Budhcad Badeed iyo Boqor

Nimankii afduubtay Markabii “The Golden Nori” xagee
beey aadeen? | SQ. C.J.
Naom Chomsky ayaa Buug uu qoray oo la yiraahdo ”Emperor and Pirates”
ayaa wuxuu ku soo qaatay hadal uu yiri Baadari la oran jirey St.
Augustine hadalkaas oo ahaa in Emradoorkii Alexander the Great oo
Adduunka mar caan ka ahaa wadamo badan oo uu xoog ku qabsadayna
xukumi jirey, loo keenay niman Budhcad Badeed ah Doonyaha Badda ku
dhaca, markaas ayuu Alexander Nimankii canaan iyo hanjabaad isugu
daray wuxuuna u sheegay in uu laynayo waayo nabadda ayey wax u
dhimeen. Markaas ayaa Budhcad Badeedkii waxay yiraahdeen Alexanderow
annagu Markab yar ama Doon ayaan dhacnaa markaas ayaa waxaa naloo
Bixiyey “Budhcad badeed” adiguna waddan dhan baad qabsataa oo
dadkiisii Badihiisii iyo barrigiisiiba qaadataa Markaas ayaa laguu
bixiyey Emperor(Imbardoor ama Boqor). Haddaba Budhcadka kii ugu
weynaa waa adiga.
Haddaba maanta tan ka dhacday Bosaso oo Madaxweyne Cadde Muuse iyo
Maamulkiisu adduunka ugu sheekaynayaan wiilal Budhcad ah ayaan soo
qanbanaynaa oo ammaanka Puntland ayaan sugeynaa, Ayaa la mid ah taas
Alexender The Great iyo Budhcad badeedka dhex martay. Waayo Cadde
Muuse Waddan dhan ayuu liqay oo intuu caddaystey ma ahee intii kale
oo Bad iyo Berriba leh ayuu doonayaa in uu Shirkado tuugo ah ugu
yeedho oo lacag kaga qaato. Markaa haddii innamdaasu yihiin Budhcad
isaguna Madaxweyne sow maha “Budhcad Weyne”.
Haddii aan usoo noqdo maanta iyo Puntland, looma baahnayn in cadow
gudaha ah la samaysto oo Beelaha la kiciyo, iyadoo dhulkii markii uu
Cadde ku guuleystey doorashada Madaxweynaha furihiisa loo dhiibay
qayb xoog lagu haysto.
Maxaa keenay in haddii arrinkaas sax iyo khalad kii ay ahaataba la
soo afjaray oo lagu guuleystey in si nabad ah wax loo dhammeeyo in
dagaalkaan la qaado. Miyaan odayaasha Arrinka soo dhammeeyey ballan
loo qaadin oo wax la isku afgaran.
Anigu waxaan ka mid ahay dadka qaba in uu jiro qorshe Cadde la soo
galay Somaliland, arrinkaan Budhcad la dirarka ahna wakhtiga lagu
dilayo.
Waxaa ka furan Garoowe xafiis ay leeyihiin Budhcad Badeedku,
wakiillo iyo Madaxiba u fadhido, Dawladda Puntlandna ka war hayso oo
la yaqaan. Kuwaas oo fuliyey afduubyo faro Badan oo ka dhacay inta u
dhaxaysa Garacad iyo Caluula. Waxa u dambeeyey markabkii Israa’iil u
rarnaa oo Dekedda Bosaso la keenay. Maraykanaka oo Badda ka
ilaalinyana inta nimankii lacag lagu sheegay $1,000,000 la siiyey
Budhcaddii dekedda laga soo dejiyey. Lacagtaas oo sida la sheegay
maamulka khalkhal gelisay sidii loo qaybsan lahaa ama loo kala
qarsan lahaa.
Nimanakii Budhacadda ahaana ay hadda Bosaso iyo Garoowe iyo
Gaalkacyo joogaan oo ay guryo dhisanayaan, ayaa waxaa is weydiin leh
wax kuwaas loo qaban waayey????
Waxaad marar badan arkeysaa kuwo ku faanayo oo leh lacagtii adeer
Cadde nooga qaaday gaalada.
Kuwaas keliya ma ahee kiisas badan ayaa ka dhacay Puntland oo
Maraakiib lagu afduubay oo raggii dembigaa galay ay Puntland Xorriyo
ku maraan iyagoo Tujaar ah.
Sida cadna nimankaas la sii daayey oo Magaalada xorriyadda ku mara
ayaa ku dhiirri gelisay wiilashii Reer Bosaso in ay Falkaas oo kale
ku kacaan hadiiba ay arkeen kuwii sidaas yelay oo aan waxba la
yeelin xorriyad iyo lacagba haysta.
Markaa arrintani waa arrin qalafsan, Budhcad oo dhan ha la soo qabto
oo mise madaxweyne Cadde wuxuu u arkaa wiilshaan reer Bosaso niman
meesha ku soo cirrirshay oo hawshaan afduubku dad bay gaar u ahayd.
Calaa kulli xaal, meeshaan nabadi kama soo socoto, dadweynaha reer
Punlandna waxaa laga doonayaa in ay Puntaland badbaadiyaan
tolnimadii la isugu yimid ee dhulak lagu wad joogeyne looga aamusin
in Cadde Muuse Ceel ku rido oo kaga tago. Qorshihii Burbirnta
Puntlandna hirgeliyo.
Budhcadda Wax afduubtana sharci la wada ogyahayna laga soo saaro
hadda wixii ka dambeeyaa.
Nabad iyo Caano
Maxamed Saalax
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008