SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Hadii aan Raila madaxweyna noqon, Dalka nabadi kama jiri doonto... No Raila No Peace

Dalka Kenya oo ah dal ku yaala Geeska Afrika-da bari oo ah deegaano u nugul Colaadaha qabiil iyo Burburka ayaa waxa uu horey ahaa dalka ugu Xasiloon Afrikadda Bari, waxana uu wadankani Qoobiyadaha ku nool Gobalka oo dhan u ahaa Gabaad ay maciin bidaan ooay naftooda iyo maalkoodaba ay ku Aaminaan

Ka dib markii ay bilawdeen Doorashooyinka wadanka Kenya oo ay ku tartamayeen Axsaabta Siyaasadda ee kala ah ODM oo uu hugaamiyo Hon. Raila Odinga yo PNU oo uu hugaamiyo madaxweynaha Talada haya hadeerna sheegtay in uu ku guulaysta Doorashooyinkii abuuray Qaska iyo Fawdada Hon. Mwai Kibaki

ku dhawaaqista Doorashooyinka oo qaadatay Muddo maalmo ah sababtayna in ay kala shakiweyni soo dhex gasho Gudiga Doorashadda iyo Asxaabta ayaa waxa ay sababtay in Rabshado aan wali dhamaani ay ka bilawdaan guud ahaan dalka Kenya oo dhan
Galabnimadii Axadii markii Gudoomiyaha Gudigga ECK ee ku dhawaaqay Natiiojadii Doorashadii dhacday Maalinkii Khamiista ahayd ayaa waxa diidmo kala horyimi Xisbiga Mucaaradka ah ee ODM, oo Aaminsan in ay ku Guulaysteen Doorashooyinka Madaxweynenimadda balse ay PNU iyo ECK ay wax isdabo barin sameeyeen

Taageerayaasha Hon Raila ayaa waxa ay Rabshado aan dhamaan ka wadaan Guud ahaan Dalka oo dhan, waxa ayna Dilayaan cidii ay u aqoonsadaan PNU iyo in ay yihiin Qabiilka Madaxweyne Mwai Kabaki (Kuukuuyo), Rabshadan oo ay san Police-ku waxba ka qaban kari waayeen ayaa waxa ay sababeen Dagaalo ka fool ka fool ah oo dhex maraya Ciidanka Police-ka iyo Taageerayaasha ODM

habenimadii xalay waxa uu Dagaal la isku adeegsaday Qoryaha fududi uu ku dhexmaray Ciidanka Police-ka iyo taageerayaasha Raila deegaanka Madaara ee Degamadda Kamankuji oo ku taala Bariga magaaladda Nairobi , hase yeeshee wali lama oga khasaara uu geysta Dagaalkii xalay,

dhinac kale waxaa Magaaladda Eldoret oo ku taala Galbeedka wadanka ay Taageerayaasha ODM shalay ku gubeen Kaniisad ay ku Cibaadaysanayeen dad , sidoo kalena cidii ka badbaadda Dabka ay Taageerayaashu surka ka jarayaan , dadka ku sugnaa magaaladda Eldoret oo aan la xidhiidhay ayaa ii sheegay in ay Dhimashadu kor u dhaaftay Boqol qofood.

Waxaa wali xidhan isku socodkii gobaladda dalka iyada oo aysan jirin baabuur ka shaqaynaysa gobaladda oo ay ka walwalsan yihiin in ay dhibaatooyin soo gaadho inta ay ku jiraan wada, waxaa kala oo wali xidhan goobaha Ganacsiga ee Magaalooyinka waa weyn ee dalka oo dhan, magaaladda Nairobi ma jiraan Dukaano furan oo looga soo adeeganayo Xaafadda Islii oo ay ka furan yihiin saaka dhawr Meheradood mooyee, waxaa dadka Kenyanka ah soo foodsaartay wal wal iyo cabsi ay ka qabaan Xaaladda wadanku sida ay noqon doonto

Musharax Xisbiga ODM Hon Raila Odinga ayaa isagu aaminsan in uu yahay Madaxweynaha Sharciga ah ee wadanka Kenya isla markaasna doonaya maalinka khamiista ah in Beertaha Xoriyadda (Uhuru Parka ) lagu dhaariyo, iyada oo maalinkii Isniinta ahaydna uu Police-ku ka hor istaagay hase yeesheen waxa uu Raila taageerayaashiisa u sheegay in maalinka Khamiista ah 1m oo qof ay isku soo bixi doonaan uuna war galiyey Police-ka balse lama oga waxa ay Police-ku ay ka yeeli doonaan

waxaana macquul noqon doona in maalinka Khamiista ah ay Magaaladda Nairobi ka dhacaan Dagaalo iyo Qas iyada oo ay rabshaduhu wali socdaan, taageerayaasha Raila ayaa sheegay hadii aan Raila madaxweyna noqon in aan Dalka nabadi ka jiri doonin (No Rail No Peace )

isku soo wada duubo waxaa Dalka ka dhacday Dagaalo iyo Bililiqo, dadka ku dhintay ayaa waxa ay gaadhayaan tan iyo intii natiijadii doorashooyinka lagu dhawaaqay 300 oo qof halka uu dhaawac ka soo gaadhay tiro intaas ka badan, biliqo xoog leh iyada oo goobo badan oo ganacsi ah biliqaystay ayna ugu daran yihiin magaalooyinka Mombasa iyo Kasumu oo uu ka soo kala Jeedaan Raila Odinga iyo Najib Balala

Dhinac kale dib lu maasiyiinta Aduunka u jooga Dalka ayaa ka horyimi Madaxweynenimadda Mwai Kabika, waxa ayna sheegeen in aysan ahayn wax la aqbali karo, Safiirka maraynkanka u jooga wadanka oo horay u Taageeray Natiijooyinkii ay ku dhawaaqeen ECK ayaa hadeer sheegay in lagu celiyo Codadka la isku haysto

Cabdiqani Makhtal Maxamed
Cabdiqanimakhtal@hotmail.com
254726950180

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com