SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAREYKANKA OO SAFAARADDA UGU WEYN ADDUUNKA KA FURANAYA MAGAALLADA BAGHDAD

      Dowladda Mareyka oo sii ballaarinaysa xididadeeda joogitaanka waddanka Ciraaq xilli uu cadaadis xooggan kaga imaanayo shacabkeeda, taasoo ku aaddan in guud ahaan ciidammadooda ay ka soo saaraan Ciraaq ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay Safaarad cusub ka furanayaan Magaallada Baghdad ee caasimadda dalka Ciraaq toddobaadka soo socda, waxaana lagu soo beegayaa 11-ka September oo ah maalintii Diyaaradaha lala beegsaday Dhismayaashii Xaruntii ganacsiga Adduunka ee dalka Mareykanka.

      Inkastoo Dhulka safaaraddani cusub ay ku fadhiso Geography ahaan uu la eg yahay dhulka Dowladda Vatican-ka Talyaaniga ayaa Darbiyadeeda waaweyn aadkana u dheer waxa uu ka dhigayaa Safaaradda ugu weyn Dunida  taasoo cabsi gelinaysa Indhaha, Amnigeedana si weyn loo sugay.

      Waxa kaliya ee aad ka arki karo Safaaraddani cusub oo la tilmaamay in ay ka weyn tahay Qasrigii Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq ALLAHA u naxariistee Sadaam Xuseen ayaa ah Tobanaanka kun ee Dhagax iyo Shamiintada cusub ee lagu dheereeyay Midabada Bunniga iyo Kafeega.

      Safaaraddani cusub waxa ay ku fadhisaa cabir dhan 42 Hiktaar, waxaana ku baxay kharash gaaraya 600-Milyan oo Dollar, waxaana sidoo kale ay leedahay Makatabado ay ka shaqeynayaan 1000-Shaqaale, 6-Dabaq oo waaweyn oo midkiiba  ay ka shaqeeyaan 619-Shaqaale, Safiirka ayaa sidoo kale Gurigiisu uu ku fadhiyaa cabir gaaraya 16,000-ft oo laba jibaaran, halka ku xigeenkiisa halka uu deggan yahayna ay cabir ahaan ku fadhiso 9500-ft oo laba Jibaaran.

      Waxay kale oo safaaraddani leedahay School, Suuq Weyn, Goobo aad u qurux badan oo loogu talo galay cunteyta, Goobo lagu dabaasho, meelo lagu dheelo ciyaarta Tennis-ka, Kubadda Basket-ka, Shineemo, goobo lagu qurxiyo ragga iyo dumarka, Qeyb Koronto Iyo Keyd Biyo nadiif ah.

Shirkadda qandaraaska ku qaadatay dhismaha safaaraddani cusub ayaa lagu magacaabaa Berger Devaev BIGGAR, fadhigeeduna yahay Kansas, USA iyadoo sawirrada dhismaha safaaraddani ku soo bandhigtay bogeeda Internet-ka, inkastoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay goor dambe ku amartay in ay bogeeda Internet-ka ka bixiso sawirradaasi sida lagu sheegay Wargeyska (As-siyaasa) ee ka soo baxa dalka Kuwait Cadadkiisii Talaadadii 04.09.2007, sidoo kalena Wasaaraddu waxa ay guud ahaanba ku gacan seyrtay codsiyo kaga yimid dhinaca Warbaahinta oo ay kaga codsanayeen in ay ku soo soo eegaan gudaha safaaradda. 

      Dhismaha Safaaraddani cusub oo lagu magacaabo (Dhufeys ku dhex yaalla Dhufeys kale) isla markaana ku taalla goobta Cagaaran ee Baghdad ayaa waxaa waardiyeynaya ciidammada Marines-ka Mareykanka.

      Dhinaca kale Ragga u ololeeya Siyaasadda Mareykanka ayaa qaarkood waxa ay ka soo horjeesteen safaaraddani, Khabiirad ku takhasustay Dhismaha Safaaradaha oo lagu magacaabo Jean Wiggler ayaa ku tilmaantay dhismaha safaaraddani lagu wareejiyay darbiga aadka u xoogga badan isla markaana laga goobayay Baghdad inteeda kale in ay la mid tahay dhufeysyadii Yuhuuddu hada ka hor ka dhisatay Bariga Dhexe.

      Geba-gebadiina inkastoo diblomaasiyiinta Mareykanka qaarkood ay si weyn u soo dhoweeyeen furitaanka safaaraddani cusub ayaa haddana Safiirkii hore ee dalka Ciraaq Edward Peck mar uu ka hadlayay waxa uu yiri “Safaaradda waxaa ku sugan 1000-qofood oo ka gadaaleeya dhufeys ciid ah, waxaanse is weydiinayaa Sidee qaabkaasi Dimuqraadiyad ugu keeni karnaa”. 
 

W/D: Yaxye Yusuf Khasaaro.

e-mail address: yaxyekhasaaro@hotmail.com

               yaxyekhasaaro@gmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com