Wararkii: Sept 6, 2007
-
Magacyada Siyaasiyiinta ka
qaybgaleysa shirka Asmara
-
Dadka Soomaaliyeed ee ku nool
Dibadaha oo la sheegay in ay bixinayaa qarashka shirka
Asmara..
-
Ergadii Puntland ee ka
qaybgashay shirkii Muqdisho oo tilmaantay in aan wax natiijo
ah ka soo bixin shirkaasi
-
Isbitaalka dhimirka ee Xabeeb
“Waa Isbitaal wax badan u qabtay Ummadda Soomaaliyeed”
-
Faahfaahin dheeraad ah oo ku
saabsan dagaal shalay ka dhacay daafaha Suuqa Bakaaraha
-
Qaraxyo xalay laga maqlay
Magaalada Muqdisho
Magacyada Siyaasiyiinta ka qaybgaleysa shirka Asmara
Waxaa Magaalada Asmara ee dalka
Ereteriya maanta ka furmaya shir ay isugu imaanayaan ilaa iyo 500 oo ergo,
waxaana shirkaasi soo qaban-qaabiyey Siyaasiyiin Soomaaliyeed.
Magaalada Asmara oo maalmahan
xarun u ahayd Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Baarlamaanka isku magacabay inay
xor yihiin ayaa waxaa la sheegay in Magaalada Asmara ay gaareen Siyaasiyiin
si aad ah looga yaqaano dalka gudihiisa iyo Dibaddiisa, waxayna inoo sheegay
dadkaasi halkaasi ku sugan in siyaasiyiinta ilaa iyo hadda soo gaartay ay ka
mid yihiin Cumar Xaaji Masale, Faarax Weheliye Caddow Sindiko, Cusmaan
Max’ed Jeelle, Max’ed Goodax Barre, Cabdi Ismaaciil Samatar, Jaamac Max’ed
Qaalib iyo siyiyiin kale, sidoo kale waxaa halkaasi ku sugan Guddoomiyaha
Baarlamaanka xorta ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo xildhibaanada ay ka
mid yihiin Suleymaan Colaad Rooble, Sakariye Xaaji Max’ed, Axmed Diiriye
Max’ed, Fawsiyo Max’ed Sheekh, Maxamuud Jaamac Sifir, Xuseen Max’ed Faarax
(Caydiid), Cumar Xaashi Aadan, halka Maxaakiimta iyana halkaasi ku sugan
yihiin Guddoomiyihii Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Prof Ibraahim
Xasan Caddow.
Maalintii shalay ahayd ayaa
waxaa Asmara kulan ku yeeshay ergayda ka qaybgaleysa shirka iyo Midowga
Yurub, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa arrimaha
Soomaaliya, iyo sidii Midowga Yurub uga qayb-qaadan lahaa arrimaha
Soomaaliya, waxaana la filayaa in Mas’uuliyiinta Midowga ka qaybgalaan
shirka maanta ka furmaya Magaalada Asmara.
Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dibadaha oo la sheegay in ay bixinayaa
qarashka shirka Asmara..
Iyadoo lagu wado maanta in uu Magaalada Asmara
ku furmo shir dib u heshiisiin ah oo ay isugu imaanayaana qaar ka mid ah
Maxaakiimta Islaamiga ah, xubnaha labaxay Baarlamaanka xorta ah iyo
siyaasiyiin iyo waliba aqoonyahano ayaa waxaa shirkaasi ku baxaya qarash aad
u fara badan.
Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in
qarashka shirkaasi ku baxa xooggiisa ay bixinayaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed
ee ku nool Dibadaha, hase yeeshee dadka ka qaybgalaya ayaa iyagu iska
bixinaya Tikidhada diyaradaha, blasé Hoteelada ayaa waxaa la sheegay in ay
bixinayaan Jaaliyadaha Dibadda.
Ilaa iyo 250 xubnood oo ka socda Jaaliyadaha
Dibadda ayaa la sheegayin ay ka qaybgalyaan shirkaasi, kuwaas oo isugu jira
aqoonyaho, siyaasiyiin iyo waxgarad rag iyo haweenba leh. Dhawaan ayaa
magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhamaaday shir dib u heshiisin oo lagu
magacaabay shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed, hase yeeshee qaar
ka mid ah dadkii ka qaybgalay ayaa waxay qireen in shirkaasi aysan kasoo
bixin wax natiijo ah.
Ergadii Puntland ee ka qaybgashay shirkii Muqdisho oo tilmaantay in aan
wax natiijo ah ka soo bixin shirkaasi
Waxaa dhawaan Magaalada Muqdisho lagu soo
gebagabeeyey shirkii Beelaha Soomaaliyeed, waxaana xiritaankiisa ka
qaybgalay saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka, waxayna
sheegeenin shirkaasi uu ku dhamaaday si guul ah, hase yeeshee ergadii ka
timid Puntland ayaa waxay sheegeenin shirkaasi aysan ka soo bixin wax
natiijo ah, marka laga reebo sacad iyo isbarasho.
“Waxaana qirayaa shirka in aysan ka soo bixin
wax natiijo ah oo anfaca Bulshada Soomaaliyeed oo aan ka aheyn in la is
bartay iyo waliba in sacab lagu ayido” ayuu yiri mid ka mid ah ergadii ka
socotay Puntland oo sheegay in shirka loo baahnaa in uu heshiisiin dhab ah
dhex dhigo Bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu sheegay in xitaa la
diiday in ay is arkaan Beelaha Soomaaliyeed ee horey dirirtu u dhex martay.
Isku soo wada duuboo ergadii Puntland waxay
sheegeen in xitaa gunooyinkii loogu talagalay ergooyinka ka qaybgalayey
shirka aan la siin marka laga reebo beelaha qaar oo la siiyey.
Isbitaalka dhimirka ee Xabeeb “Waa Isbitaal wax badan u qabtay Ummadda
Soomaaliyeed”
Mar aan booqanay labada Isbitaal ee qaabilsan
Cudurada Dhimirka ee Habeb Public Mental Hospital, ayaan waxaan ku aragnay
dad fara badan oo Isbitaalkaasi lagu daweynayo.
Mar aan la kulanay maamulaha Isbitaalka
Kalkaaliye Sare C/raxmaan Cali Cawaale Xabeeb, waxa uu inoo sheegay in
labada isbitaal ay ku jiraan dad gaaraya 120 qofood oo qaba cudurada
dhimirka, waxaa kale oo uu sheegay in Isbitaalka intii uu jiray ay dad badan
ku caafimaadeen, maantana ay hawlahoodii dib ugu laabteen.
“Dad badan ayaanu ka soo uruurinay dariiqyada
Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay Maskaxda wax uga dhinaayeen, maanta waa
kuwo caafimaad qaba” ayuu yiri C/raxmaan Cali Cawaale oo sheegay in labadaan
Isbitaal ay qaabilsan yihiin dadka ku nool gobalada dhexe ilaa iyo koonfurta
Soomaaliya, isagoo sheegay in maalin walba ay isbitaalka soo booqdaan dad
aad u fara badan.
Intii aan isbitaalka booqaneynay waxaan ku
aragnay dad ay silsilado ku xiran yihiin, waxayna dhaqaatiirtu xiligaasi ku
hawlanaayeen daaweynta dadkaasi.
C/raxmaan Cali Cawaale (Xabeeb), waxa uu inool
sheegay in labada isbitaal daawooyinkooda ay bixiyaan Hay’adda WHO, waxa
uuna u mahadceliyey Hay’addaasi oo uu ku timaamay inay wax kala qaybatay
bukaanka qaba cudurada Dhimirka, waxaa kale oo uu u mahadceliyay Jaaliyadda
Isboortiga ee wadanka Ingiriiska oo uu sheegay in ay isbitaalka ugu deeqdeen
ilaa iyo 500 oo Doolar, isagoo sheegay in lacagtaasi ay wax ugu qabteen
Bukuunada ku jira labada Isbitaal.
Kalkaaliye Sare Xabeeb waxa uu u soo jeediyey
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Di badaha in ay taakuleyn u fidayaan
dadkaasi ku jira labada Isbitaal ee qaba cudurada dhimirka.
Aasaaskii Isbitaalkaani waxa uu ahaa mid uu
dadaal u galay Mudane Xabeeb, waxa uuna dadaalkaasi keenay in uu maanta
hawlgeliyo labo Isbitaal oo lagu daweeyo cudurada Maskaxda.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaal shalay ka dhacay daafaha
Suuqa Bakaaraha
Waxaa shalay dagaal gacanta la iskula tagay ka
dhacay deegaano ku dhow dhow suuqa weyn ee Bakaaraha, waxa uuna dagaalkaasi
u dhexeeyey Ciidamada Dowladda iyo Kooxo ka soo horjeeday, waxa uuna
dagaalkaasi bilowday markii ciidamadu isku gadaameen guri ku yaala agagaarka
Suuqa Bakaaraha oo lagu tuhunsanaa in uu ku sugnaa mid ka mid ah kooxaha ay
Ciidamadu ku tilmaameen kuwa qaska ka wada Magaalada Muqdisho.
Markii ay ku dhawaadeen Gurigii ayaa waxaa lagu
bilaabay rasaas iyo qaraxyo taasina waxay keentay in labada dhinacba ay
dirsadaan gurmad xoogan, dagaalkiina waxa uu ku sii balaartay deegaano kale
oo suuqa Bakaaraha ku dhow.
Dagalkaasi waxaa ku geeriyooday dad gaaraya 10
qofood, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 35 qofood oo la dhigay Isbitaalada
Madiina iyo Keydsanay.
Guriga raggii ku jiray ayaa waxaa la sheegay in
ay halkaasi ka baxsadeen, waxaana lagu waramay in gurigaasi uu gaaray
waxyeelo, iyadoo dadka qaar noo sheegeen in laga dhacay hanti isugu jirta
lacag iyo Moobeelo.
Qaraxyo xalay laga maqlay Magaalada Muqdisho
Xalay fiidnimadii ayaa Magaalada Muqdisho waxaa laga
maqlay qaraxyo iyo israaseyn u dhexeysay Ciidamada Dowladda iyo kooxaha
ka soo horjeeda.
Qaraxyadaasi ayaa intooda badan ka dhacay Isgoyska
Bakaaraha kadib markii ciidamo halkaasi marayey weerar lagu soo qaaday.
Waqtiga oo habeen ahaa ayay noo suurtageliwaysay in aan helno qasaaraha
kala gaaray labada dhinac, waxayn weeraradaani daba socdeen dagaal
shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo a ku dhinteen dad gaaraya 10
qofood, iyadoo ay ku dhaawacmeen 30 kale, waxaana sidoo kale la
qabqabtay ilaa iyo 100 qofood oo loo taxaabay xabsiga CID-da
Shirkii Asmara oo maanta ka furmaya dalka Ereteriya
Waxaa maanta la filayaa in uu magaalada Asmara
ka furmo shir ay isugu imaanayaan Maxaakiimta Islaamiga, Baarlamaanka Xorta
ah iyo Siyaasiyiin iyo aqoonyahano kale oo la sheegay in ay ka imaanayaan
dalka gudihiisa iyo Dibaddiisa.
Shirkaan ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ka
qaybgalayaan ilaa iyo 500 oo ergo, waxaana ugu muhiimsan oo looga hadlayaa
sidii ciidamada Itoobiya looga saari lahaa wadanka Soomaaliya.
Warar ayaa waxay sheegayaan in shirkaani ka
qaybgalayaan ergooyin ka socda Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta,
Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo wadamada daneeya arrimaha
Soomaaliya.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2007
Prof.
Ibraahim Caddow "Inta badan Madaxdii Maxaakiimta waxay ku sugan yihiin
Muqdisho"
.Ilaa iyo 500 oo ergo oo ka qaybgaleysa shirka Asmara..
.Baarlamaanka oo ku kala qaybsamay u yeerida Max’edDheere
.Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay xadgudubyadii
.Beesha Reer Xaaji Suleymaan oo la kulantay C/llaahi Yuusuf
.Cadde Gaabow “Dowladdu waa in ka fiirsataa waxyaabaha..
.Cutubyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo Dhuusamareeb gaaray
. Maxaabiistii laga soo qabtey Farshabeello G/ Sanaag..
. Dagaallo dhex maray gumatysiga iyo CWXO.
Wararka oo dhan ka akhri halkan..... Sept 5
|