Ma dhabaa mise waa dhalanteed? [Faallo ku saabsan qoraal ku soo baxday wargeyska Gothenburg Post]
Inkastoon waafaqsaneyn warbixinta kutiri ku teenta ah ee laga qoray soomaalida reer Sweden hadana waxaan shaki ku jirin in mujtamaca soomaalida la oran karro waa kuwo iyaga u sabab ah waxyaabaha xun ee loogu tusaale qaato ama lugu tilmaamo had iyo goor ha ku sugnaadaan gudo iyo dibadba e. Saxaafadda afku labo waran laha ah ee reer galbeedka marka ay soo hadal qaado dadka lugu sheego soomaalida waxaa la tilmaama inta xun ee ay leeyihiin kuwaasoo si aan xishood laheyn looga qorro. Hadaba intaanan u dhaa dhicin dulucda qormadan ee igu kaliftay inaan qorro ayaan jecelahay marka hore inaan tusaalahan gaaban u soo qaado dadka aan doonayo inaan qalinkeyga ku difaaco waxa ay yihiin. Muddo aan sidaasi u dheereyn ayaan waxaan akhriyey buugg uu qoray qoraagii caanka ahaa ee Maxamed Daahir Afrax ee ugu magac daray "Dal dad waayey iyo duni damiir beeshay" Buuggaas oo qoraaga laftiisa oo ay wadaninimadu ku dheertay kag hadlayey dadka siyaasiinta ah ee dalkeena horboodayey dhowr iyo tobankii sanno ee tagtay iyo marxaladihii uu dalka soomaray intaba. Qoraaga wuxuu yiri " Shirkii Kenya ee kooxaha dagaal oogeyaalka ah ayaan ka qeybgalayey inkastoon kamid aheyn argedii shirkaasi si rasmi ah loogu cusmay. Waxaan sii raacnay diyaarad ay laheyd kuwa UN-ka oo ay saarnaayeen saraakiil UN-ka ah oo laftooda shirka u socday.
Waxaa igu jiray xasaamad wadaniyadeed oo aan islahaa Allaylaha maanta waxaad u tegi doontaa dad ay soomaalinimadu ka go'antay halkaasina lugu soo dhisi doonaa dowlad loo dhan yahay oo dalkii nabad ku soo dabaasha. Intii aan saarnaa diyaaradii ayaa waxaa xan iskula dhaqaaqay nimankii cadaanka ahaa ee shirka u socday. Mid kamid ah iyaga ayaa yiri "Ma u maleyneysaa in maanta soomaalida heshiinayaan oo dowlad ay soo dhisi doonaan,? Kii kale ayaa soo booday oo yiri hadey dowlad dhisan karaan ma heerkan ayey soo gaari lahaayeen" Markii labadii nin ay ereyadaasi is dhaafsadeen ayaan si xun u eegay oo indhaha ku gubay. Durba waxey dareemeen inaan ka xumaaday hadalkooda miishiise laga doonayey iney isku xishoodaan oo ay yiraahdaan waa nala maqlaye aan aamusno, dan iyo heelo kama geline halkoodii bey xanta ka siiwateen iyagoo hoosta ka nux nux leh. Markii aan tagay xeradii doofaaray ayaan waxaan u tagay ragg ku dagaalamay kuraasta war wareegta iyagoo ku hantaa tacya ineysan codkooda bixineyn haddii kursiga war wareegsama looga hor fariisto". Hadaba inkastoo tusaalahani yahay mid kamid ah kuwa ugu liito ee mujtamaca soomaalida lugu soo hadal qaato ayaa hadana jiraan qaar kale oo aan hadal iyo qoraal toona lugu dhameyn karrin. Balse waxaa xusid mudan in Qarankeeni aan ku duminay ciyaar iyo qabyaalad maantana arrintu tahay GOBANIMADII DHIIG badan loo soo daadshay in si sahal ah ay ku dhuntay cabsi dambane aan laga qabin in la helayo waxaase hubaati ah in sanado badan ay qaadaneyso in markale dib loo dhiciyo.
Hadaanse u soo dhaa dhaco ujeedada qoraalkeygan shalay oo aheyd axad taariikhduna aheyd 28 oktoobar waxaa wargeyska kasoo baxa magaalada Gothenburg ee wadankan Sweden ee la yiraahdo Gothenburg Post qoray qoraalo taxane ah oo ka kooban shan bogg kagana hadlayo dadka soomaalida ah ee ku nool magaaladatan. Inkastoo qoraalkani yahay mid maxali ah oo reer Sweden quseeya hadana waa mid la oran karro wuxuu saameyn ku leeyahay mutamaca kale ee qurbo jooga ah. Wargeysku wuxuu faallo dheer oo wati badan loo huray kaga hadlay dadka soomaalida ah waxa ay yihiin guud ahaantood.Wuxuu ku sheegay ninka faallada qoray isagoo kaashanaya nin lugu sheegay tarjumaan iney yihiin dad uu ugu yeeray "kuwa ceydha ama shabta xadda, aabeyaalka soomaalida oo aan carruurtooda daryeelin, dumarka oo carruuro badan dhala guryahana fadhiya,qoysaska iska qaba oo kala qoran, ragga oo inta badan leh xaas badan.
Dhalinyarada oo iyagana ah kuwo lugu soo qabto falal dambi ah oo iskugu jira dhac iyo kufsi, waxbarashada oo ay carruurta dugsiyada dhexe oo ku liitaan islamarkaasina aan la siin shahaadooyin fiican marka ay ka baxaan Dug. dhaxe.Jaaliyado ku sheega soomaalida oo ah kuwo inta badan lugu gorfooyo qabiilka qaadkana lugu cunno.
Hadaba intaasoo xumaato ah iyadoo qaar kamid ah jiraan islamarkaasina anoon ka nasaqeyn dadka soomaalida ah hadana ayaa waxaa mudan in la isweydiiyo ma run baa mise waa been la soo dhoob dhoobay warka lugu qoray wargeyska? Dabcan jawaabahan durba dadka soomaalida ah siyaalo kale duwan ayeyuga hadleen aragtidoodana uga dhiibteen.
Xilliga oo aan qorayo qoraalkan waxaan qadar daqiiqado ah soo galay xafiiskeyga shaqada oo aan dhameystirayey qoraalkan qabyada iga ah oo aan xalay dhameystiri karri waayey. Hase ahaatee intii aan ku soo socday shaqada ayaan la kulmay dhowr qof oo soomaali ah kuwaasoo ay wejiyadooda ka muuqatay carro xoog leh. Dadkani aan anigu arkay waa arday dhigta jaamacadaha magaalada, waxaana muuqata in weriyaha faalladan qoray uusanba arkin ardeyda tirada badan ee subax walba ku sii socda jaamacadaha hadduu arkayna uu iska indho tiray halka uu waqti badan ku bixiyey inuu dabagal ku sameeyo shan kun oo soomaali ah kuwaasoo badidooda ku sheegay kuwo tuugo ah oo ceydhaha xada. Durba waxey ogaayeen inaan saxaafada ku howlahanye waxey i su’aaleen sidaan u arko qoraalkii ku soo baxay wargeyska maalintii aheyd. Intaase u jawaabin ayaan qudheydeyda weydiiyey sidey u arkaan. Waxey ii sheegeen dadkan oo carro xoog leh ka muuqatay iney tahay arrin laga bad badiyey walow ay jiri karaan waxyaabaha qaar hadana dad gaaraya 5000 oo qof aysan noqon karrin tuugo wax xada.
Dhinaca kale waxaa jiray ardayad iyadana kamid ah kuwa dhigta jaamacada Göteborg qeybteeda daawooyinka in lugu soo qaatay cadadkii maanta oo isniin ah taasoo hormarka ay gaadhay gabdhaasi xusay. Hase ahaatee inantaasi waxey dhex dabaalatay caadafida soomaalida kala fogeysay taasoo ah iney dooneyso aqoonsi la siiyo jamhuuriyada isku magacowday Somaliland, halkii ay muujin laheyd ilaa xad soomaalinimada.
Waasiirada isdhexgalka Sweden oo eeda dusha uga tuurtay Soomaalida
Wasiirada isdhexgalka iyo sinaanta dalkan Sweden haweeneyda asalkeedu yahay Afrikan ee ee la yiraahdo Nyamko Sabuni ayaa iyadoo dhinaceeda ka hadleysa qoraalkii ka koobnaa shanta bogg ee shalay ku soo baxay wargeyska Gothenburg Post waxaa ay tilmaantay in soomaalida mas’uuliyadeeda leeyihiin islamrkaasina aan iska saarin mus’uuliyad sidey noloshooda u dabaran lahaayeen, waxaana ay meesha ka saartay in siyaasiinta Sweden aysan xalin karrin dhibaatoiynkaasi arrintuna aysan aheyn mid laga hadlayo carruur u baahan in wax loo qabto ee ay tahay dad waaweyn oo caqli leh si anshax xumi leh u dhaqmaya.
Dhinaca kale waxey carabka ku dhifatayin soomaalida dalkan ay yimaadeen xilli qaldan taasoo ay ula jeedo shaqo la’aanta baahda ee soomaalida ku heysata wadankan. Sanadkii 2006-da ayey wasiiradani xustay in shaqooyin badan ay soo baxeen soomaalidana aysan ka faa’iideysan.
“Haddii bilowgii sagaashameeyadii uu tobankii qof hal qof shaqo ka helay maantana 3 ayaa tobankaasi qof ka shaqo ka heshay”ayey yiri Nyamko oo hadalkeeda intaas ku dartay in marku waqti hagaago ay iyagana u wanaagsananeyso.Iyadoo dhinac kale cadeysay in dalkan hanaankuu u shaqeeyo yahay mid aan dadkan iyo ajanabiga kaleba gaarsiin macluumaad ku haboon.
Soomaalida kale ee qurbo jooga ah ma qabaan dhibkan oo kale mase lugu soo sawiraa wargeysyada waaweyn iyagoo xumaantooda la dhi dhigayo?
Inkastoon aan si toos ah uga warqabin xaaladaha kale ee ay ku nool yihiin qurbo jooga Soomaaliyeed hadana waxaan shaki ku jirin iney jiraan dhibaatooyinka maxaliga ah ee laga sheegayo soomaalida Sweden iney iyagana qabaan sida wargeysyada Sweden buun buuniso ka daran loo buun buuniyo.Xalay oo axad aheyd ayaan waxaan meel wada joognay weriye reer Sweden ahaan jiray oo dalka Ingiriiska u guuray qudhiisa oo faallada wargeyska lugu soo qoray ka xun ayaaii sheegay in hada ka hor wargeyska The Sun ee London ka soo baxa uu qoray qoraal cajiib ah. Taasoo u sheegay in ”dhalinyarro soomaali ah ay cuneen hilib dameer” xitaa la waayey qoobkii dameerkaasi meeley ka baxeen.
Sidoo loo heli karro Jaaliyado Soomaaliyeed oo mideysan kana hortaga wararka been abuurka ah ee saxaafadu qorto??
In la helo jaaliyad nooca ay tahay ma ahan wax adag hase ahaatee waxaa adag in la helo mid u adeegta bulshada matashana magaceeda. Magaaladatan Gothenburg waxaa ku yaala jaaliyado ku sheegto dhamaantoodna waxey taagan yihiin caadifado qabiil magacey wataana waa magaalooyin iyo tuulooyin ay asal ahaan ka soo jeedaan. Jaaliyadahan tirada badan ee lagacha dowlada uga cuna iyagoo sheegaya iney ku sameynayaan dhaq dhaqaayo iyo hormar waxaa la gudbuun iney xaqiiqda eegaan ee aysan fiirsan waxyaabaha foosha xun ee jaraa’idyadu ka qorayaan islamarkaasina ay abuuraan gudi kormeera waxyaabaha ay saxaafadu ka qorta lana xisaabtamo.
Magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa la ii sheegay in masaajidka ugu ee ay leeyihiin soomaalidu ragga sheegta wadaada ay isku dacweeyaan maaliiyin doolar oo ay dowlada yga cunaan iyagoo isku dac dacweeya dowlada. Sidoo kale magaaladan Gothenburg ayaa la mid ah oo wadaado ku sheega ay wax is daba marsiiyaan.
Isku soo duub soomaalida waxaa la gudboon iney jiifka ka kacaan oo ay meel cadowgooda uga soo jeestaan. Qaranimadii ay dhimiyeen ee gumeystaha gacanta u geliyeena waa iney markale dhiig u daadshaan sii loo celiyo gobanimadii ay dhumiyeenn.
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam_calikaar@hotmail.com