SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Afwarke Intuu Soomaaliya Xoraynayo Horta Ha xoreeya Baadame

Dagaal oogaha geeska afrika Esias Afawarke oo ah nin qaba cudurka loo yaqaan "Inferiority Complex" kaasoo inta badan ku dhaca dadka aan isku kalsoonayn ee jecel inay isu muujiyaan ama ay yeeshaan Ahmiyad ka weyn ta runta ah ee ay leeyihiin ayaa isugu yeeray shakhsiyaad soomaali oo "Haad Geed waayey ah" kuwaasoo ku caan baxay dowlad necayb, nabad diidnimo iyo ku mamid ay u ooman yhihiin dhiiga shacabka ay dhibaataynayeenmudadii 16ka sano ah.
 
Hadaba inagoo og meesha sumcad ahaan awood ahaan iyo maskax ahaanbu uu ka taagan yahay aduunka Asias Afwarke muxuu ka qaban karaa arinta soomaalida muxuuse ku biirin karaa kooxdan muflisiinta ah ee ummada soomaaliyeed ka ilbaxday. Aan u kala qaado dhowr qaybood si ay aynu u fahamno in Afwarke yahay "Eber Bidixda lagu qoray" ama Sifir Cala Shimal.
 
Xoraynta wadanka
 
Sidaynu wada ognahay waxaa dhex maray Itoobiya iyo Eriteriya dagaal sanado soconayey ilaa ugu dambaytii Afwarke xoog lagu muquuniyey oo laga qabsay Badame oo ah degmadii ay isku hayeen, wuxuuna aakhrikii ogolaaday in Arinka Baadame loo bandhigo maxkamada caalamiga ah ee Heeg taasoo u xukuntay Eriteeraya Qayb ka mid ah dhulkii laysku hayey ee dagaalada qaraari ka dheceen, hase yeeshee Itoobiya way diidey inay dhulkaas u celiso Afwarke waxaana weli gacanta ku haya ciidamada Itoobiya, Afwarkana maadama awoodiisa la tusay wuxuu ka doorbiday in uusan dagaal dambe la gelin Itoobiya ee nabad iyo baryootan wax ku doono. Markaa aniga waxay iila muuqata in Afwarke uu xorayn uga baahan yahay dhulkiisu intaanu soomaaliya oo aanay xuduud lahayn bad iyo beritoona uusan u doolaalo tegin
 
Gabaad Siin
 
Afwarkii inkasto uu gabaad siiyey kooxaha firxadka ee Asmara ku soo ururay hadana waxaa qaarkood u adkaysan la yihiin gumaysiga iyo awaamirta is daba jooga ah ee la siinayo, waxaana ilo xog ogaal ahi sheegeen in wasaarada arimaha dibada ee Eriteriay ay iyadu diyaariso marka ay shir jaraaid qabanayaan kooxada Asmara aynu u laqinto waxa la doonayo inay yiraahdaan, tasoo muujinaysa in cida xoraynta u baahani ay tahay iyaga naftooda ee ayan soomaaliya ahayn.
 
Dhaqaale
 
Inkastoo Eriteriya markii horeba ilo dhaqaale oo weyn aysan lahayn waxaa la sheegaa in dhaqaalaha wadanku ku tiirsanaa caawamida caalamku siiyo, Cashuurta laga qaadi jirey alaabta Etoobiya uga soo degi jirtey dekada Casab iyo dadka Ereteriyiinta ah ee qurbo joogta ah oo iyana lagu soo rogey cashuur aad u badan qofkasto "Head Taxes". Hadase Eriteriya waxaa la sheegaa in ay ku soo wajahantahay burbur dhaqaale oo balaaran maadama wadamadii deeqda bixin jirey intoodii badnayd ay wadanka iska baxeen kadib markay u adkaysan waayeen hab dhaqanka Afwarke, Badeecadii Itoobiya la soo degi jirey oo u wareegtey Jabuuti, iyo Cashuurtii eriteriyiinta laga qaadi jirey oo yaraatay kadib markii xamaasadii wadani nimo ee ayaamihii horey cusbayd ay karaar jabtay Ereteeriyiintuna ay isu arkeen dad foosto daloosha dhaaminaya.
 
Waxaana xusid mudan in Madaxweynaha Yugaandha Yuweri Musavini uu u tegey Eriterian bishii April ee sanadkan si uu bal wax uga ogaado sida uu u fekerayo Afawarke gaar ahaan waxa uu ka damcay arimaha soomaaliya, waxaa mucjiso noqotay in Afawarke yiri sidan "Adigu waxaad ka hadlaysaa nabad ilaalin iyo deganaasho soomaaliya ka dhaca iyadoo Itoobiyaanku joogaan aniguna runtaan kuu sheegayaa ma seexdo habeenkii ilaa aan maqlo qaraxyo ka dhacay muqdisho iyo dad ku dhintay halkaas" ..Musavini waxay ku noqotay Amakaag, qoraalkaas oo faah-faahsan waxaa qortay jariidada ka soo baxda Yugaandha ee la yiraahdo Newvision cadadkeedii April 3, 2007
 
Isku soo duubo Eriteriya xoog iyo xoolo toona uma hayso ay soomaliya wax ku tarto ee waxa wadaa waa Masayr iyo Hinaase ka haya shirkii Beelaha soomaaliyeed ee Xamar lagu qabtay, mana haboona in la hoos tago cadaw awrkiisa kugu kacsanaya umadaadana halaag la jecel.
 
Walaahu Aclam,
 
Cabdiraxman Xariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com