FURITAAN-KA SHIRKA CASMARA..!
- Qurux waxaad leedahay markaad Qaran leedahay..
Shirka xoraynta iyo dib-u-soo noolaynta Soomaaliya oo
Khamiistii, Sept 6, 2007 ka bilowday magalada Casmara ee dalka
Eritoreya, waxaana ka qayb qalay in ka badan 400 oo ergo ah......
![](07sept401.jpg)
Hadaladii
Furitaan-ka ee shirarka Asmra oo koo kooban..
"Cadowga dagaal baan ku saari karnaa, dagaalkana waanu sii wadeeynaa"
Dr.Iiman Abuubarkay- K/xigeeygka Golaha Shuraada ee Maxaakimta
Islaamiga.
"Cadow dibada ah ayaa ina qasaya ee Qabiil iskuma heeysano"
"Ujeedada maahan raadinta Argagixiso ee ujeed-ka waa in la xasuuqaa
shacabka Somali-yeed" .
Sheik Shariif Sh. Axmed-G/Golaha Fulinta ee Maxaakimta Islaamiga .
"Dib u heshiisiinta Somalia waxa hortaagan waa dowlada Ethiopia,
shirkii ugu danbeeyay ee Kenya lagu qabtayne Koox ay iyada soo
diyaarsatay ayay ugu tala gashay(SRRC)" –
"Ethiopia oo kaliya naguma soo duuleeyn ee cadow kale ayaa taageero
siinayay"
"Waa in shirkan uu ka soo baxaa xal fiican oo ummada Somali-da dan u
ah ujeedo fog iyo mid dheer intaba leh, iyada oo laga fogaanayo
ujeedo ama dan gaar ah" .
Shariif Xasan Sheikh Aadan-Gudoomiyaha Baarlaman-ka Horta ah
"Somali-da Argagixiso maahan Argagixisana ma joogto, taasi waxa
daliil u ah Warbixintii ugu danbeeysay ee sirdoon-ka America ay soo
saareeyn CIA"
![](07sept45.jpg)
Mohamud Axmed "Tarsan" Halgamaa soo baxay waa nin
aftahan ah qurba joogtana dadka ugu dhaq-dhaqaaqa badan ah
shirkana raga ugu muhiisan ee ka qeebgalaya ayuu
ku jiraa.
"Waa in aynu Qabiilka khuran-ka ah iska iloownaa isla markaana aynu
u istaagno sidii waddan-ka loo difaaci lahaa"
"Xabada Shacab-ka masaakinta ah halaga leexiyo hana lagu jeediyo
Cadow-ga wadan-ka heesta" "Wamada Nabad-galyada na siiyay way ku
mahadsanyihiin, balse waxa aan ka codsaneeynaa in ay arrimaha wadankeena
soo fara galiyaan"
"Caalam-kana waxa aan waydiisaneeyna in uu ka hadlo arrimaha ka
socda waddan-keene sidoo kalana uu gar-gaar u fidiyaa dadka dhibaada loo
geestay"
"Shacabka masaakiinta ah ee inta la xasuuqay lana barakiciyay, ayaa
hadana ay dowlad ku sheega ku tilmaamtay in ay yihiin Argagixiso" .
– Mohamud Axmed (Tarsan)-Dad-ka Qurba joogta ka mid ah.
"Madaxwaynihii ugu horeeyay ee waddan-keena dhawaana Geeriyooday Adan
Cadde markii uu maamuilka ka dagay wixii ka danbeeyay Somalia-da maamul
fican meeysan helin".
– Janaraal. Mohamed Qaalib.
"In si guul la isku cafiyaa waa mid lagama maarmaan ah, sidoo kale
Aniga waxa aan codsanayaa in ay Umada somaliyeed ay u cafiyaan intii aan
ku dhaxjiray siyaasada Somali-da" .
"Haddi aan ka jawaabo hadal-kii ahaa Somalia iyo Ethiopia waxa ay
yeelan doonaan hal passport, xuduud iyo lacag isku mid ah waxa aan ula
danlahaa in aan fashiliyo waxa Somalia lala damacsanyahay waa sidaa in
loo fahmaa"
"Hadalkaas markii aan sheegay in soo bixitaan-kii aan soo baxay wax
badan uma dhaxeeyn, wayna ila haboonaan-waysay in aan la sii shaqeeyo
dowlad dooneeysa in ay waddan-keena ay gacanta ku dhigto" .
"Shirkan ama waa rajada horeyta Somalia ama waa Guuladara Somali
weyn" .
"Alle hortii waxa aan ka balan qaadayaa in aan hormuud ka ahay
shirkan iyo horeyta Somalia".
Eng. Xuseyn Caydiin-Baarlamaan-ka xorta ah .
"Wax badan ayay dowlada Ethiopia ku soo jirtay arrimaha Somalia,
balse sanadihii ugu danbeeyay ee jahwareerka aan ku jiray habeen iyo
maalin ayay arrimaha Somalia ku dhaxjirtay sidii mar un ay waddanka
ula wareegi laheed".
Xusseyn caydiid maalinba meel mise Kooxday cusub
ayuu ku nagaadi doonaa..
"Caalama-ka oo dhan wuu fiirsanayay waxa ka dhacayay Somalia gaar
ahaan markii Maxaakimta meesha laga saaray, waxaa taasi ka sii ceeb
badan markii aan maqlay in Haweneyda u qabilsan wasaarada arrimaha
dibada America Gees-ka Africa ay tiri [ waan taageersanahay hool galada
ciidanka Ethiopia ay ka wadaan kudaha Somalia ], caalamkana arrinta
Somalia in uu ka hadli waayo ay ceeb ku tahay guud ahaan caalamka oo
dhan".
"Arrin-ka lala wada yaaban yahay waxa uu yahay caruur 3 jir ah ee
dhibaatada loo geestay ma Argagixiso baa" .
"Waxaan hayaa Feel aan la sugayay in aan ku wareejiyo Dowlad caadil
ah balse waan waayay, maanta waa fursada iigu fiican ee aan kula soo
bandhigo karo, feel-kan waxa aan hayay mudo 15 sano ah, waana xasuuqii
Qaramada midoobay iyo America-ka ay ka geesteen Somalia, waxayna iigu
suura gashay in aan ku helo aniga oo markaas u shaqeeyn jiray Qaramada
Midoobay" .
- Mohamud Abdi Gaab.
"Ragga iyaga ayaa horseed u ahaa bur-burkii wadan-ka" –.
'Buug aan qoray sanadkii 2003 ayaan kaga digay in ay Ethiopia
waddanka ku soo socoto, buugaasna waxa uu ahaa bug gabay ah".
Aamino siciid cali- hayweyney-da kaliya ee shirka
furitaan-kiisa ka hadashay..
Shirkan shirar-kii hore maka duwanaan doonaa.?
Furitaan-ka shirka kooxaha Mucaarad-ka ee ka biloowday Magaalada
Asmara ee dalka Eritrea ayna ka qeebgalayaan ku dhawaad in ka badan 400
oo qof, shirkan waxa ka muuqday farxad, runtii ka qeebgalayaashana waxa
ay ahaayeen intooda badan sida ii muuqatay dad isugu yimid in ay
xoreeyaan waxaana aniga ahaan i soo jiitay Raggii hadal-ka ka jeediyay
furitaan-kii shirka...
Shirka oo aan si toosa kala socday TV-ga ay leedahay dowlada Eritrea,
ayaa ugu horeeyntii dad badan waxa ay la yaabeen markii ay arkeen Xasan
Dahir Awees oo waayadan ku jiray dhumaaleysi. Inkastoo aan aniga ahaan
ogaa in uu ku sugan yahay magaalada Asmara.
Mararka qaar waxaa ii muuqanay dad-ka barkood in ay Kaamirada ay
wajiga ka dad banayeen, inkastoo shirka uu yahay mid la doonayo in
lagu xoreeyo ummad dhan oo xoriyadeeda ay iibsadeen dad fara ku
tiris ah, maanta Somalia waxa ay ku jirtaa mid ka mid ah xilliyada
ugu xumaa ee soo mara, sababtoo ah shacabkii masaakiinta ahaa waxa
maalin walba lagu gumaadayaa gudaha wadan-ka taasina qof walba oo
damiir wadanimo ay ku jirto in ay u cunameeyso uma maleeynayo.
Sh. Xasan, 2 Shariif iyo Eng.Xuseyn oo shirka guraasta hore ka
fadhiya
sawirka REUTERS/Jack Kimball (ERITREA)
Su'aasha wali meesha taal aaya dad shirkan shirarkii hore maka
duwanaan doonaa.? Haddii uu ka duwanaasada wax cusub miyuu soo
kordhin donaa.? Dad kala heesta Fikiro kala duwan sidee ayay suura
gal ku tahay in ay heshiiyaan waxba ay isla meel dhigaan.?
Su'aalahan jawaabtooda 10 bari ee shirka uu socda kadib ayay soo
bixi doonaan balse wax badan ayaa ka danbeen doona.
![](somalicongress_06092007.jpg)
Ergada SHirka Casmara | Sawirka: Eritrea Gov News
Sida shirka laga sheegay Ethiopia sabata ay wadan-ka xilligan u
qabsatay waxa lagu micneeyay 2 arimood oo kala ah 1-Fashil-ka ku
yimid maamul-ka kaligiis taliga ah ee Zawani 2-Iyo wanaagii
maxaakimta oo ugu danbeeyntii haddii sii socon lahaa ku danbeeyn
lahaa in Somali-du ay danaheeda garato. Runtii waana 2 arrimood oo
macquul ah marka laga eego meelo badan inkastoo dad-ka aysan isku
mid ka aheen xaalka waddan-ka uu ku sugan yahay..
Sh.Xasan Dahir Awees oo markii ugu horeeysay lagu arkay hoolka
shirka Asmara ka soda sawirka REUTERS/Jack Kimball (ERITREA)
Arrinta kale ee muhiim-ka ah waxa ay tahay shirkii lagu soo gaba
gabeeyay magaalada Mogadishu waxa ka soo qeebgalay rag matalaya
Qurba joogta Somali-yeed, shirka Asmara ka furmayna waxa intiisa
badan hoosha waa dadka Qurba joogta ah lacagna in ay ku bixinayaan
ayay cadeeyeen sida uu ka dhawaajiyay Mudane Tarsan oo qudbad fiican
furitaan-ka shirka ka jeediyay.
Eng.Xuseyn, shafiis xasan iyo Sh. Shariif sh.Axmed oo ah raga
inta
badan shirka u ah tiir dhaxaas sawirkana waa goor hore inta uusan
bilaaban shirka Asmara.
Ugu danbeeyntii ummada somaliyeed waxa ay shirka Asmara ka sugayaan
waxa ay tahay in ay ka soo baxaan wax la mid ah wadadii ay mareeyn
ururkii xoreynta Somalia ee SYL, sidoo kale shacabka somaliyeed maanta
uma baahna dagaal, haddi shirka ay ka soo baxdo aan wada dagaalano
siyaasadna aan ku dhisneen hadde xaalku waxa uu iska noqonayaan in
wadadii Maxaakimta shirkana uu maro. Balse siyaasad iyo caqli horseed
fiican haddii la helo wanaag waa la heli karaa. Intaas ayaana ku soo
gaba gabeynayaa Qormadan gaaban.
Waxaan isku dayi doona in aan ummada Somali-yeed u soo gudbiyo
shirkan hadba meesha uu marayo iyo arrimaha xasaasiga ah ee ka soo baxa.
Waana ka xumahay haddii aan fursad iyo waqti u heli lahaa shirkaas waan
ka qeeb qaadan lahaa.
Somali ha xoroowdo… Somalia Somali baa leh..
ibraahim da'ud Abdalle
sayfudiin@gmail.com
:::Warbixin:-Xasuuqii waxshiga ahaa ee
Taliskii xabishidda ee Boorama 30 Janaayo 1984. Akhri....
:::Somali
Congress for Liberation and Reconstitution Opens in Asmara