SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Gabay:: Cashar

Xasan A Kullane
xkullane@yahoo.com

Gabaygan (Cashar)  wuxuu xambaarsan yahay fariimo kala duwan waxaanan u kala qaadayaa saddex qeybood anigoo mid kasta gaarkeeda sharraxaad uga bixinaya: Waxaan faahfaahinta u doortay iyadoo Soomaalidii dhaqan gadoontay, afkooduna uu inta badan sida dhuunkaasha ula xaraar yahay gaar ahaan marka uu qoran yahay, akhrinta suugaantuna ayba qiimo beeshay, Iyadoo suugaantu u badan tahay xikmad dahsoon ama hadallo murtiyeed culus oo faham dheeraad ah u baahan bal ka waran haddii qofkiiba akhriskeedu dhib ku yahay? Taas waxaa sii kaabay dadka intii 30 jir ka yar qurbo-jooguba haw badnaadeene oo aan rajo laga qabin iney akhriyaan suugaan afkooda ku qoran; iyagoo aan afsoomaliga ku fiicneyn iyo xiisa badan iyagoon u qabin key doonto ha ahaatee,

Markaa gabay waxaa dhacay gabalkiis maadaama dadka akhriya ay u badan tahay in da’doodu 30sano ka badnaato. Taasina waxey ka mid tahay dhibaatooyinka faraha badan ee laga dhaxlay burburkii ku yimid qarankii Soomaaliyeed. Halkaan dadka reer Somaliland iyo reer Jabuuti heyga raalli ahaadeen maadaama ay dhab ahaan yihiin dad nooleeya suugaanta Soomaalida, dhalinyarada carrigaas ku barbaartana ay qiimeeyaan Suugaanta Soomaalida:

Qeybtan hore waa arar dheer oo la jaanqaadeysa hordhacaalaha suugaanyahanka Soomaalida. Dadka qaarka I hayb yaqaan ee la yaabi doona ku abtirsigeyga Reer Kooshin waa reer abtigey ee hadaydaan ii aqoon sidaas ula socda. aan ku bilaabo: 

  • Tixdaan curiskeeda ceynka ka hikaadshay
  • Waa ciso eebahay isiiyey oo leygu cawryaaye
  • Waa caleemo ii baxaya cagaariyo dooge
  • Calaamad sooca weeye iyo camal ii gaara 
  • Ceynad leygu garto weeye oon cidi igu heysan
  • Caado aan ka raacay weeye curubta reer Kooshin    
     
  • Carey iyo Wir maalinta leysku cudud sheegto  
  • Cutub weeye ridada iyo waran aan ku ciilbaxo’e
  • Camiyo dhinbilo aan ku rido cadawga weeyaane
  • Casaan iyo huruud weeye ciin sumeeyaaye
  • Waa ceel ii irmaanoon oonka ka cabaaye 
     
  • Caadaqaate iyo kuwa gumeysiga u ciidma  
  • Ciqaaab u dhigan weeyoo sii ciriiriye
  • Waa camiran aan laheyn qadafiyo calowe
  • Curaddiyo hadaad tihiin ubaxii ciideenna 
  • Cajabiyo waa iney xiis idinku curisaaye 
  • Cahdi bishaariyo waa idiin leydha caafimaade 
     
  • Caamada waa iney cashar u noqotaaye
  • Ciidan jabay waa iney cufka habisaaye
  • Ceeb waxa la arkaa inuu cabdull rooraaye
  • Caro waa inuu dilaacaa dabadhilifka ceynsan

Qeybtan soo socota waa fariin ku socota Jaalle Cabdi ood wada taqaanaan oo taliye ka ah taliska aan taageerada heysan ee Mbagati, wuxuu ila ahaa nin karti iyo geesinimo u dhashay, garasho dheeri ahna aan ku ogaa, laakiin waxaa soo baxeysa haatan in Cabdi nidaam aan caqliga galeyn ku shaqeynayo. Haddii alle tuso jidka haboon oo uu is-dabaqabtana waa kheyr haddii kalena waxaan ka markhaati furayaa in cuqubada uu dalbaday aaney sinna u moogaan doonin.  

  • Cabdiga labada xaafadood cagatogaaleeya
  • Ee darajada isku camiriyo derayska ina ceeje
  • Cadka xabashigu goostay calalis liqi waayey
  • Riwaayadaha aan cidi galeyn cirriciiri jilaya 
  • Cadho walaal ku taaliyo canbaar waa la dhayaaye
  • Ciladaha ka muuqdiyo aan tuso ceebta hoos taalla
  • Cidiyaha aan ugu fiiqo koleey xusuustu celisaaye 
  • Cirkoo dharaar hooriyo onkod soo cartamaya 
  • Oon xareed laga cabeyn oonna la cadaaday
  • Ciridda maatadu daadsantoo hoygii laga ceyrshay
  • Caano iyo biyo aan lagu habeyn cunugga gaajeysan
  • Goonni loo cunsuriyeynayoo caawimaad laga joojay
  • Cindigaaga yey gelin in dowladnimo lagugu ciseeyaa  
     
  • Ciiddoo gubaneysa oo calanka hooseeyo
  • Oo taangigu caasha nooga jiro cawo iyo maalin
  • Caasimaddii leysku qalanayoo dhiiggu ceegaago
  • Cashar aan la dhiganeyn oo subaca codku hooseeyo
  • Ganacsadaha laga cadibay inuu xornimo u ceesho
  • Cindigaaga yey gelin in dowladnimo lagugu ciseeyaa  
     
  • Afka hadalka lagu celinayiyo canka leys jeexay
  • Codka xortaa bey eersadeen idaacadihii caame 
  • Caddibaad iyo wey soo dhaaftay cagajugleyntiiye
  • Rasaas wax loo celceliyo ama cawo lagu duulo
  • Cunahaa la hayaa Shabeelle oo caddaan loo damiye
  • Calaamad su’aal baa weli ka taal dilkii Cali Iimaane
  • Cadaalad hadaadan falin oodan shacabka u ciidmin
  • Cindigaaga yey gelin in dowladnimo lagugu ciseeyaa  
     
  • Cabbaar hadaad celiso waraabe oo godku ciriiryoodo
  • Cabaad iyo qeyluu beegsadaa caaradda warankaaye
  • Caloosha intuu kaa jaruu beerka calashaaye 
  • Cuqubo ururtay marbey gaadhaa cirka guudkiiye 
  • Caloolyow waxey hogtaan oo shacabku ciil la jiifaanba
  • Ceeryaamo iyagoo ka badan hadey casar dhaqaaqaan
  • Cardaaduqaha waxey ka dhigi cutubyo waaweyne 
  • Casharadii diktarooriga hadaad dib u soo celiso
  • Cindigaaga yey gelin in dowladnimo lagugu ciseeyaa
  • Carcartii ararta iyo intaas caad ka qaadkii dheh
  • Cuqubaan ka digay iyo fariintii ina Cawaale dheh
  • Caato looma hiijee weel biyaha cigcigay dheh
  • Carrasan warka yimid iyo meel cashiiraad dheh
  • Cashar kalena aan dhigo iyo halkuu caqligu tebayo
  • Aan tilmaamo waxna cuuryaanshey ee dib noo celiyey  

Qeybtan ugu danbeysa waxey tilmaameysaa guud ahaan aafooyinka aan badi isku geysanay ee halakeeyey ciideenna, wax horumar ahna aan u gaari la’nahay.  

Qalcaddan hore waa hoteelada, guryaha, masaajidyada, suuqyada iyo jidadka duugmay ama boholuhu ka qodmeen:- 

  • Waxa geed cagaarnaa cawsku ka idlaaday
  • Waxa daaro casaan ahaa beygu ku cigaaday
  • Waxa dariiq camirraa boorku ku caweeyey
  • Waxa ceel biyo lahaa calowga soo tuuray
  • Meel dhalaal lagu cawryi jiray ciiro lagu deyray
  • Waa cilado Soomaali halligay caalna loo waayey
  • Iyo cibaaro na heysatiyo cadale la furi waayey 
     
  • Aafada qoyska iyo bulshada oo dhan: 
     
  • Waxa beel caweyn jiray baqdin ku casheeyey
  • Waxa wiil caruus geli lahaa ceynka lagu giijay
  • Ama gabar cillaan laheyd mugdi lagu ceejay
  • wadaad cashar marin lahaa qoorta la caseeyey
  • ama islaan cimri joogta ciridd lagu jiiday
  • Waa cilado Soomaali halligay caalna loo waayey
  • Iyo cibaaro na heysatiyo cadale la furi waayey
  • Waxa carriig qoriga carrabka laalaaya
  • Ee cuska gelinaya caaqil ama geesi 
  • Waxa caalin iyo nindoor ciidda lagu aasey
  • Cilmi yahan waxa tagee ciil la meereysan
  • Ama halyey caawimi lahaa ceynka loo gooyey 
  • Waa cilado Soomaali halligay caalna loo waayey
  • Iyo cibaaro na heysatiyo cadale la furi waayey 

Kuwa aan maamul astaahilin oo qaranimadii kufsaday si kastana ku doonay:

  • Waxa caaq matare ah madaxnimo caashaqay
  • Ama cadhan kursi doona calanka iibgeeyey
  • Kala ceyrin iyo isku coleyn kuwa ku sii caana
  • Waxa cadaw kaashadee catoow walaaloobay
  • Ama fulay aan ciidmi jirin umadda cirib gooyey
  • Waa cillado Soomaali halligay caalna loo waayey
  • Iyo cibaaro na heysatiyo cadale la furi waayey

Sida ay u sahlan tahay in la wada hadlo, la wada noolaado, leysku samro iyo sida hadana loo kala fogyahay oo meel aaney talo jirin looga doonayo:

  • Curad iyo yaraan isdiidayee kala caroonaaya
  • Calool furnaan iney hadlaan heshiis laga caagay
  • Coodkiyo maalkoo ka badan caqligu tusi waayey 
  • Iney wada cunaan aan rabine canaad  isugu jooga 
  • Waxa cirbad looga goobayo mugdi carraboow ah
  • Waa cillado Soomaali halligay caalna loo waayey
  • Iyo cibaaro na heysatiyo cadale la furi waaye 

Mu’alif ama suugaanyahanada ka aamusay dadqalnimada lagu hayo shacabka Muqdisho iyo nawaaxigeeda ama kuwo qiil u yeelay duulaanka xabashida:  

  • Waxa culimo suugaaneed indhaha ka cufeystay
  • Ama abwaan curiye ahaa xaqa ka carooday
  • Ka caddeyn waayey afka ceebta Xamar taalla
  • Ama ciiro iyo qiiq ku qiri is yiri fadeexadoo caama
  • Waxa carabkuba waa hiillee codka ka bakheyley
  • Waa cilado Soomaali halligay caalna loo waayey
  • Iyo cibaaro na heysatiyo cadale la furi waayey 

Beelaha qaar isyiri adinka waxba leydin geeysan mayo kuna faraxsan in beel hebel la baabi’iyo:

  • Waxa caamiyo waxgarad caloosha ka qoslaaya
  • Ee caqli gaabnidooda mooday in leyga caashaqay
  • Cadawgu iyaga jecel yahay ama ceeshoow milix ah
  • Dibigii cadaa soow ma oga inuu kan casi xigi doono
  • Waxa cuqdad walaal qaboo caafimaad heli waayey
  • Waa cilado Soomaali halligay caalna loo waayey
  • Iyo cibaaro na heysatiyo cadale la furi waayey 

Aaway Aduunkii, America, Yurub, Carab, aasiya warkeed daa, Africa marka laga reebo S Africa waxaa lagu raalli noqday in wadan cadow taariikhi ahaa ku soo duulo wadan kale oo midba maalin qasho, xoolahooda dhaco, gabdhahooda faraxumeeyo siduu doono ka yeelo ama wadankaba la wareego:

  • Waxa caalam daawanaya ciqaabta nala saaray
  • Ama carabnimo noogu hiillineyn iyo ciso diimeedba 
  • Afrikada aan ka celiya laheyn iyo ururadii cuuryaamay
  • Waxa daris noo wada ciilqaba ee isku keen celiyey
  • Ee hadana ciirsiga maatadu carar magangaleyso 
  • Waa cilado Soomaali halligay caalna loo waayey
  • Iyo cibaaro na heysatiyo cadale la furi waayey 

Maxaad kala socotaa lugooyada ay dalka ku hayaan, Heya’daha caalamiga ah, kuwa dowladaha aan ka socon iyo kuwo kaleba iyo diblumaasiyiin xarumo Soomaaliya laga maamulo Nairobi ka furtay:

  • Caalamka kuwa nooga yimee caawimada naadsha
  • Ee sadaqo wixii naloo cayimo ceeriinka ku booba
  • Waxa Heya’ado camiray Kenya ciiddana aan soo eegin 
  • Waxa safiir isasoo cimaamaday sirta naga caalsha
  • Oo curiya warbixinada iyo tabaha nalaku cuuryaansho
  • Waa cillado Soomaali halligay caalna loo waayey
  • Iyo cibaaro na heysatiyo cadale la furi waayey 

Lixdankii, 74tii iyo maalmaha kale qaaliga ahaa iyo maanta:

  • Gumeysigii caddaa afrika kolkuu badi ka caraabay
  • Curadyadii dhashaan aheyn ee calan yagleelaaye
  • Maantana cuyuub leysku habaariyo cilad baan nahaye
  • Calaamo iyo Waxaan nahay kuwo laga Cawdbilleystaaye  
  • Nabadaan carceer dhaqaaqdee la soo celin waayey   
  • Waa cilado Soomaali halligay caalna loo waayey
  • Iyo cibaaro na heysatiyo cadale la furi waayey 

Tusaale noogu filan laba ka mid wadamadii Boortaqiisku heystay oo uu muddo uga dhaartay xornimo iney gaaraan, markii uu sii heysan kari waayeyna uu fidno iyo dagaal sokeeye u maleegay, maantana ka bogsaday oo ku jira wadamada ugu mustaqbalka fiican Africa:-

  • Laga ceyrin waa Boortagiis ciidda Mosambiige
  • Markuu cadceedsadana waatey cadaw dagaaleene
  • Colkiise waa ka diirsadeen oo nabadey ciseeyaane
  • Cadaan iyo madow waayahan ciidoodaa la xiisaaye 
  • In carbiskiyo rugtiii ciidamada xabash ku ciyaaro     
  • Waa cilado Soomaali halligay caalna loo waayey
  • Iyo cibaaro na heysatiyo cadale la furi waayey 
     
  • Cariggii Angolee sanado dagaalku cuuryaanshay
  • Weysku calool fiyoobaadeen oo cabasho daayeene 
  • Ceelal saliid baa laga qodaa iyo dahabka ceyriine
  • Muddo cayiman bey noqdeen caaradka afrikaade
  • Cagaha iyo lugahoo leys jariyo cirrid been muuqda
  • Waa cilado Soomaali halligay caalna loo waayey
  • Iyo cibaaro na heysatiyo cadale la furi waayey 

Qalcadda ugu danbeysa ayaan ku soo koobayaa meesha nalaka gaaray waxaanan leeyahay waa cadaalad darro iyo hogaan xumo waxa aan sababsanay een ka kici la’nahay. 

  • Cishiriin sanaan qoqoban caawa joognaaye
  • Catoow iyo waxey taallaa caloolxumo’e    
  • Caruurtii fidnada kortaa ubad u curteene
  • Cadaalad markii laga waayey caaradkii u kacay
  • Ee xaqa laga caraabee sheydaan u soo ciidmay
  • Jinni iyo cirfiid markii talada lagu caruuseeyey
  • Ayey malaha cawdeed go’doo leysku celin waayey   

Waa alifaaddii Xasan A Kullane 18 September 2007 xkullane@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 25, 2007

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com