Sidee Looga Hor Tagi Karaa? (Part 1 of 2)
Mohamoud H.Nugidoon
Ottawa, Canada
Ramadaan Kariim.
Waagii guduutaaba waayo leh.Farsamadii korodhaba waxyeeladeed. Weelkii
buuxsamaaba daadashadiis.Waayeelkii hantaaqmaaba xeeshiis! Wiilkii
murgucoodana ayaankii.Walax walibana meesheed.Wasiir Ina Saleebaan waynena
walaaqashadiis!
Waxaan aragnaa mareego badan oo Soomaalidu unugeeda iyo yegleelkeedaba
lahayd, balse gacmo guracan u gacan galay oon haba yaraatee loo aabo yeelin!
Sida Gabiley.com, Gorgornews.com, Berbera.com, Boorama.com, Hargeysa.com,
Mayd.com, Zayla.com iyo qaar kaloo badan.
Waxaan woxogaa yara dulxadinaynaa mid ka ka mid ah mareegaha nacabka u
gacan galay:
Waa sidan hoos ku qoran waxyaabhii ku dhacay mareegta la xidhay xagga
badbaadada awgeed. Waa mareeg ka mid ahayd mareegahaan ugu jeclaa balse
ayaandarro koox budhacad ahi qafaalatay.Tan ugu soo horeysa (ugu koreeya
liiska aan soo wado) ee numberka 18647 ku dhiganayahay waa macluumaatka
(Data) ka hadlaya wixii qabsaday ee ku dhacay mareegta Somalilandtoday.net.
Budhacad baa intay ka dhex furatay, waa Somalilandtoday e brograamyo, ayay
halkaa dunida ka weerarayeen iyagoo iska dhigaya bangi xalaal ah oo sifo
sharci ah ku qotoma oo ka mid ah bangiyada Ingiriiska ee magaciisa la yidhaa
HSBC. Waxay dadka u dirayeen e-mayl ay leeyihiin:
"Arrin degdeg ah, waxa aan ka cabsi qabnaa in akowntkaagii loo adeegsanayo
si aan sharciga waafaqasanayn. Waxaan doonaynaa inaan ku badbaadino oo aan
adkaynu amaanka. Waa inaad si aan u hubsanno in cid kale isticmaalayso iyo
in kale aad akowntkaaga Online ku hubisaa. Geli halkan akownta nambaarkaaga
iyo Pass word-kaaga. Haddaad sida yeeli waydo akowntkaaga si degdeg ah
ayannu u xidhaynaa, xag badbaado awgeed, si aanay halistu u sii siyaadin".
Markaasaa intay dadku isku naxaan iyagoo naxsan si aan akowntka looga
xidhan, ilayn lacagbaa u taalee, ayay markaaba la boobaan baas weedhka iyo
akownt lambarkaba. Habka caynkana ee ay Hackarisku ku helaan siraha dadka ee
ay ka midka yihiin pass word-ka iyo account number-ka ama credita kaar
number-ka wax la yidhaa "Phishing" qaabka ama tab iyo xeesha ay
adeegsadaanna waxa la yidhaa "Phishery".
Haddaba siday ku galaan mareegaha ( web site-yada) dadka ama shirkadaha?
Waxay soo raaciyaan badanaa markay dadku wax internet-ka ka soo download
garaysanayaan khaasatan mareegaha ay iyagu leeyihiin oo ay ku shaqaysataan,
ama qaar ay wada shaqaystaan, soft ware-ka la yidhaa " spyware". Spyware-ku
ma hadlo, ma juuqo, lama arko, kombyuutarka ayuu kuu dhex kuududaa.
Spywareku wuxuu daalacdaa keyboard-ka si uu u xado username-ka iyo
paasword-ka, habkaanna waxa la yidhaa keyboard-logging. Keyboard-logging-ku
shaqada ugu wayn ee uu u qabto hacheriska (hackers) waa password-kaa iyo
username-ka aad ku galaysid mareegtaada ayuu sajishaa adoon ogayn. Markuu
intaa helo ee uu dhowr jeer hubiyo ayuu u dirayayaa si automatik ah meeshii
ama qoladii laga soo download-gereeyay. Sidaa markay sirihii dadka ku
helaan, ayay kadib gali karaan mareegaha. Ka dib meel, ama xarun
ay addunyada dacaladeeda kaga duulaanbay ka dhex samaystaan, oo aan u
bixiyay " Xaadhinta Budhcadda". Kombyuutarka ay budhcadda internetku (online
criminals) duulimaadyada ka qaadaan een ciddii la haydna ka war qabin waxa
la yidhaa Zombie. Erayga Zombie bilawgiisii wuxuu ka yimid dalka Haiti,
halkaasoo sidaad ka warqabtaan fuuduuga (voodoo) xoog looga adeegsado, siiba
qarniyaddi tegi. Voodoo oo ah nooc sixirada adduunka ilaa haatan inta la
ogayahay ka mid ah kuwa ugu khatarsan.Salkana ku haya aqoon laga soo
waariday Afrika, gaar ahaan xiliyaddii adoon-ka-ganacsiigii xaaraanta ahaa
ka jiray adduunka.
Haddaba qofka sixirkaa fuuduuga lagu sameeyo ayaa beeraha Haiti ee qasabka
ama aale-sonkorka lagaga shaqaysiiyaa,lacagna lama siiyo, isna
ma waydiisto.Mana oga inuu cid kale u ciidmayo oo lagu shaqaysanayo. Magaca
Zombie halkaas ayaa laga soo ergistay.
E-maylada ay dadka dunida dacaladiisa ay u kala diraan iyo software-da kala
duduwan ee ay e-maylada u adeegsadaan ay rabaan inay dadka ku dhacaan waxa
la yidhaa "malware". Ilayn e-maayladan iyagaa samaystay eh shirkad sharciga
raacaysaa uma qaadayso fariimahoogee!
Markaa hackerisku mar kasta waa inay haystaan "spyware" oo ay wax ku
basasaan iyo "malware" oo u suura galisa inay baankaagii ama shirkad
security ah iska soo dhigaan. Waxaa soo dhan marka la isku geeyo tabaha iyo
xeesha ay qalabkaa u adeegsadaanbaa waxa la yidhaa '" Phishery" ama
"Phishing".
Mareegta dabinkooga ku dhacday ee miskiinta ah waa
Somalilandtoday.net.
Markii u horaysay ay ka dhex tooseen, ee ay duulaano si daba joog ah uga
direen xarunta ay ka dhex sameesteen waxay ahayd Diisambar 9-keedii, 2006.
Seddex cisho ka dibna waxa qasab ku noqotay shirkadiihii securitigu inay
amar ku bixiyeen in la xidho mareegtaas. Maalintii la xidhay waxay ahayd
12/12/2006. Maalintaa ka hor ayay ka war heleen (dabcan
shirkadaha badbaadada internetka ayaa ku baraarujisay in la soo
weeraray) maamulka Somalilantoday, waayo 11/12/2006, ayay ogeysiis ku soo
dhejeen ay leeyiin waa lana soo weeraray oo arrimaa si ehe haddaanu soo geli
weyno sidaa ogaada. Balse dhekhsaannu hawda ugu soo laabi doonaa. Dibna
ugumay soo laabmin hawda.
Macluumaadkaasoo dhanna waxaad indhahaaga kaga bogan kartaa adigoo akhrista
si foojiganna u dhuuxa nudahan hoos ku xardhan.Mid mid u fur ilaa hoosta
akhriso. Halkaa aan nudahan ka soo min guuriyay waa shirkad Ingiriiska
deggan oo u qaabilsan " Internet Security".
Qoraalka kan ku xiga waxaan soo ban dhigi doonaa siyaabaha looga hor tagi
karo arrimahan oo kale inay kugu dhacaan, haddayna horeba kuugu dhicin.
Waa walaalkiin
Mohamoud H.Nugidoon
Ottawa, Canada
SomaliTalk.com | Sept 29, 2007


|