SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dariiqa Toosan 1/6

Bilaal hargeisaawi
Bilaal_1985@hotmail.com 

Qaybtii: 6aad

Danta umada (Maslaxada & Mafsadada)

Ujeedada loo soo dejiyay diinta islaamku waa in dadku ay gaadhaan wixii wanaag ah ee khuseeya aduunkooda iyo aakhiradooda, lagana fogeeyo wixii dhib iyo dhibaato u keenaya aduunkooda iyo aakhiradooda.

Waxay culimadu kusoo ururiyaan ujeedooyinka shareecada loo soo dejiyay shan.

1.      Ilaalinta diinta

2.      Ilaalinta Nafta

3.      Ilaalinta Caqliga

4.      Ilaalinta Cirdiga

5.      Ilaalinta Maalka

Wax kasta oo wax yeelayada uu shantaa yeelayaa ay ka badantahay faaiidadiisa waa dhib iyo mafsado, wax kasta oo ilaalinaya oo faaiidada ay gaadhsiinaysaa ay ka badantahay dhibka ay usoo jiidaysaa waa nafci iyo wanaag.

Ujeedooyinkaa shanta ah waxaa ugu muhiimsan ujeedada 1aad waa Ilaalinta diinta, waa tuu alaaah u abuuray khalqiga dhamaantii jin iyo insiba ee uu samooyinka iyo dhulkaba u taagay.

Wuxuu yidhi allaah <<Uma’aansan abuurin jinka iyo insiga inay I caabudaan mooye wax kale>>

Nololi suuro gal maahan diin la’aan sidaa aawadeed ayuu allaaah soo diray rusul gaadhsiiya umada diinta, wuxuu yidhi allaah << Rususha waxaanu u dirnaa inay bishaareeyaan oo digaa, Cidii rumaysa xaqa ee wanaajisa, cabsi iyo murug midna ma saarno>> Surat ancam, ayah 48.

Sidaasoo kale ayuu ilaahay jihaadka dalabiga ah u sharciyeeyey si diinta loo gaadhsiiyo kuwa ay ka hortaagantahay quwada shaydaanka iyo daaquutku, sidaaa soo kale ayaa jihaadka dufaaciga ah loo sharciyeeyey si la isaga dufaaco duulimaadka quwada gaalada ee ku aadan diinta. Wuxuu yidhi allaah <<La dagaalama inta laga waayayo gaalnimo oo diintu ahaato allaaah xagiisa haday reebtoonaadaan lalama colaytamo cid aan xadgudbayn>> Surat Baqarah, ayah 193.

Sidaas oo kale ayuu rasuulku inoogu booriyay in la dilo qofka ka taga diintiisa isagoo islaam ahaa markii hore, wuxuu yidhi rasuulku scws << Dila ka diintiisa (islamka) badala>>

Sidaas oo kale ayay nusuus farabadani kusoo aroortay digid iyo goodi loo digaayo loona goodinaayo kuwa ku xadgudba diintan caaqibo xumaantooda aduunyo iyo aakhirona in badan ayay nusuusta sidoo kale kusoo aroortay

Hadaba hadii aynu ogaanay meesha iyo maqaamka ay diintu taagantahay iyo in ay waajib ku tahay qofka muslimka ah in uu diintiisa ka horu mariyo naftiisa maalkiisa iyo cirdigiisaba, waxaa inoo cadaanaysa in maslaxada ugu wayn ee u baahan in aynu aadka u xifdinaa kuwa kalena ka hor marina ay tahay maslaxada diinta.

Waxaa wax lala yaabo ah in In badan oo kamida kuwo u nisbo sheegta saxwadan barakaysan ee casriga kani, ay ka horaysiiyaan maslaxada sharciga ah, masaalixda mansabka iyo kursiga amaba raaligalinta reer galbeedka iyo maraykanka.

Waxad arkaysaa iyagoo kaaga digaya in aad dagaalkaga ku magacawdo jihad, iyagoo dhawraya in gaaladu ka xanaaqdo ereygaas, waxad arkaysaa iyaga oo kaaga digaya in aad aayaat iyo axaadiis ku badiso hadalkaaga marka aad la hadlayso warbaahinta dunida, waxaad arkaysaa iyaga oo kaaga digaya in aad ku dhawaaaqdo in aad jeceshahay saalixiinta iyo mujaahidiinta.

Waa dhab oo marar badan ayaanay haboonayn in aad wax walba oo aad qalbigaga ku hayso oo buqdi iyo cadho ah ama xubi iyo jacayl ah aad afka soo marisaa, laakiin farqi wayn baa u dhexeeya arinkaas iyo ka aynu ka aragnay waaqica, ilaa iyo ay dad badani u maleeyeen in waxa uu jabku inagaga yimid uu yahay sawaabitdii iyo usuushii sharciga ahayd ee aynu ku dhaganayn, waxay u maleeyeen in aynu ku jabnay markii ay qaar ka mida walaaleheen sheegeen in goobtan ay ka taliyaan ay kusoo dhawaynayaan walaalohooda muhaajiriintah, waxay qaar badan oo kamida rukunada waawayn ee qaar kamida xarakaatka dalka ka jiraa yidhaahdeen oo ay aaminsanyihiin in aynu jabnay markii aynu macsidii joojinay, waxay yidhaahdeen qaadka hadii la dayn lahaa waxani inaguma dheceen, shaneemooyinka hadii la dayn lahaa waxani inaguma dheceen !!!!! xagay kuwaasi ka marayaan hadalka alaaah isagaa ceeb oo dhan ka nasahane wuxuu yidhi isagoo ka hadlaya marka ay muwaxidiintu dhulka qabsadaan waxa ay falayaan ee ugu horeeya << Waana kuwa hadii aanu dhulka u dhiibno ooga salaada, oo bixiya sakada oo fara wanaaga, reebana xumaha, ilaahaybaana iska leh cidhibta arimaha>> surat xaj ayah 41. Waxaa is badaly miisaankii, wanaagiibaa xumaan noqday xumihina wanaagbuu noqday ilaahaybaa ceeb ka nasahan.

walaahi waxa aynu ku jabnay wuxuu ahaa sii dayn ay badhkeen sii daayeen xadhigii adkaa, markasay saameeyeen kuwii kale oo allaah labadoodaba jabiyay. Wuxuu yidhi allaaah << Ka digtoonaada fitno aan ku koobnaanayn kuwii dulmiga falay ee idinka midka ah, ogaadana in ilaahay ciqaabkiisu daranyahay>> surat anfal ayah 25.

Waxaynu waxaas oo tusaale yaal ah u soo qaadanaynaa daahiro, ama fikir baryahan dambe soo muuqanaya oo ah in maslaxada ama danta umada loo fahmay si qaldan looguna soo dhuumanayo dabaqaad la’aanta nusuusbadan lana dhinac marayo iyadoo la leeyahay waxaanu ka talinaynaa maslaxada ama dantu waxa ay keensanayso.

Qormadeenanina waxay ku saabsantahay arinkaas oo aynu bal wax ka taataaban doono

Waxaa jira laba kooxood oo mujaahidiinta manta ku diidan in laga xukun dhigto nusuusta kitaabka iyo sunada rasuulka scw. Se labadaa kooxood midba sababta uu ku diidanyahay way ka duwantahay ka kale. Waxa ay isugu yimaadaan ama ay mushtaraka ka yihiina waa dabaqaad la’aanta oo ay wadaagaan.

1.      Qolo waa qolo aaminsan in aan shareecadu ahayn, wax ku haboon in la isku xukumo, ee ay tahay wax waa hore laga guuray waqti waqtiyada ka midana socday, hadana aan la jaanqaadi Karin dunida, diinta iyo dawladana lakala saro oo diinta lagu kobo masalooyin gaar ah ama sheegasho kaliya, oo qoladaasi waa kuwa loo yaqaan DIINLAAWAYAASHA, ama culmaaniyiinta. Waanay sii kala daran yihiin oo waxaa kamida qaar aan runba u haysan quraanka iyo sunada ee khiyaali nin carbeed umad ku guumaystay uu yahay,  waxaanay aad ugu baaqaan in mabda’a dimoqraadiga la qaato.

 

2.      Qolo kale waa qolo iyadu sheegata in ay aaminsantahay in kitabka iyo sunada laga xukun dhigto, oo ay waajib tahay in la raaco waxa ay ina farayaan, lagana reebtoonaado waxa ay inaga reebayaan. Laakiin mushkiladu waxa ay ka taagantahay marka laga tago afka ee la isla yimaado waaqica, iyo dabaqaada axkaamta kitaabka iyo sunada, halkaas oo aanay axkaamta dabaqin iyaga oo xujo ka dhiganaya in diintu ay u timid in dadka ay wanaag usoo jiido iyo manfaco kana fogayso dhibka iyo mafsadada, taas oo keenta in hadii ay wax ay maslaxo u arkaan ay ka hortimaado nusuusta sharciga ah ay qaataan “maslaxadaas” ay sheegayaan kana tagaan wixii uu faray nasku. Iyo sidoo kale iyaga oo ka taga wax ay nusuusi farayso iyaga oo daliishanaya in faridaas nusuustu ay faraysaa ay dhib ama mafsado usoo jiidayso. Maqaalkeenanina wuxuu ku socdaa qoladan dambe.

 

Sida uu allaaah inoo sheegayna sifooyinkaasi  waa qaar ka mida sifooyinka munaafaqiinta wuxuu yidhi allaaah <<Marka lagu yidhaahdo u kaalaya wuxuu soo dejiyay ilaahay iyo xaga rasuulka, waxad arkaysaa munaafaqiinta oo kaa jeedsanaya jeedsasho *  siday noqon markay ku dhacdo masiibo waxay hormarsadeen gacmohoodu awgeed, markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaranaya ilaahay inaanaan doonayn waxaan wanaag iyo waafajin ahayn *  kuwaasi waa kuwo uu ogyahay ilaahay waxa quluubtooda ku sugan ee ka jeedso xagooda, waxaanaad ku tidhaahdaa naftooda hadal xeel dheer>> surat nisa, ayah 61, 62, 63.

Bal u fiirso sayid qudub alle ha unaxariistee oo fasiraya aayadahaas, wuxuu yidhi  (Waa dacwada mid kasta oo xaydaysanaya in shareecada allaah iyo manhajkiisa la isku xukumo,)

Wuu sii watay sayid hadalkiisa oo wuxuu yidhi (waxay doonayaan in ay is waafajiyaan canaasir, itijaahaat iyo caqiidooyin kala duwan, waa xujada kuwa sheegta imaanka,-mana aha mu’miniin- waana xujada munaafaqiinta, waa iyadii waa iyadii markasta iyo marwalba)

Nusuus badan ayay cadileen oo ku kala saabsan majaalaat kala duwan kuwa ugu badan ee ay cadileen waa nusuusta tawxiidka uluuhiyada gaar ahaan qaybtiisa xaakimiyada, waxaa kamida nusuusta sida ba’an loo cadilay kuwa ku saabsan jihaadka, iyo al walaa wal baraa, waxaanay mararka qaar gaadhaa in lagu xadgudbo kuwa ka shaqaynaya dabaqaada nusuustaa oo lagu wax yeeleeyo, ama lagu duro.

Waxaa aad uga qaldan qoladaas dhibka loo baahanyahay in loo adkaysto loona sabro ee ah waxa marwalba la fisho in uu ku soo gaadhayo maadaama aad u nisbo sheeganayso dacwadan. Oo waxay doonayaan in aan dacwada dhibi usoo gaadhin haday arkaan in dhibi shay kaga imanaysana ay iskaga tagaan, haday arkaan shay xaaraana oo ay ku gaadhayaan wanaagna way maraan. Oo waa xaga ay ka timid qaacidada faasidka ah ee ah “Ujeedadu waxay banaysaaa dariiqa loosoo marayo” oo hadii ay dimoqraadiyad u arkaan in lagu gaadhayo xukunka islaamka way maraan. Iwm

Ilaahay wuxuu ina amray in aynu dabaqno oo qaadano nusuusta sharciga ah wallow dhibaato iyo dhibi ha inaga soo gaadhee wuxuu yidhi allaah <<Waxaanu idinku imtixaamaynaa wax cabsi,  gaajo, nusqaan xaga maalka ah, nafta, iyo midhahaba ah ee u bushaaree ku sabra>> surat baqarah, ayah 155.

Wuxuu yidhi allaah isaga oo ka hadlaya kuwa camalka uga tagaya baqo ay ka baqayaan dhib kazoo gaadha << Dadka waxaa ka mida mid ku odhan waxaan rumeynay allaah, marka allaah dartii loo dhibana ka dhigaya dhibta dadka sida cadaabka allaah oo kale>> surat cankabut, ayah 10.

Waxaa isna arinkale oo la yaab leh ah in ay iyaga oo kali ahi yihiin kuwa leh xaqa cadilaada nusuusta, iyagaa uunbaa cadila in murtadiinta lagu jihaado, iyagoo leh mafsadaa ka imanaysa aan jirin, maxaad u diidantihin hadaa hadii ninka taajirka ahi uu diido in uu zako bixiyo si uu uga badbaado in maalkiisu yaraado,? Yaa idinka idin siiyay xaqa aad kula heshiinaysaan nidaamyada gaalnimada ah, idinkoo daliishanaya maslaxada ka imanaysa ayaa wayn,? hadii qawaacidiinu caynkaas ay tahay maxaad ugu diidaysaan faqiirku in uu ribo ka taajiro isagoo daliishanaya maslaxada ka imanaysa ee uu kaga baxayo faqriga.?

Hadaba si aynaan ugu dagsoomin qolooyinkaas waxaa inala gudboon in aynu cadayno maxaa maslaxo iyo wanaag ah maxaase xumaan iyo fasaad iyo dhib ah.

Waxaa mar walba agteena wax sugan ka ah in aan allaaah waxa uu ina faray aysan dhibi sooca uusan ahayn, waxa uu inaga reebayna aanay manfaco iyo wanaag ku jirin, wallow dadka qaar ha u arkaan shaygaa uu alle ina faray in aanuu wanaag kujirin ama waxa uu inaga reebay uu wanaag ku jiro.

Hadba maadaama oo dadku sidaas u kala duwan yihiin maaha wax macquul ah in lagu dhiso caqliga iyo rabitaanka dadka maxaa maslaxo iyo wanaag ah maxaase fasaad iyo xumaan ah. sidaa aawadeed waa in aan ogaanaa in :-

1.    In maslaxada ama mafsadada shay uu leeyahay lagu garto nusuusta sharciga ah, ee aan lagu garan caqli kaliya iyo hawo.

Wuxuu yidhi shaykhul islaam ibnu taymiyah “Waxa uu caqligu u maleeyo in uu yahay wanaag ama maslaxo –arinkaasi yuusan kuba soo aroorin sharcigee- waa laba arin midkood uun

·        In arinkaasi uu sharciga kusoo arooray laakiin qofkaas leh sharciga kuma soo aroorin aanuu arag, oonuu garanahayn.

·        In arinkaasi aanuu maslaxad iyo wanaagba ahayn wallow qofkaasi haba aaminsanaado in uu maslaxo iyo wanaag yahaye” Majmuuc juska 11aad, baalka 345.

Wuxuu yidhi allaah <<Waa kuwuu lumay camalkoodu nolosha aduun, iyagoo isuna malaynaya inay wanaajinayaan camalka>> surat kahf, ayah 104.

2.    Dhamaan wixii uu ina amro sharcigu waa wado loo maro wanaaga iyo maslaxada, wax kasta oo uu sharcigu inaga reebayna waa dhib iyo mafsado.

Wuxuu idhi allaah <<Wuxuu rasuulku dadka siiyo ama faro waa inay qaataan, wuxuu ka reebana waa in ay ka reebtoonaadaan, ilaahayna ha ka cabsadaan, maxaa yeelay ciqaabkiisu wuu daranyahay>> surat xashr, ayah 7.

3.    Hadii waxyaalaha qaar samayntooda laga helayo maslaxo ama faaiido macneheedu maaha in waxaasi uu banaanyahay oo xalaal jaaisa uu yahay.

Isaga oo alle inoo shegaya in ay jiraan wax yaalo laga helo faaiido aduun ayaa hadana waxaa uu inoo sheegayaa in aan faaiidadaasi aanay xalaalaynayn ee fasaadka iyo dhibka ku jiraa uu ka badanyahay faaiidadaas dadka qaarkii u muuqata, wuxuu yidhi allaaah isagoo ka hadlaya khamriga iyo khamaarka << Waxay ku waydiin khamriga iyo khamaarka, waxad ku tidhaahdaa waxaa ku sugan dambi wayn, iyo wax nafci ah, dambigooda ayaase ka wayn manaafacaadkooda >> surat baqarah, ayah 219.

Sidoo kale in xukunka umada islaamka ah la qabto oo laga qaado daalimiinta iyo dawaaqiitda waa shaywanaagsan, laakiin in loo maro wado khaldan oo shirki iyo gaalnimo ah sida demoqradiga waa fasahaad iyo xumaan.

Sidoo kale in gaalo dhul islaam laga xoreeyo waa wanaag iyo faaiido laakiin in murtadiin iyo munaafaqiin cadcad lagu badalaa waa mafsado iyo xumaan.

4.    Aminsanaanta uu qof ama kooxi ay aaminto in shareecada oo la dabaqo ay ka imanayso fasaad iyo dhibwayni waa madhabka jahmiyada.

Sheekhul islaam ibnu taymiyah wuxuu ku yidhi majmuuca juska 16aad, baalkiisa 165. “Mad’habka jumhuurka muslimiintu kuwii hore iyo kuwa dambaytaba waa in wax wal oo uu allaah ina amray ay faaiidadiisu ka badantahay dhibkiisa, laakiin wax kasta oo dhibaatadiisu ka badantahay wanaagiisa ama faaiidadiisa ilaahay inama farin inamana amrin, se jahmiyada iyo kuwa waafaqay ee kamida jabariyadu waxay leeyihiin : ilaahay wuxuu ina amraa waxyaalo aanay maslaxo iyo wanaagtooni ku jirin, oo dhib sooca ah,”

5.    Acmaasha badankooda oo ay ku jiraan kuwa alle uu ina amray kama madhna inay leeyihiin dhib.

Waxaan ognahay in dagaalku uu leeyahay dhib iyo mashaqo badan, waxaan ognahay in cibaadadu leedahay dhib iyo mashaqo, hadana sidaas oo ay tahay ayaa la ina amray waayo faaiidada ku jirta iyo waxa laga helayo ayaa ka badan dhibka ay leedhay wuxuu yidhi allaah << Waxaa la idinku waajibiyay dagaal idinkoo neceb>> surat baqarah, ayah 216.

6.    Maslaxada iyo faaiidada ka dhalanaysa jihaadku waxay ka badantahay dhibka ka imanaya.

Hadii jihad yimaado waa in loo diyaar garoobaa in nafo badani ay baxaan maalbadanina uu baxo, waa in loo diyaar garoobaa in caruurbadani agoomowdo, dumar badanina carmal noqdaan, waa dhib laakiin waxaa ka badan faa’iidada ay inta dhimatay helayso oo ah jano, iyo inta nool oo ku noolaanaysa cisi iyo sharaf.

Waxaa tusaale inoogu filan qisadii wiilka yar iyo boqorkii uu rasuulku inooga sheekeeyey, isagoo rasuulku ina baraya in nafteena aynu waydaarsano marmarka qaar in dadka ay hidaayada iyo hanuunku gaadho, waa dhib in aad naftaada waydaa laakiin waxaa ka wayn waxa aad soo jiidayso ee faaiido ah.

وإن كانت الأبدان للموت أنشئت ...... فقتل امرئ في الله بالسيف أجمل

Wuxuu yidhi allaah << Waxaa la idinku waajibiyay dagaal idinkoo neceb waxaa laga yaabaa inaad nacdaan wax, isagoo khayr idiin leh, waxaa laga yaabaa inaad wax jeclaataan isagoo dhib idiin leh, ilaahaybaa wax og idinku se waxba ma ogidin >> surat baqarah, ayah 216.

Wuxuu yidhi ibnu taymyiah << Jihaadka iyo in maal la bixiyaa waxa laga yaabaa in ay tahay dhibaato, laakiin waxa ay faaiidadiisu ka badantahay dhibkiisa, sharcigaa ina amray>> majmuuca, juska 1aad, baalka, 265,

7.    Waxaa inagu waajib ah in aynu nusuusta shareecada raacno, wallow yayanaan caqligeena ku arkin wax maslaxo ah naskaase.

Wuxuu dabaraani kusoo arooriyay mucjamka wayn in uu yidhi saxaabigii raafic binu khudayj alle haka raali noqdee uu yidhi “Wuxuu rasuulku naga reebay oo noo diiday arin nafci noo lahaa, ilaahay iyo rasuulkiisa daacadooda ayaana na anfacaysa”

Ugu dambaysti waxaan munaasibadan uga faaiidaysanayaa in aan tilmaamo cajal aad u mufiid badan oo ku saabsan qadiyadan aan kazoo hadlaynay, cajalkaas oo cin waankiisu yahay “وطواعية الله ورسوله أنفع لنا” oo oo uu leeyahay shahiidka umada –sidaasaan alle uga rajaynayanaa- sh. Abu muscab alzarqaawi oo kamida silsilada “Ma dhibo ka khiyaameeyaa” oo ka kooban shan cajal, runtii waa silsilad mufiid ah oo loo baahanyahay in aynu dhagaysano.

Waa inoo iyo qormada qormadan xigta insha allaah iyo Xayaabo tirka heshiiskii xudaybiyah.

 

BIlaal hargeisaawi

Isniin / 18 shuwaal / 1428

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2007


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com