Wararki: Sept 3
- Cali Dheere “Max’ed Dheere waxa uu igu yiri ‘jooji
hawlaha aad wado”
- Max’ed Dheere, Cabdi Qaybdiid iyo Darwiish oo looga
yeeray Golaha Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo
- Saddex askari oo booliis ah oo dhintay kadib markii
weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada Booliiska ku leeyihiin Suuqa Xoolaha
- Dowladda Federaalka oo dib u ogolaatay in
duulimaadyadii aadi jiray Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya
Cali Dheere “Max’ed Dheere waxa uu igu yiri
‘jooji hawlaha aad wado”
Guddoomiyaha Ganacstada Suuqa Bakaaraha Cali
Dheere ayaa si kulul waxa uu dhaliilay maamulka gobalka Banaadir ee uu
Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) madaxda u yahay, waxa uuna Cali Dheer
sheegay in Max’ed Dheere uu is hortaagay hawlo biyo dhaamin ah oo loo
sameynayey dad ka barakacay Muqdisho oo ku sugan inta u dhexeysa Muqdisho
iyo Ceel Macaan. “Anaga oo guda jirna biyo u dhaaminta dadka barakacay ee
dhibaatadu haysato ayaa waxaa taleefan ii soo diray Guddoomiyaha Gobalka
Banaadir Max’ed Dheere, waxa uuna igu yiri, ka fiirso dadka aad
biyaha u geyneyso, waa muqaawo ee jooji hawlaha aad wado” ayuu yiri
Guddoomiye Cali Dheere oo siagu hawlo biyo dhaamin dhawaanahan ka waday
Magaalada Muqdisho isagoo dhowr jeer biyo gaarsiiyey dad barakacay oo ku
dhibaateysan inta u dhexeysa Ceel Macaan iyo Muqdisho, waxa uuna sidoo kale
Cali dheere ugu baaqay ganacstada Magaalada Muqdisho inay ka qayb-qaataan
hawlaha lagu gargaaro dadka dhibaateysan ee isaga cararay Magaalada
Muqdisho. Dhanka Afhayeenka gobalka Banaadir Max’ed Muxiyadiin Cali ayaa wax
kama jiraan ku tilmaamay hadalka Cali Dheere, waxa uuna sheegay in
hadalkaasi uu yahay mid meel uga dhaca sharafta Guddoomiye Max’ed Dheere,
isagoo sheegay in Maamulka Gobalka uusan soo jeedin soona jeedin doonin in
la cunaqabteeyo daka masaakiinta ah ee tabaaleysan.
Max’ed Dheere, Cabdi Qaybdiid iyo Darwiish oo
looga yeeray Golaha Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo
Baarlamaanka Federaalka ku meel
gaarka ah ee fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo ayaa u yeeray Guddoomiyaha
Gobalka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed
Dheere), Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen, Cabdi Xasan Cawaale
(Qaybdiid) iyo taliyaha Ciidanka Nabad sugida Soomaaliyeed Gen. Max’ed
Warsame Darwiish sida uu shalay shaaciyey Gudoomiyaha ku xigeenka koowaad ee
Golaha Baarla-maanka Max’ed Cumar Dhalxa.
Prof. Dhalxa ayaa carabka si
toos ah ugu dhifan sababta rasmiga ah ee saddexdaan mas’uul loogaga yeeray
Golaha Baarlamaanka magaalada Baydhabo, balse waxa uu sheegay inay jiraan
xildhibaano soo gudbiyey mooshino ku aadan in saddexdaan mas’uul hor
yimaadaan Baarlamaanka si wax looga weydiiyey shaqooyinkii ay qabteen
mudadii la magacaabay ilaa iyo hadda.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mudooyinkaan waxa
uu si weyn ula xisaabtamey Xukuumadda Prof. Geedi, waxaadna moodaa in dardar
xoog leh ku socdaan hawlihiisa.
Saddex askari oo booliis ah oo dhintay kadib
markii weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada Booliiska ku leeyihiin Suuqa
Xoolaha
Saddex ka tirsan ciidanka Booliiska Dowladda Federaalka ayaa geeriyooday
kadib markii weerar lagu soo qaaday fariisin ay ciidamada Dowladdda
Federaalka ku leeyihiin deegaanka Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee
Magaalada Muqdisho.
Weerarkaan oo dhacay shalay
galab 5:45 daqiiqo, ayaa la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud, waxayna
Dad goob joogayaal ah sheegeen in ay arkayeen maydka saddexda askari,
inkastoo aysan sheegin khasaare gaaray dhanka kooxda weerarka soo qaaday,
balse mas’uuliyiinta ugu sareysa Ciidanka Booliiska ayaa wax war ah ka soo
saarin dagaalkaasi dhex maray ciidamada Booliiska iyo kooxda hubeysan.
Deegaanka Heliwaa ayaa waxaa ku soo xoogeysanaya
weerarada iyo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya
ee iyagu halkaasi fariisimaha ku leh, waxaa sidoo kale deegankaasi si weyn
uga socda barakac ay sameynayaan dadka ku nool degmada Heliwaa.
Dowladda Federaalka oo dib u ogolaatay in
duulimaadyadii aadi jiray Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya
Waxaa shalay kulan ku wada
yeeshay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada uqdisho Waaxda
Duulimaadka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka iyo Shirkadaha Duulimaadka,
waxaana kulankaasi looga wada dooday sidii wax looga qaban arrimo dhawaan
soo baxay oo dhanka duulimaadyada ku saabsan taas oo Dowladda Federaalka
waaxdeeda Duulimaadka iyo Shirkadahu ay isku maan dhaafsanaayeen.
Kulankii shalay ayaa guul ku
dhamaaday kadib markii ay labada dhinac isku afgarteen in dadku qaataan
baasaboorka cusub ee Dowladda Federaalka dhawaan soo saartay, isla markaana
sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu furo duulimaadyadii ay dadku ku aadi
jireen gobalada Waqooyi ee Soomaaliya, ka gadaal markii ay Dowladda
Federaalka horey u xayirtay arrimo la xiriiray dhanka Baasaboorka oo ay
Shirkaduhu ka cago jiideen, iyadoo baasaboorka bedelkiisa ay shirkaduhu
dadka u sameynayeen waraaqo ay ku magacaabeen Go Home.
Maanta ayaa la filayaa in si rasmi ah dib ugu
furmo duulimaadkii u dhexeeyey Waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya, iyadoo
ilaa iyo hadda aysan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Somaliland
oo arrintaasi ku aadan, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in Shirkadaha iyo
Dowladda Somaliland ay si hoose ugu heshiiyeen in aan lala hadlin cid kasta
oo wadata Baasaboorka cusub ee Federaalka.
Safiir cusub oo ay Dowladda Federaalka u
magacowday dalka Kenya
Dowladda Federaalka ayaa Safiir cusub oo Dowladda u fariisan doona
Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya u magacawday Max’ed Cali Ameeriko.
Max’ed Cali Ameerko ayaa
shalay lagu dhaariyey munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacay
xarunta Madaxtoonyada ee Magaalada Muqdisho, waxaana munaasa-baddaasi
goob joog ka haaa madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka sida
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi iyo
waliba mas’uuliyiin kale oo sare, waxayna qaarkood hadalo kooban oo ay
munaasabadda ka jeediyeen ku bogaadiyeen Max’ed Cali Ameeriko oo u
rejeeyeen xil gudasho wanaagsan.
Max’ed Cali Ameeriko oo
munaasabadda kadib hadlay ayaa sheegay in uu wax badan ka qaban doono
xiriirka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo hoosta ka
xariiqay in uu dadaal dheer u geli doono sidii loo fududeyn lahaa is
dhexgalka labada shacab, isla markaana arrimaha xuduuda ka taagan loo
xalin lahaa oo ay suuragal u noqon lahayd in dadka Soomaaliyeed ay u
talaabi karaan dalka Kenya kuwa reer Kenyana ay iyana Soomaaliya si
nabad ah ugu soo tabaali karaan.
Dowladda Kenya aya iyadu
horey u joojisay dhaqdhaqaaqii kala dhexeeyey Soomaaliya, iyadoo xuduuda
soo dhoobteen ciidamo fara badan oo ay sheegtay in ay ilaalinayaan,
inkastoo ay dib u fasaxday duulimaadkii Soomaaliya kaga imaan jiray
Kenya
gaar ahaan kuwa Qaadka oo keliya.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 1, 2007
Minneapolis: Maalintii Labaad ee Mutamarkii Muslimiinta W/Ameerika
Muxaadarooyinkii Sabtidii waxaa ka mid ahaa:
. Rumaynta Allah | Sh. C/Raxmaan Sh. Cumar
. Hilibka Culimadu waa Sun | Sh. Nuur Ciise
. Khaladaadka la xiriira Guurka iyo Furiinka | Sh. M. Khadar
. Ha is Khilaafina si aydaan u Fashilmin | Sh. M.C. Kaariye
. Maxaa u dhexeeya Qabiil iyo Qabyaalad? | Sh. C/razaaq
Warbixino koobaya muxaadarooyinkaas ka akhri halkan... Sept 2
Mutamarkii 7aad ee Muslimiinta W/Ameerika oo Si Rasmi ah uga socda
Minneapolis...
Muxaadarooyinkii laga soo jeediyey Jimcadii
waxa ka mid ah:
.Tarbiyadda aan Saxda Ahayn | Sh. AxmedNuur Macallim
.Sidee Qur'aanka Uga Faa'iidaysanaa | Sh. Maxamed Khadar
.Ikhlaaska iyo Raadka uu Ku Leeyahay Dadka | Dr. Maxamed
.Sunnada iyo Xujanimadeeda (daliilsigeeda) | Sh. Sancaani
.Hanuunka iyo Sababihiisa | Sh. C/laahi ABdul-Fadli
.Fahamka Sidii Loogu Gargaaray Rususha | Sh. C/raxmaan
Warbinno aan ka diyaarinnay muxaadarooyinka ka akhri halkan Sept 1
|