Xisbiga Ramas PPP, Puntland waxay ka dhimatay
madax iyo majo labadaba.
waxaa muuqta in xaalada Puntland ka sii darayso hadaan shacabku is
daba qaban, waayo madaxna malaha oo waa kuwa cadaawada iyo nacaybka
ka kala dhex abuuray umadii isjeclayd ee Reer Puntland majana ma
lahan oo waxaa lugaha haya dad gaar ah.
Xisbiga Ramas hadafkiisa guud waa in ay ilaaliyaan jiritaanka dhulka
loo yaqaan Puntland si aan loo sii kala qayb-san, sidoo kale waxaa
Ramas PPP, ay markasta ka hadlaan waa cadaalad darada iyo
musuq-maasuqa ama boobka lagu hayo hantida umadda.
Ninkasta wuxuu gatay 3 gaari oo ah nooca loo yaqaan Layla Calaawi,
Qasri weyn oo uu dhistay iyo 50 malayshiyo beeleedkiisa ah oo uu
suuqa ku xaragoodo isagoo aanba xataa geyin in il xun lagu eego
iskaba daa in la dilo ama la handado .
Hatida Shacabka Reer Puntland waxaa kala goosta shaqsiyaad aad u
baahnaa oo ay iminka ugu horaysay xarafka taabso ama maxaa cuntaa
iyo musuq-maasuq.
Magaalada Garoowe ee Caasuumada u ah Puntland ayaa xaafadihii waxay
iminka ku talo jiraan in ay samaystaan ciidamo madani ah oo ilaaliya
naftooda iyo maalkooda, ka dib markii Booliiskii gudan waayeen
hawshoodii shidaal ay baabuurta ku shubtaan awgeed, mushahaar iskaba
daa oo awalba waxay ku shaqayn jireen tabarucaad iyadoo ay sidaasi
jirto shacabka hadana canshuur kuma baaqato, wxaa sidoo kale muuqata
in Cadde Muuse markuu Cali Cabdi Awaare oo ay isku hayb yihiin uu u
buurayey wasaaradiisa ugu daray gobolada taasina waxay meesha ka
saartay wada shaqayntii barasaabada iyo gudoomiyaasha degmooyinka
ama maayarada.
Iminka waLi waxaa muuqata in Cadde Muuse uusan wax isbedel ah ku
samayn golihiisii wasiirada waayo dhamaantood wuu soo celiyey isagoo
u magacaabay boosas kale taasina waxay meesha ka saartay xoogey
aaminaad ah oo uu Cadde Muuse ka helay shacabka ka dib isku
shaandayn aan lagu qanac-sanayn, wuxuu sidoo kale ka wareejiyey
wasiirkii ugu shaqada badnaa wasaarada waxbarashada oo uu ka tuuray
halkii Siciid Maxamed Raage ka caal-waayey.
Waxyaalaha loo aanaynayo bedelada Axmed Siciid Awnuur ayaa shacabku
aad u danaynayaan.
Ugu damayn Xisbiga Ramaas wuxuu canbaaraynayaa dadka amni-xumada ka
wada guud ahaan Puntland wuxuuna ugu baaqayaa in shacabku aysan
danta guud u baa bi'in mid shaqsiyadeed.
Ramas wuxuu ugu baaqayaa dhalinyarada af-duubka ku haysata gabdhihii
u shaqaynayey umada ee hay'ada MSF in ay si degdeg ah ku sii dayaan
oo shuruud la'aan ah, waxaana ugu baqaynaa dhamaan waxgaradka,
hogaanka dhaqanka, culuma u diinka iyo dhalinyaraduba in ay ka
qayb-qaataan arintaan foosha xun ee aan cidna raali ka noqon karin.
Hay'adaha waxaan ugu baaqaynaa in ay ilaaliyaan shuruucda dalka u
degsan aysana siday doonaan ka yeeli karin dadka iyo dalka waxaana u
sheegaynaa in hadii hay'aduhu isku haleeyaan dowladaan musuq-maasuqa
iyo maamul xumada ka bixi weyday oo ku daydaan ay iyana tubta ay
martay la marsiinayo.
Maxamuud Cumar Bille
Agaasimaha Warfaafinta Xisiga Ramas PPP.
kala xiriir: +252-90-794242
mcbille@gmail.com
Shaqaalahii MSF ee Afduubka Loogu Haystey
Boosaaso oo la sii daayey....
Labadii dumarka ahaa ee Bosaso loogu afduubay ayaa maanta la sii daayey...
Akhri...