SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Yusuf Hassan: wali waan u taaganahay Jagaddda Xildhibaanimada…!!

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay Xafiiska Yusuf Hassan ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu beeniyaya in uu u tanaasulay Ibraahim Axmed oo u sharaxan Xibiga ODM.

Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Yusuf Hassan wali uu yahay musharax u taagan Jagadda Xildhibaanimada ee Deegaanka Kamankuji. Yusuf oo markii hore ka tirsanaa Xisbiga ODM, balse haatan waxa uu ku jiraa Xisbiga ODM-K.

Yusuf hassan Kenya
Yusuf Hassan. Xisbiga ODM-K.

Warsaaxafadeedkan sidoo kalle waxaa lagu canbaareeyay warka beenta ah ee dadka qaar isla dhaxmarayaan gaar ahaan hadalka la sheegay in uu ka soo yeeray Ibraahim Axmed oo deegaanka Kamankuji ay ku wada loolamayaan.

Deegaanka Kamankuji codbixintii ka dhacday waxa ay noqotay mid uu Gudiga doorashada ku sheegay in ay tahay wax kama jiraan sidoo kallana la sheegay in dib loogu soo celiyo. Doorashada deegaankan ayaa keentay is qab-qabsi fara badan kadib markii la sheegay in ay rabshado iyo wax isdaba marin ku dhacday.

Doorashada dalka Kenya waxa ay xilligan keentay dhibaato fara badan, iyadoo dad ka badan 100 ay naftooda ku wayeen walina dalka Kenya guud ahaan waxa uu ku jiraa xaalad adag oo dadka oo dhan ay is leeyihiin maxaa dhici kara daqiiqad walba.

Halkan ka akhri musharxnimada Yuusuf Xasan

Ibraahim Da'ud "Gentleman"
sayfudiin@hotmail.com
Niarobi-kenya.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com