SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Asluubtii BBC-dii Maxamed Cabdullaahi iyo aradnaanta BBC-da Yuusuf Garaad...

Nafiso Jaamac Nuur 
nafisonalka@hotmail.com

Laanta Soomaaliga ee BBCd-du waxay muddo dheer dadka Soomaaliyeed u ahayd
isha keli ah ee lagu kalsoonaan karo amaba laga helo wararka iyo
macluumaadka la xiriira dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxana mudaddii ay
jirtey gaar ahaan afartankii sano ee ugu horreeyey kasbatay dadka
Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyadoo la gaarey heer ah warkaas
BBC-du ma sheegtay, oo macne ahaan u dhacaya, haddii BBC-da laga waayo in uu
been yahay ama aan lagu kalsoonaan karin.

Maxaase xigey gadaasheed?

Muddadii toddobada sano ahayd ee uu hoggaanka Laanta qabtay Yuusuf Garaad
Cumar, BBC-da waxaa ku yimid isbeddel ballaaran oo horay aan loogu arag
muddadii 50-ka sano ahayd ee ay aasasnayd.

Waxaan tusaale yar u soo qaadanayaa sannadkii 1997-kii aniga oo is barbar
dhig samaynaya; Laanta Soomaaliga ee BBC-du waxay xilligaan cover garayn
jirtey shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka
Masar, xilligaasna Yuusuf waxaa uu ahaa shaqaale caadi ah ama mid kamid ah
wariyayaasha, galab kamid ah galbaha ayaa BBC-du sheegtay in beelaha
Soomaayeed mid kamid ah ay shirka ka biyo diideen sidaas darteedna shirka ay
soo food saartay caqabad weyn. Markii idaacaddii fiidnimo la isugu soo
laabtay Cabdullaahi Xaaji waxaa uu dadka u sheegay in boqollaal iyo
boqollaal farriimood oo telephone iyo fax isugu jira ay soo gaareen kuwaas
oo lagaga codsanayo in BBC-du ay sheegto beesha shirka qoonsatay?

Cabdullaahi Xaaji oo ka xishoonaya in uu beel magaceed sheego ayaa yiri
laanta Soomaaliga dhaqan uma laha in ay beelo magacyadood sheeg sheegto
balse haddii laga fursan waayey beesha shirka diidey waa beel hebel…

Xilligaas Madaxa Laanta Soomaaligu wuxuu ahaa Maxamed Cabdullaahi, bal eeg
BBC-ii berigaas ka xishooneysey in ay beel magaceed sheegto iyo BBC-da
maanta ee Yuusuf Garaad hoggaamiyo ee haldhiggeedu yahay Beelaha Hawiye ayaa
sidaas iyo sidaas yiri, beelaha Hawiye ayaa sidaas iyo sidaas diidey iyo wax
la mid ah.

Sebenka  Yuusuf Garaad, waxaa la arkay wax aan Laanta Soomaaliga lagu arkin
tan iyo 1947-kii oo ahayd xilligii la aasaasay, waxaa si toos ah dadku u
dhadhansadeen in dhacdooyinka dalka aanay laantu dhex dhexaad ka ahayn,
BBC-du sebenkii Maxkamadaha ammaanka magaalada Muqdisho ayey cover garayn
jirtey iyo wixii horumar ah ee lagu tallaabsado, sebenkaan oo ay dawladdu
talada haysona waxay xoojisaa oo aay buun-buunisaa amni xumada magaalada
Muqdisho.

Waxaa hordhac u ah Laanta Soomaaliga ee BBC-da qaraxyo iyo dagaallo ka
bilowday magaalada Muqdisho kuwaas oo isa soo taraya, waxay soo noolaysaa
odayaashii la eryey oo ay la challenge garayso dawladda.

Gabar aanu saaxiibo nahay ayaa maalin maalmaha kamid ah mid kamid ah
weriyayaasha BBC-da weydiisey waxa ku dhacay barnaamijkii Miyuusigga iyo
Salaamaha? Wuxuu weriyihii ku jawaabey, Yuusuf Garaad baa nagu yiri dalka
waa la haystaa oo dagaal baa socda waxaan booskii Miyuusigga ku beddeleynaa
doodo, iyo fadhi ku dirir.

Ugu dambayntii waxaan ka xumahay in Laanta Soomaaliga ee BBC-du ay karaama
beesho, sumcad ahaanna ay maanta ka hoosayso idaacadaha local-ka ah ee ka
jira gudaha waddanka Soomaaliya.

Waxaan ka cabsi qabaa in Laanta Soomaaliga ee BBC-du ay marto jidkii
Raadiyow Moscow.

Laakiin, waxaan dadweynaha ugu hambalyaynayaa in ay soo baxday laan
Afsoomaali oo caalami ah inkasta oo ay bilow tahay, laantaas waxaa la
yiraahdaa ‘Laanta Soomaaliga ee VOA’.

Waad Mahadsantihiin.

Nafiso Jaamac Nuur 
nafisonalka@hotmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com