SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
January 10, 125

Garowe: Afhayeenka Gobolada Xisbiga Mucaaradka ah ee Ramaas oo ku eedeeyay Xukuumada Cadde Muse Hanti boobkii xalay kadhacay madaxtooyada Garowe iyo falkii kale ee cawa ka dhacay Isbitaalka Qardho.

Agaasimaha warfaafinta ee xisbiga Ramaas
Maxamuud Cumar Bille
ramaasrpp@hotmail.com
794242

Afhayeenka xiriirka Gobolada xisbiga mucaaradka ah ee ka jira Puntland Axmed Cabaas ayaa ku eedeeyay xukuumada cade muuse in ay ka danbaysay hanti boobkii xalay lagu boobay lacag bada xarunta madaxtooyada DGPl ee Garowe lacagtaas oo ay boobeen ciidanka ilalada madaxtooyada.

Afhayeenku waxa uu sheegay in ay masuuliyad daro tahay in har iyo habeenba la caadaysto hantida umada walibana si xun loo maamulo waxaan nasiib daro ah in burcad qawlaysato ah maamul loo dhiibo oo aan mar qurana lala xisaabtamin taasi waa nasiib darida haystay shacabka Puntland.

Waxaan uga digaynaa maamulka Cadde Muuse in oo muuqaal iyo magac ahaanba u dhintay in uu si dhakhso ah uga dago xilka maadaama uu hanan waayay kana soo bixi waayay masuuliyadii lasaaray taasi oo uu dhigay meel dayacan.

dhacdo kale oo xalay ka dhacayday fiidkii isbitaalka Magaalada Qardho ayuu masuulkani ku eedeeyay isla maamulka uu madaxda ka yahay cadde Muuse taasi oo ku saabsanayd dhalinyaro laga cayriyaya shaqadii Isbitaalka Qardho in ay soo adeegsadaan burcad is la markaana ay la soo galaan rasaa iyaga oo cirka u riday isbitaalka dhexdiisa iasaga oo cisbitaalku ay jiifaan bukaankii isbitaalka.

Dhalinyaradaan ayaa ku qasbay maamulka cisbitaalka in ay joojiyaan shaqada is la markaana ay khasab ku soo celiyaan dadkii lagu sameeyay isku shaandhynta ee shaqada waayay.
iskastaba afhayeenka xibiga Ramaas Axmed Cabaas waxa u yiri dhibka dhan waxaa leh maamulka Cade Muuse isaga ayaa ka masuul ah waxa wadanka ka dhacaya is la markaana dayaca kaalinki kaga haboonaa ka maamul ahaan waxa wadanka ka dhacaya maalin iyo habeen daqiiqad walba maamulka hada jira ayaa loo sheeganaya waayo maamul kasta isaga ayaa damaanad qaada amaanka iyo kala danbaynta shacabka uumasulka kayahay hadii uusan intaa qaadi akrin waa in uu 24 saac gudahood isku casilaa si loo helo amaan iyo kala danbayn markaasina la doortaa rag khubura ah oo u leh aqoon maamul iyo mid dhaqaale wixii uu qaban waayay maamulkii hore ee meesha ka baxay waa hadii loo baahan yahay in lawada badbaadiyo dalka iyo dadka.

Xisbiga Ramaas
Afhayeenka gobolada Xisbiga Ramaas
Axmed Cabaas

Agaasimaha warfaafinta ee xisbiga Ramaas
Maxamuud Cumar Bille
ramaasrpp@hotmail.com
794242

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.