SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CASMARA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Kulan muhiim ah oo ka dhacay magaalada asmara ee dalka Eritrea

  • Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo Casmara kula Kulmay Isbahaysiga Dib u Xoraynta Soomaaliya

Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya Waldu Abdalla
& ku xigeenkiisa mr Buruno ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada madaxda dalka Eritrea ee asmara si ay wada hadalo u layeesho madaxda isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliya taasoo ah markii ugu horeysay oo booqasho noocaasi oo kale ah uu ku yimaado Asmara tan & intii uu gumeysiga itoobiya gacanta u galay dalka soomaaliya.

Waldu abdalla wuxuu u sharxay madaxda isbahaysiga hindisiihii uu kasoo jeediyey kal hore golaha amaanka ee qaramada midoobay 17 /12/07 isaga oo halkaas ka cadeeyey in wada hadalo dib u heshiisiineed dib loo furaa.

Dhanka kale maxadii isbahasiga ee shirkaasi kaqayb gashay ayaa dhankooda waxaa ay halkaasi kasoo jeediyeen Intii ay shir kaasi kula jireen wakiilka u qaabilsan xogayaha qaramada midoobay soomaaliya Waldu Abdalla, qodabada soo socda

1 . ciidamada xabashiga ee gumeysiga ah sidii looga saari lahaa dalka soomaaliya.

2. dadka taabaalaysan ee ay barakiciyeen ciidamada xabashida & kuwa dabadhilifka u ah sidii gar gaaar bani'aadanimo oo dag dag ah loogu fidin lahaa.

3. danbiyada dagaal ee kadhacay soomaaliya sidii loo hor keeni lahaa maxkamad caalami ah dadkii geystay.

4. sidii wada hadal nabadeed dadka soomaaliyeed u wada yeelan lahaayeen dabadeena dowlad midnimo qaran u wadadhisan lahaayeen.

5. sidii ciidamada kajooga soomaaliya dowladaha Uganda & Burundi oo raad gadasho u ah gumeysiga xabashida uga bixi lahaayeen dalka soomaaliyeed loona keenilahaa nabad ilaaliyeyaal uu aduunka hogaaminayo.

ugu dan beyntii wada hadlkaasi dheer ee ay yeesheen Waldu Abdalla & madaxda isbahasiga dib u xoreyta soomaaliyeed ayaa ku dhamaaday jawi is afgarad is fahan ah ayadoo loo balamay in wadahadalaasi lasii wadaa inta laga gaarayo gunaanad rasmi ah.

Xil suleymaan Colaad Rooble
xubin ka mid ah baarlamanka xorta ah ahna guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo wacyi galinta isbahaysiga dib-u-xoreynta soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 15, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com