SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Hay'adda ospad oo seminaar u furtay 50 xubnood oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada

Hay.adda ospad oo seminaar u furtay 50 xubnood oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada .

ayaa aqoon is weydaarsi seddax maalmood ah waxay u furtayku dhawaad 50 xubnood oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada sida culumaa.udiinka .aradada jaamacada ,haweenka ,dadka ku barakacay xeryaha qaxootiga odoyaal , iyo saxaafda .

Seminaarkan oo ay ka qeyb qaadanayaan in ku dhow 50 kaasi xubnood ayaa waxay ku baranayaan sida looga hortago cudurka H.I.V aids iyo nidaamka islaamiga iyo wacyigelinta bulshada ee arrimaha cudurada faafa ee halista ah .



Furitaanka seminaarkaas oo uu hadal ka jeediyay guddoomiyaha hay.adda mudane cabdi nuur ayaa uga warramay faa'iidada seminaarkan uu leeyahay xubnahan ka so qeyb galay xili uu magaalada Muqdisho ka lagu arkay dad qaba cudurka halista ah H.I.V aids loona baahan yahay in laga faa'iideysto aqoonta laga kororsaday mudadii uu socday aqoon isweydaarsigaan .

Madaxda hay.adda ospad ayaa ah kuwo muddooyinkan dambe ku howlaha wacyi gelinta cudurka dilaaga ah H.I.V aids waxeyna casuuntay ila 50 qof oo intooda badan ka socdeen xeryaha qaxooyiga ma aha markii ugu horeysay ee hayadda osapan ay qabato oo kala duwan kane waxuu ka mid ahaa kuwaas .



Cudurkaanu waa cudur dilaa ah oo Qatar ku haayo bulshada aduunka gaar ahaan bulshada somaliyeed waana cudur jira waxeyna ka faaiidayn ka qeyb galayashii mudada sadaxda maamood ah daruusta ka baranayey daruus ku saabsan wacyi gelinta cudurkaan waxeyna garanayaa sidii ay isaga ilaalin lahaayeen dhibaatooyinka uu keeno cudurkaan oo aan daawo laheyn balse leh ka hortag oo keliye .

Hay.adda ospad waxey dareentay dhibaatada heysata bulshada somaliyeed oo mudo waqti ah dagaalo sokeeye ay dhibaateeyeen waxaana jira in cudurkaani uu si howli ah u faafo waxaan casuunay dadka uu qatarta ku haayo oo ah dadka soo barakacay eek u nool xeryaha qaxootiga .



Saminaarkaan ayaa waxaa iska kaashada hay.adda unicef iyo ospad
Iyada oo casharo ay ka bixinayeen macalin aqoon sare leh oo aqoon durugsan u leh cudurkaan dilaaga ah ee cudurka H.I.V aids..

Waxaa qoraalkan ka qayb qaatay
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com


Waxaa soo tebiyey
 Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com