SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dawladda Ku meel gaarka ah ee Somaliya Maxay Soo Kordhisey?

Waxay  ahayd horaanti bishii October 2004 markii la doortey Madaxweyne C/laahi Yusuf Ahmed, ka dib marki mudo shir somalida  uga socday wanadka Kenya, ka dib markey socod baratey Dawlada Somalia waxay u soo guurtey Dalkii ay u dhalatey laakinse aysan ku dhalan ee Somalia, dawlada waxay soo degtey Magaalada Jawhar oo markas uu ka talinayey Maxamed Cumar Xabeeb, inkastoo maxamed dheere dawlada si fiican u soo dhoweeyey hadana mudo ka dib dawlada waa ka guurtey Jawhar waxayna fariisin ka dhigatey magaalada Baydhabo,wax badan baa dawlada cadaadis lagu saarey in ay Caasimada Somaliya ee Muqdisho u guurto lana heshiiso maxaakiimti markas ka talinayey in badan oo ka mid ah Somalia oo ay Xamar ugu muhimsaneyd. 

         Si kasta ha ahaatee dhamaadkii 2006 ayay u suurto gashey dawlada in ay gacanta ku dhigto muqdisho ka dib dagaalo culus oo ay la galeen  midowgi maxaakiimta, intaas markey dhacdey ka dib baarlamaanka wuxuu ansixiyey in xukuumada u guurto Caasimada, Dawladu markey soo degtey Muqdisho waxay xooga saartey sidii ay u nabadeyn laheyd Caasimada, taas ma dhicin balse waxaa muqdisho ka  bilowdey dagaalo  lagu hoobtey, xasuuq aan loo kala aabe yeelin yaa ku qasbey shacabki in ay ka qaxaan muqdisho waxay noqdeen kuwo roob laayey, kuwo  yaxaas cuney iyo kuwo macaluul iyo nafaqo daro u dhintey.

                                             Bishi May 2007 waxaa Maxamed Dheere loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banadir iyo Duqa magaalada Muqdisho, dad badan baa sacabada isku garaacey oo taagero iyo hambalyo soo gaarsiiyey gudoomiye Maxamed dheere iyagoo u arkayey in uu wax ka qaban doono amaan darada ka jirtay caasimadda , taas waa lagu hungoobey dhibtiina meesheedi bay ka sii socotey, dadkii barakacey dib u dejin ma helin, dhaawacii derbiyada cusbitaalada yuu ku qurmay, waxaa batey cadaadiska iyo cabsida lagu hayo shacabka, waxaa bilaabatey in Masaajidada lagala baxo culimadi, malcabadihi diinta lagu baranayey qaarkoodna albaabada ayaa loo laabey. 

     Qaxootiga  geedaha hoostooda dhooban waxay quudareynayeen bal cid indho naxariiseed ku soo fiirisa, waxaase hal mar gilgishey dhegaha intii dhegeysaneysey hadalkii ka soo yeeray gumoomiyaha Caasimada laga qaxay ee Muqdisho, Gudoomiye Maxamed Dheere inta afka furtey ayuu ku dhawaaqay “ Dadka ka qaxay Muqdisho waa argagixiso ee yaan waxba loo qaban” dad badan oo ay ku jraan qaxootiga uu maxamed dheere ka hadlayey ayaa markey hadalkas maqleen argagaxay oo dhulku la wareegey, hadii macnaha kelimada hoos loo eego Maxamed dheere wuxuu noqonayaa argagixiye. 

            Hadaba su’aasha is weydiinta leh waxay tahey Dawlada maxay ku soo kordhisay Guud ahaan Somaliya gaar ahaana Muqdisho? aan isku dayo in aan ka jawaabo su aasha qaybta dame. Sida aan wada ognahay Muqdishi weligeed Nabad weyni kama jirin tan iyo marki wadanka Somaliya musiibadu ku dhacdey, marka laga reebo dhawr bilood oo ay ka talinayeen midowgii maxkamadihii burburey. Markii ay dawlada timidna waxaaa dhacay dhibaatooyinkaas aan kor ku soo sheegney oo ay geysteen dawladaha is bahaystey oo ay ugu horeeyaan Somaliya iyo Itoobiya inkastoo kooxaha ka soo horjeeda dawlada ay dhibta qaybtooda leeyihiin.

Hadaba  jawaabta ayaa waxay noqoneysaa, shacabka reer muqdisho dawladu waxay u soo kordhisey qax, colaad, dhimasho, bur bur iyo barakac. su’aasha qaybteeda kale waxaan u deynayaa akhristayaasha.                                           

                                            Waad mahadsantihiin.

Yousuf Mohamoud Said
akhuzahra@yahoo.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com