Afwarke Intuu Soomaaliya Xoraynayo Horta Ha xoreeya Baadame
Dagaal
oogaha geeska afrika Esias Afawarke oo ah nin qaba cudurka loo yaqaan
"Inferiority Complex" kaasoo inta badan ku dhaca dadka aan isku
kalsoonayn ee jecel inay isu muujiyaan ama ay yeeshaan Ahmiyad ka weyn
ta runta ah ee ay leeyihiin ayaa isugu yeeray shakhsiyaad soomaali oo
"Haad Geed waayey ah" kuwaasoo ku caan baxay dowlad necayb, nabad
diidnimo iyo ku mamid ay u ooman yhihiin dhiiga shacabka ay
dhibaataynayeenmudadii 16ka sano ah.
Hadaba inagoo og meesha sumcad ahaan awood ahaan iyo maskax ahaanbu uu
ka taagan yahay aduunka Asias Afwarke muxuu ka qaban karaa arinta
soomaalida muxuuse ku biirin karaa kooxdan muflisiinta ah ee ummada
soomaaliyeed ka ilbaxday. Aan u kala qaado dhowr qaybood si ay aynu u
fahamno in Afwarke yahay "Eber Bidixda lagu qoray" ama Sifir Cala
Shimal.
Xoraynta wadanka
Sidaynu wada ognahay waxaa dhex maray Itoobiya iyo Eriteriya dagaal
sanado soconayey ilaa ugu dambaytii Afwarke xoog lagu muquuniyey oo laga
qabsay Badame oo ah degmadii ay isku hayeen, wuxuuna aakhrikii ogolaaday
in Arinka Baadame loo bandhigo maxkamada caalamiga ah ee Heeg taasoo u
xukuntay Eriteeraya Qayb ka mid ah dhulkii laysku hayey ee dagaalada
qaraari ka dheceen, hase yeeshee Itoobiya way diidey inay dhulkaas u
celiso Afwarke waxaana weli gacanta ku haya ciidamada Itoobiya,
Afwarkana maadama awoodiisa la tusay wuxuu ka doorbiday in uusan dagaal
dambe la gelin Itoobiya ee nabad iyo baryootan wax ku doono. Markaa
aniga waxay iila muuqata in Afwarke uu xorayn uga baahan yahay dhulkiisu
intaanu soomaaliya oo aanay xuduud lahayn bad iyo beritoona uusan u
doolaalo tegin
Gabaad Siin
Afwarkii inkasto uu gabaad siiyey kooxaha firxadka ee Asmara ku soo
ururay hadana waxaa qaarkood u adkaysan la yihiin gumaysiga iyo
awaamirta is daba jooga ah ee la siinayo, waxaana ilo xog ogaal ahi
sheegeen in wasaarada arimaha dibada ee Eriteriay ay iyadu diyaariso
marka ay shir jaraaid qabanayaan kooxada Asmara aynu u laqinto waxa la
doonayo inay yiraahdaan, tasoo muujinaysa in cida xoraynta u baahani ay
tahay iyaga naftooda ee ayan soomaaliya ahayn.
Dhaqaale
Inkastoo Eriteriya markii horeba ilo dhaqaale oo weyn aysan lahayn waxaa
la sheegaa in dhaqaalaha wadanku ku tiirsanaa caawamida caalamku siiyo,
Cashuurta laga qaadi jirey alaabta Etoobiya uga soo degi jirtey dekada
Casab iyo dadka Ereteriyiinta ah ee qurbo joogta ah oo iyana lagu soo
rogey cashuur aad u badan qofkasto "Head Taxes". Hadase Eriteriya waxaa
la sheegaa in ay ku soo wajahantahay burbur dhaqaale oo balaaran maadama
wadamadii deeqda bixin jirey intoodii badnayd ay wadanka iska baxeen
kadib markay u adkaysan waayeen hab dhaqanka Afwarke, Badeecadii
Itoobiya la soo degi jirey oo u wareegtey Jabuuti, iyo Cashuurtii
eriteriyiinta laga qaadi jirey oo yaraatay kadib markii xamaasadii
wadani nimo ee ayaamihii horey cusbayd ay karaar jabtay Ereteeriyiintuna
ay isu arkeen dad foosto daloosha dhaaminaya.
Waxaana xusid mudan in Madaxweynaha Yugaandha Yuweri Musavini uu u tegey
Eriterian bishii April ee sanadkan si uu bal wax uga ogaado sida uu u
fekerayo Afawarke gaar ahaan waxa uu ka damcay arimaha soomaaliya, waxaa
mucjiso noqotay in Afawarke yiri sidan "Adigu waxaad ka hadlaysaa nabad
ilaalin iyo deganaasho soomaaliya ka dhaca iyadoo Itoobiyaanku joogaan
aniguna runtaan kuu sheegayaa ma seexdo habeenkii ilaa aan maqlo qaraxyo
ka dhacay muqdisho iyo dad ku dhintay halkaas" ..Musavini waxay ku
noqotay Amakaag, qoraalkaas oo faah-faahsan waxaa qortay jariidada ka
soo baxda Yugaandha ee la yiraahdo Newvision cadadkeedii April 3, 2007
Isku soo duubo Eriteriya xoog iyo xoolo toona uma hayso ay soomaliya wax
ku tarto ee waxa wadaa waa Masayr iyo Hinaase ka haya shirkii Beelaha
soomaaliyeed ee Xamar lagu qabtay, mana haboona in la hoos tago cadaw
awrkiisa kugu kacsanaya umadaadana halaag la jecel.
Walaahu Aclam,
Cabdiraxman Xariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan