Isbahaysiga
Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed
Baaq
Culus # 2
Gudoomiyaha
Isbahaysiga Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed
Dr. Cumar Axmed Malow
Iyadoo cadowga soo
jireenka ah ee Itoobiya uu soo galiyey dalkii xorta
ahaa ee Jamhuuriyada Soomaaliyeed ciidamo xad-dhaaf
ah oo ka kooban boqolaal taangi, iyo 50,000 ka badan
oo askar ah, miyi magaalaba ay ku baaheen, iyadoo ay
hogaaminayaan koox yar oo ceeb iyo naclad dusha ka
fuushay.
Iyadoo cadowgu
bandow ku daboolay dalkii Soomaaliyeed oo dhan si uu
u xasuuqo shicibka iyo maatada oo uu kula kaco dil,
dhac, kufsi iyo wax kasta oo xurmaynta aadamaha iyo
xuquuqal insaanku ay xaaraantinimeeyeen, iyadoo
adduunku ka warhayn.
Iyadoo soo
gelitaanka iyo joogitaanka midna u suurta galeen
ciidamada itoobiyaanka haddiii aan dowlada
Maraykanka taageero iyo taakulayn la garab joogin,
Iyadoo dowlada
Maraykanku taageerada Itoobiya ka sokow iyada
lafteedu ay ku qaaday ummadda Soomaaliyeed weeraro
waxashnimo iyo xadgudub ah. Weerarada bahalnimada ah
oo muujinaya xurmayn la’aanta xuquuqda iyo sharafta
aadamaha, iyagoo kula kacaya shacabka Soomaaliyeed
gumaad aan loo aabbeyeelin dad iyo duunyo dalka oo
dhan.
Iyadoo siyaasada
Maraykanku ay noqotay in Soomaaliya ay dib ugu
celiyaan cadaabtii ay dhowr bilood ka hor madaxa
kala soo baxeen.
Iyadoo sidaasi
awgeed, siyaasadda maamulka madaxweyne Bush ay tahay
in wax kasta xikmad la’aan, xoog iyo xoolo (lacag)
lagu xalin karo. Arintii Soomaaliyeedna ay
fogeeyeen taasoo halis ku ah geeska Afrika oo dhan.
Sidaas daraadeed,
annagoo ah Soomaali shirweyne isugu yimid magaalada
Ottawa go’aansanayna in aan noqono unug horseed u ah
abaabulka iyo mideynta xoogagga wadaniyiinta dalka
gudihiisa iyo debadiisaba,
Waxaa baaq culus
u soo jeedinaynaa
- Qaramada
Midoobey, ururka Midowga Yurub, ururka
dowladaha Islaamka, Jaamacadda Carabta,
ururka Midowga Afrika iyo umadaha beesha
caalamka ee nabadda iyo xoriyadda jecel inay
- Ku
qasbaan ciidamada dowlada Itoobiya ee
dalka soo galay inay si deg deg uga
baxaan.
- Waxaan
ka codsaneynaa hayadaha caalamiga ee kor
ku xusan dib-u-soo-nolaynta shirkii
Khartuum si loo gaaro is afgarad loona
dhiso dowlad loo dhan yahay.
Shacabka
Soomaaliyeed
Si kasta oo
ay u adag tahay xaaladda iyo mugdiga
taariikheed ee aan haatan ku sugan nahay,
haddana waa marxalad gaaban oo laga gudbi
doono. Shacabka Soomaaliyeed hore ayuu u
muujiyey uguna guulaystay daafacaadda
dalkiisa, diintiisa, sharaftiisa iyo
dowladnimadiisa. Yaan lays dhiibin waa
la soo rogaal celin.
Isbahaysiga
Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed
Gudoomiye
Dr. Cumar Axmed Malow