SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
May nala garaacaan Kufriga!!! 
 

Waxaan walalaha somaliyeed dhamaantood hawada usoo marinayaa salaan qaali ah oo qiimo iyo qadarin intaba mudan taa oo ah tii unabigu yidhi hadii aad dhexdiina ku faafisaan waad isjeclaan ahna asalamu calaykum waraxmatulaahi tacaaal wabarakatuh . bacdal taxiyah

Somalia waa wadan kuyaal geeska africa dowlada badana daris laha sida kenya,ethiopia,iyo djibouti waana wadan caanka kanoqday qaarada afica

Sanadadii 70tameeyadii kana qabtay xilal kala duwan ururada ugu tunka

Weyn kuwa maanta malinka ah kajira qaarada africa sida african union((AU))

Kana mid ahaa wadamadii udub dhexaadka u ahaa aasaasidii ururka ((IGAD))

Sidoo kalena kamid ahaa wadamadii u olalayn jiray ama kaalin mugweyn

Kaciyaaray xoreyntii dadka midowga ah ee gumeystuhu ku danbeyay weli

Oo maxaa dhacay ???????

Sanadkii 1990kii waxaa somalia kadhacay khilaaf dhexdooda ah si waliba haku yimadee oo sababtay dowladii dhexe ee somalia in ay burburto gabi ahaan

Oo maxaa xigay ?????? !! somalia waxaa kasoo baxay hogaamiyaal farabdan kuwaa oo ku hishiin waayay in ay dhisaan dowlad lakiin ku dooday anigaa midida keenay aniga soo feeyay anigaa soo hindisay IWM iyo wax yaaba badan oo aan markaa loo baahnayn si walba ha ahaatee magaaladii caasimada aheed waxay noqotay meel ay kaabo mooryaan ay imaaradu uxirxirtaan nin walibana xaafad oo tay oo madaxii hadii usidaa noqtay intii kale siday noqon ???? si waliba qaarkood qabiil qabiil ha isku nidaamiyeene caalamku meesha uu fiirin waa caasimada .

Oo maxaa xigay xaladaa yaabka iyo amakaaga lahayd ?????  dal iyo duunyo markii ay ku tagri faleen soomalia ay jahwareer ay majaraha ugu hayeen somalia waxa laga aaminay masuul ka ahaayeen taa ay caalamku ku tilmaameen qabrigii gargaarka ((grave of aid )) iyo wadanka aduunka ugu qanisan uguna faqiirsan

Ileen adiga oo nabad labala waraara baloy kaala lama yiri!!!!!!!

Si walba ha ahaatee wax walba allah baa wata isagana baa og xiliga ay ku dhamaanayso ogna waxa uu ku sababayo ileen fircoonba markii uu kibray ilaah nimada sheegtay waxaa lala kulmiyay ciqaab laguna soo afjaray mudo yar maamulkiisii awooda badnaa lakiin allah baa ka awood badan cidii ka hortimid oo mucjiso looga dhigayna waxay aheed nabi muuse oo uu isagu gacantiisa ku soo koriyay allah amarkiisu waa(( kun fayakuun )) lakiin kooxihii qowlaysatada ahaa madaxana kaga fadhiyay shacabka somaliyeed gaar ahaan kuwooda kunoolaa caasimada mogdisho waxay ku bahoobeen in ay allah diintiisa ladagaalmaan qaatayna thaman qaliil ah allahna maxuu yiri ((walaa tashtaruu bi aayaatilaahi thamanan qalilaa )) oo maxaa dhacay markaa ??? allah waxuu ku sobabay iyagana mahdiyaal kuwaa oo difaacay diinta alle noqdayna ((rijaalun sadaquu maa caahadulaaha calayh)) kana xoreeyay dabadana urogay cashar lama hilmaaman ahna udhigay waaya aragnimo fiicana siiyay somali badan oo quus kataagneed arimaha somalia oo aan malaynaynin in somalia aan laxalin karin raxmadii allena hilmaamay oo iska quustay rajadii usoo celiyay qabiilkii iyo qabqablihii iyo qabiilkii iyo qaadkii iyo qiiqii intoodana meesha ka saraay gaalo badan oo si guracan arimaha somalia ugu jirtay kuna qanacsanaa in ay somalia xasilooni daro ku jirto iyo hay ado aaminsan hadii ay somalia dagto micnaheedu waa howshiinii wey dhamaatay kanixiyay nuurkii allana mudo lixbilood ah mogdisho ku hilmaamsiiyay dhiigii ku daadanayay mudadii 16sano aheed  oo maxaa dhacay ???

Gaalo meel ayjoogtay bey isku habar wacatay iyaga oo ay ugu horeeyaan dowladihii aan kor kuxusay iyo hay adihii shaqadu ka istaageysay hadii ay somalia xasisho

Helayayna taageero caalami ah oo weerar ah kuna ah gobolada koonfureed

Ee somalia ileen diintii bey ladhaceen kuna qaanic iyo muqnic kunoqdeena diinta alle in wax lagu xukumi karana arkeene ?? si kastaba ha ahaatee ethiopia oo aarsi doon ah dharbaaxadii kudhacday 1977-1978 kana baqaysa mid kale ileen talo faraheeda kabaxdaye kaalmaysaneysana abkowga gaalada oo mareykan ah iyo abootadooda oo yuhuud ah baa soo gashay wadankii oo maxay qaban gobolada kale ??????

Gacmihii bey isi saarteen kuna fiirsadeen diintii alle oo lala dagaalamayo oo maxay noogu fiirsanayaa maana lagaraacaan kufriga ????? alow sahal amuuraha

Waxaan soo xasuustay gabaygii sayid maxed c/lle xasan kuna kusoo gababeeyay ahaana :- 
 

Xalay gelin dhexaadkii miyaan gudub usoo booday  
Sida nimanka gaadhka ah miyaan gabay ku soojeeday  
Garaad laawe aadmiga miyaan gees walba u eegay  
Goonyaha miyaan dayey kufriga ina gabraaraaya  
Gaalkaan gudnayn ee cirradu guudka ka caddaaday  
 
Asaad gudaha geedaha ka baxay guri cidla’a moodo  
Oo uu gasiinkiisu yahay neef aan biri gaadhin  
Oo guuldarraystow khamriga gacan togleynaaya  
Gini-gini haddaad qaadataan naari garab taalo  
Guushiyo hadday doonayaan geelal iyo xoolo  
 
Garaadkood ba’yow may tagaan goonyihii Xarunta  
May nala garaacaan kufriga gocorka laalaadshay  
May goobtan joogaan jannaa loo gembiyayaaye

                        Wabilaahi towfiiq

                          Wsw  
 

Qore : mohamed ali sheikh

           Mogdisho-Somalia  

maxamedyare11@hotmail.com
 

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com