SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Eng. C/qani Qorane oo xaqiijiyay in uusan ka mid ahayn maamulka Isbahaysiga Xoreynta iyo Dib U Soo Nooleynta Soomaaliya

Aniga oo ah Eng. C/qani Qorane Max'ed  waxaan xaqiijinayaa in aanan xubin ka ahayn maamulka Isbahaysiga Xoreynta iyo Dib U Soo Nooleynta Soomaaliya ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Asmara.  Waan ka qeybgalay shirweynaha, waxaana ka soo jeediyay wixii aan ku biirin karay ee xog iyo talooyinba ah.

Xagga ka mid noqoshada golayaasha isbahaysigana waxaan ka wadahadalnay qaar ka mid ah mas'uuliyiinta isbahaysiga, waxaana u caddeeyay in aanan ka qeybgalayn labada gole midna.

Tan kale in aan laga qeybgalin golayaasha maamulka wax u dhimi mayso in la isu kaashado sidii gumaysiga dalka looga saari lahaa, taasaana muhiim ah ee magacyada iyo manaasibtu wax ma soo kordhinayaan. isbaheysiga waxaan u rajeynayaa guul iyo horumar iyo in Alle uu waafajiyo tawfiiqda iyo talada teeda san. 

Mahadsanidiin 

Wixii faahfaahin arrintan ku saabsan kala soo xiriir

Eng. C/Qani Qorane Maxamed

abdiqanim@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com