SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Reer-galbeedku waxay ay ka qoreen kiinya

http://www.timesonline.co.uk/ 

FAAHFAAHIN KOOBAN

horta anigu hadda waxaan nasiib u yeeshay inuu Ilaahay iga badbaadiyo wixii nairobi ka socday waxaana hadda joogaa magaalada gaarisa ee gobolka soomaalidu degto, waxaana halkaas korsaar ku ahay dad saaxiibo aannu ahayn oo aan wakhti dheer macruuf wada ahayn (ceeshoo milix).

waxaa kaloo magaalada yimid soomaali badan oo ka soo qaxaya magaalooyinka mombasa iyo nairobi kuwaas oo hadda ku sugan gaarisa, waxaana idiinka soo qaadi doonaa sawiro iyo wareysiyo aan doonayo inaan ka soo diyaariyo dhibkii ay kala kulmeen dagaalka ka bilowday khilaafkii ka yimid doorashooyinkii sanadkii hore dhacay oo illaa hadda aan la xalin.

haddaba maxaa soo kordhay tan iyo intii dagaalkan hadda socdaa bilowdeen muddo 12 cisho ah ka hor??

ninka mucaaradka hogaamiya ee la yiraahdo odhinga oo ka dhashay beesha luo wuxuu soo gudbiyey labo sharuud oo adag oo uu yiri baa samatabixin kara kiinya

1. inuu kibaki oo ah madaxweynaha hadda joogaa kursiga ka dago walibana qirto inuu doorashooyinkii ku shubtay

iyo

2. in doorashooyin cusub la qabto

labada sharuud waxay muujinayaan kalsoonida ay qabaan mucaaradku waana adag tahay sida xal uga iman karo jawiga cusub ee dalka kiinya la soo darsay maadaama dagaalka hadda fiday yahay mid adag sida loo istaajin karo walibana weheliso aarsi xoogan oo hadda ka socda galbeedka kiinya halkaas oo ay kikuyadu ka aarsaneyso gumaadka loogu geystay boqolaal dadkooda ah oo kaniisadaha lagu gubay oo ay ka mid ahaayeen caruur badan.

marka walow ay jiraan wada-hadal socdaa, waxaa hubaal ah in labadaas sharuud ee uu odhinga hor dhigay xukuumadda kibaki tahay mid wakhti dheer qaadan doonta in la aqbalo, inta ka horeysana dilka iyo dhacu sii fidi doono.

dadka qaarkiis waxayba leeyihiin, haddii uu meesha kibaki joogo iyo haddii kaleba micno weyn oo ay suubin doontaa ma jirto waayo waxaa socda dagaal qowmiyadeed oo hadda u gudbay waji cusub kaasoo xawaaraha uu ku socda dadajineyso burburka kiinya.

maanta waxaa guryaha lagala baxayey dad badan oo la laayey, dadkaasina waxaa ay ku kala nool yihiin meelaha loo yaqaano nakuru, naivasha, nanyuki, narok iyo waliba kitale halkaas oo lagu ugaadhsanayo odhinga beesha uu ka dhashay.

waxaa intaas weheliya oo hadda taagan arin cusub oo soo baxay oo la leeyahay waxaaba ka dambeeyey dowladda kiinya kuna suubin jirtay maalgalin ka hor intii aaneysan doorashooyinku dhicin waana miliishiyaadka loogu yeero mungiki kuwaas oo ahaa kooxo guryaha kala bixi jirey odhinga taageerayaashiisa laguna eedeeyo inay masuul ka yihiin dilalkii nayroobi ka dhacay bilihii u dhexeeyey june illaa diseembar.

si ay taas uga jawaab bixiyaan ayaa luwaduna waxay suubsadeen maliishiyaad cusub oo iyaguna lagu magacaabo TALIBAN ayaa waxay si aan caadi ahayn oo xawli ku socdo u dileen tan iyo doraato 30 ka tirsan nimanka ugu caansan ee kikuyu ka dhashay ee nairobi degan waxaana ka mid ah ninka la yiraahdo mudegu kiarie.

jamaal caateeye
jamaal.caateeye@gmail.com

wariye madaxbanaan

gaarisa, soomaaliyaFaafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com