SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

HANEEDKA HASHII MAANDEEQ OO LA HALEELI WAAYEY

ILAAHAY baa mahad isaka leh isaga ayaynu weydiisanaynaa inuu inagu hogaamiyo jidkiisa toosan.
Waxaan koloo ILAAHAY ka baryayaa inuu ka dhigo sanadkan cusub mid qomiyada
soomaliyeed tusa HASHOODII MAANDEEQ IYO HILIBKEEEDA WADHAN.

Marka hore waxaan jeclaystay inaan iftiinsho isu eekaanshaha guumaysigii hore iyo guumaysigan cusub iyo waxay ay wada wadaagaan.

Waxaana tusaale u soo qaadan karaa halbeeega ka dhexeeya guumaysigii hore iyo kan cusub oo ah..(QAYBI OO XUKUN) ,

Hadaba hadaynu ogaaney kelanmada ka dhexaysa Waxaynu isku deyaynaa inaynu ogaano hababka ka dhexeeya ee ay umareen burburinta iyo baabi’inta ummada soomaliyeedka , taas oo aan doonayo inaan maqaalkaygan aan ku iftiimiyo habdhaqankii ay kula dhaqmeen gumaystihii hore iyo kan cusuba ummada soomaliyeed iyo hababkii ay u isticmaali jireen ummada soomaliyeed iyo qaabkii gumaystuhu uu uga fushan jiray danahooda gaarka ah ummada soomaliyeed.

Waxaynu ka soo qaadanaynaa saddex waxyaabood oo u ahaa gundhig guumaystihii hore

A) In uu qabiilooyinkii soomaliyeed isu tusay inay cadow isu yihiin.
B) In uu ku hubeeyey xabashi.
C) Iyo inuu samaystay basaasiin iyo adeegayaal badan oo soomali ah lana magacbaxay (KHARIIRADA BADWI)

Arinkaas uu gumaystuhu sameeyey wuxuu faa’iidadeedii helay waqtigii uu kacdoonka ku sameeyey MUJAAHIDKII weynaa SEYID MAXAMED C/LLE XASAN iyo daraawiishtii la socotay iyagoo waqtigaa arkayey in lagu soo duulay DIINTII IYO DALKIIBA.

Hase ahaatee waxaan arinkaas arag QABIILOOYIN soomaliyeed oo u adeegayey
guumaystihii waqtigaa ummada kala qaybiyey.
Waxaa taa lamid ah habdhaqanka gumaystahan cusub oo soomaliya u kala qaybiyey mandaqado yaryar iyo qabiilooyin.
Taasina waxay ku tusaysaa habka uu u maray oo ah ..
A) Inuu soomalida u qaybiyo mandaqado iyo qabiilooyin isu cadow ah
B) In xabashida oo kaashanaysa walaalohooda cadaanka ah ee ay isku diinta yihiin ay ku sooduulaan dalka.
C) Iyo inuu samaysto basaasiin iyo adeegayaal badan oo Somali ah lana magacbaxay (ASHAAADO LADIRIR)
Taasina waa ta waqtigaan u sahashay in amxaaro soo gasho wadanka oo ku layso culumada iyo maartada soomaliya

Waxa iyana muuqata habdhaqanka dadka soomaliyeed ee u shaqayn jirey gumaysigii hore iyo kan cusub ay isu shabahaan ama isaga eeg yihiin xaga ..

1- Xishood la’aanta.
2- Diin nacaybka.
3- Gaalo u Jajabnaanta ama adeecida.
4- Dhuuni raacnimada.
5- Aqoon la’aanta baahdey.
6- Been iska hadalaka
7- Naxdin la’aanta aysan ka naxayn dadkooda dhimanaya.
8- Damiir la’aanta.
9- Caqli xumo

Waxaana taasi ku tusaysaa in maanta oo aynu joogno qarnigii 21aad aynu galnay guumaysi cusub oo la mid ah kii jirey qarnigii 19aad

Hadaba hadaan u soo noqdo qormadayda maanta oo ah HAANEEDKII HASHII MAANDEEQ OO LA HALEELI WEYNEY, waxay odhaahdani ku tusaysaa in dadka soomaliyeed ay ku heelayn jireen ama ay halqabsi u ahayd inay heleen hashii maandeeq oo ahayd gobanimadii ay ku taamayeen mudada badan.
Taas oo uu ka tirey ABWAAN C/LLAAHI SULDAAN TIMACADE uuna yidhi
.
Gumaysigu hashuu naga dhaceen gurayey raadkeeda

Gu'yaal iyo gu'yaal badan hashii gama'a noo diidey
Goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda
Guuraa habeenimo hashaan gebi walboow jiidhay
Gaashaandhigeedii hashu galowgu eedaamay
Hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey
Gacmaa lagu muquunshaye xornimo noogumay garane
Garre iyo guntane maalintay gees isugu boodey
Allaa noo gargaaree xornimo noogumay garane
Geeraarradeedii hashaan annigu googooyey
Galool iyo maraa iyo hashaan kidiga geylaanshey
Gaajiyo harraad badan hashaan ugu garaacaayay
Goortuu sidkeedii go'ee galabtii foolqaaday
Ayadoo candhada giijisay oo godol ku sii deysay
Garaad midan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine
Annagoo gantaalaha dhaciyo haysan qori gaaban
Hashaan gaadda weynow libaax uga gaboon waayey
Inaan Gorayacawl uga tagaa waa hal soo gudhaye

Balse HASHAASI ay noqotay LAMOOD NOQONSE WEYDEY ,sababtoo ah marka abwaanku uu tirinayo tixdaan waxaad ka arkaysaa isagoo sheegaya wax dhib loo maray laguna helay arin adag oo weliba hadalkiisa ka muuqata inuu raadinayo kuwo kaloo maqan, hadana aad aragto inay soomalidu ka dhigtay arinkaas hala bacaad lagu lisay.

Marka aad eegto waqtigii soomalidu qaadatay xornimada iyo magacyada loo bixiyey sida.
1960---1969 waxaa loo yaqaaney soomaliya QABRIGII MACALUUSHA (GRAVE AID)
1969---1990 waxaa loo yaqaney soomaliya CUNUGII MUSHKILADA BULSHADA CAALAMKA( THE PROBLEM CHILD OF INTERNATION AT COMMUNTY)
1990—2007 Waxaa loo yaqaan soomaliya DHULKII GEERIDA IYO GAAJADA (THE DEATH TRIANGLE)
Hadaba arinkaasi waxa uu kutusayaa sida hadaynu soomali nahay aysan inoo taaban ama
aynan u fahmin xornimadii ina soomartay iyo halgankii loo soo maray toona.
Umalayn mayo inay jirto umad ama qowmiyad iska dayacda wax wanaagsan oo soo maray.
Arinkaasina waxa uu kutusayaa hadaynu nahay soomali inaynan lahayn qiimaynta ama
habka aynu u marayno waxa aynu hiigsanayno oo ahayd gobanimada ama xoriyadii aynu.
doonayney ,taas oo muuqata waqtigaan hadeer la joogo
· Inaynan lahayn waqtigas ujeedo sax ah oo aynu gobanimo ku doonanay,
· Inaynan u bislayn waqtigaa gabanimada aynu doonay,
· Inaynan haysan jid wanaagsan oo aynu u qaadno gobanaimada
Taasna waxa ay ku tusaysaa inaynaan ka fekerin arimaha ah.
· For the right reason.
· At the right time.
· On the right way.
Hadaba miyaynaan dhihi Karin HAANEEDKA HASHII MAANDEEQ OO LA HALEELI
WEYNEY ,marka aynu maanta oo ah qarnigii 21aad aynu dib ugu soo noqonay guumaysi
cusub oo aynu gacmeheena ku kasbanay kuna samaysanay, kadib markii aynu garan weyney
inaynu saxno maamulikii aynu u aragnay inuu khaldan yahay ee maxamed siyaad bare
ILAAHY HA U NAXARIISTEE ee aynu ku wajahnay habka qabiilka ee ku salaysan
qabyaalada cad ee aan lahayn xigmada ka dambaysa oo lagu rido xukunkii markaa jirey aan
ka ahayn ta maanta ina haysata oo ah xageebaynu ka doona xukun wanaagsna .
Dadka ku nool cidhifka waqooyi ee dunida ayaa ku maahmaaha (U FEKER SI SAX AH,
DHEH KELMED SAX AH, SIDAA DARTEED WAXAAD ARKAYSAA INAAD
SAMAYSID WAX WANAAGSAN)

Balse dadkeena soomaliyeed waxaynu u fekeraa si khaldan oo aan sax ahayn oo cadow nimo
ah taas oo qof waliba uu jecel yahay in uu walaalkii dhibta ka badsado isaguna uu nimco ku
dambeeyo ,laakin arinku saas maah dhibta haysata deriskaagu waxay kuugu timaada waqti
yar wayna ku saamayn sikasta ba ha ahaatee.

Tasna waxaa laga tiriyey tixdaan gabayga ah,
· Ninba maalin baa loogu iman maxashadiisiiye.
· Qoladay markaa haysataad kaga maqnaataane
· Xaasidnimada maarowday waydiin macaan tahaye.
Sidaas darteeed waxan ku soo koobayaa qormadaydii aan ugu talagalay sanadka cusub
inaynu hayno dhitadii aynu dhiganay maanta hadaynu soomaali nahay ayna inootahay
dhaxal gal xumo waxa aynu maanta haynaa oo ah faa’iidada aynu ka faa’iidnay
kalaqoqobkii gumaystaha iyo wadadiisi uu inoo sameeyey maxsuulkee oo ah
HAANEEDKII HASHII MAANDEEQ OO LA HALEELI WEYNEY qofkastoo soomali ahi ha ku dhigto kelmadaas meel.

Waxaan hadalkii ku soo xidhayaa tixdaan gabayga ah ee uu tiriyey ALMUJAAHID
DARWIISH ISMAACIIL MIRE, oo uu yidhi.
GUDIYADA GARGEYDHIYO ARDADA SOO GAR NAQI WEYEY.
AFARTA GOONIDAAQ IYO KUWAA RURAYAA LAALUUSHKA.
KIISHYADA GARKAA MARAHAYIYO LACAGTA GUURAYSA.
ADIGAAN GACMAHA KUU WADHAY OO HOOSTA KAA GALAYE.
ALLAHAYOOW CUQUUBADAY GASHAAN HAYGU GELINSIININ.
OO HAYGU GUBIN WAA ADUUN HOOS U FOORAREE.

Waa in aynu noqonaa kuwo aan raacin wadadii uu jeexay guumaysigu ee uu ku kala qoqobay ummada soomaliyeed ee aynu isha ku eegano ummada soomaliyeed ee meel walba ku dhimanaysa ee rafaadku ka daalay ayna u dheertahay gumaysiga cusub ILLAAHAY AAN KA BARINO SIDA DARWIISHKA uu ilaahay u baryey oo uu cuquubada ay galeen uu uga cararayo.............AAMIN.

ALHAAJI JAMA
NORWAY OSLO
SAXANE77@HOTMAIL.COM

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com