SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Minneapolis: Shirkii dhalin yarada Gobalada Waqooyi Bari ee Soomaaliya oo Guul ku dhamaaday 
 
Waxaa Dec 31, 2007 furmay shir weynihii dhalin yarada gobalada waqooyi beri ee ku nool gobal ka Minnesota waxaa shir ka ka soo qayb galay dhammaan dhammaan jaaliyada Reer puntland iyo marti sharaf kale oo somaliyeed waxaa shirka lagu sharaxayey urur ka  cusub  oo lagu dhawaaqay 15 december urur kaan oo la yiraahdo IFTIINKA PUNTLAND waxaa sharaxaaad aad u dheer ka bixiyey gudoomiyaha urur kaan Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon waxaa ka mid ahaa dhalin yaradii ka soo qayb galay Liibaan ali Yare Khaliif Bashir Yususf Geelle Mohamud Adan Omar Farah iyo Abdirashid H 

Hadaladii laga soo jeediyey oo qoraal iyo cod ah waan idin soo gaarsiinaynaa  
Waxuu shirk ii ku gaba gaboobay guul waxaana ku xigu doona Shir labaad oo lagu Casumaya Aqoon yahanada iyo Odayaasha ka soo jeeda Gobalada waqooyi bari  

Waxaa kaloo looga hadlay urur ka sharaxaadiisa marka laga soo tago arimo badan oo ay ka mid tahay nabad galyada maamulka puntland urur ku waxuu qabtay shir jaraaid kaas uu saxaafada ku la hadlay waxuuna amaan u soo jeediyey dadaal ka uu wado Dr Ahmed Haji Abdirahman eek u saabsan nabad galyada waxuu kaloo maamu. Waxaanu idin balan qaadaynaa khudbadihii laga jeediyey in aan idin soo dirno ayada oo qoraal ah ama tv ah ama cod ah.    

Marka laga soo tago dadaal ka ay wadaan dhalin yarado ayaa hadana waxay soo ban dhigeen sawiro boorar waa weyn oo ay ku qoran yihiin erayo soo jiitay dhamaan dad weynihii ka soo qayb galay wallow dad ku ay boorar ka ku booqsanaayeen hadana waxaa dhalinta qaar kood ka biya diideen sawirka Suldaan C/qani C/laahi  Cod ka omar ayaa soo jeediyey in la joojiyo sawir ka iyo cameriyinka taladas oo la qaatay   Ahmed Abdisalaan Diiriye ayaa asagana ku booriyey in la taageero urur kaan jaaliyada  

Waxaa shirka soo gaba gabeeyey ustaad dalboon oo dhammaan jaaliyada u soo jeediyey in ay ka qayb qaataan tabarucaad ka loo aruurinayo walaalaheen ka soo bari kacay Muqdisho  taas oo dad weynuhu ay aad ugu sacabiyeen waxaa la saadalinayaa in shirka labaad ee aqoon yahanada iyo odayaasha lagu casumu doono uu ka sii xiisa badan doono ayada oo ay xubnaha gudigu sheegeen in ay keenayaa ilaa 7 Proffosor iyo 5 Dr ku waas oo la saadaalinayo in ay ka mid noqdaan Profossor Abdiwali Mohamed Ali Gaas oo Jamacad New york ku taala macalin ka ah iyo Profossor Hassan Ali Mire oo kui Nool Ohio Colombis iyo Dr Abdirashid Haruun Iyo Dr Warsame Dheere iyo Xubno Waxaa kaloo laga soo xiro doonaa magalaada Bosaso Dr Ahmed Haji Abdirahman oo Macalin ka ah Jamacada Bosaso iyo Fadiilatu Shiikh C/qaadir Nuur Farah Dadaal kaan dhalin yarada gobalada waqooyi bari ka soo jeeda ay wadaan ayaa ah mid dad weynuhu u riyaaqeen  
 
Gudiga Golaha Iftiinka Puntland Minneapolis

Warbixin Faahfaahsan::

Shirweyniihi dhalin yarad gobalada waqooyi bari ayaa Axadii (Dec 31, 2007) ku dhamaaday guul iyo is af garasho ayada oo la soo ban dhigay macnaha iyo u jeedada urur kaan cusub dhamaan dad weynihii ka soo qayb galay waa u riyaaqeen waxaana la oran karaa marna sacab ku ma kala joogsan walow la joojiyey sawir qaadida iyo daawashada boorar ka ka dib mar kii la arkay in ay shirka socod kiisa ay dhib ku tahay.

waxaa shir kaan urur kaan ku saabsan soo jeediyey Gudoomiyaha urur kaan Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon oo u mahad celiyey dhamaan Jaaliyada iyo Marti sharaf ka ka soo qayb galay ayada oo uu ahaa shirkaan maantay mid dhalin yarada loogu tala galay ayaa hadana waxaa la oran karaa dhamaan jaaliya dhalin yaro iyo odayaal uma kala maqnayn waxaa la isku af gar tay in la soo ban dhigo power point ka lagu soo ban dhigu doono qarashaad ka uu u baahan doono urur kaan iyo waliba shir ka labaad oo noqon doona qada sharaf loo fidin doono aqoon yahanada iyo odayaasha wax garad ka waxuu ahaa shir ku mid fun ah oo wax badan la kala faa i daystay waxa aka mida ka soo qayb galashaashii shirka una hanbalyeeyey Suldaan C/qani C/laahi Omar Codka Sh Yusuf Geele Liiban Ali yare Khaliif Bashir Ducaale iyo Ladane Yususf Hassan Cadaawe iyo Jama C/rahman iyo Ahmed Diire iyo Mustafa Cigaal

waxaa la oran karaa jaaliyadu uma kala maqnayn maantay shirkaas mar kii uu shir ku dhamaaday ayaa waxaa shir jaraaid qabtay Gudoomiyaha urur kaan ustaad dalboon waxuu baaq u diray Madaxweynaha Maamul gobaleed ka Puntland Cadde muse waxuuna yiri "Cadde waxaan ku xasuusinaynaa in aad nin oday ah noqotid sidii Mohamed Abdi Hashi oo kale oo aad doorasho qabato haddii lagaa raayana aad ka dagatid, dad ka fowdada iyo amaan darada wadana waxaan leeyahay amaan ku waa noolasha bulu aadan ka ee saas ogaada haddii aad doorasho in la qabto rabtaad mudaharaad aan fowdo wadan ayaad samayn kartaan Dhamaan dad ka nabad da Xoojin teeda dadaal ka ugu jira hanbalyo ayaan leenahay sida DR ahmed Haji Abdirahman iyo Fadiilatu Sh C/qaadir Nuur Farah ugu danbayntii waxuu ku soo gaba gabeeyey gudoomiyuhu Maantay laga bilaabo waxaa bilaamatay shaqadii urur kaan waxaana shirkaan ku xigi doona shir kii labaad kaas oo lagu casumi doono aqoon yahanada iyo odayaasha gobalada waqooyi bari, anannaga oo dhowr profossor ka keeni doona Canada Ohio Tanasee iyo Virginia iyo ilaa & Dr oo Jooga Minneso shirka labaad ayaa noqon doona mid ka duwan kii maantay

Dhalin yarada Gobalada waqooyi bari

iftiinkapuntland@gmail.com


Khudbadii Gudoomiyaha

Bismilaahi Raxmaani Raxiim  
 
Ujeedo Urur ka IFTIINKA PUNTLAND  
 
Urur kaan waxaa asaasay dhalin yarada Puntland ee gobal kan Minnesota  
Ka dib markii ay iskugu yimaadeen shirar qaatay ilaa dhowr fadhi 
Urur kaan waxuu taageerayaaa Aqoon yahanda Reer Puntland Maadi iyo Diiniba  
 
Maxay tahay baahida keentay in aan urur kaan ku dhawaaqno  
 
Mar kii aan aragnay xaaladda dalka Hooyo ee Somalia ku sugan yahay  
Mar kii aan aragnay kaalintii aqoon yahada oo aan muuqan  
Mar kii aan aragnay mushtamacii in ay saayanayaa dooranayaa cid aan aqoon lahayn  
Mar kii aan aragnay dad kii horay wax u bartay iyo kuwa hadda bartay oo aad moodo in ay  
Ka soo baxeen jaamacado aan darishad daaqad iyo albaabo lahayn ayaga oo la meel ay u dhaqaaqaan  
Mar kii aan aragnay wadadii aqoon yahanado mari lahaateen oo is baaro taalo ama ay oga hormareen dad aan ehel u ahayn  
Mar kii aan aragnay kaalintii dhalin yarada somaliyeed in ay tahay mid banaan  gaar ahaan tan Maamul gobaleed ka Puntland  
Mar kii aan aragnay in talada iyo hor mar ka aysan waxba ku lahayn aqoon yahadu maamul ka puntland  
 
Waxaan ogaan sanay in aan si tabaruc ah aan ku shaqayno oo aan baraamij samayno aan ku wacyi galinayno Bulshada  
Mushtamaca aan ka soo jeedno iyo in aan dhiiraga galino aqoon yahanada reer Puntland Culuma awdiin iyo Proffosor Dr rada  
Engneer Suxufiyiin etc 
 
Ujeedada Dhabtaa ee urur kaan
 
 
Urur kan ma ahan mid Matalaya Maamulka Puntland ama Dowladda Federal kaa ama Maxkamadihii  
Ama Shabaab ka ama cid kasta mansab iyo sandalad sheegatada waa urur madax banaan una taagan  
Hor marka Somalia gaar ahaan Maamul ka Puntland  
 
WAXAA MUDAN IN AAN SADDEX DHIBAATO AAN SI KOOBAN U SHEEKO  
 
(1) Dhibaato ka imaanaysa aqoon yahanada  
(2) Dhibaato ka imaanaysa Mushtamaca ama Bulshada  
(3) Iyo mid labada  dhanba ka imaanaysa  
 
Haddii aad wax rabto in aad saxdo oo hagaajiso waxaa lagama maar maan ah in aad taqaano cilada iyo waxa khaldan 
Aan ku hor maro qodab ka koobaad oo ah dhibaadada ka imaanaysa aqoon yahadana maadaama aan ayaga hadda xal kooda  
U is taagayno midna ogow waxaan xaqiiqo ahayn sheegi mayno 
Dhibaatada ka imaanaysa aqoon yahada oo laga yaabo in aad la yaabi doon taan ama aad oran doon taan waa mar kii  
Ugu horaysay oo la sheego dhibaado in ay ku hayaan dad ka iyo dal ka  
(1) Waxaa ka mida aqoon yahan ku in shirar ka ay qabanayaan ay noqdeen kuwo aan mira dhan lahayn  
(2) Waxaa yaraatay waxa ay sheegayaan in ay san ku dhaqmin Profosor ro ha noqdeen ama Culumo ha noqdeen  
 

Qabiil ka oo kale ka hara ayey dhahaan habayn kiina waa u guura bahaleeyaan waa u dhuuntaan waana u hunbaaleeyaan  
waxay qaar kood ka keentay sida jiridii in ay u caytamaan goobaha shirar ka ayaga oo dad qabiil ku caayaya oo leh  
Habal reer hehel cida uu ka yahay ma taqaan waa jifa yar oo geela meesha dabadu kaga taalo ayuu kaga yaalaa  
Waa wax aad goob joog u ahaydeen waana wax laga naxo   waxaa ka mida aqoon yahan kii oo garanaya Qiimaha  
Aqoontu ay leedahay haddii la yiraahdo jaamacadda baa muqdisho laga dhisayaa ama kismaayo ama baladweyne ama Buurame  
Ame baydhabo ama Bosaso meeshu uu mushtamacii dhex gali lahaa oo qiimaha aqoonta ka hadli lahaa haddii uu yiri ka warama  
Jamacadda hablo  masayr ayaa loo dhisay ma tahay ilaah baan idin ku dhaar shaye language nin aqoon yahan ah  
ama nin oday ah ma ahan ayaan filayaa  
 
(3) Waxaa ka mida dhibaatoon ka ka imaanaya dad kii aqoon yahanada ahaa kalsooni la,aan  
    Waxaa dhacday rag aqoon yahanaa in title kii aqoon tooda DR ama Profosor ay ku badalaan waxaan raadinayey Cadkii  
Reer habal ama kursigii reer habal ee ahaa Fuulaa kama dago waa erayada cusub ee dhaqan galay  
 
(4) Waxaa ka mida in uu qab qablayaasha iyo dhiig yabacada taariikh soo jireen kaa leh in ay u kala dhuuntaan  
Midna caayaan midna isla sawiraan oo la casheeyaan in badan oo ka midana sharaftoodii ayaa ku luntay waxaana  
Ka ma qan al muruu,a waxa la yiraahdo oo ah anshax wanaaga rag badan waxa ay dad ka u sheegayaan waxay mira dhal u noqon  
Waayeen muruu,a dii ayaa laga qaaday al maruu,a waxaa la dhahaa oo culumadu ku sheegaan qofku in uu ka cararo goob kasta oo  
Lagu tuhmi karo tusaale ahaan haddii uu tuugada aad raacdo mushtamacu waa muraayad hor taala maxuu noo 
sheegin waa habal kii tuuga ahaa ayuu shalay garab ka haystaye 
 
Wadadu tandanbaba  haba u badnaadeene ogow haddii shalay dad kii aad  
Cayday shalay dad kii aad xoola hooda cuntay shalay dad kii kugu arkay in aad qabqable lasafatay oo xal aad biday  
Waxba kaa dhagaysan maayaan ha is daalin ee rabi ka xishooda oo ka ilaaliya manaaabirtaa iyo meelaha dacda diinigaa  
Laga jeediyo iyo lecture rada  
 
(5) isla qumanaan ma is la weyni ayada oo qof qof tiig sanaya aadan moodin in uu bulshada ku jiro dad ka qaar ayaad arkaysaa  
ayaga oo leh aamus adigu wax garan mayside war dad ku adiga ma ahan wax garan maayaan miyaa maantay oo aad 50 jirto  
mid ayaa 70 jira oo tan iyo waagaad dhalatay macalin ahaa oo khibrada leh asaga oo kale ayaa rabi yiri weydii kan khidbrada leh  
haddii nin waliba qumanihiisu qoorta ugu jiraan si dee wax ku hagaagayaan nabigu labi toban arimood oo uu ka waramay  
Mid ka mida ayaa nagu dhacday haddii aan nahay umadda somaliyeed saddex arimood oo min afar ah waa 
12 ayuu nabigu scw ka warana oo yiro u 
umadahu waa ku halaagsamaan waxaa ka mid ahaa sadeex lagu halaagsamo waxaa ugu horaysa in qof ku maankiis deeq noqdo  
asaga iyo baabah dad ku noqdaan heer kaas mar kuu qof ku gaarana allaha u naxariisto umadda ugu badan ayaan nahay icjaabo 
mar nafsihi  
 
Dhibaatada ka imaanaysa Bulshada iyo Mushtamaca waa Fara badan tahay 
 
(1) Waxaa ka mida mar kii la is xaniiya taabto in ay dhahaan reer habal yaa ku jira oo markaasna la dilay  
Dr ka ama prof ka ama Shiikha ama nin ka isin ka u ah oo reer ku duubtay adigu mudo qarni laga joogo  
Ayaad koodaa in aysan duugoobin erayadii ali dhuux ilma dumuqba duulbay indha dumuqka siiyeen adoogood nin kii  
Dilay kama dabaynsiin wali ma car bisnin ama maanan bislaanin walina ma aanan garan waxaanu aamisanahay ama waxaan nahay " 
Ama waxaan isku nahay afka se waa laga sheegaa isku diir ayaan nahay isku dal ayaan nahay isku af ayaan nahay wiil iyo abtiis 
Erayo aan tarbiyad wadan ayaad moodaa sideedana dad inta badan hadal koodu af kuu ka soo baxaaye qalbiga kama soo baxo  
(2) waxaa ka mida dhibaada mushtamaca oo qabiilki ugu horeeyo ka imaanayso in ay nin wax la rabaan garab is taagaan  
Maalintii la doortana haddii uu wax kharibana eeda dhalada ka saaraan kaligiis sidii ay shalay ugu sacabinayeen uma saxaan  
Marka horana ma saayadaan oo ma door taan kooda ugu aqoonta badan uguna daacadsan qabaaisha madaxa ayaad moodaa  
In ay kaga taagan yihiin dad kooda garaad ka leh aqoonta leh waxaana ka qiima badana wiil ka maalin reer ay is xaniiya taabteen  
Weerar ku gaaciya waxay ila tahay waxaan sheegay oo dhan waa wax jira  
 
Dhibaatada ka imaanaysa labada dhinaca ayaa jirta  
 
Waxaa ka mida dhibaattada ka imaanaysa laba dhinac quus rajo xumo prof iyo dr iyo culuma markii aad dhahdo 
War dad ka wax u sheega oo waxada u sheegaysaan idin ku ugu hor mara noqda dad santooda raad kooda la qaado oo la tiigsado 
Udub dhexaad ayaad tihiine dhinacna ha u ciirina waxay ku leeyihiin naga daa dad kaan waxba ma maqlayaan waxaad moodaa  
In uu allah dad ka oga yimid oo la yiri raana calaa quluubihim qalbiyadooda waa la daboolay waxba galimaayaan  
Macalin kii jamacada dhigayey prof kii dr kii Culumada dii ardaydii wax sheegi lahayd xataa ayaa far fariisiyey  
Shiikh dad ka aan wax u sheeg no im iih war yey san lafagaa kuu dilan nin walba dan tiisa ayaa haysata wakhti yuusan kaaga luma  
waa laga dhagaystaa waxba kaa maqli maayaan erayadaas ayaa baxay mushtamacii oo dhanna waa fariistay arday iyo macalin  
Yaa haysta meesha weeye mid aan labadaas ahayn joor naal ayaa hadda ka hor lagu soo sawiray geel muqdisho soo galay  
War geel waa caasumadii maxaa kugu dhacay ayaa la yiri mar kaas ayuu yiri dad kii iraaci jiray ayaa iga soo galay  
 
Dhiibaatada laba dhinaca ka imaanaysaa waa aqoon yahadii oo iska qaylinaya qaylo aan ficil wadan  
Iyo Mushtamacii oo nin qabiil la yiraahdo hor boodaya oo qaylo iyo ficil xabad wata ku asqaysiiyey aqoon yahadadii  
 
Hadda Maxaa talo ah maxuuse noqonayaa wax qabad kayagu koor muuse dhaqan gal noqonayaa  
 
Waxaa talo ah in aan taageerno aqoon yahada somaliyeed Gaar ahaan kuwa reer Puntland  
Culumada awdiinka Puntland oo uu ugu horeeyo Fadiilatu Sh C/qaadir Nuur Farah Dr Ahmed Haji  
Prof Ali khaliif galayr Prof Hassan Ali Mire Prof Abdiwali Mohamed Ali gaas Prof  
 
Waxaan Xafiisyo ka furran doonaa Bosaso Laasqoray Qardho Laas caanood Garowe Galkacyo 
Waxaan diiwaan galinaynaa dhamaan aqoon yahada Puntland  
Waxaan samaynaynaa Barnaamij ka hadlaya in la saanyado ama la doorto Qofka aqoonta leh  
Waxaan samaynaynaa oo midaynaynaa dhamaan dhalin yarada somaliyeed  
Waxaan Shir weyne u qabanaynaa Ardayda Puntland iyo Aqoon yahada Puntland  
Waxaan ku marti qaadaynaa dhammaan aqoon yahadana somaliyeed  
Waxay astaan tayadu noqon doontaa Iftiinka qoraxda soo baxayso waxaana aamisan nahay  
Iftiin ka somalia ama kan puntland in uu yahay aqoonta taas oo ugu horeeyo Towxiid ku  
Waxaa bar naa mij yadayada ka mid noqon doona baraarijinta iyo ixtiraamka dad ka waa weyn  
Gaar ahaan Culumada Awdiin ka Prof Dr rada Isimada odayaasha dhaqan  
 
Wax qabadka urur ka U.I.P 
 

Waxaanu taageeraynaa aqoon yahadana reer puntland  
Qaab kaan u tagayraynana waxaa weeye doorashooyinka soo socda waxaan rabnaa in aan soo saarno 
Prof ama Dr madaxweynaa magacuu doono hala haado xirfaduu doonana haya yaqaano gobal kuu doono ha ka soo  
Jeedo hadduu doono ha noqdo cadde walaal kiis hooyadiis iyo aabbahiis dhaleen hadaf kayaga iyo gool ka urur kaan  
Waxaa weeye in hogaan aqoon leh la helo oo ay mar mar siyaha aqoon yahanada reer puntland meesha ka baxdo ee ah  
Askari anigu lama shaqayn karo waxaanu codsanaynaa ilaa 10 Prof iyo Dr in ay is sharaxdo si aan guusha u helno aanan  
Gool ka urur kaan aan u dhalino oo aan umadda hogaan wanaagsan ugu saayano u doorano si aan u badbaadino  
Shacabka daacadda ah ee hogaan la,aantu hayso  
 
2 waxaanu qabanaynaynaa laba barnaamij oo  aan mushtamaca ku baraarujinayno oo ah 1 in aan qabaaisha  
Ay musharaxiintu ka imaanayaan aanu ku baraarujino in ay keensadaan qof aqoon leh oo dagan oo shacabka  
iyo maamulka badbaadin kara maamul wanaag u horseedi kara dad ka gobalka ku dhaqan 2 waxaa barnaamijyadayada  
Ka mid noqon doona in aan mushtamaca ku baraarujino in ay dad ka aqoonta leh ay yihiin lafdharta bulshada ee umadda kasta  
Ku taagan tahay isla markaana ay yihiin dad ka bir ma gaydada ah ee aysan haboonaynin in qabiil loo dilo maadaama aqoontoodu 
Nacfigeedu yahay mid bulshada u dhaxaysa  
 
(3) waxaa ka mida wax qabad kayaga in aan magaalooyinka dad ka madaxda ka noqonaya sida duqa magaalada Bosaso Qardho  
Lasqoray laascanood garowe galkacyo gol dogob ay noqdaan dad aqoon leh si ay dhibaato danbe oga imaan magaalooyinka waa  
Weyn oo hogaan koodu uu san ahayn mid horay u socda waxaa ka mida booliiska magaalooyinkaas in aan taagerno cid kasta  
Oo aqoon leh oo rabta in ay wax ka qabato amaan ka  
 
(4) waxaa ka mida goob kasta oo sandana ah in aan u istaagno sidii qof aqoon leh u maamuli lahaa  
 
(5) waxaa wax qabad kayaga ka mida in aan walow gool keeni koobaad uu noqon doono sidii madaxweynahu u noqon lahaa  
Prof ama Dr in aan la shaqayno laba wasaaradood oo bulsho caalamka noolaan karta aysan jirin la,aanteed waa wasaarada  
Caafimaad ka iyo wasaarada  amniga, wasaarada caafimaad ka ayaan ku hor mari doonaa waxaanu iibinayna 14 anbalance  
oo aan gayn doono  
 
Magaalooyinka waa weyn sida aan qorshaynay 2 bosaso 2 qardho 2 laasqoray 2 laascaanood 2 gorowe 2 galkacyo 2 goldogob 
Waxaan u samaynaynaa number amergence call ah 911 taas oo aan ka dhamayn doono shir kadaha is gaarsiinta waxaan kaloo  
idaacadaha iyo wargaysyada ka sii daynaynaa in anbalance ta dhawaaqeeda markii la maqlo baabuurta iyo dad ka soconaya iyo  
Wadooyinka alaabta ku gadana in ay iskaga cararaan oo qof walba dhinac is taago si taxadar leh  waadna garan kartaan  
Dhibaatada ay nagu hayso gargaar caafimaad la,aantu dad ka markii xabad ku dhacdo gaar gacan ayaa lagula cararaa ama dad  
masaakiina oo tabar daran oo aan gaari lahayn hospital kana gaari karin ayaa jira  magaalo kasto 2 gaari kuma filnee  
Goobaha caafimaad ka ee private ka haddii aysan anblance lahayn iyo number 911 waa in albaabada loo xiraa  
 
Waxaanu hospitalada u samaynaynaa qolal ka la seexdo meel batoom leh batoom kaas oo ku dhacaya qolaal ka shaqaalaha  
Habaynkaas shaqada ku qoran ama maalintaas si ay gar gaar caafimaad u la gaaraan waayo waxaa dhacday dad badan in ay  
Daryeel caafimaad la,aan u dhinteen ama ku qalaleen hospitalada dhexdooda taas oo dad culumaa noosheege in qaab loo aaso  
lawaay markii dad ka qaar si qaab daran u nafbaxaan oo waayeen cid isku duwda inta aysan naftu ka bixin  
mana jirto cid heegan u ah oo horta oga soo kacda 
waxaanu wax ka qabanaynaa in aan dhakhaatiirta guryaha hal iyo nirig loo bixiyey ama goobaha private ka ah fadhiya in aanu  
Ka soo dhamayno in aan u samayno xiliya free ah oo ay fariistaan hospitaalada si ay u daweeyaan dad ka tabarta daran ee aan  
Haysan dhaqaalaha waxaanu hospitalada ku dhajinaynaa boor ka dhakhaatiirta  iyo dhakhtar kasta waxuu qaabilsan yahay  
 
oo aqoontiisu tahay ama uu laysinka u haysto, boorku  waxuu noqon doonaa mid electoronic ah  
waxaanu u samayn doonaa farmashiyaasha laysin waayo waxaa badatay in qof walba farmashi furto asaga oo aan aqoon lahayn  
waxaan wasaarada kala shaqayn doonaa in aan ayraboorkasta oo puntland ku yaala ma koontaraal kasta wasaaradu xafiis ka furato  
Si daawada wadan ka soo galaysa loo baaro waayo waxaa badatay in daawo dhacday dad ka laga iibiyo waxaana loo samayn  
Doonaa qof kasta oo daawo ka ganacsanaya laysin uu ku shaqaysto waxaanu midayn doonaa dhakhaatiirta waxaana u samayn  
Doonaa hogaan ayaga ka mida si ay ugu soo gudbiyaan wasaaradda caafimaad daawooyinka ay gobalka ka mamnuucayaan  
In aan la keeni karin iyo in ay tira koob sameeyaan ah cudurada dad ku u dhintaan sanad kasta  
 
Waxuunu  diraynaa sanad kasta  khubaro nursi ah iyo dhakhaatiir somaliyeed oo soo bixisa tababaro  
waxaanu la xisaabtami doonaa casilaadna mutaysan doona magaalo kasta dowlada hoose ee ka jirta haddii ay wax ka qaban weydo  
Nadaafada iyo bilicda wadanka waxaanu magaalooyinka waa weyn dhigi doonaa haamo waa weyn oo lagu rido 
qashinka sida caagadaha biyaha  
Laga cabo daasadaha iyo waxii la mid ah dad ka goobaha ganacsiga yar yar haysta sida biibitooyinka waxaanu ku baraarijinaynaa  
In ay caagado dhigaan goobta ay ku ganacsanayaan horteeda  dad ku qashinka iskaga ridaan waxaanu la kaa shan doonaa 
Dowladaha hoose waxaanu samaynaaa  
Barnaamijiyo majaajilooyin  lagu ceebaynayo magaalo joognimo xumana lagu tilmaamayo qof kii weel kii uu wax ka 
cabo ama Qashin  
ama can dhuufta ku tuura wadada ama meela mushtamacu marayo iyo wax yaalo badan intaas aan shaqada wasaasarada  
Caafimaadka ku joojiyo  
 
Wasaarada amniga waxaan u la shaynaynaa kana caawinaynaa sidaan hoos ku qoran  
Waxaan qabanaynaa shir dhamaan qabaaisha dagta ay ka soo qaybgali doonaan kaas oo ku saabsan sidii loo noolaan lahaa  
Waxaan  qofkii qof kas u dila in ay saxiixaan in la tooganayo haddii qofkii uu wax ka dilay cafiyana lagu xukumo 7 sano oo xarig  
Ah waxaan kaloo  kala hadlaynaa in qofkii qaatil ah oo ku dhinta howl gal booliis in aanan cidna loo raacan haddii uu asagu 
booliska dilana aanan cid kale loo raacan ee uu noqdo booliis dhintay oo howshiisa gudanayey dowladuna ay masuuliyada haddii uu  
Carruur ka tagay ay qaado waxaanu wasarada amniga kala shaqaynaynaa in xabsiyada dib loo habeeyo oo dad ka wax lagu baro  
oo waliba diinta lagu baro iyo maadiga waxaanu ka caawinaynaa in maxkamadaha magaalooyinka waa weyn sida Bosaso Lasqoray 
 
Qardho Garowe Galkacyo goldogob loo dhiibo culumada diinta taqaana ee hadaba masaajida loogu tago ee dad ka kala hagta  
si ay u yaraato khaladaad ka dad ka kala dhex gala soo laalabashdeedu waxaana dhacda in wadaad inta uu wax xukumo hadana  
La dhaho waa reer habal oo mid kale loo tago ama xukun kii oo dhamaaday mid diido si dad ku cadaalad u dareemaan  
Waa in dad ku waa muslime waxay aaminsan yihiin lagu xukumo oo laga daayo qodobka 23 ama 47 waxaanu ka caawin doonaa 
Computer rada iyo daatooyinka wax lagu kaydiyo si loo xiftiyo docoment kaga xukunka maxkamadaha  
Waxaanu wasaarada amniga ka caawinaynaa in aan u samayno 911 number emergenc ah anaga oo la kaashanayna is Gaarsiinta  
Puntland waxaanu caafad kasta wasaarada kala talinaynaa in ay umagacowdu officer police kaas oo gool keena ku jira in uu  
 
Noqdo aqoon yahan qof dagan aamin ah diin leh in uu noqdo police ku  
  waxaanu wasaarada u kala shaqaynaynaa in xaafad kasta loo dhiso meel hool ah oo dad ku ku shiraan si ay waxii  
Soo kordha am  amni xuma ku haya naftooda caruurtooda iyo maal kooda ay u gudbisadaan officer ka xaafaddaas haysta  
in xaafad kasta boliskeedu  
baabuur dhowr ah leeyihiin oo habayn iyo maalin shaqaynayaan oo magacoodu ku qoran yahay in booliis number leeyahay  
si haddii oo qof mooryaan ah haddii uu siidaayo shaqadiisa uu u waayo iyo in bulshada la baro in cidii ay dacwo u qabto  
Maxkamada ka dacweyso waana in ay dowladdu wax ka qabataa haddii kale shacab ku cadaalad ayuu rabaa markuumaqlo  
Jabaq maxkamado ama qolo uu cadaalad ka rajaynayo waa la didin waana la gaa aarsan ogow 
 
Waxaan ka shaqaynayna si qof kasta oo somali ah uu oga shaqaysan laha puntland asaga oo aan marti cidna u ahayn oo wadini  
Xor ah oo somliyeed ah waxaanu furaynaa wadada muqdisho iyo bosaso isku xirta baabuurtka muqdisho ka soo baxana asaga  
Oo cid leh aan la is weydiin ayuu bosaso rar ka gaynayaa waxaana la kaa shanaynaa walaalaheen maamul ka gal mudug  
Waxaana qaadaynaa khadka cagaaran ee galkacyo waxaana ka shaqaynaynaa sidii walaalaha maamulka galmudug  
Ay xubno oga noqon lahaayeen airport ka iyo kontaroolada iyo booliiska iyo duqa magaalada waxaanu ka shaqaynayaa 
Mid nimada somaliyeed waxaan ka shaqaynaynaa mid nimada aqoon yahanada oo ay ugu horeeyaan mid nimada Culumada  
Somaliyeed ee uu ee maantay uu ugu da weyn yahay Caalamatu Sh Shariif Abdinuur iyo Calaamu Sh C/qaadir Nur Farah 
Waxaana u qaban doona shir dhammaan culumada somaliyeed  
 

La xiriir: cdalboon@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com