Wiil yar oo 9-sano jir ah oo noqday Ardaygii
ugu da’da yaraa ee Jaamacad ka dhigta Hong Kong!
W/T: Yaxye Yuusuf Khasaaro
e-mail address:
yaxyekhasaaro@hotmail.com
Waxaan shaki ku jirin in Adduunka ay ku
nool yihiin Carruur garaadkooda si weyn ay dadku ula yaabaan oo
uu ka mid yahay wiilkani yar ee 9-sano jirka ah ee ka yaabiyay
Maamulka Jaamacadda weyn ee Baptist University (HKBU) ee
magaallada Hong Kong ee dalka China, sida ay faafisay wakaaladda
wararka China ee Xinhua.
Ardaygan yar oo lagu magacaabo March
Boedihardjo ayaa waxa uu si caqliga ka weyn ugu wanaagsan yahay
Maadada Xisaabta, taasoo ku biirinaysa dadka loogu yeero
(Prodigy or Genius) oo ah dad maskaxdoodu ka duwan tahay midda
dadka caadiga ah, waxaana ku soo daridiisii Jaamacadda ay buuq
badan ka dhex abuurtay Maamulka Jaamacadda oo markii dambe
dambe u ogolaaday in uu ku soo biro Jaamacadda.
“Go’aankani wuxuu yimid kaddib laba Bilood
oo wada hadallo ah oo u dhexeeyay Maamulka Jaamacadda iyo
waalidiinta March” sidaa waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha
Jaamacadda HKBU Professor Franklin Luk oo xusay in ay taasi
tahay guul u soo hoyatay March iyo qoyskiisa oo wixii waqtigaas
ka dambeeyayna wiilkani yar uu soo jiitay indhaha Saxaafadda.
March ayaa Bishan ku biiray Jaamacaddiisa
cusub iyo arday ka weyn isaga 10-sano, waxaana uu guda galay
inuu bilaabo Nolol Jaamacadeed, waxaana Jaamacaddu ay u
diyaarisay March haddii uu dhammeysto 5-sano ay guddoonsiin
doonto Shahaadada Bachelor of Science in Mathematical Science
iyo Master of Philosophy ee dhinaca Xisaabta.
Wiilkan yar ee mucjisada ah ayaa waxa uu
ku soo baxay Level-ka A- ee Imtixaanaadka UK, halka sidoo kalena
A. uu ka helay dhinaca Xisaabta,
Prof. Luk oo ka hadlayay wiilkani yar waxa
uu intaa ku daray “Marka loo fiiriyo da’diisa oo aad u yar March
haddana waxa uu si wanaagsan uga soo muuqday natiijooyinkii
Imtixaanaadka iyo wareysiyadii aan la yeelanay, sidaa awgeed
Jaamacaddu waxay garwaaqsatay in uu ku haboon yahay awoodi
karana in uu ku biiro Jaamacadda”.

Dhismaha Jaamacadda HKBU ee Hong Kong
Tony Boedihardjo oo ah March Aabihii waxa
uu yiri “waxaan horey u buuxinnay Codsiyo Jaamacado kale oo ku
yaalla gudaha China, sida Hong Kong University of Science and
Technology, Chinese University of Hong Kong kuwaasoo aanan wax
jawaab ah ka helin”.
Wiilkan yar ee Garaadka Maskaxdiisu
(Intelligence Quotient / IQ) uu aadka u sarreeyo oo weji
faraxsan ku qaabilay saxaafadda isla markaana ku ciyaaraha
Microphone-ka mar uu wareysi bixinayay ayaa waxa uu soo jiitay
indhaha sawir qaadeyaasha, waxaana mar ay wax ka weydiiyeen
qaabka uu ula qabsanayo nolosha cusub ee heerka Jaamacadeed waxa
uu ku jawaabay “Weligeey kama walwalin sidii aan ula macaamili
lahaa arday aan isku fasal nahay kuwaas oo da’ ahaan iga weyn”,
waxaana uu intaa ku daray “Intii aan wax ka baranayay Oxford
dhammaan ardaydii aan isku fasalka ahayn waxay ahaayeen kuwo ka
sarreeya 18-sano, waxaana mar walba isla falanqeyn jirnay
Xisaabta, mana u malaynayo in aan dhibaato ku qabo sidii aan ula
xiriiri lahaa arday aniga iga weyn” ayuu yiri 9-sano jirkan laba
sano oo Shahaado Dugsi sare ah ku soo dhammeystay waddanka
Ingiriiska.
Professor-ka qaabilsan qaybta Xisaabta ee
Jaamacadda HKBU Tong Chong-Sze oo ka hadlayay March waxa uu
yiri “Waxaan Proff. Gooni ah u saari doonnaa wiilkani si ay u
sii hor mariyaan aqoontiisa dhinaca Xisaabta, isagoo isla
markaana wax la baran doona wiilasha kale ee ay isku fasalka
yihiin, muddo 5-sano gudaheed ahna waxa uu ku baran doonaa
maadooyinka kale sida xuquuqda Aadanaha, Luqadaha, Computer-ka,
physical Education iyo Falsafadda”, waxaa kale oo uu
Professor-ku xusay in ay ku dhiirri gelinayaan March in uu wax
ka barto Cilmiga Bulshada & Dhaqammada dadyowga kale.
W/T: Yaxye Yuusuf Khasaaro
e-mail address:
yaxyekhasaaro@hotmail.com
yaxyekhasaaro@gmail.com