SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

“Nin isla qaayo weyn oo aan loo Qabin”

      Soomaalidu, waxay ka mid tahay Dunida qowmiyadaha sida weyn loogu tixgeliyo Suugaanta qaybaheeda kala duwan, waxyaabaha Soomaalida si aad ah la yaabka looga sii muujiyo waxaa ka mid ah dhanka Murtida, Maahmaahda iyo Xikmadaha, oo runtii aad moodo in sida aqlabiyadda ah xaqiiq dhab ah ku fadhido, isla markaana aysan aheyn kuwo la iska yiri oo keliya, waxayna Soomaalidu iyaga oo jiritaanka dhabta ah ee hadalada Maahmaahyada ah muujinaya yiraahdeen “Soomaalidu been kuma maahmaahdo balse been waa sheegtaa”, sidoo kale Soomaalidu iyaga oo cabiraya muhiimadda ay Murtida, Maahmaahyada iyo Xikmadaha leeyihiin yiraahdaan “Hadal Murti leh iyo Hilib mindi leh midna laguma margado”. 

      Cinwaanka Maqaalkaan, sida aad dareemi karto waa murti Soomaaliyeed, waxayna Soomaalidu soo qaataan marka ay arkaan Qof isagu bulshada inteeda kale iskala qiimo weyn, isla markaana isku maleeya in uu maqaam sare ka joogo heerka dadka kale ku sugan yihiin, isu mooda in uu caqli iyo aqoon cid kasta ku hogaamin karo, aan xisaabta ku daran in ay jiri karaan dad kaga sareeya jagooyinka uu sheeganayo, ee caqliga iyo aqoonta la xiriira, haddana aan u qalmin heerka uu is gaarsiinayo, amaba aysan gaarsiisneyn aqoontiisa iyo caqligiisa, isla markaana aan ka soo dhalaali karin waajibaadka culus ee uu dusha iska saaray, taasina ay sii dheertay in dadka darajada uu ninkaasi is gaarsiiyey aysan u qabin oo aysan u qirsaneyn, kuna kashifan yahay in uusan aheyn waxa uu iska dhigayo, qofka noocaas oo kale ah marka ay Soomaalidu aragto waxay yiraahdaan “Adduunyo waxaa ugu liita, nin isla qaayo weyn oo aan loo qabin”. 

      Hadalkaan Soomaalidu horey ayay u tiri, waxaadna moodaa in 17-kii sano ee ugu dambeey ee Qalalaasaha Soomaaliya sidii badda dhex dabaalatay uu hadalkaan si qayaxan u soo baxay, waxaa jirtay in banaanka ay is keeneen rag badan oo iyagu darajo sheeganaya, kuna khudbeynaya in ay wax walba soo afjari karaan oo intii raacda ay wadada wanaagsan marin karaan, waxaa ka soo garab baxay kuwa iyana aan u qabin oo ma jirto iyo  heerka noocaas ah ma aha mid aad tiiksan karto ee walaalow aashaa oo cagaha dhulka dhig yeysan kula gadoomin, hadal ugu soo gebagabeeyey, waxa uuna midkii isla qaayo weynaa ee loo qiri waayey bilaabay in uu wax walba markaan xoog iyo qar iska xoornimo ku raadiyo, oo uu ilaabo caqligii iyo aqoontii uu sheeganey iyo qandaf-qandaf in aysan meel wada galeen, waxa uuna ku dheelay wax walba oo qofka caqliga u saaxiibka ahi toosin karayey inkastoo xagga Alle ay wax waliba ka ahaadaan, natiijadaa dambe ee uu keenayna waxay ka dhigan tahay in uu noqday nin liita oo rutii wax uu ku turan yahay aysan jirin, sidaas ayeyna Soomaalidu u tiri “Aduun waxaa ugu liita nin isla qaayo weyn oo aan loo qabin”.

      Waxaad mararka qaar arkeysaa, wiil yare wax xoogaa meersaday, loona raaciyey “waxaad madax ka tahay xafiiskan hebel” kadibna inta uu kuleetiga fareesto iska dhadhiciya in uu sharaf ka mudan yahay waxa ka soo hara, halka kuwii isaga kaga horeeyey meesha iyana aysan ka hoos qaadin, dhaqanka noocaas ahna ku baabi’ya wax badan oo horey u talaabo qaadi lahaa, micnaha horumar laga sameyn lahaa, waxaana cilmi baaris horey loo sameeyey in badan lagu ogaaday in 95% isla qiima weyne natiijada uu keeno ay noqoto meel cidlo ah, oo xitaa weel buuxa haddii gacanta loo geliyo ay dhici karto in uu daato, sida uu hadba dhan iskula loocinayo.  
 

      Isla weynaan oo lagu daray in aan laguu qabin, waxay kugu keeni kartaa sida murtida ka muuqata in aad noqoto nin dad ugu liita, maxaa yeelay inta aad ka dabaaqtameyso waxa laguugu qiimeyn waayey darajo aadan hawsheeda  ka soo bixin balse aad aaminsan tahay inaad ka soo dhalaashay,  haddana aadan ogeyn in aad si qaldan oo laga wanaagsanaa wax u maamushay, ayaa sabab u noqon karta in aad noqoto nin dad ugu liita oo xitaa marka dambe farta lagu go’do, waxayna Soomaalidu tiraahdaa “Dantii mooge maro duug horteed ayuu dhamaadaa”, sidaa darteed waxaa haboon in aadan mar kasta isku arkin qof caqli badan, waxaana wanaagsan  in dadku yiraahdaan “hebel waa nin caqli badan”, intii aad adigu waan caqli badanahay oran lahayd, ama aad isu muujin lahayd in aan aqoonta iyo caqligaba dhameysay. 
 

      W/D: C/raxmaan Max’ed Aadan (Dirham).

      Dirham114@homtmail.com  
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixa

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com