Kulan ay Nairobi ku yeesheyn Saxafiyiinta Dibad Jooga
ah ee kasoo qaxay Somalia.
Codsi oo ay ka codsadeyn in ay in la sii daayo weriyaasha xiran..
Tiro Saxafiyiin Somali ah oo kasoo qaxday Magaalada Muqdisho ee
Caasimada Somalia ayaa kulan waxa ay ku yeesheyn Magaalada Nairobi ee
Xarunta Wadanka Kenya,iyaga oo iska xogwareesanayay xaalada ay ku
sugunyihiin Saxafiyiinta Dibad Jooga ah iyo waliba kuwo gudaha dalka ku
sugan.
Saxafiyiintaan ayaa is xaalwareysigooda Kadib waxa ay si taxadaar leh
ugu hadleyn Xaalka ay ku sugan yihiin saxafiyiinta gudaha Muqdisho oo
qaarkood haatan ku jira Xabsiyada Magaalada iyo waliba Dhibaatooyinka ay
ku hayaan Ururada ku aas-aasmaay Magaalaada Nairobi kuwaas oo noqday
kuwo sita magacyo saxafiyiin.
Wariyayaashaan kulanka Qaatay oo uu ka mid ahaa Wariye C\xakiin Cumar
Jimcaale oo isaga oo dhaawac hadda ku sugan Magaalada Naairobi kadib
Markii lagu soo dhaawacay sanadkii tagay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay
isla jeexjeexeyn siddii ay ka yeelilahaayeen Hay'ad la magic baxday
Sojra ee u taagan sida ay sheegaan dad aan saxaafada ku luglaheyn oo
horboodaya Hay'adaas in ay u doodo Xaquuqda Saxafiyiinta soomaaliyeed
iyadoona lagu aas-aasay Magaalada Nairobi wixii ka dmabeeyay bishii
Aogust xiligaas oo saxafiyiintii ugu tirade badneyd ay soo gaareyn
Magaalada Nairobi.
C/xakiin Cumar Jimcaale oo ka tirsan Saxafiyiintii hore ee Somalia
islamarkaasna waqtigii ugu hugsan balse dadka horboodaya ayeey yihiin
kuwo aan u qalmin inay hogaamiyaan Saxaafada maadaama ay yihiin
shaqsiyaad lug ku leh Siyaasada Somalia islamarkaasna ka madaxbanaan
Howlaha Saxaafada ee Somalia.
C/xakiin waxa uu yire"Saxafiyiinta somaliada dhibweyn soo noqnoqda ayaa
heysta waxa ayna Noqdeen kuwo magacyadooda lagu qaraabto maanta aniga oo
ka mid ah Saxafiyiintii soo qaxday waxa aan cadeynaa in Sojra ay tahay
mid ka mid ah kuwo dhibka ku haya Saxaafada islamarkaasna Magacyadooda
wax ku cuno".
Isaga oo intaa ku daray in saxafiyiintan ay go'aansadeyn in ay cadeeyaan
inaysan wax xubin ah ka aheyn wax La yiraahdo Sojra oo sida uu sheegayna
Magacyadooda u gudbisay Hay'adaha Warbaahinada iyo ururo caalami ah
kuwaas oo ay sheegtay inay wax u qabaneyso.
Saalax Cusmaan Diiriye (Saalax sonnaa) oo Isna ka mid ah Saxafiyiinta
soomaalida ay kasoo qaxay Muqdisho kana Tirsanaa Wakaalada wararka
Soomaaliyeed ee sonna iyo waliba Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay
jiraan Hay'ado dhowr ah oo lasoo xariiray kuwaas oo u sheegay in Hay'ad
sojra la yiraahdo ay lasoo xariirtay Islamarkaasna ay u sheegtay in ay
wax u qabatay Saxafiyiinta Kasoo qaxday Muqdisho oo uu isaga ka mid ahaa
waxa uuna Saalax xusay in uu u sheegay Hay'adaas in aysan jirin wax ay u
qabatay Saxafiyiinta Qaxootiga ah ee kasoo cararay wadankooda taas oo uu
sheegay in layaab ay ku noqotay Hay'adihii lasoo xiririiray oo dhowr
jeer kusoo celceliyay ma jirto Miyaa Sojra wax ay u qabatay Saxafiyiinta
soo qaxay ?!!
Muxyadiin Axmed Rooble oo isna ka mid ah Saxafiyiinta kasoo qaxday
Magaalada Muqdisho Islamarkaasna ka Tirsanaa Idaacada Simba ee Magaalada
Muqdisho ayaa wax shaaciyay in ay Jiraan Hay'ado Caalami ah kuwaas oo
Hay'adaan u sheegtay in ay Jiraan Saxafiyiin Somali ah kuwaas oo u
baahan wax u qabasho kuna sugan Magaalada Nairobi iyada oo Magacyada
saxafiyiinta Muqdisho kasoo qaxay u gudbisay iyada oo aan kala Tashan
Saxafiyiinta magacyada iska leh.
Muxyadiin waxaa hadaladiisa ka mid ahaa "Hay'adaha Magacyadadeyna ay u
gudbisay Qolyahan Sojra isku magacaabay ee aan Lugta ku laheyn
Gargaaristaa iyo gacan qabashada Saxafiyiinta waxaa ka mid ah Committee
to protect Journalists oo ah Hay'ad caalami ah oo saxafiyiinta wax u
qabashadooda ku howlan Kuwaas oo sida aynu haddaa ku heleyno wararka
usoo dirtay Sojra Foom loogu talogalay Saxafiyiinta soomaalida ee Dibad
Jooga ah,Inkastoo Saxafiyiintaas la barbarmariyay Foomkaas oo gacanta u
gaaalay Dad aan ehel ku laheyn howlaha Saxaafada".
Saxafiyiintaan oo isugu jiray kuwo dhawaan Siminaar ay Nariobi ugu soo
gabangabiisay Kooxda La yiraahdo Article 19 oo kaa shaneysa Safaarada
France ee Kenya iyo kuwo dhawaan yimid Kenya ayaa waxa ay ku tilmaameyn
wax laga xumaado Afduubashada Saxafiyiintan Qaxootiga ah oo noqday kuwo
ay ku qaraabanayaan dad aan lug ku laheyn Saxaafada Laakiin sheegta inay
Qeyb ka yihiin Saxafiyiinta soomaaliyeed iyaga oo carabaabaya in ay
kasoo shaqeeyeen Hay'ado Warbaahineed kuwaas oo Maamulayaashooda ay iska
fogeeyeen inayba garanayaan Ragan sheeganaya inay kasoo shaqeeyeen
xarumahooda.
Ragaan lamagacbaxay Sojra ayaa horayba ugu hungoobay Qorshe ay ku
doonayeen inay qeyb ugu Noqdaan Siminaar Magaalada Nairobi loogu
qabanayay Saxafiyiinta kasoo qaxay Muqdisho kadib Markii Saxafiyiin
waaweyn oo soomaali ah kuwaas oo uu ka mid ahaa Yuusuf Xasan oo ah
Madaxa Xafiiska Bbc ee Magaalada Nairobi iyo Renaud Detalle oo ah Masuul
sare oo ka Tirsan Hay'ada Qaramada midoobay ee UNDP ayeey ka waayeen
Liiska Saxafiyiinta ka howlgasha ama ka shaqeysa Hay'adaha Warbaahineed
ee ay sheegteen inay ka howlgalijireyn ,waxa sidoo kale iska fogeeyay
Madaxda Warbaahinada ay sheegteen inay u shaqeynayeen Ragaas kadib
markii ay xariir la sameeyeen Yuusuf Xasan iyo Renaud Detalle.
Renaud Detalle oo furitaankii Siminaarkii Saxafiyiintaas la hadlayay
ayaa sheegay in ay Jiraan Ururo dhowr ah kuwaas oo sheegaya in ay wax u
qabtaan Saxafiyiinta Soomaalida ah ee kasoo qaxay Muqdisho,isaga oo soo
carabaabay Hay'ada isku magacowday Sojra oo sheegay in ay usoo gudbisay
Magacyada saxafiyiinta meeshaan Jooga iyo kuwo ay iyaga kusoo darsadeyn
iyada oo isu muujineysa inay wax u qabaneyso Saxafiyiinta soo qaxday.
Waxa uuna yire in ay ogaadeen in Saxafiyiinta ay magacyadooda
isticmaalayeen ay yihiin kuwo aan ka warqabin islamarkaasna lagu
doonayay in lagu qariyo Magacyada Shaqsiyaadka aan Saxaafada lugta ku
laheyn ee Hogaaminaya Sojra waxa uuna ugu baaqaay Saxafiyiinta in ay soo
gudbiyaan dadka aan ehelka u aheyn Saxaafada ee soo gashanaya Magacyada
Saxafiyiinta.
Wariyayaashii Kulan soo xaadiray ayaa waxaa ka mid ahaa C/raxmaan
Shariif Taysiir oo ka tirsanaa Radio Muqdisho islamarkaasna ahaa
Kaaliyaha Tifaftiraha Wargeyska National Post ee Muqdisho kasoo
baxa,Leylo Shiekh Aadan oo ka socotay Idaacada simba islamarkaasna aheyd
Waakiilka Idaacada Frontier fm ee Kismaayo,Canab Cabdi Axmed oo Ka
tirsan Idaacada Hornafric, Cabdi Yare iyo Saxafiyiin kale oo dhowr ah
kana kala socday Qeybaha Warbaahinada soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen
Radio Shabelle ,Idaacada Hornafrik iyo Simba iyo kuwo kale.
Waxaa xusid mudan in Hay'adaan isku la magacbaxday Sojra ay sameystay
web wata magaciida islamarkaasna lagaliyay Sawirada Saxafiyiinta soo
qaxday iyada oo isu muujineysa inay xubin ka yihiin suxufiyiintaas.
Sidoo kale Saxafiyiintaas waxa ay kulankooda uga Faa'iideysteen inay
baaq ay ku codsanayaan in la sii daayo saxafiyiinta bahwadaaga ay yihiin
ee Dowlada ay xabsiga dhigeyn Maalinnimadii Axada aheyd ee kala ah
C/raxmaan Xufeydi oo ah Agaasimaha Idaacada Somaliweyn ee Magaalada
Muqdisho iyo waliba Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir Al bashiir.
Saxafiyiintaan waxa ay ugu baaqeyn Dowlada soomaaliya inay ku dadaasho
siddii ay u dhowri la heyd Xoriyada Hadalka iyo waliba madaxbanaanida
Warbaahinada soomaaliya ,waxa ayna ugu baaqeyn Dowlada in si dag dag ah
ay Xoriyadooda dib ugu soo celiso Agaasimaha Idaacada Somaliweyn iyo
waliba wariya Idaacadaas.
Wariyayaashaan Dibad Jooga ah waxa ay xuseyn in Somaliweyn ay tahay
Idaacad madaxbanaan Islamarkaas aysan marna ka talaabin xadka
Madaxbanaanida Warbaahinta.
Iyaga oo dhicanyada ku hardamaya Soomaaliyana ugu yeeray in ay dhowraan
Madaxbanaanida Saxaafada soomaaliya.
Sikastaba ha'ahaatee Saxafiyiinta soomaaliyeed ayaa waxaa soo wajanday
dhibaatooyin aad u waaweyn oo dilal iyo afduubyo ay ka mid tahay wixii
ka dambeeyay markii uu bilowday Dagaalada u dhaxeeya Dowlada iyo Kooxaha
kasoo Horjeeda ee ku dagaalamaya Muqdisho,inkastoo saxaafada wixii ka
dambeeyay burburka ay dhibaateynteeda ay aheyd mid socota haddana waa ay
sii xoogeystay Xiligan.
W/D:Bilaal Cabdi
Nairobi,Kenya
Waxaa soo tebiyey Muxyadiin Axmed Rooble
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 15, 2008