SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
SHIRKAN CASMARA WAA DIB U XOREEYNTA  DALKA SOOMAALIYA

Shirka maalinimada Khamiista oo ay taariikhduna tahay 06.09.2007 uga furmaayo magaalada Casmara, Soomaalida diidan gumaystaha qabsadey Soomaaliya iyo kuwa uu ku adeegto ayaa laga filayaa inay ka soo baxaan , arimo dhiirigalinaya ummada Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah , kuwaas u murugeysan marxaalada uu manta ku sugan yahay dalkeenii Soomaaliya  sida ( Xasuuqa,kufsiga ,boobka iyo haysashada dalka la haysto).

Shirkaan oo ay ka soo qayb galaan dad sumcad iyo magac ku leh Soomaaliya ayaa la filayaa inuu ka duwanaan doono, wax badan shirarkii hore  Soomaalida loo qaban jirey  ee ku dhamaan jirey fashilka sida kii dhoodhoobka ahaa ee Mbagathi.

Shirka Casmara waxaa ku kulansan dad Soomaaliyeed oo ka mideysan afkaarta gumaysi diidka ah,kuwaas oo ka kooban dad aan ku imaanin

( Qabiil) oo ah waxa dalkeena iyo dadkiisa lagu kala qaybiyey, si looga gaaro danta IGAD ka leedahay Soomaaliya oo ah kuwa maqaar saarka ah ee u fuliyey marxaalada Soomaaliya hadda ku jirto.

Waxaa Casmara ku shirsan asxaabtaan hoos ku qoran

·         Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliyeed

·         Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed

·         Aqoonyahano  &  Siyaasiyiin Soomaaliyeed

·         Ganacsato Soomaaliyeed

·         Qurbo joog Soomaaliyeed

·         Haween Soomaaliyeed

·         Culumaaudiin Soomaaliyeed

·         Dhalinyaro Soomaaliyeed

Shirka Casmara waxaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan dad tiradooda lagu qiyaasey 450 qof oo Soomaali ah oo ka kooban bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan,kuwaas oo dhamaantood ka mideysan aragtida ah in Soomaaliya la haysto loona baahan yahay in la dhiso Urur wayn oo Soomaalida dhan matala oo dib u xoreyn ah.

Hadaba sida ay wax ku socdaan waxaa cad in wax qiimo leh ay ka soo bixi doonaan shirka ,madaama shirka cida dhigatey hadana wax wada dhisaneysa ay tahey Soomaali inay ka soo baxayaan wax wayn oo ka duwan waxyaabihii ka soo bixi jirey shir ku sheegyadii ay horey noogu shiirqooli jireen wadamada dariska ah sida Kenya & Ethopia ee danaha ka leh Soomaaliya,kuwaas oo ahaa kuwii dhibaatada Soomaaliya ka jirta qaybta ka ahaa ee gadaasha ka taagnaa dagaal oogayaashii dagaalka ee Dalkeena baday in maanta dalkeena 47 sano kadib xoriyadiisii uu galo dalka gacan cadaw kii igu xumaa ee soo marta taariikhda ummada Soomaaliyeed.

Dunida oo dhan waxay ka war dhawreysaa waxa ka soo baxa shirka Casmara ,tusaale wadamada Kenya iyo Ethopia waxay farta ku hayaan wadnaha oo ay og yihiin hadii shirka uu ku dhamaado GUUL, in rag ka duwan kuwii ay farta ugu yeeri jireen inay ka soo baxayaan ,walina lala xisaabtami doono khaladkii ay horey iyo kan maanta ay ummada Soomaaliyeed ka galeen lagula xisaabtami doono.

Waxaa iyana jirta taliska fadhiidka ee naf la caariga  ah ee ay hogaamiyaan khaa’in wadaniyiinta kala ah Cabdulahi Yusuf Axmed,Cali Maxamed Geedi iyo Aden Madoobe ee shaqaalaha raqiiska ah u ah Melas Zenawi  inay u dhag taagayaan ,waxa ka soo baxa shirka ummada Soomaaliyeed uga furmaya magaalada Casmara , shirkaas  wixii ka soo baxa oo ku noqon doono midi isha iyo salka kaga taagan  oo kale,lana rabo kii ay marka hore iska saari lahaayeen.

Hadaba shirka Casmara ee uga furmaya xooga isbiirsadey ee wadaniyiinta gobanimo doonka ah ayaa shacabwaynaha Soomaaliyeed ka war dhawrayaan natiijooyinka ka soo baxa,taas oo noqon doonta  dharbaaxo lagu baacsada kuwa khayaanay dalkooda,dadkooda iyo diintooda ee la safan cadawga ummada Soomaaliyeed ee Tigreega ah.

Waxay dadka intiisa badani qabaan in wax fiican oo lagu farxo ay ka soo bixi doono shirka insha allah,ugu dambayntii waxay ila tahay in la gaarey gabagabadii iyo israacintii naflacaariga Tigreega iyo kuwa uu ku adeegto,waxaana nala gudboon inaa taageerno shirka, waxa ka soo baxa oo aan u hurnaa nafteena,caqligeena ,xoogeena iyo maalkeena oo aan garab istaagnaa tilaabada geesinimada ah ee ay ku dhaqaaqeen dadka damiirka leh ee u shirsan inay dalkooda ka xoreeyaan cadawga iyo  kuwa gunimodoonka ah ee sheegta inay madax u yihiin dal iyo dad cadaw ay gacantooda ugu galiyeen.

Waxaan ummada Soomaaliyeed meel ay joogtaba ugu baqayaa in ay taageeraan dhaqaalane u guraan isbahaysiga gobanimo doonka Soomaaliyeed,lana soo dhaweeyo gudaha iyo dibbadaba,waana in qoriga iyo qalinka loo qaato sidii dalka loo xoreyn lahaa,maxkamadna loo soo taagi lahaa qof kasto oo dambi ka galay dalka,dadka iyo diinta.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadeydaan shirkan Casmara waa kii dalka looga xoreyn lahaa Tigreega iyo jawaasiista la shaqeysatana maxkamad loo hor geyn lahaa.

Mahadsanidiin

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf

London

mrsomalia@hotmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com