Ururka Al-qaacida oo ciqaabaya dowladad Uganda, haddii aysan ka bixin arrimaha Somalia.
BIN LADIN “Magaaladda Kampala waan bur-burineynaa”
Jariiradda Saturday Paper ee ka soo baxda Magaalada Kampala ee wadanka
Uganda ayaa sabtidii waxay qortay maqaal si aad ah saameyn ugu yeeshay dadka
reer Uganda, kaas oo ku saabsanaa hanjabaadyo cusub oo ka soo baxay Hoggaanka
sare ee Uuruka Al-qaacida wadaadka la yiraahdo Usama Bin Ladin.
Jariiradu waxay maqaalkeeda ugu magacdartay {Islaamiyiinta
Argagixisada ah ee AL-qaacidda oo ku ciqaabaya arrimaha Somalia Dowladda Uganda
iyo Usama Bin Ladino oo qorsheynaya inuu Qaraxyo ka fuliyo Magaaladda Kampala).
Jariiradda oo sheegeysa in ay sirtan heshay oo ka dhigeysa mid u
gooni ah iyada (Exclusive) waxay leedahay “Farriin cusub oo culus oo ka timid
Hoggaanka sare ee Ururka Al-qaacida Usama Bin Ladin ayaa sheegeysa in ururkiisa
AL-qaacida ay howl galo ciqaab ah ka fulinayaan Wadanka Uganda, ciqaabtaas oo
Uganda ay ku muteysatay fara galinteeda arrimaha Somali ka taagan iyo
ciidamadeeda ka jooga gobolka”
“Haddii Uganda aysan arrimaha Somalia ka fiirsan, Usama wuxuu
qorsheynayaa qaraxyo xoog leh oo ka dhaca Magaaladda Kampala, wuxuuna dooonayaa
in ay xanuunsato dowladda Uganda, isagoo ciqaab ahaan arrinkaas uga dhigaya,
waxaana hanjabaadan dhalineysaa weji cusub oo hore leh”.
Wargeysku wuxuu sheegayaa in al-qaacida ay leedahay awood xoog leh
“Sanadkii 1998 waxay dhulka dhigeen safaaradihii Mareykanku ku lahaa Wadamada
Kenya iyo Tanzania, sidaas oo kale waxay dhul bannaan ka dhigeen xaruntii
ganacsiga adduunka ee World Trade Center ee twin towers, sidaas oo kale waxay
fir-fircooni ku leeyihin wadamo badan oo ay ka shaqeeyaan, waxaana cad in ay
yihini koox Muslimiin argagixiso ah”
Maqaalkan oo uu la socday Sawirka Wadaadka wuxuu sare u qaaday
dareenka dad badan oo reer Uganda ah oo isku diyaarinaya soo dhaweynta iyo
casuumaada ku dhawaad madaxda 50-dal oo caalamka ah oo dabayaaqadda November
ilaa horaanta December shirka Commonwealth uu uga furmaya magaaladdan Kampala,
iyadoo ay shirkaas furi doonto Boqoradda INgiriiska Queen Elizabeth, waxaana
hanjabaadan ay dhaawici kartaa habsami u bilaabashada shirkaas iyo imaanshaha
wufuud badan oo ka qeyb qaadan doonta CHOGM 2007.
Sidaas oo kale wuxuu maqaalku ka hadlayaa qaabka qorshe ee ay
Uganda uga qaashaamaneyso hanjabaadaas Al-qaacidda, “Madaxweyne Museveni wuxuu
shir ku saabsan sidii Uganda uga hor tagi laheyd hanjabaadyaha iyo waxyeeladda
Al-qaacidda la yeelanayaa dhiggiisa George Bush, waxaana shirkaas uu yeelan
doona tix galin gaar ah, sidas oo kale Ciidanka Qaranka Uganda wuxuu diyaar u
yahay ka hor taga wax kasta oo lagu carqaladeynayo Nabadda Uganda, mana dhici
doonto in indha laga qarsado dhibaato soo socota, diyaar ayayna u yihiin difaaca
dalka iyo dadka, guuto kastaahina waa diyaarsan tahay”.
Wargeysku wuxuu maqaalkiisa ku soo daray “Ciidanka Midowga Africa
ee Muqdisho ku sugan todobaadyadii la soo dhaafay waxay ku jireen xaalad xun,
weeraro ayaa lala beegsanayay saacad kasta, waxaana ku dhaawacmay dhowr Nabad
ilaaliye oo ciidankeena ka tirsan, laakiin mar kasta waxay ciidankeenu ka
shaqeynayaan Nabadda, ilaa iyo haddana ma cada cidda weerarada la soo
beegsaneysay ciidankeena dhinacyadda isku haya magaaladda”.
Dowladda Uganda waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleysaa sidii si
nabad ah ay ugu qaban lahaayeen shirka Commonwealth oo Madaxweynayaal badani ay
ka soo qeyb gali doonaan, waxaana dareenka Ammaanku uu yahay mid la sii
adkeynayo, iyadoo Dowladdu ay soo fasaxday kumanaan ciidanka sida goonida ah u
tababaran ee SPC oo xaafad iyo degmo kasta ee wadanka ka tirsan dhex dhooban,
gaar ahaan caasimadda Kampala.
Waxaa soo aqriyay:-
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Email:-
farahblue_545@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 29, 2007
Kulan looga hadlay arrimaha Somalia iyo ciidamada Africa oo ka dhacay
Kampala, yaase ka soo qeyn galay kulankaas?
Kulan ay soo qaban qaabisay Safaaradda uu Mareykanku ku leeyahay wadankan
Uganda gaar ahaan Magaaladda Kampala, isla markaana ay ka soo qeyb galeen,
wasiir ku xigeenno, taliyaal, generalo iyo wakiilo ka socda dhowr safaaradooda
oo Africa iyo Yuurb iskugu jira, ayaa galabta ka dhacay qasriga Joachlim House,
waxaana kulankaas ku saabsanaa ka war jeynta iyo dhiiragalinta Ciidamada Midowga
Africa ee kugan Magaladda Muqdiso iyo u olo oleynta sidii wadamo kale oo African
ah ay ciidamo ugu diri lahayeen Wadanka fowdada iyo qasku uu ka taagan yahay ee
Somalia.
Is aragan oo qaatay muddo laba saacadood ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay
masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Gaashan-dhiga wadanka Uganda
haweyaneyda la yiraahdo Ruth Nankabirwa, Taliyaha Ciimada Lugata ee Uganda
General Katumbe Wmala, Taliyaha isku xirka good ahaan ciidamada Uganda Robert
Rusoke, iyo u qeysamaha arrimaha Africa ee Safaaradda Mareykanka Eric L.
Prenelow.
Somalia waxaa is aragtaas uga qeyb galay Guddoomiyaha Jaaliyadda SOmaliyeed
ee Uganda Mudane Xuseen Abuukar Xasan wuxuuna ii shegay in mas'uuliyiintii
kulanka ka soo qeyb galay ay marka hore isku baraarujiyeen in xaalad xun oo adag
ay Somalia ka jirto, ayna ka xun yihiin wax dhan ahaan ka jira dalka.
"Tacadiyo iyo falal xun oo ammaan darri ah ayaa ka jira SOmalia, waxaana ka
codsaneynaa dadka ay khuseyso in ay joojiyaan dhibka taagan" sidaa waxaa yiri u
qeybsanaha arrimaha Africa ee safaaradda Mareykanka Prenelow.
"Dhowr wadan oo African ah oo ciidamo u soo dira Somalia ayaan sugeynay, laakiin
weli ma soo dirin, waloow weli aan laga rajo dhigin, waxaana ka codsaneynaa in
Midowga Africa ay dar-dar galiyaan sidii loo soo kordhin lahaa ciimadamo gobolka
loo diro" ayay ku sii dartay Erica Prenelow.
Saraakiisaha Uganda ee is argaas ka sheekeyay ayaa iyaguna sheegay in ay
walaahooda Somalia la dadaalayaan, isla markaana ay Nabadda ka taakuleynayaam,
iyagoo sheegay in dhawaan ay ku darayaan ciidankooda ka jooga SOmalia 250 askari
oo kale, ayna la shaqeynayaa Midowga Africa iyo beesha caalamka wixii looga
baahdana ay diyaar la yihiin.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee halkan Uganda Xuseen Garweyne oo
xafladdaas ka qeyb galay ayaa sheegay in arrimaha Somalia ay u dhuun duleenaan
guud ahaan diplomatsiyiinta halkan joogta, isagoo sheegay inuu kulamo kale la
yeelan doono safiiro Kampala jooga oo ay galabta isku soo hadal qaadeen arrimaha
SOmalia, waxaana kulankii maanat uu gogol xaar u yahay kulan kale oo ballaaran
oo arrimaha SOmaliya looga wada hadli doono.
Dhawaan waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha wadankan Uganda Yoweri Kaguto
Museveni uu u duulo wadanka Mareykanka, halkaas oo uu wada hadallo arrimaha
Somalia kula soo qaadan doono dhigiisa Mareykanka Busha oo uu marti qaad ka
helay, iyadoo sidaas oo kale Uganda ay tahay wadanka kaliya ee ciidankiisa ku
aaminay dalka aan siyaasad iyo nabad degan intaba aan laheyn.
W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Kampala, Uganda
Email:
farahblue_545@hotmail.com
XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY:
Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan
sano (1936-1941)


|