SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Yaa Qaadaya mas'uuliyada Dhibaatada Baaxada leh ee ku Dhacday Shacabka Somaliyeed

Maaday suufi maxamed oo gurigiisii buushka ka sameysaanaa uu baabiyey madfac goor habeen ah ku dhacay kuna dilay 9 qof: afar carur ah iyo hooyadood iyo sadex qof kale oo marti u aheyd.

Isaga oo guriga deganaa mudo 12 sano ah ayna ugu dhalay lix caruur ah laba horey ayey uga saqiirtay afratii kalane madfacaan ayey sababsadeen .

Maaday hadda wax caruur ah uma joogaan sida uu ii sheegay isaga oo ilmaynayey goor la weysanaa madax ka mid ahaa dadkii uu madafu laayey balse markii danbe la helay madixii maqnaa.

Xagga dowlada FKMG ayaan wax war ah ka soo bixin ilaa iyo hadane ma jirto cid loo xirey iyo cid isku mashquulisay sidii looga hortegi lahaa in sidaan oo kale aysan dib danbe u dhicin.

Yaa qaadaya mas'uuliyada dhibaatada baaxada leh ee ku dhacday shacabka somaliyeed ?

Halkan ka Eeg sawirro Naxdin Leh.... (Waa xaqiiqada ka jirta Muqdisho)

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com