SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

TACSI::
 

From: ruun1001@hotmail.com
Subject: tacsi
Date: Mon, 3 Sep 2007

waxan tacsi udiraynaa abtigay maxamed aden oo ku geriyooday magalada neyrobi ee kenya
waxana ilaahay oo ga baryeynaa inuu janadiisa kawarabiyo ehelkisana samir iyo imaan kasiyo.

by:Ramlo sirat iyo sirat macalin oo kunool magalada minnesota ee mareykanka

Gabay: Dhulku Waa Halbowlaha Naftiyo HOOYO aan Gurine... WT. Qamaan Abdil Waaxid

Maanta oo ay taariikhdu tahay 09/05/07 ayaa waxaan xiriir la sameeyey Qamaan Abdilwaaxid oo ah Abwaan aad ugu maansooda suugaanta noocyadeeda kala duwan, haatana mudo gaaban kasoo maqan Magaalada Dhahar oo magaaladiisii ah.

Abwaanka ayaa waxaan weydiiyey in suugaan uu ka sameeyey la dagaalanka Xaalufinta oo maalmahaan dagaalo ku dhexmarey ciidanka ka hortaga iyo ladaalanka xaalufinta iyo ciidan Qowlaysato dhir iyo deegaan la dagaalan ah.   Abwaanku wuxuu I weydiiyey qalin inaan heysto: Arintaasi fajac iguma noqon, suxufi sidiisii ayaan ana qalin ku boobay.

Gabaygan hoos ku qoran waa gabay ka hadlaaya dhibaatada iyo hormar la'aanta haysata dadka reer Sanaag/Galbeed Bari oo haatan aad moodid iney hurdada ka kacayaan. Abwaanku wuxuu aad u iftiiminayaa Dadka u hub gurtey sidii ay u xaalufin lahaayeen dhirta iyo deegaanka ilaahay dalka ku manaystey iyo arimo kaloo xiisa badan oo aad gabayga kaga bogandoonto…

Wuxuu Yiri:

  1. Hilaad gabay baryahaan Saalaxow Haanso malahayne
     
  2. Humaageeda waataan dhigaye hooris keedaba e
     
  3. Haasaa-sehaa ila galee kuma hanbaaseene
     
  4. Iisoo-hogtooy waxa la dhacay ma hurtadeeniiye

  5.  
  6. Dadku waa hanaan iyo inay talo hagaysaaye
     
  7. Hortaydaa banaan uumiyuu kuma hagaagaane
     
  8. Habqana laguma noolaan karo waa hantaqa-weyne
     
  9. Hindisaha bulshadu waa inuu hurumar yeeshaaye

  10.  
  11. Habsan baa kudhacay reer toloow himila-diiniiye
     
  12. Dadku wuxuu ku haasawayaa maanta heer qarane
     
  13. Waxay ku herdamayaan inay calan haleelaane
     
  14. Hanna-qaadyey ina Yuusufkii haystey reer Bariye

  15.  
  16. Waakaa hogaan maamul iyo jooga heer sara e
     
  17. Hirdi-faagi wakaa tan iyo haysta Baydhabo
     
  18. Soomaali wakaa hor kacay hagina dooneeye
     
  19. Hankaaguu ku siiyaa Ilaah heerka uu yahaye

  20. Ka hadaafyey qeyrkiin intaad hogo-shideyseene
  21. Maan taad hidii-diiliyo haykal sida-taane
     
  22. Maantaad habkii gobi lahayd ku herdameysaane
     
  23. Maantaad hilad dawladnimo haybsateen ficile
  24.  
  25. Hurumarinta xeebaha, badaad ka harqan doontaane
     
  26. Waa hodon dhulkeenuye dadnima haw hanbaynina e
     
  27. Hanaqaad kadhiga MAAKHIR waaloo hanweyn yahaye
     
  28. Inta hoos daloolada wadiyo horor ka gaashaanta

  29.  
  30. Afar taa hanaan maamul iyo hiilan gabayaa dheh
     
  31. Afar kalena hadaftii la jaray hadimadeedii dheh
     
  32.  
     
  33. Inkastood hamuun badan qabtoo gaaja hidin weydo
     
  34. Hayinkaaga lama gawraciyo heetista irmaane
     
  35. Waxaa la haybah hadaftoo baxdiyo hodonka geedaha e
     
  36. Dhulku wa halbawlaha naftiyo hooya aan gurine
     
  37.  
     
  38. Waa hoy dadkiyo duunyaduba ka haqab-beelaane
     
  39. Hanti weeye laysaga dhintiyo dhaxal lahaystaaye
     
  40. Waa hibo  indhaha daawadaa u hanqal taagaane
     
  41. Waa hays-barwaqiyo wanaag laga helaayaaye

  42.  
  43. Wa haleela kuu curatayoo ubad ku-heemaaye
     
  44. Waa huga dharkaagoo Ilaah kaaga dhigay hoy e
     
  45. Waxaad haysataan xoolahaa laynugu hubaaye
     
  46. Ma ogtahay hadhkiyo geedku waa himiladoodiiye
     
  47.  
     
  48. Afarta hilaadshee hadaan hore u wey daarto
     
  49. Waa wada hawaar SOOL ninkey dani ka haysoow e
     
  50. Hurgumaa lamoodaa dhirtii hadaftu saarnayde
     
  51. Huluc iyo birbaa lagaga dhigay gale habaas weyne
     
  52. Hadhbaad qiiqa moodaa kobaha huraya maantiiye
  53. Habeenkiina belelkaad sidii hir u arkeysaaye
     
  54. Sida had bakhtiga ugu dhacaa col u hob-sheeyaaye
     
  55. Haawey shisheeyiyo Abow Heeranaa tubane

  56.  
  57. Sida awr hayina ood hayaan reera kaga guurtey
     
  58. Ama maal hadhiinoobey oo looga haray meyti
     
  59. Waxa  nacabku kala hooshayaa mahurta-diiniiye
     
  60. Loona Hamran mayoo adaa gabay halkaagiiye
     
  61. Adinkaa ka hawl galay in taad hiil ugeli layde
  62.  
  63. HIRIIDiyo wixii SOONAYAAL hadaf galool taaley
     
  64. FAR-SHABEELO hawd bey ahayd lagu habaabaaye
     
  65. Maantana higliyo lagama helo hiilkaney tahaye
     
  66. HAYAAQLE iyo BOOXAARO maleh geed harloo galo e
     
  67. Waa wadada hurgumo wixii indhaa ka hor-yimaadaaye

  68.  
  69. CANAANIYE gabaad lagama helo  hamash wixii yiile
     
  70. Hohe LABA-DUGSIILIYO la goyy duudi HADHACWEYNE
     
  71. Hanfibaa ku dhaca xeeradiyo hoosadii BURURE
     
  72. Dhir hulaaqda mooyee kobaha looma dayo hoose
     
  73.  
     
  74. Ka hayaame xoolihii BALIYO kumana hoydaane
     
  75. DAMAL-GOREY indhuhu kama helaan geed hadh loogalo e
     
  76. Habari xaaba kama qaado XIMAN higil wixii yiile
     
  77. Haldhaa iyo wixii dabis-garow bayrac hoganeysey
     
  78. Haadki majoogaan dhulkii haybada lahaaye
     
  79. Hadimada dalkaa gaadhey iyo huluca saameeyey
     
  80. Huqbaad kala kul meysaa ninkii dhiig ku harayoow e

  81.  
  82. Hadal han mabuuxshee tolow la idin haaranye
     
  83. Hanba qabasho mooyee warkale haatan agab beelye
     
  84. Hubka qaata oo dila Jahliga idin halaakeeyey
     
  85. Hurin-hurin intaad ugu baxdaan Hawsar ku afuufa

  86.  
  87. Insha-alaahu hadafkeenu weynoo hir gelayaaye
     
  88. Haka daalinine oo waqiin hawga soo kicina
     
  89. Nina libin haysaga doonina hura naftiinoo dhan
     
  90. Hormo iyo labay diin hadhee hororka naafeeya
     
  91.  
     
  92. Iminkuu daruur la harqadiyo roob ku helayaaye
     
  93. Iminkey habsami noogu bixi hiilihii go'aye
     
  94. Iminkey haraadkiyo ka bixi holoci naareede
     
  95. Iminkey dhulkii haakah oran hiilka loo galaye
     
  96. Hoobaan fufaysiyo hadey geeda soo bixiye
     
  97. Weynoo hagaagtaye toloow nabad kusoo hoyda
     
  98. Weydiin hagaagtaye tolow nabad kusoo hoyda
     
  99. Weydiin hagaagtaye tolow nabad kusoo hoyda
     
  100. Weydiin hagaagtaye tolow nabad kusoo hoyda

Fure:
 

Hiriido, Soonayaal, Booxaaro, Far-shabeelo, Baliyo, Hayaaqle, Laba-dugsiile, Hadhac-weyne, Canaaniye, Dowda-Burur, Damal-gorey, Ximan: Waa Deegaano iyo tuulooyin ku yaala Gobolada Sanaag, Sool, iyo Bari.
 

Curintii: Abwaan Qamaan Abdil-Waaxid
Qamaan579@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com