SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet July 15, 125
Daabaco Boggan | Print

Dagaal U Dhexeeya Ciidamada Milatariga Iyo Kan Booliska Dowlada KMG ah Oo Ka Soconaya Isgoyska Howl-wadaag Ee Muqdisho.

Dagaalo laysu adeegsanayo hubka daran dooriga u dhaca ayaa maanta ka qarxay isgoyska howl-wadaag ee magaalada caasimada ah ee muqdisho dagaalkan oo u dhexeeya ciidamada milatariga iyo kan booliska oo kawada tirsan dowlada KMG ah .

Dagaalkan u dhexeeya ciidamada milatariga iyo weliba kan booliska dowlada KMG ah ayaa la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ilaa iminka ka dhashay dagaalka oo soconaya aawadeed ,sababta lala xiriirinayona ay tahay sida ay sheegeen dad ka ag dhow saraakiisha kala hogaaminaya labada ciidan gacan ku hayanta ilaha dhaqaalaha ee baraha cayiman ee gaadiidka lacagta lagaga qaado .

Waxaa istaagay isu socodka gaadiidka u kala gooshi jiray suuqa weyn ee bakaaraha iyo deeganada loo barakacay ee degmada wadajir iyo dharkaynley oo ah deegaanada ugu badan ee loo barakacay taasoo xiliyadii ugu dambaysay ay gaadiidka dadweynuhu isticmaali jiray wadada weyn ee maka-almukarama taas oo maanta haba yaraatee xiran sababaha dagaalka ka jira awgeed .

Macada sababta dhabta ah ee ka dambaysa dagaalka u dhexeeya labada ciidan ee kawada tirsan dowlada KMG ah waloow la hadal hayo arimo badan oo qaarkood tibaaxayaan inuu dagaalka salka ku hayo arimo siyaasadeed ,halka wararka qaarkoodna sheegayaan inay ciidamadani isku hayaan faraku haynta baraha kantaroolada ee ilaha dhaqaalaha kasoo galaan ciidamada ee ay ka qaadaan gaadiidka isticmaala wadooyinkaasi .

Maaha markii ugu horaysay ee ay iska hor imaadhubaysani dhex maro ciidamada booliska iyo kuwa milatariga dowlada KMG ah todobaadkii hore dabayaaqadiisi ayay ahayd markii dagaal xoogani ku dhex maray labadan ciidan deegaanada sh/hoose gaar ahaan deegaan hoos taga degmada wanla-weyn halkaasoo ay ku geeriyoodeen in ka badan 5-askari oo labada dhinac ah .

Sh,Muqtaar Rooboow Abu-Mansuur Oo Iska Fogeeyey Dilkii Loo Gasytay Afahyeenka Ehlu-suna waljameeca ee magaalada Baydhabo.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa islaamka Ee Al-Shabaab Sh. Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa hadal uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu si weyn uga xunyahay dilkii loo geystay afhayeenkii Ah-lu suna wal-jameeca Sh. C/laahi Baalbaaloow ee dhowaan lagu diley magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay.
Sh. Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa sidoo kale xusay inuu tacsi u dirayo ehaladii iyo qaraabadii uu ka tegey islamrkaana gaashaanka u daruuray inaysan xoogaga Alshabaab wax lug ah kulahayn dilkii loo geystay Sh. C/laahi Baalbaaloow.

Dhinaca kale sh muqtaar abu mansuur ayaa carabka ku adkeeyey inay mujaahidiintoodu ay raacdaysanayaan oo keliya ciidamada ethiopianka iyo kuwa uu ku sheegay daba dhilifkooda balse ay nabadgelinayaan waxii nabadgeliya haba ahaadeen ayuu yiri ciidamada milatariga oo looga baahan yahay inay dalkooda iyadoo lahaysto aysan gaashaan u noqon cadowga soo jireenka ah oo uu ula jeeday ciidamada ethiopianka .
Afhayeenka oo ay saxaafadu wax ka waydiisey inay wax laga ku lahaayeen askarigii itoobiyaanka ee lagu dilay magaalada baydhabo, ayuu sheegay in kooxda al-shabaab ay ladagaalamaso ciidamada itoobiyaanka ayna beegsanayaan hadii ay fursad u helaan.

Hadalka Afhayeenka Xoogaga Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya xili ay Xaalada magaalada baydhabo ay kasii darayso labadii todobaad ee nasoo dhaafay taasoo ay ka jiraan qaraxyo iyo weliba dilal kala duwan oo loo gaystay afhayeenkii ahlu-suna waljameeca ee dhowaan lagu diley magaalada baydhabo iyo weliba askari ethiopian ah oo ka dulkaamaysanayey suuqa magaalada baydhabo .

Agaasime Idaacadeed Iyo Weriye Kale Oo Xabsiga Ku Jira Maalintii Labaad.

Waxaa maalintii labaad Ku xiran xabsiga madaxtooyada ee villa soomaaliya Agaasimihii idaacada somali-weyn iyo wariye kale oo ka tirsan isla idaacadaasi oo lagu magacaabo Al-Bashiir .

Idaacada somali-weyn oo kamid ah idaacadaha ka howl gala magaalada muqdisho ayaa maalinkii shalay waxaa iyaga howshoodii susuxfinimo ku guda jira xabsiga ay u taxaabeen ciidamada sirdoonka dowlada KMG ah agaasimaha idaacadaasi xudayfi iyo weriye ka tirsan idaacada oo lagu magacaabo al-bashiir .
Qaylo dhaan ku wajahan xireitaanka weriyayaashaasi oo aan la cadayn sababta dhabta ah ee loo xiray ayaa waxaa soo saaray qaar ka tirsan saxaafada madaxa banaan ee ka howlgala magaalada caasimada ah ee muqdisho islamrkaana ka codsaday dowlada KMG ah gaar ahaan ciidamada dharcada ah ee sirdoonka dowlada inay soo daayaan weriyayaashaasi .

Sidoo kale waxaa qaylo dhaantaasi bar bar socdey cabsho kasoo baxaysa waalidiinta dhalay weriyayaashaasi oo qaarkood ku nool yihiin isla magaalada muqdisho oo sheegay in dowlada KMG ah ay ka caodsanayaan inay wiilashooda usoo daayaan .

Aabe Maxamed C/qaadir Maxamed oo ah oday 75-jir ah oo dhalay Weriye Bashiir Maxamed C/qaadir "Al-bashiir" oo ka mid ah Weriyayaasha Idaacadda Somaliweyn ee iminka ku xiran xabsiga madaxtooyada ee villa soomaaliya ayaa si naxariis leh uga codsaday Dowladda FKMG ah inay u soo daayaan Wiilkiisa iyo Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn C/raxmaan Xudeyfi oo maalintii labaad xiran .

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalkii U Dhexeeyey Ciidamada Milatariga Iyo Booliska Ee Dowlada FKMG.
Waxaa soo Kordhaya xaalada dagaalka u dhexeeyey ciidamada milatariga iyo booliska ee kawada tirsan dowlada KMG ah oo ay ka qayb qaadanayaan gawaarida dagaalka ee nooca loo yaqaano cabdi bilaha taasoo keentay inay ka dhashaan khasaare nafeed oo isugu jira dadka rayidka ah iyo weliba labada dhinac ee ciidamada milatariga iyo booliska dowlada KMG ah .

Isgosyka howl-wadaag oo ahayd goobta uu dagaalku maanta ka qarxay ayaa waxaa gacan ku haynteeda la wareegay ciidamada milatariga ee dowlada KMG ah kadib markii ay kaga xoog roonaadeen islamrkaana ay halkasi kala wareegeen ciidamadii kale ee booliska dowlada KMG ahaa.

Khasaaraha ayaa ilaa iminka aan cadayn waloow ay wararka qaar sheegayaan inay ku geeriyoodeen inta la og yahay 3-qof oo rayid ah iyo weliba 4-ka tirsan labada dhinac ee ciidamada isku hayey dagaalkan ,xaalada deegaanadii ay ku dagaalamyeen labada dhinac ee ciidamada dowlada ayaa iminka degan kadib markii uu halkaasi ka dhacay dagaal saacado socdey oo ay ka qayb qaateen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay garab taagan yihiin gawaarida dagaalka iyadoo halkaasina ay iminka gacan ku haynteeda la wareegeen Ciidamada milatariga ee dowlada FKMG ah .

Ma cada sababta dhalisay dagaalkan u dhexeeye ciidamada kawada tirsan dowlada KMG ah waloow ay wararka qaar tibaaxayaan inay isku hayaan arimo salka ku haya gacan ku haynta baraha kantrool ee ilaha dhaqaalaha halka ay warar kalena sheegayaan inay jiraan arimo siyaasadeed oo salka ku haya guud ahaan maamulka gobolka banaadir .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 15, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.