X I L B E E G
Ardaa Bulsheed Dan Bida Tan Guud.
_________________
“Guuguulihiiyow haddaad gu’ga u ooyayso, Oo aad
mooday keligaa inuu gubayo jiilaalku,
Oo aad gabooyahan ku madhan gama' la'aan diiday, Ayna gocosho awgeed
ilmadu kaaga gobo' laysay,
Guumays cirroobaan ahaye war an ku gaadhsiiyo …”
Abwaan Ismaaciil Mire.
______________________________
Duulduulka Cadde, iyo Damanaanta Dadka
Puntland.
Arar
Kani waa milicsi sababaha keenay aafada dul
hoganaysa Puntland.
Dhiraandhirin kadib, haddii aan dheeganay tan ka
taagan maanta Puntland, waxaa soo baxay sife ah in uu yahay
xukuumada dhicis ah, hogaan dhimmane ah, iyo ummad uu daashaday
diihaal.
Saddex masalo oo iftiiminaya guuldarada xukuumada
Puntland ee ay garwadeenka ka yihiin M/weyne Cadde iyo ku
xigeenkiisa Afqudhac ayaan qoraalka ku darsi doonaa.
-
Tixgelin la’aan dastuur/sharci,
-
Hawlgab hay’daha dawliga ah,
-
Ku takrifal hanti bulsheed.
Dadku waa dadkii. Dalku waa dalkii. Hogaankuse ma
aha kii. Mana aha mid geya geyigeen.
Taariikhda dhaw ee caalamka, inta hogaamiye awood
leh ee soo martay, qaarkood iyaga oo taagan ayaa dharaar cad la
daldalay, qaarna awoodii lagala wareegay. Tusaale ahaan Julies
Caecer oo la yiraadho dunida oo dhan ayaa uu mar xukumay, dharaar
cad ayaa golxof lagu wanjalay isaga oo hortaagan golaha guurtida ee
looga talin jiray Rome. Margaret Thatcher oo lagu naanaysi jiray
“Iron Lady – gabadhii birta ahayd” iyada oo barooranaysa ayaa galab
magribkii ay ka huleeshay aqalka looga taliyo Britain (10 Downing
Street). Ceauşescu, bartamaha Bucharest ayaa medkiisii lagu kidfay.
Saddam Xuseen oo mar ahaa cududa milatari ee ugu mudan Khaliijka
Carbeed god ku dhex yiil beer digaag isaga oo ku dhuumaalaysanaya
ayaa dhawr iyo labaatan lugta soo jiiday. Samuel Doe, Mabutu Sese
Seko, Iidi Amin, Siyaad Barre iyaga warkood daa.
Intuba waxaa ay eersadeen nidaamkii dawliga ahaa ee
iyaga awooda siinayey oo jirridda ka daxalaystay, ummaddii oo ka
aamin baxday, hay’adihii dawliga ahaa oo awood beelay, iyo
hay’adihiii amniga oo iska danaystay.
Tu taa la mid ah ayaa maanta Puntland ka taagan.
Waana tan keentay in dhawr gaban oo xirfad, xoolo iyo xeelad toona
aan lahayni ay gelin kasta sidii ay rabaan ay dadka ugu afduubtaan
bad iyo berri carro Puntland – afduubka oo ka caaganaa Puntland,
ayaa hadda noqday il dhaqaale oo maangaabku naawilo, oo xitaa
ilaalada Madaxtooyada Boosaaso la tuhmayo in ay qayb ka yihiin!
Tixgelin La’aan Dastuur/Sharci
Marka ay luri timaado, laba wadiiqo ayaa loo maraa
xal u helideeda: Hab dhaqan bulsheed, ama hab sharciyeed. Puntland
waxaa ay ku baraartay isku dhafka labada, oo marka midi ragaado, kan
kale loo laabto. Horaa loo ogaa in Cadde aanu garrami aqoon, hab
dhaqanka bulsheedna aanu aqoontiis lahayn, waase gad cusub oo uu la
soo baxay mar haddii uu garawsan waayo hab sharciyeedka dawliga ah.
Tusaale ahaan, golaha garsoorka ayaa su’aalo ka keenay go’aamo uu
qaatay Cadde Muuse oo la xiriiray heshiisyo ay xukuumadu la gashay
sharikaad ajaanib ah, Cadde isaga oo aan xeerinayn kaalinta uu
goluhu ku leeyahay maamulka dawlada ayaa uu ku dhiiraday in uu
shaqada ka eryo guddoonka golaha tiro ka laba jeer. Muran ayaa ka
dhashay golakaha deegaanka Bosaso, Cadde waa uu kala diray. Muran
ayaa ka dhashay golaha deegaanka Galkacyo, Cadde waa uu kala diray.
Baarlamaanka Puntland ayaa xisaab hor dhigay Cadde,
Afqudhac, Gaagaab iyo taliyayaasha ciidanka Puntland. Jawaabo
kaafiya mudanayaasha baarlamaanku waa halkooda e, Cadde waxaa uu
amar ku bixiyey in baarlamaanka la xiro, mudanayaashuna ay kala
tagaan – hadda u fiirso tubta uu ku joogo – waa tii uu ku kala eryey
golayaasha deegaanka Bosaso iyo Galkacyo.
"... Shimbir duulis badanoow, haddaad degi aqoon
weydo,
Mar uun baad libaax labadiisa daan, dalaq
tiraahdaaye …" Abwaan Cali-Dhuux Adam.
Gafka ugu horeeya ee ay eersatay tan maanta taagani
waa mid dastuuri ah, waana gaf uu bulshada ka galay Cadde, tiisuna
ay tahay gardaro garab og. Waxay taasi sababtay in Cadde uu ku hor
kufo golaha sharci dejinta Puntland, markii uu intii kale ningaxii
isu hayey uu wada jaray, uuna kala saari kari waayo golihiisa
xukuumada ee uu garwadeenka ka yahay iyo kan sharci dejinta ee
turxaanbixinta kan hore. Cadde xisaab ayaa la hor dhigay, halkii ay
ka ahayd in uu gar naqsado, uuna xisaab baxo, ayaa uu amar ku
bixiyey in hawlaha golaha wakiilada la joojiyo.
Haddii aad dheegato dastuurka u deggan Puntland iyo
kan asalka u ah golayaasha deegaanka, midina awoodda intaa le’eg uma
siinayo Cadde. Haddii uu ahaan lahaa madaxa shirkad gaar ah, sidaa
waa uu yeeli kari lahaa (wallow saamileydu aanay ka yeesheen), mase
aha, ooyoo ay isaga sidaa la tahay.
Cadde waxaa uu u dhacay ubucda nidaamka dawliga ah
ee u degan Puntland, waxaana uu ku guulaystay in uu si sahlan
dhidibada ugu siibo hawl ay bulshadu ku tiir iyo tacab beeshay
10-kii sano ee la soo dhaafay. Waa ay adag tahay sida nidaam lagu
dhisaa, waase ay sahlan tahay si lagu burburiyaa --- waxaana marag u
ah sida sahlan ee Puntland ay u noqotay halaq galeen aan la isku
aamini karin.
Masiibada ugu weyni waxaa ay tahay in Cadde aanu
garawsanayn xajmiga dhaawaca uu gaystay, uuna ku indha adag yahay in
“mar la arko” wax la arkaa wanaagsan yihiin. Qirasho la’aanta
gafafka maamul ee Cadde waxaa ay sii fogaynaysaa xal u hellida
cilladaha maamul ee jira.
Hawlgab Hay’daha Dawliga ah
Hay’adaha dawliga ah ee Puntland waa wada hawlgab,
haba ugu horeeyaan kuwa ciidanka oo gebi ahaanba awoodoodii ay
wiiqantay. Waxaana tusaale u ah falal dambiyeedka in dhawaale ka
dilaacay bad iyo berri carro Puntland – markab la afduubo ama qof
ajnabi ah oo madax furasho loo qafaasho, iyada oo isla xukuumaddii
Cadde oo qayb ka noqotay nidaamkan cusub iyo lacag kala wareejinta
afduubayaasha lagu laaluushayo. La yaab ma aha in mid ka mid ah
afduubayaashii shalay uu maanta baararka Dubai kaga faano “lacagta
Cadde uu u soo dhiciyey”, uuna $70,000 (US dollar) ee CARE ay madax
furashada u bixisay uu Dubai ugu dhex mushaaxo!
Waxaa murugo leh in mar kasta oo ay afka kala
qaadaan Cadde/Afqudhac/Gaagaab ay halhays ka dhigteen in uu jiro
cadow duulaan ku ah Puntland, oo doonaya in Puntland la burburiyo.
Nooga qaata marka aan niraahno in caddowga keliya ee ay Puntland
leedahay uu yahay Cadde/Afqudhac/Gaagaab iyo inta ku xeeran. Aan
idiin bayaaminee, haddii awoodii ciidanka Daraawiishta la wiiqay,
inta joogtaana ay dayac iyo darxumo ku joogaan, qoodhiin iyo
xeradiine ma cadow iyo dhabar jab taa ka weyn ayaa jira? Haddii
ciidanka boolisku aanay helin amkaaniyaadka ay u baahan yihiin si ay
ula legdamaan saqajaan magaaleedka, qoodhiin iyo xeradiine ma arax
jab taa ka weyn ayaa jira? Haddii beelihii ku bahoobay Puntland
midba maalin godob laga galay, qoodhiin iyo xeradiine ma aafo taa ka
weyn ayaa jirta?
Karti darrida iyo liidnimada Cadde/Afqudhac/Gaagaab
darteed ayaa laba gobol oo ka mid ah Puntland ay u gacan galeen
maamulka goosanka ah ee Somaliland, labo kalena ay baylah yihiin,
halka midina uu hoy u noqday burcad badeed iyo mid berri oo noloshii
dadku ay qiilqiil ku jirto. Cadde/Afqudhac-na waxaa ay har iyo
habeen ku afgobaadsadaan in ‘mar la arko’ rayi caalamka la qaldo oo
been laga sheegayo amniga Puntland --- cakuye maan gab! Horaase loo
yidhi “Yaa u sheega, ismoog aqalkiibay aslaysaa, ismana oga…”
Waxaan xusid mudan in maalintii Laascaanood la
qabsaday habeenkeedii ay Cadde iyo Afqudhac hadba qof ugu yeeraan
qolka shirarka Madaxtooyada Garoowe. In kasta oo aysan mucjiso
ahayn, haddana waxaa mucjiso noqotay in dadka loo yeerayo oo la
waraysanayo casar illaa habeen aysan ku jirin hal sarkaal oo
ciidamada Daraawiishta Puntland ka mid ah, ama kuwii dagaalka
subaxaas ku jiray. Waxaa ka sii daran, in inta la waraysanayo uusan
ku jirin hal qof oo karti u yeeshay inuu Cadde iyo Afqudhac
weydiiyo, “Saraakiishii ciidamadu meeye, yaadse ka aragteen?”.
Intaas haddaysan awal horay u dhicin, u mallayn
mayno in xilqaade kale oo Puntland ahi maanta, su’aalo kale waa
meeshooda e, uu karti u leeyahay su’aasha ah, “Maxaa M/weyne ku
xigeenka ku kallifay in uu isku dayo in uu burburiyo shirkii Boocame
II?” Ama la weydiiyo, “Maxaa M/weyne kugu kallifay inaad maalin
walba iska horkeento saraakiisha iyo ciidamada Daraawiishta
Puntland?”
Taasi ha joogta e, waxaa soo ifbaxay tuhun ah in
kooxaha Al-Itixad ee ay mataanaha yihiin Al-Shabaab ay ku milmeen
hogaanka Puntland, ayna kaabiga u saaran yihiin in ay hantaan
hogaanka Puntland (qoraal dambe ayaan ku iftiimin doonaa maadadan
curdanka ah!)
Ku takrifal Hanti Bulsheed
Dhacdooyin argagax leh oo qofkii damiir leh uu ka
gilgisho ayaa in dhawaale la soo gudboonaaday Puntland.
Waxaa la tuhunsanaa in muddo ah in xukuumada Cadde
ay hantida dawliga ah ugu takrifasho si u dhiganta tan gaarka ah,
waxayse wara’adii ugu weyneyd ay dhacday markii uu is hayn kari
waayey mid ka mid ahaa wasiirada xukuumada Puntland oo si cad u
sheegay in hantida iyo dakhliga ka soo xarooda ilaha dhaqaalaha ee
Puntland ay si toos ah ugu dhacaan xisaab uu leeyahay Cadde
(Dahabshiil – Cadde’s personal account) - waa maado ugub, caqli
galna aan ahayn dhinac kasta oo laga dheegto. Waxaa ka sii daran in
Gaagaab, Wasiirkiisa Maaliyaddu la ogyahay fal dambiyeedkaas, markii
looga baahdana uu isla xisaabtaas ama mid Dubai uga furan uu ugu
shubo Cadde hadba wixii lacag markaas laga soo dalbo.
Waxaan la is weydiin, hantidii loogu talagalay
dacaytirka jidadka iyo tii ka timid hay’adaha duulimaadka ee loogu
talagalay dib-u-dhiska madaarka Gaalkacyo.
Waxaan la is weydiin lacagtii dawlada Federaalka ah
ka timid ee lagu talagalay mushahaar-bixinta ciidamada. Mid loogu
talagalay hirgelinta dhawr mashruuc oo ay ka mid yihiin dhamaystirka
madaarada Bosaso iyo Garowe, iyo dekedda Laasqoray.
Waxaa mudan in la is weydiiyo gurigii M/weyne Cadde
ee madaarka Shaariqa, lagana gaday isla lacagahaas.
Ma la is weydiiyey cidda soo dhicin doonta 3 milyan
(US dollars) ee hantida ummadeed ah ee uu ina Xaaji Khayr Cadde ka
dhacay, kuna tamashleeyo Dubai?
Waxaa mudan in la is weydiiyo “Scholorships” loogu
talagalay ardayda Puntland ee Cadde iyo isla Wasiirkiisa Maaliyaddu
ay caruurtooda iyo eheladooda si gaar ah ugu suntadeen (caruurta
ayaan qaarkood aysanba qaangaar ahayn, jaamacad iyo “scholarship”
haba joogta e!), wixii ka soo harana la beecgeeyo, iyada oo ardaydii
xaqa u lahayd ay tuban yihiin magaalo kasta oo Puntland ah. Ma la is
weydiiyey halka ay mareen ‘Scholorships” hore ee Sudan iyo Masar?
Bal adba!
Waa mucjiso kalo e, canshuuraadka laga soo ururiyo
Buuhoodle illaa Laascaanood waa meesheeda e, iyo in aynu is weydiino
sababta keentay in Madaxtooyada lagu maamulo e, maxaa sababay in
maamulka Sool, kii Laascaanood iyo saamigii beesha Sool & Cayn ee
Puntland uu ku koobnaado jifo hoosaadka Madaxweyne ku-xigeenka.
Dhinac kale haddii aan ka tusaalayno, isku celcelis,
Cadde muddada uu dalka gudihiisa ku sugan yahay, iyo inta uu ka
maqan yahay waxaa badan inta uu dalka ka maqan yahay. Waa
hogaamiyaha ay ka suurtawday in iyada oo habeenimadii la miray
Dhahar uu duhurkii Dubai u dhoofo. Marka Laascaanood la qabsaday
Cadde dalka waa uu ka maqnaa – shidanaaba shidan! Safar kasta oo uu
galo waxaa ku weheliya ku dhawaad labaataneeyo qof, waxaana ku baxa
kharash lacag adag oo aan la xisaabi karin. Ma la is weydiiyey,
kharashka intaa le’eg cidda bixisa? Mase ka go’daa shacabka
Puntland?
Intaas oo la wada ogyahay, oo ‘naga daaya!’ looga
sii jeestay, waxaa ka sii daran in bishii December 2007
dhammadkeedii uu isla Wasiirkiisa Maaliyaaddu, asagoo dabadhigaya
wiil uu dhalay iyo kuwo uu adeer u yahay, uu u diro Dubai si lacag
‘difaaca Puntland’ loogu magac daray looga soo ururiyo ganacsatada
Puntland ee reer Dubai. Waaba moog yihiin in laga war hayo!
In uu jiro musuqmaasuq baahay, iyo ku takrifal
hantiyeed hore ayaa loo tuhunsanaa, marnabase laguma hamiyin in uu
heerkaa gaarsiisan yahay. Mee hanti-dhawrkii? Meeye hay’adihii
dawliga ahaa ee u xil saarnaa dhawridda dhakhliga iyo illaalinta
hantida ummadda?
Gunaanad
Madaxda Puntland ee xilligani uma dhalan karti iyo
hufnaan, mana laha astaamo halyeey. Ma aha aamin. Ma laha dulqaad,
mana xamili karaan dhibka iyo qaxarka ay tahay in ay la lagdamaan,
sidaa darted waa gardarro in taa laga sugaa.
Sida ka muuqata shaxda hogaamineed ee Puntland, ma
jiro hal qof oo la is odhan karo waxaa uu leeyahay tayo hogaamineed,
dareen bulsho, sife halyey ama dabeecad hage. Kuma jiro hal qof oo
bulshadu ay maanta u dihin tahay, sababtuna ay tahay in hortooda
sidii geel ka cabaajistii dhiiga laga jaqay.
Sida muuqata Cadde waxaa uu dhumiyey kalsoonidii ay
u haystay bulshadu, waxaana uu ku guul daraystay in uu ku qanciyo
bulshada in tubta uu hayaa ay tahay mid badbaado, sidaa darteed ayaa
ay tahay in uu garawsado wanaag kasta oo uu ku hamiyayey in uu ka
dhigan yahay hal bacaad lagu lisay. Ummaddu mar haddii ay kaa aamin
baxdo, ka shakido qorshe kasta oo aad hindisto, su’aal ka keento
go’aan kasta oo aad qaado, caqliga saliimka ahi waa uu dalbayaa in
aad dib isugu laabato.
Waxaa marag ma doonta ah in mar uun Cadde uu wanaag
la rabay Puntland, mase noqon. Sideedana mar haddii ficilkaaga iyo
farriintaadu ay is buriyaan, iska hor yimaadaan, aanayna isla
saanqaadayn, taadu waa siyaasad dhicis ah, hogaamiyaha caqli lihina
taa waa uu garawsadaa --- dhaqamada qaar waaba ay is deldelaan.
Ma waxaan ku moodnay, waxaad noqotay, mise wax aan
loo noqon doonin? Waxaan ku moodnay lagu hirte madi ah. Waxaad
noqotay baaqimo weyd ah oo cad iyo caano toona aan loogu xilan.
Waxaan loo noqon doonin in hawlgab dambe xil bulsheed lagu aamino.
Qiil kasta oo aad damacdo in aad u samayso madaxda
Puntland, waxay isugu soo arooraysaa in ay fashilantay. Waxaana ay
isugu soo biyashubanaysaa in Cadde/Afqudhac/Gaagaab ay ku
guul-darraysteen hoggaanka ummadda (iyo waliba kii beesha nin walbaa
ka dhashay!), sidaa darteedna aanay ka fursanayn in ay xilka
wareejiyaan.
Bulshadu waa ay ugu mahadniqi doontaa haddii ay
sidaa yeelaan, waayuhu waa ay xusi doontaa, haddiise ay ku
indha-adaygaan, burbur mooyee, baraare ha ka sugin.
Waxaan ku soo gunaanadi lahayn,
Cadde/Afqudhac/Gaagaab “Noogu hambeeya, Sidii aan idiin ku lisnay”,
haddii aan nahay shacabka Puntland, abaal ayaan idiin ku hayn
doonaaye.
Haddii taa lagaa waayo, bulshada waxaan kula talin
lahayn in ay iska samraan 12-ka bilood ee soo socota, ilayn hal 30
qadday hal kuma dari waydo e, ayna u toog hayaan bisha Janaayo ee
sannadda 2009-ka. Waa hubaal, 8-da Janaayo ee 2005-tuna, maalintii
Cadde/Afqudhac la doortay, ay taariikhda Puntland ka noqon doonto
maalin madow oo la soo maray, dibse aan loogu noqon doonin.
_______________________
Tixraac:
-
[1] Dhacdadii aqalka golaha
wakiilada ee 18-ka December 2007,
-
[2] Afduubka suxufi Gwen LeGouil,
Shimbiraale, December 2007,
-
[3] Isku day afduub suxufi Zoe
Aslop, Galkacyo, December 2007,
-
[4] Afduub 2 ka mid ah shaqaalaha
MSF-Spain, Bosaso, December 2007,
-
[5] Burcad badeed ka qadhaabta
xeebaha Puntland, Jan 2005 - Present,
-
[6] Qabsashadii Laascaanood, Oct
2007,
-
[7[ Shirkii Boocame II ee Beelaha
Sool & Cayn,
-
[8] Dastuurka DG Puntland, July
2001,
-
[9] Warbaahinta maxalliga ah,
2003-2007.
_______________________
* Afeef – Ujeedadu ma aha in la ihaaneeyo maamulka hadda jira,
ceebaakiisa lagu maadaysto, balse waa tusaalayn looga golleeyahay in
kafado la saaro maamulka caynaanka u haya Puntland.
______________________
** Xilbeeg waa urur bulsheed u taagan faafreebka galdaloolooyinka
maamul, goobana horumarka fog ee Puntland, lehna aragti siyaasadeed
u nugul danta guud.
“Cindi laawe, Ha Cawarine, Caymi” Hal kudhegga
XILBEEG.
Guddiga Xiriirka Bulsho ee XILBEEG
xilbeeg@gmail.com