SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Af-hayeenka Aqoonyahanada Soomaaliyeed  Dr. Maxamed Cali Kalaay oo ka Hadley go'aanadii shirweynaha Beelaha Soomaaliyeed “go’aamada aan soo jeediney xasuusin bay nagu tahay….”

 

Dr. Maxamed Cali Kalaay oo ah Af-hayeenka Naadiga Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo ayaa warqad qoraal ah oo uu kaga hadlayo shirka dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee lagu soo gebagebeeyey Magaalada Muqdisho u qaybiyey qaybaha Warbaahinta gudaha iyo Dibada ee ka hawl-gasha Gobolka Baay.

 

Qoraalkan oo ahaa mid isugu jira Baaq, taageerid iyo soo jeedin ayaa wuxuu u qornaa sedan:-

 

Naadiga aqoonyahanada Soomaaliyeed ee xaruntooda KMG Magaalada Baydhabo waxay si buuxda u taageerayaan go'aanadii shirka dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee lagu soo gebagebeeyey wajigiisa Koowaad magaalada Muqdisho 30/08/007, wuxuuna naadiga soo jeedinayaa in la sii wado dibuheshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed, lana gaarsiiyo dhamaan Gobolada iyo degmoyinka dalka, Naadiga isagoo ka ambaqaadaya Natiijooyinkii ka soo baxay shirweynaha, wuxuu ku talo bixinayaa in sida  ugu dhaqsiyaha badan  loo dhiso Gudiyadii Qaranka ee Dastuuriga ee madax banaanaa, kuwaasoo ay ka  mid ahaayeen.

 

  •   Gudiga tirkoobka Qaranka.

  •   Gudiga Calaamadeynta soohdimaha dowlad Goboleedyada.

  •   Gudiga Hubka dhigista iyo abaabul ka saarka.

  •   Gudiga doorshooyinka.

Ugu dambeyn naadiga Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxay dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaan inay  u soo  jeestaan nabada iyo horumarka dalkooda iyo dadkooda.

 

Mar aan weydiiyey shirka dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed  ee lagu soo gebagebeeyey Magaalada Muqdisho, hadii aan la dhisin gudiyadaan aad adigu xustey, go’aamada ka soo baxay shirka sideed u aragtaa? isagoo su’aashaasi ka jawaabaya wuxuu yiri “horta go’aan gaarista waa muhiim, fulinta waa arin kale, marka waxaan ugu hambalyeyneynaa go’aamada ay gaareen, laakiin gudiyada aan anagu sheegayno waa dadkii fulin lahaa go’aamada, talada aan bixinayno waa in la dardargeliyo gudiyadii dastuuriga ahaa oo la dhisaa.

 

Sidoo kale mar aan weydiiyey hadii aan la dhisin gudiyadii dastuuriga ahaa, ma waxaad leedahay go’aamadii ka soo baxay shirka dibu-beshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ma ahan kuwo shaqeyn kara? Waxaa uu ku jawaabey “markii la sameynayey gudiga dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed oo la magacaabayey waxay ahayd in lagu shaqeeyo dastuurka, marka go’aamada aan soo jeediney xasuusin bay nagu tahay ee ma ahan gudi kale oo aan anagu sheegeyno”.

 

Mar aan weydiiyey mas’uuliyiinta Soomaaliya marka ay shiraan, intooda badan waxay gaaraan go’aamo, waxaana lagu soo qoraa waraaqo, taasina qoraal ma soo dhaafto ee marka arintu jugjug meeshaada jog sow ma ahan?.

 Wuxuu ku jawaabey “ horta sidaan dukumiintiga ku xusney shirkaan noociisa laguma qaban Soomaaliya oo waa midkii koowaad oo loo qabto Odayaal dhaqameedyada Soomaaliya, baaqeenuna waxaa ku jiray waa shir tusaale wanaagsan ah, ee anagu ujeedadeenu inaan cambaareyno ma ahan, waxaana la og’yahay in siyaasiinta 14 shir loo qabtey, marka shir Soomaaliya lagu qabtey oo ay Ummadii isku arkeen anagu waxaan u aragnaa inuu rajo fiican uu leeyahay”.

 

 

Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com