Bulshada Soomaaliyeed Iyo Paltalk.
(Soomaalida Qaahira)
Waayahaan danmbe Waxaa soo ifbaxaayay aalado kala duwan oo Internetka ah
oo ay Soomalida ku wada sheekeystaan iyadoo siyaabo kala duwan loo
adeegsado,
Hadaba Paltalk ayaa dhalinta soomalidu sida aadka ugu waalantahay
isticmaalkiisa
Magaalada Qaahira waxey ka mid tahay meelaha sida aadka ah looga galo
paltalk waxeyna isugu jiraan dadka galo dhalinyaro odayaal iyo kuwa lugu
magacaabo wadaadda paltalka.
Dhalinyarada paltalk.
Dhalinyarada Ayaa waxey inta badan galaan paltalka ayidoo taasi sabab
looga dhigi karo maadama aysan heyn wax kale oo ay ku mashquulaan hadii
ay ahaan laheed wax barasho ama shaqo, Qololka dhalinyaradu u
badanyahiin waxaa ka mid kuwa leesku barto luguna wada sheekeesto Sida
kuwa Loo yaqaano Qolalka SHukaansiga iyo isbarashada iyo kuwa leesku
caayo inta badan
wax yaabaha ugu yaabka badan ee magaalada Qaahiro aaan ku arkey waxaa ka
mid ah in gabar joogto Canada oo kale ay lacag usoo dirto dhalinyarada
inta badan paltalka ka caytama ee jooga Qaahira kana codsato in ay
shaqsi markaasi asigana reer paltalk ah loo caayo, waxaana arkee mararka
qaar dhalinayaradaas oo fadhiyo Goobaha soomaalidu u badantahay isna
weydiinaayo( maxaa cay cusub oo aan Caawa o Qof hebel ama qof heblo ku
caynaa) waxaa dhacda mararka qaar in laamiga kugu qabtaan dhalinyaradaas
kuna weydiiyaan in aad cayda Qatar ku tahay hadii aad Qatar ku tahayna
kooxdooda lugu daro ama cayda lacag laga gato.
Soomaaliya waxey aheed lacag qaado ee wax soo dil lakiin Qaahiro waa
lacag qaado ee wax soo caay, inkastoo arinkaan yahay mid la yaableh
hadane dad badan oo Soomaali ah ayaa waxey u arkaan horumar hadii
qorigii laga gudbay oo cay kaliya sheekadu taagantahay waxeyna dad badan
aaminsanyahiin hadii ay helaan dhalinyarada wax bedela fadhiga iyo shaqo
la,aantaka in ay iska dhaafayaan waxyaabahan oo idil.
Odayaasha paltalk.
Magaalada Qaahira dadka paltalka gala odoyaasha kama marna marka aad
joogto goobaha lugu shaaho waxaad arkee odayaal ku murmaaayo arimo ku
saabsan paltalka lakiin ayigo waxey kaga duwan yahiin dhaliyarada waxey
u badanyahiin Qolalka siyaasada inta badan looga hadlo Lakiin Waxaa Jiro
Hal iyo labo oday oo guur la,aan ku duqoobay oo u wareega qololka
shukaansiga Mid ka mid nabadoonada magaalada Qaahira si aad ah looga
yaqaano ayaa sameeyay qiso la yaableh kadib markii islaan uu ka bartay
paltalka ugu sheekeeyay in uu masar dalxiis ku joogo kana yimid dalka
mareykanka markii islaanta sidaas ku waday dhowr bilaado ayey islaantii
masar timaaday waxeyna aragtay Nabadoonkii dalxiiska masar u joogay oo
Kaar Qaxooti heesto meeshey ka sugeysay Passpor mareykan ah dhacdadan
ayaa waxey aheed dhacdo bulshada ku nool dalka masar aad u ala yaabeen
waxeyna gaartay in labadii beelooda ee islaanta iyo nabadoonka kasoo
wada jeedaan wada fadhiistaan lagana taliyo nabadoonkii tali jiray
arintiina la xaliyo oo islaantii loo celiyo lacag badan oo ay usoo diri
jirtay intii nabadoonku beenta ku weday..
Wadaadda paltalka.
Wadaadda paltalka ama culimada casriga waxey ka mid yahiin dadka sida
aadka ah uga gala paltalka magaalada qaahira wadaadda ayaa waxey galaan
inta badan qololka islaamiyiinta ayigoo muxaadarooyin Diini ah kasoo
jeediya Lakiin su’aashu waxey tahay wadaadda Diinta kuwa garanaayo ma
yahiin mida dan ayaa ku raaceyso?
Wadaadda inta badan paltalka ka muxaadareeyo lama dhihi karo waa
wadaaddo gaar ahan kuwa joogo magaalada Qaahiro, waxaa arkee nin
maalintii shiishad cabaayo habeenkii muxaadaro diini ah akhrinaayo
markaad weydiiso sababta ku kalifeyso in uu sidaas sameeyo waxuu kugu
jawaabaa maxaan sameyaa dumarka soomaaliyeed waxey jecelyahiin diinta
looga sheekaayo iyo rag diin leh hadii aan ka helo midoo waan iska
dhaafayaa ilaahna ha iga cafiyo beentaan, waxaa sidoo kale arkee kuwa
raadinaayo waxey muxaadareyn jeedi lahaayeen caawa waxeyna gaarta
mararka qaar in ay kuwa kale siiyaan lacag si ay ugu soo diyaariyaan
muxaadaro,
waxaa jiray rag caan ahaa oo ka mid ahaa kuwa wadaadda sheegta ee
magaalada qaahiro ka geli jiray Qolalka Diiniga Lugu Sheego ee Paltalka
waxaana ugu danbeysay muxaadaro ay paltalka ka akhriyaan markii ay
guursadeen haween ka mid ahaa kuwa paltalka muxaadaraadiisa ku tixnaa ,
markaad fiiriso arimahan oo dhan waxaa kuu soo baxaayo kuwa wadaadda
sheegta ee ka muxaadariya qolalka islaamiyiinta gaar kuwa masar joogo in
aysan aheen dad diin yaqaano lakiin ay yahiin kuwa danta ku kaliftay in
ay sidaan wanaagsaneyn diinta u isticmaalaan ayigoo ka faa’ideyso
jaceelka dadka soomaalida badankooda u qabaan diinta islaamka waxaa
dhacday xitaa in Dalka masar laga waayay macalimiin soomaaliyeed oo
ilmaha soomaaliya laga keeno kuwa dibadaha laga keeno Qur’aanka u dhiga
waxaan taas sabab u ah ayidoo habeenkii oo dhan macalimiintu baadi goob
dumar ugu jiraan Qolalka Diiniga kuwa Isku sheega subaxdiina jiifa
waxeyna Soomaalida ka fursan waayeen in ay macalimiin masaari ah
keensadaan.
Dhacdooyinka la yaabka leh ee paltalka ka dhaca.
Paltalka waxaa ka dhaca dhacdooyin la yaableh waxaana sabab u ah taas
dadka soomaaliyeed oo caado ka dhigtay in ay isticmaalaan wax walba
qaabkii loogu tala galay qaab ka duwan,
waxaan ku arkay mid ka mid ah wiilasha Qisooyinka la yaabkaleh ee
paltalka ku jiro wiilkaan waa wiil 15 jir waxuuna ugu horeyn I tusay
sawir haweeyn kor u dhaafeyso 40 markaan weydiiyay waxey haweeneydaan
waxuu ii sheegay in uu shukaansado, waxaan weydiiyay sida ay ugu suura
gashay in uu haweenay 40 jir ah shukaansado iyo halka uu ka keenay
markiii hore waxuu wiilkaasi ii sheegay in uu markii hore ka bartay
haweeneydan paltalka asigoo ii sheegay in uu dhib badan kala kulmay sida
uu ugu qanci lahaa in uu nin weynyahay lakiin markii danbe uu mid
saxiibkiisa oo sidaan oo kale ku dhacday uu kula taliyay in uu sawir qof
weyn google ka raadiyo una diro Markey soo wacdana qof weyn u dhiibo
waxuuna sameeyay wiilkaan sidaas waxuuna ii sheegay in sidaas kuwa wada
socdaan ilaa iyo hada sidaan Wiilkan waxaan weydiiyay hadii qaahiro kugu
timaado maxaad sameynee waxuu si fudud igu yiri” maxaan sameyn lahaa waa
ka dhuuman lahaa sida dad badan aniga iga hor sameeyeen”
Dhacdadda Wiilkaan iiga sheekeeyay waxey ka mid tahay boqolaal
dhacdooyin oo ku saabsan paltalka oo ka dhaca dalka masar,
waxaana Nasiib daro ah haween 40 jir ah xiligey cibaadeysan lahaayeen in
ay waqtigooda ku dhameeyaan paltalka waxaa arkee kuwa shukaansaayo
dhalinyaro la mid ah caruurtooda oo kale waxaa ku arkee maqaayadaha qaar
wiila yariis oo habar dhali karto la socdo markaad weydiiso ma
habartiisaa waxaa lugu jawaaba( maya waa naag uu paltalka ka keenay)
Waxaa kaloo la yaableh in aad aragtid haween soomaaliyeed oo
caruurtoodii caruur dhashay iyo gabadho hada soo baxaayo webcam shidaayo
ayigoo wax dhar ah anan gashaan arinkaas oo ah wax dhaqanka soomaaliyeed
iyo diinta islaamka kasoo horjeedo
Run ahantii wiilasha dhalinyarada ah waxaa ku kalifaayo in ay guursadaan
ama shukaansadaan haween dhali kara waa ha idin geysa Dalalka Reer
Galbeedka Maahane Majiro rabitaan ku kalifaayo in ay wax la wadaagaan
haween hooyooyinkooda ka weyn
Ugu danbeyntii waxaan jeclahay in aan u sheego dumarka afartan jirka ah
ama kuwa kasii weyn intaas in anan anigu u diidaneen in ay rag guursaan
waana wax ay xaq u leeyihiin Lakiin waxaa wanaagsan in ay jiilkooda
raadsadaan oo aysan dhaliyarada soo baxeyso kaga faa’iideysan faqriga
iyo yurub jaceelka Ragana Waxaa loo baahanyahay in aysan gabadhaha soo
koreeyo passpor ku gadan
Khaalid saciid muuse (codka Bulshada Xurta Ah)
lebrali@hotmail.com
Qaahira-Masar
Fadeexada
Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2008


|