SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

ISKUDARKA LABADA WADDAN: Waa Taariikh soo jireen ah. Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qore: Yusuf Shabac II

yusufshaba@yahoo.com

Jan 15, 2008


Laga soo bilaabo qarnigii 15aad markii uu Axmed Garan billaabey halgankii uu la galay gaalada madaw ee Bariga Africa, Islaamkana kama quusan in uu Itoobiya bedelo ama uu qabsado, Itoobiyana kama quusan in ay Badweynta Indiya qabsadaan iyo Soomaaliya oo dhan. Itoobiya ma’ahan dad isku diin ah, isku dhaqan, ama xitaa isku luuqad ah. Weligood waxa maamuli jirey laba boqortooyo oo amni ku wada nool, labadaan boqortooyo waxa mideyn jirey diinta Kiristaanka oo isuma aysan soo xadgudbi jirin. Illaa uu ka mideeyey boqorkii ugu dambeeyey ee Xayle Salaase 1931kii. Dalka Itoobiya waxa magacaas siiyey oo meel walba calanka Itoobiya ka taagey Boqorkii Tewodros ee koowaad 1812kii. Soomaaliya markii ay ku dhalatay in ay xoriyad raadiyaan illaa intii ay qaranimada iska bur-burisay mar walba hogaamiyeyaasheedii kama aysan xumayen in ay ku biiriyaan Soomaaliya Jamhuuriyadaha ka jira Itoobiya iyo Ummadaha ku dhaqan iyaga oo ka shidaal qaadanayey nabada iyo sharaftii ay ku noolaayeen Eretriya illaa laga soo gaaray 1960kii.

1862kii Shacbiga Itoobiya waxa ay aad ugu keceen Boqorkii Etoopiya oo la oran jiray Tewodros II, waxana ay isku dayeen in ay xukunka ka qaadaan marka laga reebo beelaha dega Harka Tana iyo deegaanka Magdala oo ay markaas ku tiiley Qasriga Boqortooyada. Waxa ay taariikhyahanadu qoreen in uu boqorkaasi warqaaddo u dirsday dalal fara badan oo ay ka mid yihiin: Ruusiya. Puruusiya. Austria iyo Faransiiska. Warqaadihii uu dirsaday waxa usoo jawaabey oo kaliya Faransiiska oo wax u tarka boqortooyada Itoobiya shardi uga dhigay in la siiyo Dekedda Soomaalida Waqooyi oo manta loo yaqaano Jabuuti. Shan iyo toban sano ka dib, markii uu dareemay Hamasien hogaanka Isticmaarka faransiiska ee Afrika in uusan ka maarmi karin Dekedaas, waxa uu codsaday in laga kireeyo muddo toban sano ah (June 26, 1877-June 26, 1887) Waxana kala wareejinteedii saxiixay Boqorkii Itoobiya, 16 nin oo Ciise ah iyo Laba iyo toban nin oo u dhashay Cafar. Markii ay faransiisku heleen saxiixyadii dhamaan guddiga Jabuuti iyo Boqortooyada Itoobiya waxa ay warqaaddii heshiiska ahayd ku dareen eber (0) dheeraad ah taas oo ka dhigtay heshiiskii boqol sano. Sidaa awgeed Faransiisku ma siin Jabuuti xoriyadooda illaa laga soo gaaray June 26 1977.

Shirkii Cadan Yemen (August 14, 1976) Inta aysan Jabuuti qaadan xoriyadeeda, waxa ay iska dhaadhiciyeen labada hogaamiye Maxamed Siyaad Barre iyo Mingustu Xayla Maryam in ay xaq u leeyihiin in ay Jabuuti qaataan marka uu faransiisku ka kaco. Sida ay ogyihiin dad tiro yar oo markaa u shaqaynayey wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Soomaaliya, qaybta (Protocol & Diplomacy) Mudane Maxamed Siyaad Barre oo markaa si fiican ula socday xamaasada iyo ujeedooyinka waddamada Hanti-goosadka ah, ujeedadaas oo ahayd in la mideeyo Cadan, Soomaaliya iyo Itoobiya. Ayaa waxa uu ka qaybgalay shir arintaas looga hadlayo.  Shirkaas waxa lagu qabtay Cadan koonfurta Yemen oo markaas ahayd wadan shuuci ah oo madax banaan, Shirkaas waxa la qabtay Bishii Ogosto 14keedii 1976kii.  Shirkaan waxa ka soo qayb galay wufuud badan. Wafdigii ka soo qaybgalay waxa ka mid ahaa; Haider Abu-Bakar Al Attas. Ra’iisul Wasaarahii Koonfurta Yaman “Cadan” (1971-1986) Mohamed Siyad Barrer. Madaxweynii Soomaaliya (1969-1990) Jose Mire Cardona Ra’iisul Wasaarahii Cuba (1959-1976) Fidel Castro Madaxweynihii Kuuba (1959-2008)Vladamir Chubin. Wasiir ku xigeenkii Wasaarada arimaha dibada ee Midowgii Soofiyeedka (1974-1978) Ibrahim Nasir. Wasiirkii Arimaha Dibbada ee Dalka Libya (1971-1978) iyo Mingustu Heila Mariam. Madaxweynihii Dalka Itoobiya (1974-1990)

Mudane Maxamed Siyaad Barre markii uu arki waayey biyo dhaca shirka iyo sida ay u shaqaynayso wadamo laysku daray ayaa waxa uu gooni ula baxay Mingistu Xayle Maryam waxa uu hordhigay dhowr qodob: Qodabka Koowaad; In Soomaaliya iyo Itoobiya laysku daro. Caasimadda in laga dhigo Adisababa, Muqdishona in ay noqoto magaalo ganacsi. In uu Mingeste noqdo Ra’iisul wasaaraha labada Jamhuuriyadood. Dhanka kale in uu Maxamed Siyaad noqdo madaxweynaha labada Jamhuuriyo. Lacagta, Calanka, Difaaca iyo dhaqaalahaba la wadaago. Qodobka Labaad;Haddii uu qodobkii shaqayn waayo, In Killinka Shanaad, Soomali Galbeed (Ogadenya) La siiyo Soomaaliya sabab la’aan. Jabuutina Marka ay xoriyada qaadato muran la’aan lagu wareejiyo Soomaaliya. Haddii qodobkaan la’isku raaco Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ay ku wada noolaan doonaan amni iyo daris wanaag. Qodobka Sedexaad; Collaad iyo awood in lagu wada hadlo haddii ay labadaa qodob shaqayn waayaan.

Sida ay qoreen Janaraalo Itoobiya ka joogo dibadaha, Mingustu aad iyo aad buu qodobadaa uga wel-welay, maxaa yeelay waddankiisa waxa uu xoog ku haystay laba sano oo kaliya markii shirkaas la qabtay. Xayle Salaase boqorkii uu jagada ka qaadey hooyadiis waxa ay ahayd Muslim Asharaaf ah, aabihiisna sida la isu sheego waxa uu ka soo jeeday Nebi Suleymaan iyo Boqoraddii Sheba. Laakin Mingiste waxa uu ka dhashay dabaqada hoose ee beelaha dega Itoobiya. Dhaqaalaha Itoobiya 1976kii waxa uu ahaa waddanka dunida ugu faqiirsan. Ciidamada cagta Itoobiya ee diyaarsan ma aysan gaareyn 25kun. Kuwa badda iyo cirka iskaba dhaaf. Hase yeeshee ciidan xoog badan ayaa tababar ugu maqnaa. Waxa ay duruufuhu ku kalifeen in uu si gooni uu ula faqo madaxweynihii Kuuba iyo Wasiirkii Dibadda ee Midowga Soofiyeedka Chubna . Labadaan waxa ay u balan qaadeen taageero nooc kasta leh. Ka dibna waxa uu door biday Qodobka seddexaad oo ah in la dagaalamo.

Soomaaliya waxa dalka Maraykanka safiir uga ahaa waagaas Cabdilaahi Axmed Caddow, markii ay dawladda Soomaaliya kala tashatay arimaha Maraykanka waxa uu dawladda kula taliyey in ay markiiba dalka ka ceyriyaan dawladda Midowga Soofiyeedka. Asaga oo balanqaadaya in uu Maraykanku jeebka inoogu jiro. Hase ahaatee Jimmy Carter Madaxweynihii hore Maraykanka ee waagaas wuxuu ku sheegay cajalooyinkii looga hadlayey dagaalkii qaboobaa ee Maraykanka iyo Soofiyeedka. In uu Cabdilaahi Caddow uu dalkiisa ka galay dambi weyn. Wuxuu yiri waa aan aqaaney caddow weligiis igalama hadlin in ay Soomaaliya ku socoto dagaal, oo ay taageeradayda u baahan doonto. Markii ay taageero i weydiisteena waa aan u diidey buu yiri. (CNN Cold war documentaries)

Sida uu diiwaan geliyey taariikhyahan Dr. Abdiqaadir oo ku takhasusay taariikhda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Lixdii bilood ee ugu horeysay Dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya, Soomaaliya waxa duqeynay ciidamada cirka ee wadanka Yemen, shidaalkoodana waxa bixinayey walaaleheen carbeed ee dalka Liibiya. Ciidama cagtana waxa meelo badan ku liqay ciidamada horumaray ee dalka Kuuba. Meesha ay Raashiya bixinaysa xog-ogaal, iyo hub. Halka ay Soomaali galbeed diidayeen in lagu dagaalamo meelo fara badan oo lagu wiiqi lahaa awooddii cadawgii isbahaystay.

Eretereeya waxaa haysan jirey Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee dalka Turkiga illaa 1885kii, ka dibna waxa si ku meel gaar ah ula wareegay Masaarida oo wakiil ka ahayd Turkiga illaa dagaalkii koowaad ee dunida 1914-1918 markaa wixii ka dambeeyeyna waxa soo dagay oo gumeystay dalka Talyaaniga illaa talyaaniga looga raayey dagaalkii labaad ee dunida 1941kii. Eretereeya wax garadkooda waxa ay ka codsadeen dalal faro badan, in ay ahaadaan wadan xubno joogto ugu dirsada baarlamaanka Itoobiya laakin arimahoodu maamusha. Sidaa ayuu ogolaadey boqorkii Itoobiya Xayle Salaase (1931-1974) Ka dib markii ay halkaa Eretriya ka dillaacdey Muqaawamo xoriyad u dirir ah, waxa uu boqorkaasi ilbaabada u xiray  baarlamaankii Eretriya, waxa uu xaliyey xisbiyadii ka jirey waddankaas, wuxuuna xiray dhamaan madaxdii ka talisay kala faquuqa labada wadan.

Shirkii Tiriipuli Liibiya (April 8, 1958) Madaxdii Soomaaliya khaas ahaan labadii urur ee ugu fir-fircoonaa waagii aynu qaadanaynay xuriyadda (SYL iyo SNL) marna ma aaminsaneen in uu qaranka Soomaaliya gaari doono halka uu guuray sanadkii 1974kii. Waxa aad ka garanaysaa dhamaan waraaqihii ay isdhaafsadeen Mudane Cabdilaahii Ciise Ra’iisul wasaarihii dawladii “xoriyad gaarsiinta” iyo boqorkii Itoobiya Xayle Salaase. Shirarkii joogta ahaa ee ay Aadan Cadde, Cigaal, Cabdirizaaq Cabdirashiid iyo Maxamed Siyaad ay la galeen Itoobiya.  Khaasatan shirkii ka dhacay dalka Liibiya siddeedii bishii Apriil 1958kii. Shirkaas oo dhex maray Cabdilaahi Ciise (1956-1960) iyo Ra’iisulwasaarihii dalka Itoobiya Mudane Abebe Aragai (1957-1960) Sida ku diiwaangareysan {Liverpool Colonial Library} Cabdillaahi Ciise waxa uu codsaday in ay Soomaalidu is maamusho daakhil ahaan, isla markaana ay wafdi u dirsato baarlamaanka Itoobiya sida Eretereeya oo kale. Laakin Cabdillaahi Ciise waxa uu ka dhaadhicin waayey dadkii kala hogaaminayey labada jabhadood sidee loo saaraa Talyaani oo loo hoos tagaa Itoobiyaan fakhri ah. Inkasta oo ay Cabdilaahi Ciise ay ka ahayd aan ratiga ku kacsano oo aan hawlgaarno.

Labada Jamhuuriyadood waxa ay xoriyada kala qaateen June 26, 1960 (Waqooyi) iyo July 1, 1960 Ka dibna waa ay midoobeen. Madaxdii xilka la wareegtey Khaasatan madaxweyne Aadan Cadde waxa markiiba u muuqatay culeyska iyo waajibaadka qaran iyo dawladnimo. Inkasta oo uu isticmaarku uu la tagay waxkasta oo nolosha inoo fududeyn lahaa hase yeeshee waxa uu inooga tagay waxyaabo fara badan oo aa markaa ku gaari karnay horumar deg-deg ah. Laakin markiiba waxaa caddaatey in ay bulshadu kala horumartey. Waxa soo baxay dabaqado., kuwo wax bartey oo faro ku tiris ah, oo aan xamili karin waajibaadkii looga tagay iyo dabaqad faqri iyo jahli uu ku habsaday oo aad u fara badan. Kuwo uu garaadkoodu bislaadey oo doonayey in la mideeyo dadka ku hadla afka Soomaaliga iyo kuwo kale oo doonayaa in ay gobolada maqan ay  inaga ahaadaan inta aan lugaheena isku taageeyno ama aan meel ka gaareyno.

Madaxweyne Aadan Cadde, Maxamed Ibraahim Cigaal, Cabdirashiid  waxa ay ku jireen kuwo aaminsan in Soomaaliya la mideeyo marka la helo fursad qaali ah, loona arko Ogaadeenya, killinka shanaad iyo NFD dhul ajnabi si darisnimo iyo nabad loogu bar-baariyo ummadan cusub ee labada Jamhuuriyadood. Cabdirizaaq Xaaji Xuseen iyo siyaasiin badana  waxa ay ku jireen kuwo aaminay, dhulka Soomaalida in uu yahay dhul Soomaaliyeed oo muqaddas ah, dhulkaas oo u baahan in lagu soo celiyo dhiig ama nabad sharaf leh.

Shirkii Nairobi Kenya (July 26 1963) Madaxweyne Aadan Cadde markii uu ka soo laabtey dalka Itoobiya 29kii Bishii Juun 1963kii, lama uusan wadaagin barlamaanka Soomaaliya ujeedadii uu u tagay dalka Itoobiya iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen boqorkii Itoobiya, laakin waxa uu gaas ku kiciyey xayn siyaasiyaan ah oo Itoobiya u arkey cadaw daa’im ah ka dib markii uu ka codsaday Dr. Cabdirashiid Cali Sharma’arke Raa’iisul wasaarihii Soomaaliya (1960-1964) in uu aado dalka Kenya si uu ula kulmo Raa’isul wasaarihii Itoobiya July 26, 1963 si loo soo afjaro waxyaabihii qabyada ahaa ee shirkii hore. Magaalada Nairobi Ra’iisulwasaare Cabdirashiid waxa uu la kulmay, ra’uusulwasaarihii Itoobiya Tsehafi Aklilu Wold (1961-1974) Waxa ay ka wada hadleen illaa iyo hadda ma cadda inkasta oo uu qoraalo ka tagay Tsehafi ay ku caddahay in ka wada hadleen sidii loo mideyn lahaa Soomaaliya iyo Itoobiya. Isafgaranwaagii labada raa’iisulwasaare waxa ka dhashay dagaalkii Soomaalida iyo Itoobiya 1964. Madaxweyne Cabdirashiid waxa uu sheegay baarlamaankii Soomaaliya ka dib markii uu istaagey dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya 1964kii. In ay Itoobiya ogoleyd in ay goboladeena qaar ina siiso kuwa kalena laga wada hadlo sanadaha soo socda. Boqorkii Itoobiya markii uu ogaadey in uusan Soomaaliya ku helayn si fudud waa isagii ku dhawaaqey dagaalkuba in uu ahaa Generaal fududaadey sida la ogyahayna waa uu dilay Generaalkaas.

Shirkii Adisababa I (Janaayo 1981kii) Itoobiya weligeed kama quusan in ay Soomaaliya qabsato oo ay waddankeeda ay ku soo darto. Itoobiyaanku ma ahan dad isku luuqad ah, ma aha dad isku diin ah, kuma faraxsana kumana qanacsana nidaamka boqortooyo ama siyaasi ee ka dhexeeya, hase yeeshee waxa ay noqdeen dad sidaa ku wada jiri kara. Maanta oo ay dunida joogto (ha bad-baado kan ugu awooda roon) ka gaabsan meyso waxkasta oo sugaya amnigooda amase horumarinaya maslaxadooda qaran. Cabdilaahi Yuusuf waxa fajac ku noqday buu yiri Generaalkii ugu sareeyey Itoobiya Somora Yenus 1981kii in aan kala hadlay mideynta labada wadan. Shirkaan wuxuu ahaa mid qarsoodi ah oo uu ka dambeeyey Mingusti Xayla Maryam. Wuxuu ka dhacay Adisababa (new flower) Kowdii Bishii Janaayo ee sanadkii 1981kii. Wuxuuna dhex maray Colonel Cabdillaahi Yusuf Axmed Yey iyo Generaal Somora Yenus (1969-1981) Waxa Cabdilaahi Yuusuf loo balanqaadey in loo qaban doono Soomaaliya haddii uu ogolaanayo in labadan wadan la mideeyo si aysan mar dambe u dhicin collaadii la soo dhaafey 1977kii. Cabdillaahi Yusuf oo markaa dareensanaa heerka ay marayso nacaybka Soomaaliya iyo Itoobiya uma uusan jawaabin Mingustu oo waxa uu arintaasi ka dhigay, ku turi kuteen. Oo waxba kama uusan soo qaadin. Laakin waxa uu si toos u wargeliyey kali taliskii Liibiya Mucammar Al Qaddaafi.

Shirkii Adisababa II (June 3, 2006) Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Meles-sanawi iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, waxa ay ku kulmeen dalka Itoobiya ka dib markii ay isa soo tartey taageerada ay shacbiga Soomaaliyeed u hayeen amniga iyo maxkamadaha Islaaamiga oo markaa maamulayey meelo badan oo wadankeena ka mid ah. Maxkamadaha Islaamiga ilaahey ha sharfo waxa ay bulshada Soomaaliyeed u horseedeen waddooyin cusub oo laysku xukumi karo oo uu ilaah raali ka yahay muddo lix bilood ah. Hase ahaatee waxa ku dhexjirey noocyo xagjira mabda’ahaan iyo kuwo lagu tuhmayey in ay shaar qabyaal iyo shaar diinba huwan yihiin. Sidaa awgeed, waxa lagama maarmaan ula muuqatay Cabdilaahi Yuusuf in uu badbaadiyey dawladda ku meel gaarka. Si loo bad-baadiyona in loo baahan yahay in la helo ciidamo awood badan oo dalka si deg-deg ah loo keeni karo. Markii uu Meles-sanaawi dareemay fursadaan qaaliga ah, waa uu ka faa’iideystay. Bishii July Labaatankeedii waxa la jabiyey awoodii Maxkamadaha Islaamiga dalkana waxa soo galay Itoobiya inaga oo aan lahayn awood aan isaga saarno dawladda Itoobiya ama awood aan iskaga qabano kuwa dadka dhibka iyo dhibaatada baday.

Itoobiya in ay dalkeena soo gasho inaga ayaa sabab u ahayn, waxa naloogu dawgalay dilka, dhaca, kufsiga, iyo isgumaysiga aan qaarkeen isgumaysano. In aan cuno ama aan dhacno kuweena tabarta yar ee aan is difaaci karin, in aan dalkeena ku abuurno mukhaadaraad maanka dooriya, inaga oo diidney qaab ay ilbaxnimo ku jirto in aan walaaltimo soo celino xukun iyo kala dambeyn. Inaga oo diidney in aan fahamno ama aan ku dhaqano shareecadii Islaamka. Ummad cadaw la’aan ma gaarto horumar, mana midowdo, inagana kama aan duwanin. Haddii aan maantey tabar ka raadinayey cadawga kaliya ee aanu leenahay. Itoobiya waxa ay naga leedahay ujeedooyin fara badan oo uu ogyahay ilaahey oo kaliya. Gobolka Ogaadeenya ee aan waa hore ka quusanay waxa soo maray lix hogaamiye oo ay Itoobiya raali ka tahay. Midna waa la xiray lixna waa la dilay. Itoobiya waxa xoriyad ka dib nabad ka raadiyey Eretereeya iyadana waxa ku dhacay waa aad soo akhrisateen. Ma tashanaa, oo dalkaan inagaa iska leh ‘ee dawlad ma u noqonaa? Mise waa aan baaba’anaa sidii ummadihii inaga horeeyey qaybo ka mid ah.

Yusuf Shabac
yusufshaba@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 15, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com