Gudniinka haweenka,ma sunne mise caado?
Arrinkan aan maanta doonayo
inshaa Allah in aan ka hadlo ma’ahan arrin aan dooddeedu anigu bilaabayo, balse
dad badan oo qorayaal caan ah baa arrintaasi ka sameeyay baaritaan kana hadlay
xaqiiqadeeda, sidoo kale waxaa arrintaasi si aad ah uga hadlay kana dooday
culumo fara badan oo la yaqaano,waxaase lagama maarmaan ah in walaalahayaga
Soomaalida ah ee muslimiinta ah in aan u soo gudbiyo xaqiiqada gudniinka
haweenka iyo asalka uu ku leeyahay diinta islaamka,waxaana jirta oo la wada
ogsoon yahay in dadka gudniinka samaynayo ay ku soo ganbadaan in gabadhu ay
sharaf u tahay haddii la gudo,haddii aan la gudina ay qiime dhacayso,sharaf iyo
karaamaba aysan lahaanaynin.
Erayga sharafna oo asalkiisu
yahay af carbeed afka Soomaaligana la oran karo waxaa lagu macneeyay,qof xume ka
dhowrsan,yacni qof wanaagsan ama qof xurmad leh,sharafkuna kuma xirna gabar
gudan ama gabar aan gudnayn,immisaa gudan oo aan sharaaf lahayn rag dhexdoodana
ka heesa kuna cayaara,iyagoo waliba madaxoodu iyo jirkoodu qaawan yahay, maxay
yihiin kuwaasi sharafka ay leeyihiin,immisaan gudnayn oo haddana sharaf iyo
qiime leh oo waliba wax bartay si sharaf lehna ku nool,niman sharaf lehna
qaba,marka waxaan u jeeda arrinka sharaf iyo gudniin wax is raaci karo ma’ahan.
Dooddu kama taagna gudniinka
haweenka (clitorydectomy) noociisa fircooniga ah,maxaa yeelay gudniinka noocaas
oo kale ah waa gudniin asalkiisu yahay silcin iyo ku xadgudub xuquuqda
haweenka,gudniinka noocan oo kale ahi lama ammaanin qof caqli iyo cilmi lehna
kama soo fulayso in gabadhiisa uu u gudo noocan fircooniga ah,iyadoo ay sidaas
tahay haddana meelaha qaarkood ee dunida ka mid ah waxaa lagaga dhaqma gudniinka
noocaas oo kale ah,kuwo gaal sheeganayo iyo kuwo islaam sheeganaayaba wey ku
dhaqmaan oo wey sameeyaan,waana arrin ku sugan jahli,meelaha sida xoogga looga
aaminsan yahaay waxaa ka mid ah dalkeena Soomaaliya inkastoo ay imminka soo
baxeen dad wax bartay oo caqli iyo cilmi leh diinta islaamkana si fiican u
bartay,lagamana yaabo oo laguma soo qaadi karo dadkaasi wax bartay in
gabdhahooda ay dhaawac u geestaan.
Dadkii hore ee casrigii
jaahiliyada ku noolaa ilaa iyo imminkana la helayo dad weli aaminsan afkaartooda
waxay haweenka u gudi jireen oo xubintooda muhiimka ah uga goyn jireen iyagoo u
arkaayay in haweenka ay yihiin sharka adduunka,waxayna gudniinkaasi uga dhigi
jireen ciqaab,qaarna waxay aaminsanaayeen in haweenka haddii aan la gudin aan
helaynin wax guursada,Yuhuudduna waxay faafiyeen wax been ah iyagoo sheegay in
haweenayda ay sabab u ahayd in jannada ay ka soo saaraty Adam taasina waa sheeko
Yuhuudeed aan sal ku lahayn diinta islaamka.
Sharcigu wuxuu yahay in arrin
kasta oo laga hadlayo ama laga doodayo in marka hore laga raadiyo ama loo
bandhigo kitaabka iyo sunnaha rasuulka sallallaahu calayhi wasallama, gudniinka
fircoonigana wax asal ah ee uu ku leeyahay kitaabka iyo sunnaha rasuulka
sallallaahu calayhi wasallama ma jidho,laakiin dhinaca kale gudniinka loo
yaqaano midka sunnaha ah iyadu waxaa ka taagan dood adag oo ma’ahan mid laysku
waafaqsaan yahay, dooddeeduna waa mid ballaaran,waxaana loo baahan yahay taxadar
iyo u kuurgelid ee ma’ahan in go’aan degdeg ah la qaato kadibna weerar lagu
qaado kuwa taageersan gudniinka sunnaha ah ee haweenka ama weerar lagu qaado
kuwa ka soo horjeeda iyadoo aan loo hayn daliil cad ah,haddii uu weerarku u
dhacana si emotional ah waxay keeni karta in culumo diinta noo jilciyay loo
gafo,waxaana la ogsoon yahay in bani’aadan kasta uu gefo,qof macsuum ahina aanu
jirin,rasuulkeena sallallaahu calayhi wasallama wuxuu yiri:bani’aadan kasta wuu
gefa,kuwa gefana waxaa ugu khayr badan kuwa toobad keena,macnaha toobad la
yimaada,xadiiskan waxaa soo weriyeen Tirmidi iyo Ibnu Maaja,sheekh Albani wuxuu
ku saxiixiyay kitaabkiisa caanka ah ee saxiixul jaamic iyo saxiixu Tirmid iyo
saxiixu Ibnu Maaja,Ibnu Xajarna wuxuu kitaabkiisa Buluugh Al-Maraam uu ku
sheegay in sanadka xadiiska uu xoog leeyahay.
Nooc kasta oo Gudniinka
haweenka ka mid ah waxaa diiday oo ka soo hor-baxay culumo badan iyagoo sheegay
in gudniinka haweenka aan loo baahnayn waxaana culumadaasi ka mid sheekh
Muxammuud Shaltuut,wuxuuna kitaabkiisa Al-Fataawa uu ku sheegay in gudniinka
haweenka uusan u lahayn wax faa’ido ah,wuxuu kaloo sheekhu intaa uu ku daray in
gudniinka haweenka ay caadaysteen carabtii hore,macnaha wuxuu u jeeda carabtii
jaahiliyada,takhaatiir badanna waxay sheegeen in gudniinka haweenka uu dhibaato
weyn u geesanayo caafimaadkooda,waxayna sheegeen in uu qaboojinayo rabitaankooda
galmeed isla markaana ay kuw aarayso xanuun jir ah iyo mid nafsada ah.
Bishii September sannadkii
1994 waxaa magaalada Qaahira ee dalka Masar lagu qabtay shir caalami ah oo looga
hadlayay horumarinta dadka,waxyaabihii ugu waaweyna ee shirkaasi lagaga hadlay
waxaa ka mid ahaa:gudniinka haweenka,sheekhul Azhar Muxammad Sayid Tantawi oo
waqtigaas ahaa muftiga dalka Masar wuxuu shaaca ka qaaday in gudniinka haweenka
uu yahay caado xun oo qadiim ah,mana jirto buu Tantawi sheegay meel ku soo
aroortay qur’aanka ama sunnaha rasuulka sallallaahu calayhi wasallama, lamana
hayo buu yiri sheekhu hal xadiis oo saxiix ah oo laysku raacsan yahay,wuxuuna
sheekhu sheegay: Allah baa mahad iska leh,in labadayda gabdhood ee Isra’ iyo
Safa’ aan gudin,sheekh Cabdulghaffaar Mansuur oo ahaa la taliyihii fiqiga
islaamka ee Maka ayaa isaguna shirkaasi ka caddeeyay in caadada gudniinka
haweenka aan laga aqoon Maka dhalashada nebiga sallallaahu calayhi wasallama ka
hor iyo kaddiba,mana jiro wax caddaynaya in nebiga uu guday gabdhihiisa,laakiin
dhinaca kale waxay tahay in aysan jirin wax kaloo caddaynaya in nebiga
sallallaahu calayhi wasallama uusan gudin gabdhiiisa.
Weli waxaa jira culumo kaloo
badan oo ka soo horjeeda gudniinka nooc kasta uu yahayba kana hadli doono,lakiin
su’aasha imaan karta waxay tahay:xukunka xadiiska ah haddii ay kulmaan labada
gudniin iyo xadiiska fitradu waa shan oo uu gudniinku ka mid yahay,waxaana
arrimahaasoo dhan uga hadli doona qormadayda danbe inshaa Allah.
Zahra Abdi Hersi
Holland
umubakar@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2007
Somaliland turns from Hope to Despair
XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY:
Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan
sano (1936-1941)
|