Barnaamijkii Radio Xoriyo
01 Jenuary 2008.
Kulan ay yeesheen xubnaha G/dhexe ee jwxo ee gudaha Ogadenya.
Jigjiga: Dad guryohooda lagala baxay oo xabsiga loo taxaabay.
Jaaliyada Australia oo shir ku yeelatay magaalada Perth.
Shaqaaqooyin ka dhashay natiijadii doorashooyinka oo weli kasocdaKenya.
Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee ka dhaca Ogadenya & Soomaaliya sanadkii
2007
======================
Kulan ay yeesheen xubnaha G/dhexe ee jwxo ee gudaha Ogadenya.
Xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ee ka
hawlgala gudaha Ogaadeenya ayaa kulan isugu yimid intii u dhaxaysay 26 –
28 Dec. 2007. Kulankan waxay xubnaha Golaha Dhexe ee guduhu ku
qiimeeyeen hawlaha kala duwan ee halganka Ogaadeenya.
Kulankan waxaa diiradda lagu saaray qodobbo ay ka mid yihiin;
1- Is-badallada ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan
kuwa xidhiidhka dhaw la leh halganka Ogaadeenya
2- Qorshayaashii ugu denbeeyay ee cadowgu soo qaaday iyo jawaabihii uu
ka bixiyay CWXO iyo
3- Kor u-qaadista guud ahaan hawlaha halganka Ogaadeenya.
Dood iyo falanqayn dheer ka dib wuxuu shirku hoosta ka xarriiqay in si
hufan oo la siman loola saan-qaado is-badallada ka dhacaya gobolka, isla
markaana guulo la taaban karo oo wax ku-ool ah laga soo hoyiyay
hawlgalladii uu cadowgu soo qaaday oo lagu fashiliyay shirqoolladiisii.
Wuxuu shirku ku adkeeyay dhammaan hawl wadeennada JWXO inay sii
labanlaabaan dadaalkooda hawl-fulineed, isla markaana ay ka shaqeeyaan
sidii loo sii horumarin lahaa hawlaha halganka.
Wuxuu shirku u mahadceliyay CWXO ee jiidda hore ee dagaalka oo
ciidammada cadowga u dhigay cashir lama illaawaan ah, isla markaana ku
sandulleeyay inay ka ekaadaan goobohooda.
Shirku wuxuu sidoo kale ammaan iyo bogaadin u soo jeediyay shacbiga
ma-daalaha ah ee Ogaadeenya, wuxuuna dhammaan qaybaha bulshada ku
ammaanay sida ay u gudanayaan xilalkooda halgan iyo adkaysiga ay u
yeesheen cadaadiska iyo dhibaatada gumaysiga.
Jigjiga: Dad guryohooda lagala baxay oo xabsiga loo taxaabay.
Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in habaynimadii
sabtida ahayd dad badan oo shacab ah guryohooda lagala baxay, kuwaasoo
ay askarta Wayaanuhu la tageen, meel ay geeyeena aan la xaqiijin karin.
Dadkan waxaa ka mid ah;
1- Maxamed Sh Cabdi
2- Axmed Afyare
3- Axmed Ilka-case iyo
4- Maxamed Dhaga-wayne.
Maalmihii u denbeeyay waxaa xabsiyada magaalada Jigjiga madax furasho
lagaga sii daayay dad maxaabiis ah oo badan, kuwaasoo qofkiiba laga
qaaday 3000 oo Biro o o mddax furasho ah.
Dadkan madax furashada lagu sii daayay ayaa ka mid ahaa dad shacab ahaa
oo muddo dheer xabsiyada ku jiray, waxaana oodda laga qaaday iyadoo aan
wax maxkamad ah la horkeenin, balse laga qaatay lacago madax furasho ah.
Hase yeeshee waxaa la xaqiijinayaa in dadkaas madax furashada laga
qaatay qaar ka mid ah haddana xabsiyada lagu celiyay.
Jaaliyada Australia oo shir ku yeelatay magaalada Perth.
Jaaliyada Ogaadeenya ee Galbeedka waddanka Australia ayaa axaddii isugu
timid shir sannadeedkeedii oo sannadkan lahu qabtay magaalada Perth.
Shirkan, oo xubno aad u fara badani ak sooq ayb galeen, waxaa lagaga
hadlayay waxqabadkii Jaaliyada ee sannadkii 2007, iyo hawlaha ay
Jaaliyadu qaban doonto sannadka 2008.
Shirka waxaa warbixin dheer ka soo jeediyay guddoomiyaha Unugta oo si
faahfaahsan ugu xogwarramay hawlihii ay Jaaliyadu qabatay sannadkii 2007
iyo kaalinta ay ka qaadatay hawlaha halganka Ogaadeenya. Guddoomiyuhu
wuxuu tilmaamay in Jaaliyadu ay kaalin muuqata ka gashay hawlaha lagu
kabayo halganka Ogaadeenya iyo adeegyada kale ee ku aaddan wax ka
qabashada dhibaatada ka taagan dalka Ogaadeenya.
Waxaa sidoo kale shirkan lagaga dooday qabanqaabada shir waynaha
Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Australia iyo New Zealand oo lagu qaban doono
magaalada Perth. Qabanqaabada shirkan waxaa loo doortay guddi shan
xubnood ka kooban oo ka shaqayn doona diyaarinta hawlaha shirkaas.
Waxaa kaloo shirkan lagaga arrinsaday sidii loo xoojin lahaa abaabulka
dadwaynaha, isla markaana loo dardar galin lahaa Jaaliyada, si
waxqabadka laga sugayo sannadka 2008 oo u noqdo mid ka sarreeya
sannadkii tagay.
Jaaliyada Ogaadeenya ee Waddanka Australia ayaa sanadihii ugu dambeeyay
kordhisay abaabulka dadwaynaha iyo waxqabadkeeda, arrintaasoo laga
dareemi karo horumarka ay sameeyeen Jaaliyadaha Ogaadeena ee waddanka
Australia.
Shaqaaqooyin ka dhashay natiijadii doorashooyinka oo weli kasocdaKenya.
Ugu yaraan 100 ruux ayaa ku dhintay rabashado ka dillaacay waddanka
Kenya, ka dib markii lagu dhawaaqay natiijadii kama denbaysta ahayd ee
doorashada madaxtnimada ee waddankaas oo muran wayn ka dhex-dhalisay
xukuumadda madaxwayne Kibaki iyo mucaaradka jagada kula tartamayay.
Booliska ayaa la sheegay inuu rasaas oodda kaga qaaday dadwayne isugu
soo baxay magaalada ay u badan yihiin taageerayaasha mucaaradka ee
Kisumu, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof.
Waxay sidoo kale rabshado xooggani ka socdaan magaalada caasimada ah ee
Nairobi iyo Mambasa.
Madaxwayne Mwai Kibaki ayaa si rasmi ah mar labaad loogu dhariyay
madaxtnimada dalka Kenya. Waxaa madaxwaynaha la dhaariyay iyadoo
hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu ku doodayo in doorashada lagaga
shubtay.
Odinga ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay maalinta khamiista ah
magaalada Nairobi ku sameeyaan isu soo bax ay ka qayb qaataan ugu yaraan
hal mailyan oo qof oo lagaga cabanayo musuqmaasuqa doorashada.
Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee ka dhaca Ogadenya & Jam.Soomaaliya
sanadkii 2007
Sannaduhu way soo noqnodaan sida Bilaha iyo Maalmuhuba usoo
laab-laabtaan.
Sannad walba ama bilwalba waxaa dhaca is baddalo iyo dhacdooyin la
xusuusan karo oo laga yaabo inay dareenka iyo quluubta dadka raad ku
reebto, taasoo noqon karta mid lagu farxo ama mid naxdimeed.
Sannadkan inaga dhamaaday ee 2007 dhexdiisa waxaa dhacay dhacdooyin
badan oo farxad iyo murugaba isugu jira.
Sannadka 2007 dhexdiisa waxaa Ogaadeeniya dhexdeeda ka dhacay dhacdooyin
la xusuusan karo sida:
Qabsashadii ay JWXO qabsatay bishii 2aad Dagmooyin badan oo kamid ah
Ogaadeeniya kuwaas oo cadowgu katalin jiray waxaana kamid ahaa:
Haar-cad , Garbo , Gunagado, Iyo meelo kalaba, kuwaas oo isugu jira kuwo
xoog lagu muquuniyay iyo kuwa is dhiibayba.
Digmooyinkaas oo ay Jabhaddu kufuratay Saanad mulatari oo badan ayay
fursad u heshay inay kumanaan shacabkay udagaalamaysay ah la hadlaan
iyagoo is hortaagan .
Waa sannadkii shiinaha iyo shisheeyoo dhaniba ka quustay shidaalka
Ogaadeeniya isagoo shiinuhu ku waayay 9injineer deegaanka Cobole,
halkaas oo shiinuhu shidaal kabaadhayay iyagoo ciidan Itoobiya uu
ilaalinayo balse CWXO qaybaha Duufaan iyo Gorgor ayaa amin subax ah
bishii cagta mariyay ciidankii gumaysiga ee goobta fadhiyay.
Waa sannadkii uu Baarlamaanka cabsida badan kunool ee itoobiya ansixiyay
in weerar cir iyo dhulba ah lagu qaado Ogaadeeniya 27 kii bishii 4aad.
Waa sannadkii uu ciidanka Zenaawi weerarka kusoo qaaday bishii5aad guud
ahaan shacabka Ogaadeeniya miyi iyo magaalaba iyagoo fulinaya go`aankii
Baarlamaan ku sheega itoobiya.
Waa sannadkii si koox-koox ah loo marjiyay dadka reer Ogaadeeniya,
eegeedaha laga soo lalmiyay.
Waa sannadkii shacabka dulman ee Ogaadeeniya dhuunigii laga jaray,
Gaajana u dhinteen dad tiro badani.
Waa sannadkay barakaceen kumanaankun oo kamid ah shacabka Ogaadeeniya.
Waa sannadkii lagubay boqolaal qoys oo dhulkoodii daganaa waxna aan
galabsanin.
Waa sannadkii gudaha Ogaadeeniya lagu xidhay wariyaal caalami ah oo
kasocda safaaxad caalami ah.
Waa sannadkii dhagaha caalamku ka weel-buuxsadeen wararka Ogaadeeniya.
Waa sannadkii ay QM usoo dirtay guddi xaqiiqo raadin ah taasoo ahayd
tallaabadii koobaad ee nooceedoo kale ah.
Waa sannadkii uu Ogaadeeniya booqday kaaliyaha xoghayaha QM ee arimaha
gargaarka John Holmes isagoo ahaa sargaalkii ugu sarreeyay oo QM ka
socda ee abid taga Ogaadeeniya.
Waa sanadkii ay Jaaliyadaha dibadaha ee Ogaadeeniya qabteen
Bannaan-baxyadii uugu badnaa uguna baaxadda waynaa, iyagoo dhagaha
caalamka kabuuxiyay Sawaxan, indhahoodana kabuuxiyay Sawiro naxdinleh.
Waa sannadkii uu CXO soo hoyiyay guulihii ugu badnaa Sida:
Cobole,Dannood,Laandheer,Galaalshe, Kubcad iyo Jeexdin oo inbadan oo
kamid ah dadka reer Ogaadeenyia ee guusha jecel uu farxad-dardar ku
dhici gaadhay markay maqleen Jeexdin waa la qabsaday qalabkii yaalayna
la burburi.
Waa sannadkii ugu horeeyay ee la arko dowlad aduunka kamid ah oo
baarlameenkeedu dacwadeena dhagaystaan kadibna go`aamiyaan in itoobiya
cunaqabatayn dhaqaale iyo mid duulimaadba lasaaro isla markaana la
maxkamadeeyo saraakiisha ciidamada ee dambiyada dagaal kamsuulka ahaa.
2007 waa sannadkii uu waddanka Soomaaliya si buuxda uugu gacan galay
ciidamada nacabka aha ee itoobiya.
Waa sannadkii kumanaanka dad ee soomaalida ah dhiigooda ladaadiyay.
Waa sannadkii boqolaalka kun ee shacabka soomaaliyeed ah la barakiciyay.
Waa sannadkii uugu dhibka badnaa shacabka Ogaadeneiya iyo midka
Soomaaliyaba.
2007 waxaa lagu xusuustaa hadalo badan oo xun oo niman itoobiya
Daba-qoodhi u ihi ka dheheen saxaafada soomaalida, Sida : Geedi,
Lugbuur,Sallaad cali Jeelle, Rashiid Cirro,Cabdi ileey iyo Maxamed
dheere oo ahaa kii dadka muqdisho uu kabara kiciyay ku tilmaamay
Argagixiso.
Waa sannadka ay quwadda ciidanka Itoobiya aad uwiiqantay kadib markay
isku ballaadhisay Geeska Africa, wuxuuna xaalkeedu noqday Lugna Badda
dhigtay Lugna Buurta dhigtay Baaruud ololi gubtay.
01 Jenuary 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu
yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa
Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2008
|