Dooxato (Gabay) - WT: Hurre
AS/WR/WB
hurreaxmed@yahoo.co.uk
Sept 4, 2007
Bacda salaan tixdan hoos kamuuqata waxaa
tiriyey nin la yidhaaho Hurre Dabayl, tixdu iyada ayaa is fasiraysa waxaana
ogahay bulshada soomaaliyeed inaan hadalka loo tafsiirinba oo ay yihiin umad
aad ugu xeeldheer xaga baandhaynta hadalka oo waxaaba laga yaabaa adigii
sheegey inayba sidii aad u rabtey si kaga haboon mararka qaarkod iyagu
uduwaan, wixii su'aala ah, sixida iyo dhaliilba diyaar baan u ahay insha
allah sidaa iyo akhrin wacan
-
Da'da maanso doorkeeda gabay amase
deeleeyda
-
Doodeeda nimankii yiqiin daaye
midhihiiye
-
Dabaylaha socdiyo waxay arkeen dayra
dhaaf yada'e
-
Ninweliba markuu daqaqamay dib uga
maageene
-
Daab_gudinka lala yaacayay doc uga
baydheene
-
Aniguna daleel baan kahelo waysku
deyeyaaye
-
-
Qaaruu duwaday oo ibleys dacay geshoo
waalay
-
Shaydaan inuu duufsadoo dalow ka
tuuryeeyey
-
Dijaal iyo nimruud baa kakacay
degeladeeniiye
-
Diintuna danteen maahabay
duhur yidhaaheene
-
Dastuurkii ilaahay markii debeda loo
tuuray
-
-
Dariiqii rasuulkiyo intii dawgi laga
leexday [SCW]
-
Diiwaanki gaaladu qortaa deegta noo
sudhane
-
Daliil waxan u soo qaadaniyo waxay ku
doodaanba
-
Diimuqraadi mooyee mamaqal daa'im
baayidhiye
-
Dulmigii fircoon lagu rogaan dabada
haynaaye
-
-
Afartaa sidii danab qarxaday dininig maw
yeedhshey
-
Diryaanka iyo qaylada dheguhu haba
dilaaceene
-
Dananka iyo qoobkii farduhu duul ha
kiciyeene
-
Diyaar haw noqdeen inamadii diinta
loodhigaye
-
Dab weyn waa inaan oogo oo dogobya saaraaye
-
-
Nimanyohow damiir xumada waa lagu
duloobaaye
-
Nin dayacay dalkii uu xukumay waa
damiinimo'e
-
Dareenkaygu diid ina ragow waxad dul
joogtaane
-
Dad_qalatooyin baa soo bixiyo qaar dad
qaadya’ahe
-
Duubi weyne iyo suudi iyo duulkaloo
wehesha
Dugaal malaha cali geeddi iyo xayle
dabagaabe
-
Dilaa weeye ina yuusuf aan waana
dahirine
-
Duruus iyo culuun wuxu yaqaan dumiya weeyaane
-
-
Dillaaleyda nimmankii ahaa daydaygiyo
hoogga
-
Dugaagii in badan joogey iyo diiratadi
dhaaftay
-
Dulinkii arliga boobayoo degelka
qaadaayey
-
Daafkii indhaha ina tiriyo tiibbey nagu
daahday
-
Dabadheer abaartii ahayd lagana soo
doogey
-
-
Duufaanti ina soo martiyo durrey wixii
yiiley
-
Duumadii fadhiyey koonfur iyo cudurki
daahyaale
-
Duligay wadaadadu baxsheen lagana
daawoobey
-
Duulkii horoo xamar fadhiyey wax'isma
doorshaane
-
Darkan maanta joogiyo iyagu waa dirkii
ba'aye
-
Danna kamale soomaaliyeey dabar
go'aagiiye
-
-
Si'uu ugu dangiigsado kursiga uguna
dooyaysto
-
Dallacaad si uu ugu heliyo dereja
dheeraada
-
Dawlada shisheeyiyo intuu duulal ugu
yeedhay
-
Duulaan intuu ciriyo dhulla daafta kala
raacay
-
Dugaag iyo intii uu dalbaday dooxtiyo qawle
-
-
Diigaanya gaalaa intuu xamar
dabaalsiiyey
-
Digifiyo amxaar iyo tigriyo doofil noo
taliye
-
Duqayn iyo madaafiic intuu daawa uga
yeelay
-
Dabaabaadka aan guban wixii nalagu soo
daayey
-
Kaaraha dandaamani wuxuu
dulun_dulcaynaayey
-
-
Afartaa sidii danab qarxaday dininig maw
yeedhshey
-
Diryaanka iyo qaylada dheguhu haba
dilaaceene
-
Dananka iyo qoobkii farduhu duul ha kiciyeene
-
Diyaar haw noqdeen inamadii diinta
loodhigaye
-
Dab weyn waa inaan oogo oo dogobya
saaraaye
-
-
Dumar wada xijaabnaa kufrigu wuxu ku
doobyaayey
-
Hablihii daboolaa wixii daaha laga
qaaday
-
Darmaan ugub dariiqyada wixii lagu
dulaalaayey
-
Diinlaawe jaahili wuxuu doca docaynaayey
-
-
Doqoniyo amxaariyo waxay dabato
boobaysey
-
Iyadoo an doonayn wixii lagu duduucaayey
-
Daa'ima caruureed halgaad wuxu ku
duubaayey
-
Daraasiin agoomaa wixii debeda loo
saaray
-
Deregli'i masaakiin wixii dhaxanta loo
daadshey
-
-
Daadkiyo wixii uu lategey webiga soo
daacay
-
Dumaal naaga waayiyo wuxuu dumarku
ooyaayey
-
Duqooshi iyo waayeel warmaha wuxu ku
duugaayey
-
Digtooriyo waxay xaaqayeen culimadii
diinta
-
Dulaabtiyo waxii'ay ardada dacawo boobaysey
-
-
Da'yartiyo waxay laynayeen doobabkiyo
xooga
-
Duubcad iyo waxay cuqaladii digi
kayeedhaysey
-
Denbi li'i wadaad wuxuu xabsiga ugu
diboodaayey
-
Daraawiish sideedii wixii
nala duqaynaayey
-
-
Afartaa sidii danab qarxaday dininig maw
yeedhshey
-
Diryaanka iyo qaylada dheguhu haba
dilaaceene
-
Dananka iyo qoobkii farduhu duul ha
kiciyeene
-
Diyaar haw noqdeen inamadii diinta loodhigaye
-
Dab weyn waa inaan oogo oo dogobya
saaraaye
-
-
Dacwad kale hadii aan dadyohow idin
dareen siiyo
-
Daboolkiyo hadii aan karogo deyrka yare
saaran
-
Dabcigeenu waa miday dadkiyo dunidu
yaabeene
-
Duurjoogtu ficilkaa maliyo habar
dugaageede
-
Wax naloogu dawgalay caqliga
daxashan weeyaane
-
Dibin_daabyadiyo beenta iyo dalabta
weeyaane
-
-
Dabaqawda ina haysa iyo diiftan bixi
weydey
-
Dabaylahakan soo foole baa noogasii
darane
-
Dulalaati baa muuqda oo daaqadaa furane
-
Dunuubteena qaybteed miyaa nalagu soo
daayey?
-
Dembigaan falloo badan miyaa nala
dareensiiyey?
-
Dubihii ilaah naguma dhicin waase noo
digaye
-
-
Qof haduu dambaaboo markale dib uga soo
laabto
-
Dulqaad badan ilaah baalehoo doo'imoo
jira'e
-
Deyntii horoo lagu lahaa wuu ka
daahirine
-
Daba qabasho waa leenehee sidan inaan
deyno
-
Dib inaan u eegnay lamudan duug waxay
noqone
-
Hadii kale deyoowgaa kujira dacar ad
leefteene
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007


|