyer, iyo dowladihii ugu
horeeyey.
Si kastaba ha ahaatee samaysanka dowladihii u horeeyay waxaa u sabab ahaa
raacitaanka sharci diimeed. Sir Thomas Moore waxa uu yiri “ xaqiiqo ka wayni ma
jirto, in diinyu sal u ahayd dawladihii ugu horeeyey; iyadooxukunka diintu uu
samayn jiray awood hogaameed, sharci hufan, oo leh naxariistiisa iyo
ganaaxyadiisa….” Xaqiiqadiina , dawladihii ugu horeeyey waxaa aasaas u ahaa
dhaqan diimeed. Tusaale ahaana dowladii ugu horysay oo sharci qoran leh oo la og
yahay leh waxay ahayd Babylonian Boqorkii reer Hammurabi (1795-1750 B.C),
waxaana qoraalkooda ku cadaa qiimaha diinta bulshadda reer Babylonian ay ku
lahayd agtooda.
Waxaa cad in rabitaan bulsho iyo baahi jirtay ay ku abuurantay Dowlad
Gobealeedka Puntland, waxaase muuqatay inay soo ifbexeen khaladaadkani:
1. Habka kuraasta Golaha Wakiilada (Xildhibaan ) loo qaybsaday, iyadoo beelaha
qaarkood ay golaha sharci dejinta ay ka maqan yihiin ama aysan ugu jirin tiro
codkoodu uu u dhigmo saamaynta ay ku lee yihiin bulshadda. Taasi waxay keenaysaa
in beelo badani aysan u arag in goluhu matalo, ama ay dareensan yihiin in ay ku
dulmisan yihiin qaybtaas; taasi waxay saamayn wayn ku leedahay dhismaha Golaha
Xukuumaddu, maamulka ilaa heer gobol amaba ilaa heer degmo. Waxaa jira kalsooni
daro wayn oo bulshadda dhexdeeda ah, markay noqoto qaybsiga jagooyinka dawladda.
2. Dadka Golaha Wakiilada (Xildhibaan ) ay beeluhu u soo direen inay u
matalaan oo aysan ku soo xulin aqoon, garaad, tasoo keentay in Goluha sharci
dajinta Puntland uu noqdo mid aan hawshiisa fushan karin, tayadiisa aqoomeed iyo
taladiisa oo liidata awgeed, iyadoy waliba u dheertahay tuhunka ah in aan talo
wadaag lagu ahayn marka loo eego bulshadda dhexdeeda.
3. Bulshadda reer Puntland, gaar ahaan guurtidda ama ismada beelaha oo aan
Dowladda Gobaleedka Puntland ku taageerin, inay ahaato tan kaliya ee ugu xooga
badan deegaanka, waayo si dawladi u dhisnaato waa inay leedahay xukuumaddu awood
sharaci oo siinaysa inay tahay tan kaliya ee isticmaali karta awood xoog hadii
meel looga dhaco nidaamka, amniga iyo shuruucda ay bulshaddu ku dhaqanto. Beel
waliba waxay ku talo gashay inay iyadu dulmiga iska daafacdo, taasina waa
dawladda oo si cad looga aamin baxay.
4. Dowlad kasta raga garwadeenka u ah ayaa qiimaheeda gooya, waxaa xaqiiqo ah
inay raga hadda soo maray maamulka Puntland, inaysan siin mudnaantii ay lahayd
awooda Ciidanka dawladda, ha ahaato tiradooda, qalabkooda, tababarkooda
akhlaaqeed, tababarkooda ciidan iyo taakulayntoodaba. “Dowlad shacabkeedu ciidan
ahaan ka adeg yahay waa dawlad noocee ah?”
5. Dadka maamulka sare, maamulka Goboladda iyo kan deegaamadda oo aan aqoon,
dhaqan wanaag iyo ka fakar danta dadwayhu uu ku yar yahay. Taasina waxay keen
tay in aan bulshaddu haba yaraatee wax horumar la taaban karo ku talaabsan.
“qofna waxa uusan hayn kuma siin karo”.
6. Awood yarida ciidanka dowladda, iyo aqoonyarida hawl-wadeendu waxay
sababtay in golihii sadexaad, Golaha Garsoorku uu daaqada ka baxay, dowladdu uma
baahna, G. Wakiiladdana haba sheenin, yaa cadaalad u baahanba, ariku marka waa
‘ninkii xog leh baa xaq leh’
7. Aqoonyankii reer Puntland oo ka gaabsaday, inay faragalin ku yeeshaan
masiirka Puntland, ha ahaato ka qaybgalka maaamulka,ama inay talo ku yeeshaaba.
Maxaa xal ah?
Noocyadda dowladaha dunida ka jira ama soo maray waxay noqon karaan:
Boqortooyo-Kalitalis-(Oligarchy) koox isku dana- Dowlad Diineed -Dimoqraadi-ama
Dowlad la’aan(Anarchy),lakiin mid kasta oo ka mid ahiba waxay u shaqysaa oo ku
hirta bulshadda ay malintaa xukumayso.
Waxaa la yiri “ Alifkii bilowga ka xumaadaa Albaqruu ku dhibaa” hadaan Golaha
Sharci dajinta la sixin, waxa kaloo idili waa adag tahay siday u saxmaan. Reer
Puntland guud ahaan, isimadoodu, siyaasiyiintoodu, iyo qaybaha kala duwan ee
bulshadu waxay doorteen inay Dowlad Gobaleed samaystaan, hadaba waxaa muhiim ah
in dib lo eego arimahaan:
· In qaybisiga kuraasta iyo jagooyinka dawladda caddaalad lagu saleeyo, si loo
helo talo midaysan. taasi waxay suragal ku noqotana waa in la da dejiyaa in laga
guuro qaabkii hore ee lagu unkay maamulka DGP, iyadoo si degdeg ah loo
diyaarinayo nidaam xisbiyo badan ku dhisan aqoon iyo maxaad ummadda u qaban
kartaa?, kana madax bannan qaab beeleedyada hadda lagu dhisay maamulka DGP.
· Waxaa muhim ah, in aqoonyahanka aragtidda dheer ee reer Puntland oo hadda
ka seexdey,una daayey qabqablayaasha, waxtarka bulshadoodda iyo tolkood uu usoo
jeesto inuu ka qayb galaan dhismaha iyo maamulka Puntland, ayna waajibaadkooda
gutaan, waayo hadii ismadda iyo bulshadda raydka ahi u dago nuglaadeen qabqable
danaste ah, oo magaca beelaha ku qaraabta, ma jirto wax diidya inay beesha
matalaan aqoonyahnkoodu, waase hadii aqoonyahanku u soo istaago danta guud, oo
hadda ay inta badan baylahsadeen rag aan wanaag u horseedi karin bulshadda,
marka la fiiriyo aqoontooda iyo dhaqankooda. U soo istaagidda aqoonyahanka
waxqabadka bulshadda waxa ugu yar, inuu saxo oo sida wanaagsan tuso qabqablaha
reer ahaan ugu dhow, waxaa la arkaa in umadduna ku badbaado, qabqabluhu wax uun
ka kororsado e’. Waxaa lagama maarmaan ah in raga ay beluhu soo hor marinayaana
lagu xusho aqoon diini ah iyo mid maadi ah, oo ay noqdaan dad sharf leh oo ka
fog waxyaalaha xun-xun sida beenta, khiyaanada, qaadka, muqaadaraadka,iyo
gogoldhaafka …iwm.
Taasi waxay keenaysaa ‘weel waliba waxa ku jira ayuu duxaaye’ helitaan gole
aqoon leh oo shaqadooda ka adag kuna dhaqma caddaalad iyo ammaano gudasho, kana
fakara gargaarka inta itaalka yar, una naxariista bulshadda, kana shqeeya
adkeynta xiriirka bulshadda, horumarkooda iyo nabadda.
· Waxaa muhim ah in dawladu ay samayso barnaamij wacyi galina si ay bulshadda u
fahansiiso waa maxay dawladi?, Oo ah in dowladaha dhamaantood ay sameeyeen
umad(rag iyo haween) isku waafaqay nidaam difaaca. Nooc kasta oo suura gala oo
ah xeerar, sharciyo, qodobyo, xeerbeebto, dastuuro, balamo, qoraalo kala
duwanioo umadi degsatay waxay sameeyeen kumanaan dawladood oo ku kala duwan
waqtiga ay jireen iyo habka ay u dhaqmayeen. Lakiin dowalad kasta waxay ka duwa
kuwa kale oo ay ku magacaaban tahay kooxda maalintaa hogaanka u haysa.
Hadaba si loo hel nidaam dawladi ah waa in:
· Ismaddu run sheegaan rabitaanka dowladnimo, oo ay beeluhu hubka iyo raga ay
beel beel ahaan isugu difaacayaan, u dhiibaan dowladdda, si dowladdu u ahaato
mid gudan karta masu’uuliyadda difaaca xuquuqda shaqsi kasta oo ku hoos nool
xuduudkeeda.
· Dawladdu waa inay kasbataa shacbiyad bulshadda dhexdeeda, ayna samaysaa
barnaamij wacyi galin ah, si ay sura gal ugu noqoto in beeluhu isku aaminaan, si
dhabahna u soo hoos galaan qawaaniinta dowliga ah.
· Dawladdu si waajibaadkeeda koowaad, oo ah difaacidda amaanka iyo xuquuqdda
dadka ku hoos nool, ay suuragal ugu noqoto, waa inay awoodeeda dhamaanteed isugu
gaysaa, samayn ciidan nidaamsan oo awood iyo aqoonba u leh, sugina kara ammanka
gudaha, iyo difaaca xuduudaha DGP. Horumarka bulsho wuxuu dugsadaa amaanka iyo
daganaanshaha siyaasadeed oo ay ku nool yihiin, Waana hubaa in khayraadka DGP uu
ku filan yahay, inuu si fudud u suura galin karo dhismo ciidan gudan kara
wajibaadkooda kana madax bannaan beelo ama jifooyin, waase hadii muhiim loo arko
jiritaan DAWLADNIMO.
· Waxaa muhim ah, in aqoonyahanka qurbe jooga reer Puntland, inay sameeyaan
(Forum), koox ka shaqaysa inay sii saa daaliso waddada ku haboon maamulka iyo
guudaan bulshadda, siiyana maamula taageero aqoomeed.
Wa billahi Towfiiq.
Ing. Abdullahi Abdulkadir(Faatoxo) – UK
Faatoxo@hotmail.com
Tixraac:
· Dastuurka Puntland
· Government
http://en.wikipedia.org/wiki/Governmentrg/
·
Dawlad Mas’uul ah oo Dadka Matasha - By Ahmed Arwo http://www.somaliland.org
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2008