TAARIIKHDU BEEN QORIMAYSO RUUXNA BAADILIMAYSO!..(3aad)..
SALAAMULLAAHI CALAYKUM WARRAXMATUHU WA BARAKAATUHU.
Waa faallo aad u xiiso badan, oo dad badan ay wada sugayeen oo ay ku
taxnaayeen. dadkii aan la socconna waxaan filayaa in haddii ay
akhristaan ay fikraddooda wax badan ka bedelI doonto. Ee la socosho
wanaagsan..
Waxaan qaybtii koowaad(1aad) ee faalladaan ku sheegay in, Maxamed
Siyaad Barre, oo kamid ahaa madaxdii dalka soo martay mid ka mid ah,
aysan taariikhdu illaaweyn. Waa marka koowaade, wuxuu madaxweynhii
kacaankii luggooyo uu sheegay inuu u dhashay dadka qaarkiis, ee
uusan uwada dhalan shacabka Somaliyeed.
Dadka uu u dhashay oo uu Siyaad barre sheegay ayuu ku tilmaamay inuu
yahay dadkii dulmanaa oo uu ula jeeday, beel beelaha dalka deggen
kamid ah. uuna ku dhashay amaba uu ka soo horjeedo dad uu ku
tilmaamay, laan geedgeedii ka dheeraatay, oo uu iyana ula jeeday
beel beelaha dalka dega kamid ah. Hadalkan oo uu marar badan ka
sheegay Idaacaddii codka kaccaanka.
Haddaba marka uu saas u hadlayo wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabayn
jiray inuusan kaccaanku oggolayn wax la yiraahdo qabiil, isaguna uu
saas u hadli jiray uuna uqabay inaan shacabku garanayn micnaha
hadalkiisa. saasoo ay tahay wey jireen dad badan oo aanan garanayn
micnaha hadalkiisa kana mid ahaa dadkii kacaanku ku dhashay oo uusan
oggolaynba jiritaankooda.
Su aasha meesha taalla waxay tahay: Yaa weeye laanta geedkeedii ka
dheeraatay ee kaccaanku sheegay?
Waa su aal jawaabteedu ay aad u sahlantahay, dadkaasi waa dad aan
dembi gelin ee kaliya Kaccaanku uu u arkayay inuusan xilka sii
haysannayn illaa uu dabargooyo. laakiinse waxaa jananka ka maqnayd
inaan qabiil ama hayaraado amaba ha badnaadobee aan la dabargoyn
karin, lana baabi in karin.
Dadkaasi ma aha hal qabiil ee waa ay badnaayeen oo waxaa ka mid
ahaa: Dadka dega gobolada waqooyi beri (Harti). iyo dadka dega
gobolada waqooyi (Dirta Waqooyi), dadkaasi markii ay u adkaysan
waayeen xassuuqii kacaankii aan barakaysnayn ayay waxa ay samaysteen
jabhado xaq u dirir ah.
Su aasha labaad ayaa waxay tahay ninka saas ah oo aaminsan wax
layiraahdo qabiil ma u qalmi karaa inuu xukkun dowladeed amaba
madaxweyne qaran qabto. xaq uma lahan umana yeelanm karo, fikrad
ahaanteyda, laakiin waqtigaa siiyay ninka sidaas ahi inuu 21 sano uu
dadkii ka dhigo wax lalaayay iyo wax niyadda laga guumaysto lagana
dhigo wax aan jirin.... Diin baa waxaa laga sheegay meesha haadi
(shimbiro) iigu tashanayeen ma waan ilaahay joogin...
Jabhaddii xaq u dirirka ahayd ee SSDF ayaa la aas aasay dabayaaqadii
sanadkii 1978, waa isla sannadkii uu dhicisoobay Inqilaabkii ay
horkacayeen allaha u raxmee Col. Maxamed Sh. Cismaan (Cirro) iyo
Mudane Cabdullaahi Yuusuf oo isagu ka badbaaday dilkii asxaabtiisii
uu ka mid ahaa (Cirro) ee ay Afgambiga isla wadeen.ee ay ku
xukkuntay Maxkamadii Kaccaankii xaqdarro Dil toogasho ah oo aan kama
dambeyn lahayn, uuna saxeexay
S/guutto Siyaad.. Waa saxeex la isaga daba imaan doonee..
haddaba waxaan aAkhristayaashayda weydiinayaa Kaccaankii Udhashay
Dadka qaarkii sida uu in badan kusoo celceliyay Gen. Siyaad barre,
iyo Jabhaddii SSDF ee iyana sheegatay inay xaq u dirir ahayd,
ahaydna Jabhaddii ugu horreysay ee ay ucuntami weyday Dhibkii
dadkeeda lagu hayay, iyo xassuuqqii kaccaanka:
Keebaa xaqqa u dhowaa?
Keebaa xaq u lahaa hoggaanka dalka?
Maxaa taariikhda u gashay kaccaankii?
Maxaa sidoo kale taariiklhda u gashay Jabhaddii SSDF? Waa Su aalo
jawaabahooda ay u furantahay akhristayaasha sharafta leh ee diyaarka
u ah inay fikraddooda halkan ka dhiibtaan...
FIKRADDIINA SALIIMKA AH AYAAN SOO DHAWEYNAYAA!!..
WAXAADNA IIGU SOO GUDBIN KARTAAN ADDRESSKA HOOS KU QORAN..
Lasoco qaybta xigta........................
Waa qalinkii: Xassan Maxamuud Shiikh Cismaan(Baashe)
Nairopi Kenya.
Tell: +254 726 256 250
Qaybtii
2aad