SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BURCO

Shirweynihii Sannadlaha ahaa ee Ururka TAF oo Sabtidii 29/12/2007 ka dhacay magaallada Sheffield, oo lagaga dhowaaqay  $8,000 Dollar oo ururku ugu deeqay Cusbitaalka Dhimirka ee MAANDHAYE oo ku yaal magaalada  Burco. 

Ururka Togdher Abroad foundation (TAF) oo shirweynihiisii sanadlaha ahaa  ku  qabsaday Magaallada Sheffield ee waddanka UK Sabtidii, 29/12/2007, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan xubnaha Ururka TAF. Shirkan oo ay soo agaasimeen xubnaha laanta Sheffield ayaa wuxuu ahaa shirweynihii sannadlaha ahaa (AGM) ee Ururka TAF, kaas oo lagu soo bandhigo warbiximo kala duwan oo ku saabsan himilada iyo hawlqabadka Ururka, warbixinta dhaqaale ee ururka soo gashay, qorshaha sannadka dambe iyo doorashada hoggaanka ururka, halkaas oo lagu doorto xubnaha hoggaamin doona ururka sannadka dambe. 

Shirkan waxa ka soo qayb galay marti sharaf  badan oo isaga kala timi  magaalooyinka waaweyn ee UK, oo ka kala socday Guddiga Horumarinta G/Togdheer, Guddida Jaamacada Burco, Xildhibaano, dhakaatiir iyo aqoonahano aad u badan. Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyihii hore ee ururka TAF Mowliid Axmed oo ka warmay ujeedadii ururka loo asaasay, wixii uu qabtay, qorshihiisu waxa uu yahay  iyo marxaladihii kala duwanaa ee ururku soo maray, horumarka ururku sameeyey, iyo magaalooyinka uu laamaha ku leeyahay iyo wuxuu qaadhaan ururiyey sannadkan, isaga oo goobtaa kaga dhawaaqay lacag dhan $8,000 Dollar oo ururka TAF ugu deeqay cusbitaalka dhimirka ee MAANDHAYE ee magaallada Burco, kaas oo sannadka kala badhkiisiina ururka TAF ugu deeqay lacag dhan $13,000, taas oo isu geyn noqonaysa $21,000 inta sannadkan ururka TAF ugu deeqay, cusbitaalka Maandhaye.

Waxa isna goobtii shirka ka hadlay Dr. Sacad Cali Shire oo ka mid ahaa asaasayaasha Jaamacadda BURCO, waxa uu si ballaadan uga hadlay guud ahaan horumarka dhinaca waxbarashada Gobolka Togdheer  iyo kaalinta ay ka qaadatay Jaamacaddu, isagoo si qotodheer uga hadlay muddadii  saddexda sannadood ahayd waxa u qabsoomay Jaamacadda Burco, wuxuu sheegay inay sannadkan iska diiwaangeliyeen arday gaadhaysa 1300 oo arday, iyadoo ay shaqaalaysay 82 qof, isla markaana ay noqotay marka laga tago horumarka waxbarasho, il dhaqaale oo weyn, waxay jaamacaddu leedahay laba kambas  (campus) midkii saddexaadna dhowaan ayey magaallada dhexdeeda ka furaysaa, waxaanu Dr. Sacad Shire soo jeediyey in dadweynaha reer Sheffield ka qaybqaataan horumarinta dalka hooyo, khaasatan dhanka waxbarashada oo uu muujiyey inay mugdiga ka saarayso bulshada, una daarayso ilays aqooneed. 

Waxaa iyana xusid mudan Marwo Maryan Haantoolli iyo maamulka ICRAAC COMMUNITY ee magaalada Sheffield oo si hagar la’aana ugala shaqeeyay qabsoomidda shirkan laanta Ururka ee Sheffield, iyada oo Maryan ku soo casuuntay shirkan madaxa booliska magaalada si ay u tusto in aanay dhallinyarada soomalidu ahayn ku xumaan ka wada shaqeeya laakiin ay jiraan kuwo badan oo wanaag ka shaqeeyaa. Marwo Maryan waxa ay halkaa ku guddoonsiisay shaahado sharaf Ururka TAF, oo uu guddoonsiiyey Madaxa Booliska ee Alan guddoomiyaha Ururka TAF Mowliid Axmed Mohamed, iyada oo waliba shahaado sharaf kalena guddoonsiisay Gudoomiyihii hore ee Ururk TAF Aadan Caydiid Cabdi, kaas oo lagu qiimeeyey sida hagar la’aanta ah ee uu ugu shaqeeyo hawlaha ururka guud ahaan iyo gaar  ahaanna laanta magaalada Sheffield. Maryan waxa ay ballan qaaday in ay si weyn ula shaqaynayso ururka TAF, iyada oo suurogelisay in ay xubnihii ugu horreeyey ee haweenka magaalada Sheffield kaga dhawaaqday goobtii shirka.   

Shirkan oo aan ahayn mid loogu talagalay in hawlaha ururka oo qudha lagaga hadlo waxaa ay dhillinyaradu ugu gudbnayaysay farriin bulshada si ay uga faa’iiadaysataan waddamada qurbaha ee ay ku nool yihiin si ay ugu anfacaan wadankoodii hooyo, iyaga oo qaab masrixiyada ah ugu soo bandhigay majaajilo si heersare ah looga soo shaqeeyey oo huwanayd fariin obocdeedu ama dulucdeedu ahayd in aqoonta, xoogga iyo maalka loogu faa’iideeyo ummaddeena iyo dalkeenna hooyo, maadayskaas oo ka qayb galayaashii shirka aad uga farxiyey, kuna abuuray dareen ballaadhan iyo raadayn weyn kaga tegey dadkii goobjoogayaasha ahaa. 

Dhamaan aqoonyahanadii, odayaashii, haweenkii iyo xildhibaannadii ka soo qayb galay shirka oo  ka mid ahaayeen   Faarax Yuusuf (Faarax Xadhigle), xildhibaan Farxaan Maxamed Cali, Dr. C/laahi Axmed Rooble (Biikalo), Saleeban Ayax  iyo marti sharaf kale oo aad u badan waxa ay talo, guubabo, taageero iyo tusaalaynba u soo jeediyaan Ururka TAF,  iyaga oo sheegay sida ay lagama maarmaanka u tahay inay bulshadu wax wada qabsato oo aanay baahideeda cidna ku hallayn. Tabantaabaday laba gacmood tamar ku yeeshaan. 

Shirweynihii Ururka TAF waxa lagu soo gebo gebeeyey sawirro iyo isbarasho horleh, iyagoo fayl dheer loo galay goobtii laga diiwaan gelinayey xubnaha cusub, siiba haweenka oo si weyn ugu soo biiray Ururka TAF, isla markaa garabkii haweenka laanta Sheffield goobtaa kaga dhowaaqay. 
 

Allaa Mahad Leh 
 
 

Ururkataf@gmail.com

www.ururkataf.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com