SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dowlad la’aragyaaba Dhib la’arag!!

      Oraahaan waxaa laga hayaa nin u dhashay daka reer Koonfurka loo yaqaan, gaar ahaan kuwa beeraleyda ah, wuxuuna arriintan yiri kadib markii ay kadeeden maamulladii dalka soo maray oo ay waliba  dhibaateeyeen beerahoodii. Dhulka u dhexeeya labada wabi ee ay Beeruhu  ku badanyihiin (Jubba $ Shabeelle) waa dhul ay dagaan sida la sheego dad Nabadeed oo haddii uu khilaaf soo kala dhexgalo waxaa jira odayaal xalliya (xeer-beegti) fac ka fac ayay soo jireen beerahaas oo ay iska dhaxlayeen jiilal badan, waxayse arrintaasi joogsatay markii uu dalka la wareegay maamulladii ugu horreeyay ee gumeysiga kuwaasoo mar waliba oran jiray nidaam ayaan ku shaqeenaa waxayna arrintaasi u gogol xaaran jireen sidey kula wareegi lahaayeen markaasuu ninkan yiri isagoo ka yaabban waxa ay dowladi tahay “Dowlad la’aragyaaba Dhib la’arag” waxa uu ninkaasi ka hadlayna waa wax saameeyay oo dhibaato ku abuurtay.

      Magaalada muqdisho waxaa haatan maamulkeeda gacanta ku haya dowladda federaalka kumeelgaarka ah ee xarunteedu Baydhabo tahay, waxaa Maalin iyo Habeenba ka dhaca qaraxyo, israsaaseen, iyo dilal joogto ah, kuwaasoo aysan jirin cid si gaara loola beegsanayo oo dadka aqoonyahanka ah iyo kuwa muruq-maalka ah ee ka xamaasha magaalada muqdisho intaba si isla mid ah ayaa loo handadaa loona dhaafsiiyaa naftooda qaaliga ah, waxaana mashaakilladaasi la socda hadallo macmacaan oo ay jeediyaan dadka madaxda ah kuwaasoo aad mooddo beer laxawsi iyo in dadka lagu dabayo, meeshii uu qarax ka dhaco waxaa durbadiiba isku hareereeya ciidamada dowladda iyagoo sheegaya in ay baaritaanno sameenayaan xitaa mararka qaar waxay baaritaanada ku sameeyaan Goobaha ganacsiga, Masaajidyada, iyo Guryaha u dhawdhaw goobta uu shilku ka dhacay, inta badan goobaha ay baaritaannada ka sameeyaan waxaa laga soo qabqabtaa dhallinyarada halkaasi ku sugan xilliga ay baaritaanadu socdaan, waxaase jirta in dhallinyarada laftooda ay barteen oo goobtii ay wax ka dhacaan durbadiiba way isaga baxaan xitaa haddii ay joogaan goob ganacsi oo waxa ay ogsoonyihiin, barteenna in ciidamadu aysan u kala aaba yeelin ganacsatada iyo dadka caadiga ah ee waddada maraya waxayna ku qasbanyihiin in ay xirxiraan goobahooda inta ay ciidamadu kasoo gabagabeenayaan hawshooda gaarka ah taasina ma ahan wax lala yaabo oo waxay ka mid noqotay waxyaabaha dabiiciga ah ee ay dadku barteen qofkii la qabtana isagoo ka baxsanaya ciidamada dowladdana waxa uu noqonayaa dambiile oo waa suura gal in lagu eedeeyo in uu doonayay in uu sameeyo fal argagax galin ah, maxaa yeelay askarigii soo qabta qof qarax sameen raba waxaa la siinayaa abaal marin qaali ah.

      Waa hubaal in ninkaa Reer Koonfurka ah dhibka uu dareemay mid la mida ay dareemeen reer Muqdisho kaddib markii labada dowlad federal  ee Somalia $Ethiopia ay cagaha soo dhigeen caasimadda hadda noqotay tan ugu fowdada badan dunida ee Mogadishu, waxa laga rabay dowladda iyo waxa ay sameesay ama abuurmay markay Baydhabo naga soo salaantay waa laba aad u kala fog, Soomaalidu waxa ay tiraahdaa “Meeshii Cir laga filaayay ayay Ceeryaamo ka timid” waxaana hubaala in dadka reer Muqdisho aysan xilligan dhib u baahneen oo waxa ay doonayaan meel ay ku nastaan walibaba ay isaga dajjiyaan Heeryada Gumeysiga ee ku dul raagtay,

      Waxaana xaqiiq ah haddii ay wax iska baddalaan qaabka ay haatan wax ku socdaan ee dhanka maamulka in ay hagaagi doonaan wax walba oo waxaad eegta dowladaha horay u maray waxa kaliya ee ay horumarka ku gaareen waa daacadnimo iyo iyadoo la eegayo danta guud lagana hormarinayo midda gaarka ah ee aiyadu qof waliba uu eeganayo siday isaga wax ugu hagaagi lahaayeen.

W/D:Iimaan Max’ed Jim’ale

E-mail: Iimaan123@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com