SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ilaali Sumcadda iyo Sharafta Soomaaliyeed 
 

Marka hore mahad idilkeed waxa iskaleh Allaah subxaanu watacaalaaa, Allaha koonkan iskaleh, ee aan cid kale oo aan isaga aheyn oo xaq lagu caabudaa aysan jirin. Naxariis iyo nabadgelyana rasuulkeenii ayey korkiisa ahaatay. 

Soomaalidu meel walboo ay joogaanba, waxaa ay aad iyo aad ugu dadaali jireen sidii ay u ilaalin lahaayeen magaca iyo sumcadda Soomaalida, oo waagii hore waxaa soo bixi jiray Soomaali aragtidoodu sareyso oo mar walba la baratama bulshooyinka ay la joogaan ama la nool yihiin. Waxaan arki jirnay dadka qaarkood oo markey maqlaan qof Soomaali ah baa meel hebla ku dhiban, oo isxilqaama oo isku dayi jiray siday qofkaas dhibaatada ama ula qeybsan lahaayeen ama ugaba saari lahaayeen. Xitaa waxaa dhici jirtay Soomaalida qaarkood si ay u ilaaliyaan karaamada Soomaalida haddii ay maqlaan qof Soomaali ah baa lacag dhacay ama Dukaan hebla lacag kala tegay, in kuwa markaas meesha jooga inay bixiyaan lacagtaas. 

Dadkaas aan kor kusoo sheegnay waxaa la weynaa qiimaha uu xambaarsan yahay magaca Soomaaliga, oo waxey isku dayi jireen in ay bulshooyinka ay la nool yihiin ka dhaadhiciyaan Sharafta ummadda Soomaaliyeed. Heer waxaa la gaaray bulshooyinka qaarkood inay naga codsan jireen inay luqada Soomaaliga ah bartaan, waayo waxey arki jireen Soomaalida oo aad iyo aad u qiimeyn jirtay luqadooda oo inay dan ku qasabto mooyee aanan jecleen inay luqad kale ku hadlaan. Qofka Soomaaliga wuxuu u ahaa qofka kale sida qof la dhashay oo kale ama aan waxba ka sokeyn walaalihiis. Micno uma sameyn jirin halka uu Soomaaliya ka yimid. 

Nasiib darro waxa hadda aad iyo aad noogu soo batay dad fara baddan oo aan u aabo yeeleyn sumcad, sharaf iyo soomaalinimoba. Waxa ay arkaan wey dhacayaan, been bay meel walba ku marayaan, isdaba marin, turuufo, qiyaano. Waxa intaas ka daran inay dhacaan bulshooyinka muslimiinta ah ee nala nool, iyagoo intay u yimaadaan qaab muslimnimo wax u weydiisanaya marka laga naxo oo la amaahiyo hadba alaabtii uu ka rabay, xitaa badalanaya cinwaankii uu horey ugu sheegtay. Waxaa iigu yaab badneyd inaan arkay nin Hindida muslinka ah ah, oo ka sheekeynayey Soomaali dhacday, ayaan ku iri ninyahaow waad ku been abuuraneysaa oo wax caqli gal ah maaha. Markaan intaas iri ayuu igu yiri I sug oo uu iisoo qaaday buug ay ku qoran yihiin  dad aad u tiro baddan oo kan ugu yar uu kala tagay lacag £ 100/- kor u dhaaftay. 

Waxa taas kasii daran dhaqankeenii suubanaa oo meel cidla ah looga dhaqaaqay, waxaad arkeysaa waxyaalo baddan oo dhaqankeenii ceeb ku ahaa oo imminka la caadeystay, sida balwadaha oo meelaha dadku isugu yimaado si bareer ah loola soo fadhiisto, caruuraheenii oo ku socda dariiq khaldan, dagaalo joogto ah, qabyaalad meel ay u socoto aan la garaneyn, mushkiladaha ka dhex taagan caa’iladaha oo sii kordhaya. Caruuraheenii oo ku badanaya xabsiyada oo cid ka daba tagtaa aysan jirin. 

Maalin maalmaha ka mid ah anigoo ku guda jira shaqo turjubaanimo ah oo aan mar mar ku shaqeyn jiray, ayaa waxaa leygaaga yeeray meel Hostel ah oo Soomaali baddan ay ku jireen. Gabar Nayjeeriyaan ah oo markaa meesha ka shaqeyn jirtay ayaa si gaar ah ii wareysatay oo I weydiisay waxyaalo baddan oo aad u foolxun oo ay ku kacaan Soomaalida halkaa ku jirtay ugana dhigay in uu yahay wax dhaqankeena ka mid ah. Ma doonayo inaan sii guda galo ee waxaan ka xusayaa keliya arin la xiriirtay nadaafadda Suuliga, oo markey dhoor jeer kala hadashay ay ku yiraahdeen annaga Dumarka ayaa noo nadiifiya, oo raggu waxaas inay qabtaan waa ku ceeb, adiga waa inaad noo nadiifisaa. Gabadha ay sidaa leeyihiin waa naagta labaad ee meesha ninka heysta ku xigta. 

Haddaba qofka Soomaaliga ah ee qurbaha jooga waxaan si walaaltinimo leh ugula talinayaa in uu mar walba ilaaliyo magaca iyo Sumcadda Soomaalida, oo uu ka dhiidhiyo dadka wax magaratada ah ee gubaya kaarka Soomaalinimada. Ogow meel walboo aad joogto waxaad tahay safiir matalaya Soomaalida. Ogow mar walba sida laguu arko ayaa laguu tix gelinayaa. Soomaaliyeey qofka xun waxa haboon in leyska qabto. War qof xumaan u bareeray adna wax kuu tari maayo ummadda kalena waad isku seegeysasan. Soomaalieyeey si wadajir ah haloogu istaagi difaaci magaca iyo haybadda ay Soomaali laheyd. 

Waan qirayaa inaynu nahay ummad soo barakacday oo uu dhib baddan heysto, laakiin horey ayey Soomaalidu u tiri : -

{  Haddii aad dhimaneyso dhareerka waa leyska duwaa } , ee yeeynaan dhulka isdhigin. Waxa iyadana wax lala yaabo ah Soomaali baddan  oo markey arkeen dhibaatada dadka Soomaalida ay waddaan ku oranaya war anigu waa hore ayaan Soomaali iska soo dhiibay, oo wax Soomaali la dhaho ma aaminsani, Waxaan leeyahay dadka noocaas ah wey khaldan yihiin, oo Soomaalinimada inaad uga baxdo dad yar oo maangaab ah, wax la qaadan karo maaha.  

Soomaaliyeey ogaada qof xun cid walbuu ku jiraa, oo qolo si gaar ah loo siiyay xumaanta malaha, sidoo kale qolo la yiri wey wada wanaagsan yihiina ma jiraan. Anigu shaqsiyan waxaan aaminsahaya inta wanaagsanna inay isku qolo yihiin, inta xunna ay isku qolo yihiin, oo waxaan leeyahay war inta wanaagsan ayaa badanee war ha is raadsadaan, oo ha difaacaan karaamada iyo Sharafta uu magacii soomaaliyeed lahaan jiray. 

Soomaaliyeey meel walboo aad joogtaan muujiya wanaaga ay Soomaali leedahay, oo ha u ogolaan shaqsigaa liita inuu magacaaaga meel uga dhaco. Waxaan kula dardaarmayaa Soomaali meel ay joogaanba rag iyo dumarba, caruur iyo waayeelba inay iska qabtaan Shaqsiyaadka dilaya magaceena, oo yeeynaan fursad siin dadka bahdilaya qiimaha Soomaalinimada. 
 

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social development Adviser 
saicentadv@yahoo.com


Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com