SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Gabay: Maakhir maammul baa loo dhisoo mahad ilaah weeye

08/12/2007 
Maxamuud Axmed Cabdalle
abdalle@hotmail.com  

Waxan halka uga hambalyaynaynaa dhammaan bulsha weynta Soomaaliyeed. Waxan hambalyo gaara u diraynaa dadka Reer Maakhir oo markii ugu horraysay iyagu isku tashaday, samaystayna maamul goboleed cusub. Gabaygan oo uu tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalle, wuxu soo baxay bishan Agoosto 12, sannadda 2007-da. Waxa abwaanku u hadiyaynayaa gabaygan dadka Reer Maakhir, wuxuna dhiirri gelinayaa maamulka halkaa dhowaan lagaga dhawaaqay. 

Wuxu Yiri: 

  1. Adduunyadan iskala miidhaysee la isku maandhaafay
  2. Ee la is mohoobiyi talaa lagu muquunshaaye
  3. Nimaan tiisa meel marin aqoon mooyi lagu dhaafye 
     
  4. Maakhir maammul baa loo dhisoo mahad ilaah weeye
  5. Maahir-baa ka soo baxay nafluhu kala miciin roone
  6. Midigtuu Jibriil kaashadaye cidi ma meelayne 
     
  7. Waa gobol makhluuqaadka dega lagu mabsuudaaye
  8. Waa gobol milgiyo dhaqan da’ weyn lagaga miistaaye
  9. Malyuunbaa ku dhaqan aan qabiil lagu masaalayne 
     
  10. Waa gobol maqaan weyn sidii Muniyo Baarliine
  11. Magaalooyin badan baa ku yaal oo mihiib galahe
  12. Sayidkii ka maahmaah kolkuu Badhan muraadaayey 
     
  13. Mansabkay Buraan waa lahayd waa mawaad qorane
  14. Midhishoo dalxiis loo tagiyo Ceelbuh milicdeeda
  15. Dhahar muunadley iyo Carmale waa degaan mudane 
     
  16. Waa gobol Mur iyo Maydi iyo midho ka buuxaane 
    Madarka iyo beeraha Galgala mooskii laga beerye
  17. Macaluul ma taal iyo darxumo maato li’ataaye 
     
  18. Waa gobol mawaashiga hantida Mawlahay dhigaye
  19. Maandeeqda geeliyo fardaha Mawle wuxu siiyey
  20. Meesiga lo’aad iyo adhiga laga macaashaaye 
     
  21. Magar wada ugaadhaa ku badan oon masruuf geline
  22. Macdan iyo Batroolbaa ku jira oo manfac u roone
  23. Majayahan nimcada taal ayaan cidina moogayne 
     
  24.  
  25. Waa gobol mahiigaan ka da’o guga mullaaxdiise
  26. Muguc wada xareediyo, manqiyo, togaggu waa muushe
  27. Cashu waa magool kolay ku tahay milayga jiilaale 
     
  28. Waa gobol marsada Laasqoriyo Maydhba gaar u lehe
  29. Waa gobol mushtarigiyo ku wacan maal la tabacdaaye
  30. Waa gobol masuulkii tashiyo odaygu muuqdaaye 
     
  31. Waa gobol bad lagu meeriyoo baahi aan mudane 
    Moolkeeda weyn waxad ka heli madhax aan guurayne
  32. Mudka iyo Tarraqaddaa ku filan meel kastaba yaale 
     
  33. Waa gobol markay qurux tagtana lala masaynayne 
    waa gobol ishii milicsataa muhasho deynayne
  34. Surad iyo Manaabaa ku yaal mool la daawado’e 
     
  35. Dayibkiyo Madheedhkaa ka baxa mudhe Galoolkiiye
  36. Maygaagga iyo Jiica iyo Qudhac malleexaanle
  37. Margoogtiyo Hareeriga bataa muuso kuu qabane 
     
  38. Mahwi Ceeri laysugu yimoo gole la maageeray
  39. Madaddaalo jaandheer la tumay Muxibbo boodayso
  40. Meertadiyo jiibtaa kalgacal muuso kuu qabane 
     
  41. Martidoo habeen soo geb tiri oo mir lagu sooray
  42. Oo magac Sanaag waa hiddee sharaf la maamuusay
  43. Maaweeladiyo sheekadaa muuso kuu qabane 
     
  44. Guur mihindiskiisiyo markii xidid la muuneeyo
  45. Miisaan hablood iyo halyey la isku meeleeyo
  46. Meherka iyo haasawahaa muuso kuu qabane 
     
  47. Kolkii muran dhexyaal aadamaha oo la kala maago
  48. Muqdarkiyo cirroolaha kolkii talada loo meersho
  49. Muddac iyo muddaacaley gartaa muuso kuu qabane 
     
  50. Afartaasi mayaygii cirkiyo moodda galabtii dheh
  51. Maansooyinkuu Maxamed Nuur meerin jirey waa dheh
  52. Mahadhadii Afdhaaliyo, Xuseen mihindiskoodii dheh 
     
  53. Soomaaliya masiibadii heshaa maaro loo helaye
  54. Anaa miiggan iyo macangagnimo laysku mari waaye
  55. Nin waliba muskuu degu jiruu maanka ku hayaaye  
     
  56. Masiirkeeni lumay wuxu ku iman taada maammulo’e
  57. Micnaha dawladnimo may aqoon mooshinkii hore’e
  58. Macluumaadka Fadaraalka waa inan mihiibnaaye 
     
    Gobol wali martabadduu dhistuu, yuu ku meel mariye
  59. Mataanay ahaan dani marnaba kala maqnaysiine
  60. Maammulkaa saraa loo tartami maalmo dabadeede 
     
  61. Muqdishiyo Kismaayaa mardhow Mawle fahansiine
  62. Miyirbaa arlada loogu ledi maaxdii nabad weyne
  63. Bal maxaa la isku dili gobol waliba waa ismaamuliye! 
     

08/12/2007 
Maxamuud Axmed Cabdalle

abdalle@hotmail.com

GABAYADII HORE EE SHIINE...........

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com