SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MPLS

Minneapolis: Wafti ka yimid gobolka Michigan

Wafti ka yimid gobolka Michigan ayaa soo gaarey magaalada Minnesota joogeyna mudo hal isbuuca ah. Waftigaas ayaa waxa ay ka socdeen urur magac weyn ku leh wadanka Mareykanka. Urkaas oo magaciisa la yiraaahdo Somali American United Council of Michigan.

Ururkaas ayaa waxa madax ka ah, Hussein Mohamed Yare Chairman, Executive Director-na waxa ka ah Mohamed D.Sheikh-Nuur. Ururkan ayaa waxa ay u kuur galayeen habsamida ay u nool yihiin dadka Minnesota. Madaxdan ayaa waxa ay booqdeen goobaha ganacsiga Soomalida ay ku leeyihiin, iskuulada, xafiisyada, iyo moolasha waaweyn ee gobolkan Minnesota leeyihiin.

Gebegabadii ayaa waxa ay madaxdani la kulmeen Somali Media oo ay warbixin dheer siiyeen gobolka ay ka yimaadeen sida ay Soomaalida ku nool yihiin Michigan.

Madaxdan ayaa waxa ay u mahad celiyeen dhamaan Soomaalida degan gobalka Minnesota, sidii ay u soo dhaweeyeen iyo heerka ay ka gaareen gobolkan. Intii ay joogeen gobolkan Minnesota ayaa waxa ay ka dhiseen gobolkan Minnesota urur cusub oo la magac baxay Somali American Rescue Counsel. Ururkan oo isna u waramey Somali Media ujeedadii loo aasaasey iyo ujeedada ururka.

Somali Media
Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com