Dhimashada nusqadda mashruucii fikirka qawmiyeed ee 1960-1991 qaybta
1aad(radical nationalism) :
Waxaan ula jeednaa fikirka
mashruuca qamiyeed ee casriyeed,nusqadda fikirkii qawmiga ahaa ee
kacaameed ee soomaaliyeed(Somali revolutionary nationalism) ee 1960 la
qaatay ee reer yurub laga bawsaday ee looga dayday islamarkaana
aakhirkii dhintay ee burburay 1991.
Haddaba waxaad mooddaa in
mujtamaca soomaaliyeed ay la soo daristay ayna soo waajahday xaalad
foolxun iyo dhibaato aan meel looga ciirsado aan lahayn. Waxaana
mujtamaca iyo ummadda soomaalidu ay dhexheehaabaysaa xaalad jaahwareer
iyo iska dabawareeg ah. Kaas oo mujtmaca soomaaliyeed uu ku sugan yahay
xaalad uusan dhinacna jirin waxna kala go’oyn Karin oo caajisnimo iyo
fadhiidnimo ku tilmaaman. Ama xaalad iyana taas ka liidata oo xoog iyo
qasab wax lagu kala go’oynayo iyo go’aan dib u heshiisiin iyo qaraaro
qasab iyo xoog sanka galis ah,lana oran karo oo ku tilmaaman go’aanno
iyo tallaabooyin aan sharciyad iyo oggolaansho midna aan lahayn,taas oo
macnaheedu yahay in uu yahay go’aan iyo dibuheshiisiin aan aqbalaad iyo
taageero shacab iyo toleed aan haysan. Waxaana go’aanada iyo
tallaabooyinka dib u heshiisiineed ee noocaas ahi aysan jawaab iyo xal
toona u hayn marka la yiraahdo mushkiladaha iyo caqabadaha ku saabsan ee
ku aaddan qofka iyo bulshada uu ka tirsan yahay u dhexeeya, iyo sidoo
kale xiriirka bulshada iyo tolka iyo dawladda u dhexeeya, iyo dawrka
nidaamka dhaqameed ee toleed ku yeelanayo nidaamka qawmiyeed iyo
dawladeed ee casriga ah,iyo ilaa xadka nidaamka siyaasadeed iyo
dawladeed la madaniyeynayo ee la casriyaynayo,iyo sidoo kale su’aasha ah
waxa uu noqonayo nuxurka qaabka loo nidaaminayo tartanka iyo loolanka
siyaasadeed ee u dhexeeya aqaliyada dhaqameed iyo toleed(traditional
kinship society) ee beeleed,iyo aqlabiyadda qawmiyeed ee
casriyeed(modern national community).
Haddaba jawaab iyo xal u
helid la’aanta su’aaalahaas iyo mushkiladaha noocaas ah ee aan soo
tilmaanay,ayay waxay taasi keentaa ayna horseeddaa had iyo jeer in
dhaqan cunfi iyo ismaquunin, iyo isku xoog sheegad iyo is fiijin iyo
israacdayn(iqsaa’i)lagu dhaqmo lana caadaysto oo daw laga dhigtay,taas
oo dhaqanka noocaas ahi uu ka ratibmo oo uu salka ku hayo ayna ugu wacan
tahay maqnaanshaha abuuridda iyo samaynta,aaliyad iyo qaab nabadeed oo
heshiis iyo muwaafaqo lagu yahay, oo ay dhinacyada kala duwan ee
dhaqameed iyo beeleed ee toleed iyo, kan casriyeed iyo dawladeed ee
qawmiyeed,iyo jiilasha labada nidaam ee dhaqameed iyo casriyeed kala
matala ee bulshada hore iyo tan danbe ay muwaafaqo iyo heshiis ay ku
yihiin,iyadoo muwaafaqa la’aanta noocaas ah, iyo qaab iyo aaliyad
heshiis iyo muwaafaqo lagu yahay aysan jirin ay sabab u tahay, wax qabad
la’aanta iyo fadhiidnimada taagan ee la dhaqaaqi la’yahay iyo ismarin
waaga iyo isdiidka halkaa ka dhasha, oo aysan jirin moodadii iyo qaabkii
heshiiska lagu ahaa ee la isku afgaranayay la iskuna fahmayay ee la isku
waafaqsanaa. Waxaa iyana dhinaca kale oo taas ka duwan ka soo jeeda oo
na horyaal fikradda dimuquraadiyadeed oo ay howsheeda iyo falsafadeeda
ay asaas u tahay islamarkaana leh oo ay u sugnaatay, cabqariyad iyo
hindise talo wanaagsan oo macquul ah,ayna tahay ka nidaam ahaan mid lagu
maareeyo laguna maamulo oo lagu jiheeyo laguna xaliyo mujtamaca iyo
siyaasadaba,taas oo ka hortagaysa islamarkaana xal u raadinaysa in aan
fadhiidnimada iyo ismarinwaaga taagan aysan noqon ifafaale joogto iyo
mushkilad abadiyan ah oo aan waligeed xal iyo dawo loo heli Karin oo
joogto ah.
Waxaana loo baahan yahay in
taas looga gudbo laguna furdaamiyo, iyadoo ay jilayaasha kala duwan ee
iyagu isdiidan had iyo jeer ee kala ah bulshada hore ee dhaqameed iyo
toleed iyo tan danbe ee casriyeed iyo dawladeed loo helo loona sameeyo,
hiraal iyo arrimo qawaasim ay wadaagaan iyo hiraal wadaag(tawaafuqaad)
ah oo shuraako lagu yahay, lana abuuro makaanisam iyo aaliyaad sixitaan
iyo turxaan bixin iyo isdheelitirid iyo isilaalin ku dhisan,loona rogo
oo loo tarjumo si wax ku ool ah oo hufan, tabo aaliyaat mu’asasaad iyo
qaanuuneed iyo caadooyin iyo dhaqan xeerar muasasaadeed iyo golayaal iyo
siyaasado guud oo caam ah, oo damaanad qaada in si firfircoon oo wax ku
ool ah loo waajaho loona abbaaro oo wax looga qabto xalna loogu helo,
taxadiyaadka iyo carqaladaha taagan iyo khataraha nagu soo fool leh ee
nala soo darsa nana horyaal,lana abuuro oo la sameeyo dhaqdhaqaaq iyo
hawlgal lagu midanynayo la iskuna dhafayo oo la isku sidkayo lana
mataanaynayo hay’adaha iyo golayaasha dhaqameed iyo toleed iyo,
hay’adaha iyo golayaasha dawladeed iyo siyaasadaed ee casriyeed,iyadoo
sidoo kale bulsahada hore ee dhaqameed iyo tan danbe ee casriyeed ee
waddaniyeed, loona sameeyo hiraal iyo tawaafuqaad midaysan oo casriyeed
oo kulmiya islamarkaana mideeya oo meel isugu keena si looga gudbo
looguna maaro helo fadhiidnimada iyio ismarinwaaga taagan ee
naragaadiyay lana degay mujtamaca soomaaliyeed oo asaaggiis ka reebay.
Haddaba ku cararidda iyo ku
haliilka lagu haliilo laguna ordo si hubaal la’aan ah faham iyo fasiraad
qaldan oo loo fasiro qawmiyadda(nationalism) iyo
casrinimada(modernity),iyadoo fahamkaas ay ka danbayso lana tixraacayo
aragtiyo iyo arrimo aydhiyoolajiyadeed,iyadoo ay fasiraadda iyo fahamka
noocaas ahi uu dayacayo uuna luminayo in si hoose oo qotodheer loo fahmo
loona eego oo garasho dheer loo yeesho lana darso wadciga iyo xaaladaha
duruufaha mujtamaca iyo xaaladihiisa iyo, in loo aqriyo mafhuumka dhafta
ah ee bulsho iyo mujtamac xaalad fiiro iyo fakar la taaban karo oo
muuqda oo mowduuci ah, kana fog iska yeelyeel iyo iskadabasocodka iyo ku
dayashada fakir la soo dhoofiyay lana soo bawsaday oo reer yurub ka
dhaqangalay ee laga soo qaatay. Haddaba fikirka qawmiyeed iyo
cilmaaniyeed iyo mashruuca casriyayn iyo dawladeed ayaa ah, in ay
noqdaan kuwo laga dheegto mabaadi’ideeda lagana tixraaco oo lagala baxo
halganka iyo dhaqdhaqaaqa ficilada iyo falalka muuqda ee nolosha iyo
hawlgalada dadka ee joogtada ah iyo halganka nololeed ee mujtamaca ka
dhex socda,balse aan laga qaadan oo aan laga dheegan qiyamka iyo
halkudhagyada mutaxan ee aydhiyoolajiyadeed,waxayna taasi lagama
maarmaan ka dhigaysaa marka arrinta loo eego si mowduuci ah, in shaarka
iyo cimaamadda muqaddasnimo ee la huwiyay lagana dhigay kitaab muqaddas
ah meesha laga saaro, dibna loogu noqdo oo loo eego looguna qaabeeyo
fasiraadda iyo tarjumidda baaqa fikirka qawmiyeed iyo dawladeed hannaan
iyo qaab la saanqaadaya oo ku astaysan, islamarkaana sannaaniya oo ku
bannaan dabeecadda mujtamaca soomaaliyeed iyo qab dhismeedka tolmadiisa
bulsho(social fabric) ee habka dhaqameed iyo toleed u samaysan, kuna
salaysan habka beeleed ee tolnimo(kinship society unit). Waxaana ay
taasi lagama maarmaan ka dhigaysaa in la dhiirigaliyo lana taageero oo
lagu dhaqaaqo lana waajaho taxadiga, in la soo dhaweeyo laguna daydo
tijaabooyinka iyo moodada ku dayashada mudan iyo afkaaraha iyo
aragtiyada casriyayn ee yididiiladu ka muuqato ee ka soo daahiray kana
hana qaaday deegeenada dalka qaarkood sida soomaaliland iyo puntland,oo
moodada iyo tijaabooyinka noocaas ah la oran karo kuwo leh khusuusiyo
casriyayn oo waddaniyeed oo gaar ahaaneed, kuwaas oo tijaabooyinkaas iyo
afkaarahaas casriyayn iyo mashruucooda dawladayn iyo waddaniyeed ay
yihiin kuwo leh khusuusiyo u gaar ah, oo diidaya in ay iska qaataan
isagana daydaaan oo ay u madiidaysnaadaan una qaataan sida ay
tahay(xirfiyan) tijaabada moodadii reer yurub sameeyeen, ee ku wajahan
marka la yiraahdo fikirka qawmiyeed iyo mashruuceeda casriyayn iyo
dawladeed,lagana dhigo oo loo qaato tijaabadaas iyo moodadaas reer yurub
ay tahay tan kaliya ee ay u sugnaatay xalka iyo dawada saxda ah iyo
talada kaliya ee loo qaateenka ah ee caqlaaniga ah, marka laga hadalayo
xiriirka dawladda iyo bulshada toleed ama nidaamka siyaasadeed ee
dawladeed iyo bulsahada iyo mujtamaca dhaqameed ee toleed sida uu
noqonayo ee loo dhisayo loona qaabaynayo xiriirkaas ee la isku saarayo
diyaaleetikaal(dialectical),looguna samaynayo xiriir iyo qaab
ishaysta oo iskudhan islamarkaana dhammaystiran(synthesis).
Haddaba waxaa xusid mudan in
la gaarayo ayna timid oo aan cidina dafiri Karin ayna caddahay oo aysan
shaki lahayn in loo baahan yahay in si kama danbays ah loo aqoonsado
lana ictiraafo in gabbalkeedii sii dhacayo oo ay bil dhacday noqotay,
fikradaha aydhiyoolaijiyada iyo aragtiyada la isku qufulo ee la iska
dhaadhiciyo sida ka hordhaca ah ee la sii sawirto(prejudice) loona qaato
oo laga dhigto fikrada noocaas ah ee aydhiyoolajiyo khiyaar iyo waddo
daw aqooneed iyo halgan laguna dhago oo la caadaysto dhaqannna laga
dhigto in si macno darro ah loogu dodo looguna xiiqo oo lagu daalo lana
qabsado in daliil nasuuseed iyo aydhiyoolajiyo iyo afkaareed la
adeegsado si loo sugo loogana dhabeeyo oo daliil looga dhigo saxnimada
iyo sawaabta mafhuumka qawmiyeed iyo dawladeed iyo waddaniyeed, iyadoo
taas macnaheedu yahay in loo baahan yahay in taas looga wareego laguna
baddalo, in dawrka iyo dawga halganka aqooneed uu noqdo mid lagu saleeyo
nolosha iyo waaqica mujtamaca dhabta ah ee jira, hioryaalna uu noqdo oo
la hormariyo mabda’a in la adeegsado lana hawgaliyo manhajka cilmiyeed
iyo dabaqiddiisa camaliyanka ah ee ficilka ku salaysan, ee aan
aydhiyoolajiyada ahayn marka la yiraahdo fasiraaddda iyo macnaha aqrinta
waaqica nool ee nololeed iyo faaqididda iyo faalayntiisa, iyadoo loo
fiirinayo lagana eeegayo waaqica jira ifafaalayaal iyo mushkilado
xadidan oo cayiman oo gaar ah,ka gadaalna laga qaato laguna dhiso
mafaahiimta iyo sawirada aragtiyada iyo fikirada ay ka mid tahay
fikradda qawmiyeed iyadoo lagu xiriiranayo taariikhda nool iyo halganka
socda ee nolosha oo ku xiriirsan kuna teedsan oo ka tarjumaya
isbaddalada dhacdooyinka iyo tadhawurkooda ee ka socda kana muuqda
waaqica nololeed iyo taariikheed ee na horyaal,balse aysan ahayn in lagu
saleeyo lahashada iyo doonista nafsiyeed iyo maxkaxeed ee malaawaal.
2) Haddaba waxaa kale oo jira in shaki iyo tuhun
badan uu ka jiro marka la yiraahdo dhammaan garabyada iyo qoliiyinka
siyaasadeed ee iyagu ka dhigta asaaska iyo marjiciyadooda iyio
asalnimadooda sharciyeed fikridda midnimo iyo qawmiyeed amaba
diimeed, uu shaki iyo tuhun ka jiro xadka rumaysnaanta iyo aaminidda
dhabta ah ee kooxahaasi ama qawmiyeed ama diimeed ay aaminsan yihiin
dimuquraadiyadda, iyo awoodda ay u leeyihiin oo ay ka dhab tahay
ixtiraamidda iyo qaddarinta kaladuwanaanshaha iyo kala gaddisnaanta
mujtramaca iyo bulshada soomaaliyeed ka jira,ee ama dhaqameed iyo
qabiil ee toleed, ama siyaasadeed ee jabhadeed ama deegaan,iyadoo
aysan tiro lahayn oo ay badan tahay tusaalayaasha iyo tijaabooyinka
badan ee la soo maray laga soo bilaabo ilaa xisbigii SYL ee qawmiga
ahaa, ilaa kii hantiwaddaagga ahaa ee milatariga, ilaa kuwii ka
danbeeyay ee intii burburku jiray la soo maray ee ay ka mid ahaayeen
kuwii soodere, iyo carte, iyo kan imbagaati, iyo kuwii iyana
islaamiyiinta sheegtay ee maxaakiimta oo dhammaantood ay ku
caddaatay iskuna rogay kuwo kalatalisnimo iyo ismagacaabid aan
cidina dooran oo aysan matalin ay calaamad iyo dhaqan u
noqotay,iyadoo ay adag tahay ama aan rajo laga qabin in dabaqadda
aqooneed iyo siyaasadeed ee casriga ah dhammaan itijaahyadooda kala
duwan oo dhan, in ay dhogor baddashaan oo ay dhaqankooda iyo
caadooyinka aan soo tilmaanay ee ismagacaabid iyo kacaameed ay
baddalaan oo ay ka waantoobaan, ayna noqdaan kuwo qunyar socod ah oo
dimuquraadiyadeed oo ay dadkooda iyo tolkood ay doortaan oo igmadeen
oo si dhab ah u matala, ugana tirsan oo la doortay loona hogaansan
yahay oo la adeecsan yahay(political loyalty). Waxaana taas waliba u
dheer kooxaha noocaas ah ee qawmiyeed in lagu eedeeyo, in ay asaas
iyo hoyba u yihiin qaacidada iyo saldhigga fikriyeed iyo bulsho ee
ka danbeeya, islamarkaana bulaaliya ee abuura sidoo kalana faafiya
asalraacnimada iyo xagjirnimada qawmiga ah, oo iyagu dhala
islamarkaana beera oo faafiniya mashruuca nocaas ah ee faashilka ah
ee dhintay
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan